Tusmo

Axkaamta masixida sharabaadka, khufaynka iyo kabaha:

Fudaydka diinta wayn ee Islaamka waxa kamida in ruuxa muslimka ah loo ogolyahay inuu masixi karo sharabaadkiisa, khufaynka ama kabihiisa, hadii la helo shuruudo cayiman.

Xukunka in la masaxo Khufaynka:

Khufaynku waa kab ka samaysan harag ama maas kaasoo asturaya cagta ilaa qoobka ama kuraankurta (canqowga). wayna banaantahay in la masaxo, waxaana u daliila xadiiskii nabiga (scw):

عَنْ سَعْدِ بْنِ أَبِي وَقَّاصٍ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ مَسَحَ عَلَى الْخُفَّيْنِ

Sacad ibnu Abiwaqaas waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu masaxay khufaynka korkooda. [Bukhaari:199]

Xukunka in la masaxo Sharabaadka/Sigsaanta:

Sharabaadka ama Sigsaanta in la masaxo kama sugna rasuulkii Ilaahay (scw) ee waxay ka sugantahay oo lagasoo wariyey saxaabo tiradoodu gaadhayso sadex iyo toban saxaabi oo masaxay sharabaadadooda ama sigsaantooda.

Ibnu Al-mundir wuxuu yidhi: “inay banaantahay sharabaadka masixidiisu waxa laga soo wariyey sagaal kamida saxaabada Rasuulkii Ilaahay (scw), Cali ibnu Abidaalib, Cammaar ibnu Abi Yaasir, Abi Mascuud, Anas ibnu Maalik, ibnu Cumar, Al-baraa ibnu Caazib, Bilaal, Abi Umaama iyo Sahal ibnu Sacad” [Al-awsad: (1/462)]

Ibnu Qayyim wuxuu dhahay: “Abu Daawuud wuxuu intaas ku daray, Abu Umaama, Camru ibnu Xariith, Cumar iyo Ibnu Cabbaas, markaa kuwaasi waa sadex iyo toban saxaabi” [Tahdiib Al-sunan:250]

Dhanka kale qiyaas ahaan marka la fiiriyo majirto farqi wayn oo u dhaxeeya khufaynka iyo sharabaadada.., in la masaxi karo sharabaadadana waa sida ay ku tageen culumo badan, sida Imaamu Axmed, Sufyaan Al-Thawri, Isxaaq ibnu Raahawayhi, Cabdilaahi ibnu Mubaarak, Xasan Al-basri.. [Tahdiib Al-sunan:251]

Xukunka in la masaxo Kabaha:

Hadii kabtu ay asturayso ama ay qarinayso cagta oo ay ku jirto kuraankurtu ama qoobabku, sida kabaha buudhka markaa way banaantahay in la masaxo kabtii, sababtoo ah wuxuu lamid yahay sida khufaynka oo kale. Hadii kabtu aanay asturay cagta oo dhan, sida dacaska markaa ma banaana in la masaxo, sida culumada islaamka badankoodu ay qabaan.

 

 

 

Shuruudaha masaxaada kabaha iyo sharabaada:

Dabcan in la masaxo sharabaadka, khufaynka iyo kabuhuba waxay leeyihiin dhawr shuruudood:

  1. Waa in marka aad gashanayso sharabaadka ama kabaha aad tahay ruux wayso qaba oo daahira, waysadaas oo aad dhaqdaya ama aad maydhay cagahaaga. waxaana u daliila xadiiskii Muqiira ibnu Shucbah, markii uu doonay inuu nabiga ka siibo khufaynkiisii kolkaasbuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw): “Iska dhaaf, waxaan galiyey (cagahayga) ayagoo daahira kadibna wuu masaxay” [Bukhaari:203]  Sidaas darteed marka aad rabto inaad masaxdo sharabaadka ama kabaha waa inaad wayso qabtay oo aad cagahaaga daahirisay.
  2. Shardiga labaad waa in sharabaadka yahay mid nadiifa oo aan najaaso lahayn, haduu najaaso leeyahay lama masixi karo. Waxaana u daliila xadiiskii nabiga (scw) markii uu kabihiisa siibay kadib markuu malaku Jibrii (Cs) u sheegay nabiga in kabihiisu najaaso leeyihiin.
  3. Shardiga sadexaad waa inaad sharabaada ama kabaha u masaxday kadib markii ay wayso jab yar kugu yimid, sida kaadi, saxare ama hurdo, balse hadii uu yimaado wayso jabka wayn sida janaabada, dhiiga xaydka ama nifaaska markaa masixidii way buraysaa, waxaana qofka ku waajibaya inuu qubaysto.
  4. Shardiga afaraad waa in masaxaadu waqtigeedii aanu dhamaanin, haduu waqtigu dhamaado way buraysaa masaxaadu.

Waqtiga loo ogolyahay inuu masaxo:

Ruuxa musaafirka ah ama socotada ah wuxuu masixi karaa sadex maalmood iyo sadex habeen, halka ruuxa deegaankiisa joogaa uu ka masaxayo hal maalin iyo hal habeen. Waxaana u daliila xadiiskii Cali ibnu Abidaalib (Rc):

 جَعَلَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ثَلَاثَةَ أَيَّامٍ وَلَيَالِيَهُنَّ لِلْمُسَافِرِ وَيَوْمًا وَلَيْلَةً لِلْمُقِيمِ 

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu u yeelay ruuxa socotada ah sadex maalmood iyo habeenadood, ruuxa deegaankiisa joogana hal maalin iyo habeenkeed. [Muslim:276]

Sidaas darteed ruuxa gurigiisa jooga wuxuu masaxayaa hal maalin iyo hal habeen (24 saacadood) oo ka bilaabmaysa, marka ugu horeysa ee ay waysadu ka jabto kadib markuu gashtay sharabaadkii.

Waxyaalaha Buriya Masaxaada:

Masaxaada waxa buriya waa sadex arrimood oo kala ah:

  1. Sharabaadkii oo aad siibto ama aad iska bixiso, mid ama labadaba. Ama sharabaadkii oo kaa dalooshama ama dhaawac soo gaadho.
  2. Mudadii laguu ogolaa oo kaa dhamaatay, hadii aad musaafir ahayd waxa laguu ogolaa sadex maalmood iyo habeenadood, hadii waqtigaasi dhamaado way burtay masaxaadii. Hadii aad u baahato inaad cusboonaysiiso waa inaad si dhamaystiran u wayso qaadataa kadibna aad gashataa sharabaadkii ama kabihii.
  3. Wax waajibinaya qubayska oo kugu yimid sida janaabo, xayd, nifaaska ama dhalmada. Markaa way buraysaa masaxaadii, waana inuu qofku qubays qaato oo is daahiriyo.

Waxa Diyaariyey: Abdulaziz Mohamed Oogle