Tusmo

Axkaamta Ciidu Al-daxada

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa axkaamta laynaga rabo inaan la nimaadno maalinta wayn ee Ciidu Al-adxaa.

Takbiirta:

Waxa la inoo sharciyeey inaynu takbiirano laga bilaabo salaada subax ee maalinta Carafo ilaa laga gaadhayo salaada casar ee maalinta sadexaad ee maalinta ciida ka danbaysa oo ah maalinta 13 aad ee bisha Dulxajj. Ilaahayna wuxuu dhahay:

وَاذْكُرُوا اللَّهَ فِي أَيَّامٍ مَّعْدُودَاتٍ ۚ 

Xusa Ilaahay maalmaha tirsan. [Suuratu Al-baqarah:203]

Maalmaha tirsan waa maalinta carafo, maalinta gawraca ama ciida iyo sadexda maalmood ee ka danbeeya. Wuxuu Ibnu Kathiir dhahay: “waa in la takbiirtaa, maalmaha tashriiqa (sadexda maalmood ee ka danbeeya ciida), marka laga baxo salaadaha faralka ah.”

Takbiirta raggu sare ayey u qaadayaan markay joogaan goobaha lagu cibaadaysto, suuqyada iyo guryahoodaba. Halka haweenku ayagu ay hoos u dhigayaan.

Qubayska iyo is qurxinta:

Waxa fiican in la qubaysto, maadaama goobta salaada ciida lagu tukanayo ay dad badan isugu imanayaan. Waxa kale oo wanaagsan in lagu labisto dharkaaga ugu fiican, ayadoon xadgudub lala imanaynin.

Haweenku ayaguna waa inay kasoo qeybgalaan salaada ciida, waxayna xidhanayaan dhar aan soo jiidasho lahayn, waxayna iska ilaalinaysa inay cadar ama barfuum isku shubto, si looga fogaado fitno.

Tukashada Salaada Ciida iyo Dhagaysiga Khudbada Ciida:

Waxa ruuxa muslimka ah laga rabaa inuu dadka muslimiinta la tukado salaada ciida, waxayna culumada islaamka qaar kamida qabaan inay waajib tahay in la tukado salaada iyo in khudbada ciidana la dhagaysto. Dumarkana waxa laga rabaa inay yimaadaan goobta salaada lagu tukanayo xitaa hadii ay heleen dhiigii caadada. Wuxuu Rasuulku (scw) dhahay:

يخرج العواتق وذوات الخدور أو العواتق ذوات الخدور والحيض وليشهدن الخير ودعوة المؤمنين ويعتزل الحيض المصلى 

Hasoo baxaan hablaha qaangaadhka ah iyo kuwa guryaha ku jira iyo dumarka xaydka helay, hana ka qeybgalaan khayrka iyo ducada mu’miniinta, hana ka fogaadaan (dumarka xaydka helay) goobta lagu tukanayo” [Bukhaari: 318]

Dumarka xaydka helay waxay imanayaan salaada ciida, balse marka salaada la tukanayo waxay istaagayaan dumarka dhabarkooda.

Gawraca Ulxada:

Marka salaada Ciida lagasoo baxo ayaa la gawracayaa neefkii ulxada ahaa, waxaana u daliila xadiiskii nabiga (scw):

سمعت جندب بن سفيان البجلي قال شهدت النبي صلى الله عليه وسلم يوم النحر فقال من ذبح قبل أن يصلي فليعد مكانها أخرى ومن لم يذبح فليذبح

Waxaan maqlay Jundub ibnu Sufyaan Al-bajali oo leh: Waxaan la joogay nabiga (scw) maalintii gawraca (ciida), markaasuu dhahay: “Cidii gawracday intaanu tukanin kahor haku celiyo (ha gawraco mid kale), cidiise aan gawricin ha gawraco” [Bukhaari: 5242]

Maalmaha ulxada la gawraco waa afar maalmood, waa malainta ciida iyo sadexda maalmood ee ka danbeeya. Wuxuuna dhahay Rasuulkii Ilaahay  (scw):

وكل أيام التشريق ذبح.

Dhamaan maalmaha tashriiqa (ciida iyo sadexda maalmood ee ka danbeeya) waa maalmo gawrac. [Silslada saxiixa Albaani: 2476]

Neefka aad ku ulxaysato waa inaad wax ka cuntaa:

Rasuulkii Ilaahay (scw) waxba muu cuni jirin illamaa uu salaada kasoo laabto, markuu salaada ciida kasoo noqdo ayuu cuni jiray neefkii uu ku ulxaystay.

In loo lugeeyo goobta salaada Ciida lagu tukanayo:

Hadii ay kuu suurtowdo, waxaad u lugaynaysaa goobta aad salaada ciida ku tukanayso. Sunnadana waxa kamida in lagu tukado meesha loo qoondeeyey salaada ciida, waa hadii aanay jirin wax cudurdaara sida roob da’aya oo kale. Markaas waxa lagu tukanayaa masaajidka.

Wadada aad martay oo la badalo:

Sunnada nabigeena (scw) waxa kamid ah in la badalo wadadii iyo jidkii aad martay kolkaad ku socotay salaada ciida.

In la isu hanbalyeeyo farxada Ciida:

Waxa wanaagsan in muslimiintu isu hanbalyeeyaan farxada munaasabada ciida. Saxaabada Rasuulkuna (scw) waxay isku bogaadin jireen farxada ciida.

كَانَ أَصْحَابُ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا اِلْتَقَوْا يَوْمَ الْعِيدِ يَقُولُ بَعْضُهُمْ لِبَعْضٍ : تَقَبَّلَ اللَّهُ مِنَّا وَمِنْك

Saxaabada Rasuulkii Ilaahay (scw) markay kulmaa maalinta ciida waxay badhkoodba badhka kale isku dhihi jireen: Ilaahay anag iyo idinkaba ha inaga aqbalo. [Fatxul Baari sharxi saxiix Al-bukhaari: xadiiska 908]