Tusmo

Waa maxay Ictikaaf?

Ictikaafku waa in lagu nagaado ama la joogo mudo mid kamid ah masaajidada lagu tukado jamaacada, waxaana ictikaafi kara nin iyo gabadhba, ku sooman ama mid aan soomanayn.

Maxaa u daliila Ictikaafka?

Daliilka 1aad ee Quraanka:

( وَعَهِدْنَا إِلَى إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ أَنْ طَهِّرَا بَيْتِيَ لِلطَّائِفِينَ وَالْعَاكِفِينَ وَالرُّكَّعِ السُّجُودِ ) البقرة/125

“Waxaan u waxyoonay nabi Ibraahiim iyo nabi Ismaaciil inay u nadiifiyaan baytkayga (xaramka) kuwa dawaafaya, kuwa ku ictikaafaya (ka nagaanaya) iyo kuwa ku rukuucaya ee sujuudaya (salaada tukanaya).” [Suurada Albaqarah: 125]

Daliilka 2aad ee Quraanka:

 ( وَلا تُبَاشِرُوهُنَّ وَأَنْتُمْ عَاكِفُونَ فِي الْمَسَاجِدِ ) البقرة/187

“Hana u tagina (dumarkiina) idinkoo ku ictikaafaya (ka nagaanaya) Masaajidka” [Suuratu Al-baqarah]

Daliika 3 aad oo Xadiisa:

عَنْ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا زَوْجِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَأَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَعْتَكِفُ الْعَشْرَ الْأَوَاخِرَ مِنْ رَمَضَانَ حَتَّى تَوَفَّاهُ اللَّهُ ثُمَّ اعْتَكَفَ أَزْوَاجُهُ مِنْ بَعْدِهِ

“Caasha oo ahayd xaaskii nabiga (scw) Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in Nabigu (scw) ictikaafi jiray tobanka danbe ee Ramadaan, illamaa Ilaahay ka oofsaday, kadibna haweenkiisii ayaa ictikaafay” [Bukhaari: 1922]

Waa maxay xukunka in lagu ictikaafo Masaajidka?

Xukunka ictikaafku waa sunne, marka laga reebo qofkii ku nadray inuu ictikaafo, nadarkuna waa waajib in la fuliyo.

 ( مَنْ نَذَرَ أَنْ يُطِيعَ اللَّهَ فَلْيُطِعْهُ ، وَمَنْ نَذَرَ أَنْ يَعْصِيَهُ فَلا يَعْصِهِ ) رواه البخاري (6696) .

“Ruuxii nadar ku gala inuu Ilaahay adeeco, ha adeeco. Qofkii nadar ku gala inuu ilaahay caasiyana, yaanu caasinin” [Bukhaari: 6696]

Waa maxay Shuruudaha Ictikaafku?

Shuruudaha ictikaafku waa:

  1. Niyada: Qofku waa inuu niyeystaa inuu ku ictikaafayo masaajidka, hadii aanu niyeysanin oo kaliya masaajidka iska fadhiisto, markaa wax ictikaafa malaha.
  2. Islaamnimo: Qofka ictikaafayaa waa inuu yahay muslim, hadaanu muslim ahayn kama ansaxayso ictikaafkiisu.
  3. Caqli: Qofka ictikaafayaa waa inuu miyir qabaa oo uu garaad leeyahay, ruuxa waalan kama ansaxayso ictikaafku.
  4. Qaangaadhnima: ilmuhu waa inuu gaadhaa da’da uu wax ku kala soocayo, ugu yaraan 7 sano jir.
  5. Inaanay jirin waxyaalo waajibinaya qubayska: sida gabadha oo heshay dhiigii xaydka ama nifaaskii.
  6. Waa in lagu ictikaafaa meel masaajid ah: Sida aayada Quraanka ah tilmaantay waa in lagu ictikaafa masaajid, haduu qofku gurigiisa ku nagaado uma noqonayso ictikaafka. Waxana waajiba in masaajidkaasi yahay mid lagu tukado salaadaha jamaacada.

Waa maxay xuduuda Masaajidku?

Masaajidka waxa soo hoos galaya dhamaan wixii xaydaarka masaajidka ku jira, sida manaarada masaajidka, qolalka albaabkoodu u furanyahay masaajidka, suuliyada masaajidka, meesha lagu wayso qaato ee masaajidku leeyahay, sagxada masaajidka iwm.

Haduu masaajid magacaabo ma badali karaa masaajidkii?

Hadii masaajid uu cayimay sida masaajidka Qudus inuu ku ictikaafo, kuma badali karo masaajid ka darajo hooseeyaa ee wuxuu ku badali karaa masaajid ka darajo sareeya sida masaajidka Rasuulka iyo masaajikda Xaramka.

Maxaa buriye Ictikaafka?

  1. Masaajidka oo laga baxo cudurdaar la’aan, waxay burinaysaa ictikaafkii sida : inuu suuqa aado, janaaso raaco, qof buka soo booqdo.
  2. Haduu niyadiisa kala gooyo: niyadiisii ahayd inuu ictikaafayo ayuu kala gooyey waxa ka buraya ictikaafkii, haduu rabana dib ayuu u niyeysan karaa oo wuu sii wadan karaa.
  3. In loo tago xaaskii: Hadii ninka ama gabadhu aya wadaagaan xidhiidh gogoleed waxa ka buraya ictikaafkii sida Ilaahayba aayadii hore inoogu sheegay.
  4. Biyaha shahwada oo la iska keeno: Hadii qofkii oo ictikaafsan uu biyaha iskaga keeno si iskiis ah (siigada) waxa ka buraya ictikaafkii.
  5. Haduu ridoobo: haduu qofkii gaaloobo waxa ka buraya ictikaafkii iyo camaladii kale oo dhan, Ilaahbaan ka magan galnee.
  6. Khamriga iyo maandooryayaasha: Hadii qofku cabo khamri ama isticmaalo maandooryayaasha waxa ka bura ictikaafkii, sida qaadka, sigaarka, shiishada, buurida, daroogada jidhka lagu duro iwm.

Hadii Ictikaafkii ka buro ma kafaaro gudbaa lagu leeyahay?

Qofkii ictikaafku ka buro wax kafaaro gud ah laguma yeelanayo, marka laga reebo ruuxii nadar ku galay inuu ictikaafayo, kaas waxa laga rabaa inuu maalmihii nadar uu ku galay uu soo qalleeyo iyo inuu kafaaro gudka dhaarta uu bixiyo.

Maxaa kamida cudurdaarada la ogolyahay in masaajidka lagaga baxo?

Qofkii ictikaafayey kama bixi karo masaajidka isagoo cudurdaar haysta mooyee sida; inuu soo xaajo gudanayo, qubays uu qaadanayo, dharka oo uu iska badalayo ama uu dhaqayo hadii ay wasakhoobaan, inuu aadayo masaajid kale oo salaada Jimcaha lagu tukanayo, inuu soo cuntaynayo hadii aan masaajidka cuntada loogu keenayn.

Sunooyinka ictikaafka:

  1. Qofka ictikaafayaa waa inuu waqtigiisa ku bixiyaa waxyaalaha Ilaahay u dhoweynaya sida; cibaadooyinka, quraan akhrinta, adkaarta, barashada cilmiga nafciga leh.
  2. Qofka ictikaafayaa waa inuu ka fogaadaa waxyaalaha macno darrada ah.
  3. Inuu qofku cayimo maalmaha uu ictikaafayo sida tobanka danbe ee Ramadaan.

 

Waxa Qoray: Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho:

Sheekh Saalix ibnu Fawzaan.