Tusmo

Abraha iyo dumistii Kacbada

Abraha wuxuu ahaa nin Xabashiya oo badhasaab ka ahaa wadanka Yamen, wuxuu xaasidnimo u hayey carabta iyo kacbada sharafta leh, kadibna wuxuu isku dayey inuu dadka ka leexiyo xajka magaalada Makkah. Sidaa darteed wuxuu dhisay kaniisad wayn oo aan hore loo arag, waanu qurxiyey, waxaanu u bixiyey Qulays.

Abraha wuxuu u diray warfidiyayaal boqorkii Xabashida kuwaasoo ugu bishaareeyey inuu dhisay kaniisad aan hore loo arkin, si ay dadku ugu soo xajaan.

Waxa ogaysiis loo diray magaaloyinka uu ka talinayey si loo siyaarto kaniisadaas. Carabtii ayaa ka cadhootay arrintaas una fahanatay in lagu cayaarayo muqadasaadkoodii.

Waxa la sheegaa in nin carabeed ay qaaday caadifadii, kadibna uu galay kaniisadii uuna ku dhex  xaajooday meeshii loogu talo galay in dadku siyaartaan. Arrintaasi markii ay gaadhay Abraha ayuu go’aansaday inuu burburiyo Kacbada.

Abraha iyo Ciidan hubaysan oo uu wato ayaa soo baxay si loo dumiyo kacbada sharafta leh. Carabtii ayaa maqashay in Abraha ku socdo Makkah kadibna waxa ka horyimid mid kamida boqoradii reer Yamen oo la dhaho Duu Nafar, hase ahaatee waa laga xoog batay waana la qafaashay.

Abraha iyo ciidankiisii waxay gaadheen dhulka reer Khathcam, waxaana ka horyimid oo la dagaalamay reer Khathcam oo uu hogaaminayo nin la dhaho Nufayl ibnu Xabiib balse isagana waa laga awood batay waana la xidhay.

Abraha socodkii isagoo sii wata wuxuu gaadhay reer Thaqiif  oo dagenaa magaalada Daa’if, waxa reer Thaqiif gashay cabsi, kadibna way is dhiibeen ayagoo muujinaya cudrdaaro, waxayna Abraha u sheegeen in sanamka ay haystaan aanu ahayn kacbadii. Reer Thaqiif waxay ku dareen ciidamadii Abraha nin Abraha tusaya wadada loo maro magaalada Makkah, waxa ninkaas la dhihi jiray Aburuqaal.

Abraha iyo ciidankiisii markay u dhowaadeen magaalada Makkah ayuu geeriyooday Aburuqaal. Waagii danbe carabtu dhagax ayey la dhici jireen xabaasha Aburuqaal, maadaama uu ahaa ninkii tusay Abraha dariiqa magaalada barakaysan ee Makkah.

Ciidankii waxay dageen meel la dhaho maqmaz, Abrahana wuxuu magaalada Makkah u diray Nin la dhaho Al-aswad, si loo sahamiyo magaalada. Markuu magaaladii galay ayuu dhacay laba boqol oo geela oo uu lahaa sayidkii reer Qureesheed ee Cabdulmudallib.

Geelii waxa loo keenay Abraha, kadibna wuxuu diray nin kale oo la dhaho Xanaadah. Wuxuu galay magaaladii,  wuxuuna la kulmay madax dhaqameedkii magaalada, isagoo u sheegay inaysan dagaal ama in dhiig daato aanay u iman ee kaliya ay uyimaadeen inay duminayaan Kacbada.

Cabdulmudallib wuxuu utagay Abraha, isna waa sharfay. Abraha kursigii uu ku fadhiyey ayuu ka kacay si uu usharfo sayidkii Reer Qureesheed ee Cabdulmudallib.

Abraha ayaa waydiiyey wuxuu doonayo Cabdulmudallib, wuxuuna ku jawaabay; inuu rabo xoolihii lagasoo dhacay.

Abraha ayaa la yaabay ninkan geela ka hadlaya, kacbada uu duminayana aan ka hadlayn. Cabdulmudallib wuxuu yidhi:  “Anigu waxaan leeyahay geelayga, kacbaduna Rabbi ilaaliya ayey leeyahay.”

Cabdulmudallib geelii ayaa loo celiyey, kadibna qoomkiisii ayuu ku noqday una sheegay inay ka baxaan magaalada.

Dadkii waxay u ordeen dhanka buurta, Cabdulmudallibna wuxuu ku dhagay daahyada kacbada isagoo baryaya Ilaahay. Abraha iyo ciidankiisii waxay u ruqaansadeen dhanka kacbada. Ciidanka Abraha waxay wateen maroodi loogu talo galay in lagu dumiyo kacbada.

Kacbada sharafta leh waxa dhisay nabi Ibraahiim iyo wiilkiisii nabi ismaaciil, waana baytkii ugu horeeyey ee loo dhisay dadka si ay Ilaahay kalidii ugu caabudaan.

Habaarqabe Abraha iyo ciidankiisa oo kibri iyo isla wayni ka muuqato waxa ka go’nayd inay dumiyaan kacbada sharafta leh.

Nufayl oo ku jiray gacanta ciidanka Abraha ayaa maroodigii la hadlay kuna ydihi ”dib u noqo Maroodiyow” kadibna Nufayl wuu baxsaday wuxuun galay buuraha.

Abraha iyo ciidankiisii waxa la yaab ku noqotay in maroodigii diiday inuu u kaco dhanka Kacbada, haday isku dayaan inay u kaxeeyaan dhanka Shaam, Yamen ama dhanka bariga maroodigu wuu u dhaqaaqayaa, hase ahaatee dhanka Kacbada wuu diiday.

Mudo kadib ayaa cirkii mugdi isu badalay, mise waa kooxo shinbiro ah oo afka ku sita dhagaxyo danabaysan kuna tuuraya ciidankii Abraha korkooda. Ciidankii waxay noqdeen wax halaagsamay oo shinbiriihii dhagxaanta watay ay haleeleen iyo kuwo naf la caaridkii firdhaday.

Ninkii Abraha waxa ku dhacay dhagxaantii shinbiraha, waxaana kala daadatay jidhkiisii, sidaasbaanu ku dhintay. Ilaaha wayn ayaa halaagay Abraha iyo ciidankiisii, waxaanu difacaay baytkiisii. Ilaahay qisadooda wuxuu ku sheegay suuratu Al-fiil.

Sanadkaas Ilaahay halaagay asxaabtii maroodiga, waxa loo bixiyey sanadkii maroodiga, waxaana dhashay isla sanadkaas nabigeena Muxamed (scw).

Carabtii qureesheed, markii Ilaahay badbaadiyey baytkiisii xaramka, waxa usii kordhay sharaf iyo karaamo iyo waynayn la waynaynayo dadka dagen magaalada Makkah iyo cida xukuntaba.