1. Waa maxay Zakaatul Fitridu?

Zakaatul Fitridu waa sadaqo waajib ku ah qof kasta oo muslima oo haysta quudkiisa maalinta ciida isaga iyo ciduu masuulka ka yahay, waxaana loogu magic daray Zakaatul Fitrida.

  1. Waa maxay xukunka Zakaatul Fitridu?

Xukunka Zakaatul Fitridu waa waajib ama faral ayuu ku yahay qof kasta oo muslima, lab iyo dhadig, ku yar iyo ku waynba, garaad ha lahaado ama garaad yaanu yeelanin, adoon ha ahaado ama xor ha ahaado. Waxaana u daliila xadiiska nabiga (scw):

عَنْ ابْنِ عُمَرَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَرَضَ زَكَاةَ الْفِطْرِ مِنْ رَمَضَانَ عَلَى النَّاسِ صَاعًا مِنْ تَمْرٍ أَوْ صَاعًا مِنْ شَعِيرٍ عَلَى كُلِّ حُرٍّ أَوْ عَبْدٍ ذَكَرٍ أَوْ أُنْثَى مِنْ الْمُسْلِمِينَ

“Ibnu Cumar waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) ku faral yeelay Zakaatul Fitrida Ramadaanka dadka korkooda (inay bixiyaan) hal saac (Afar mug) oo timir ah, amah al saac oo qamandiya, (waxayna waajib ku tahay) ku kasta oo xor ah, adoona, lab iyo dhiadig ah oo musliina” [1]

  • Dhanka kale Muslimiintu waxay isku waafaqeen in Zakaatul Fitridu waajib iyo faral tahay.
  • Ninkana waxa ku waajiba inuu ka bixiyo ubadkiisa Zakaatul Fitrida, iyo sidoo kale waa inuu ka bixiyaa xaaskiisa, balse hadii ninku aanu awoodin waxa iska bixinaysay haweenayda.
  • Sidoo kale ninka waxa ku waajiba inuu Zakaatul Fitrida ka bixiyo cidii kale ee uu masuul kayahay sida labadiisa waalid iwm.
  • Sidoo kale ninku waa inuu ka bixiyaa xaaskiisa ay kala tageen waa hadii ay wali ku jirto cido tirsigii. Waxaana u daliila xadiiskan: ( أدوا صدقة الفطر عمن تمونون ) (Ka bixiya Fitrada cidaad quudisaan).[2]Xadiiskanina waa daciif ayey culumadu dhahaan-
  • Balse ninka kuma laasimayso inuu ka bixiyo gabarta aan wali lala aqal galin ee sii joogta guriga waalidkeed, maxaa yeelay wali kumaysan waajibin quudinteedu.

 

  1. Goormaa lasoo sharciyeeyey Zakaatul Fitrida?

Waxa la sharciyeey sanadkii labaad ee hijrada, waana isla sanadkii la sharciyeey soonka bisha barakaysan ee Ramadaan.

  1. Waa xikmada iyo fadliga bixinta Zakaatu Fitridu?

Xikmada loo sharciyeey iyo fadligeedu waa badanyahay waxaana kamida:

  • Inay toosiso wixii kaa kharribmay soonka bisha Ramadaan:

فَرَضَ رَسُولُ اللَّهِ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ – زَكَاةَ الْفِطْرِ طُهْرَ الصِّيَامِ مِنَ اللَّغْوِ وَالرَّفَثِ ، وَطُعْمَةً لِلْمَسَاكِينِ .

“Wuxuu Rasuulkii Ilaahay waajibiyey Zakaatul Fitrida- ayadoo soonka ka daahirinaysa Laqwiga (hadalka kiisa xun) iyo faaxishada.”[3] Sidaas darteed ayey culumadu u dhahaan: “Zakada Fitradu waa sida sujuuda Sahwiga salaada.

  • Quudinta Masaakiinta si farxad loo galiyo maalinta ciida oo ay ula ciidaan walaaladooda ciidsan, sharciguna ma ogola in maalintaas qof muslima gaajoodo.
  • Sidoo kale Zakaatul Fitridu waa u mahadnaqa Ilaahay (swt) inuu Allah u dhamaystiray bishii Ramadaan.

 

  1. Waa maxay Shuruudaha Zakaatul Fitrida?

Shuruuda Zakaatul Fitridu waa laba arrimood:

  • Islaamnimada, maxaa yeelay ruux gaal ah lagama aqbalayo sadaqooyinkiisa iyo Zakaatul Fitriga toona.
  • Waa inuu awooda bixinta Zakaatul Fitrida: Awoodana waxa looga jeedaa waa inuu ruuxu haystaa cunto ka badan maalinta ciida iyo habeenkeeda isaga iyo cidii uu masuulka ka ahaa.

 

  1. Waa xillima goorta ay waajibka tahay in la bixiyo Zakaatul Fitrida?

Waqtiga ay waajibka tahay Zakaatul Ftridu waa marka qorraxdu dhacdo maalinta u danbaysa Ramadaan ee barrina ay tahay Ciidka illamaa laga tukanayo salaada Ciida. Sidaas awgeed cidii guursata, ama ilmo loo dhalo ama soo islaama intaan qorraxdu dhicin kahor waxa lagu leeyahay Zakaatul Fitrida, balse qorrax dhaca kadib kuma laasimayso Zakaatul Fitridu. Cidiise dhimata habeenka ciida ee barri la ciidayo wax aka waajibaysa Zakaatul Fitridii.

 

  1. Waa xillima waqtiga ugu fiican ee la bixiyo Zakaatul Fitrida?

Waqtiga ugu fiican ee la jecelyahay in la bixiyo Zakaatul Fitrida waa maalinta Ciida salaada kahor, maxaa yeelay Rasuulka (scw) ayaa dadka faray in la bixiyo kahor intaan dadku tukanin salaada Ciida.

 

  1. Waa goorma waqtiga ay banana tahay in la bixyo Zakaatul Ftrida?

Waqtiga ay banana tahay waa  in la bixiyo Zakaatul Fitrida waa maalin ama laba maalmood kahor maalinta Ciida, waxaana u daliila xadiiska ibnu Cumar ee uu lahaa:

وَكَانُوا يُعطُونَ قَبلَ الفِطرِ بِيَومٍ أَو يَومَينِ

“Waxay bixin jireen kahor ciida maalin ama laba maalmood” Bukhaari[4]

 

  1. Waa goorma xilliga ugu danbeeya ee la bixinayo Zakaatul Fitrida?

Zakada waa in la bixiyaa salaada Ciida kahor, hadii ay ka danbayso salaada Ciida ma noqonayso Zakaatul Fitri ee waa sadaqo kamid ah sadaqooyinka caadiga ah. Waxaana u daliila xadiiska nabiga scw:

(من أداها قبل الصلاة فهي زكاة مقبولة، ومن أداها بعد الصلاة فهي صدقة من الصدقات) رواه أبو دواد وغيره.

“Cidii bixisa salaada kahor waa Zako la aqbalayo, cidiise bixisa salaada kadib waa sadaqo kamida sadaqooyinka” [5]

 

  1. Majirtaa cudurdaaro la qiimaynayo hadii dib uga dhaco salaada kadib?

Hadii qofku cudurdaar leeyahay sida in qofkii loo wakiishay Zakaatul Fitriduba halmaamay, ama si kadis ah ay ugu soo gashay maalinta Ciidu isagoon ogayn oo u malaynay in Ramadaan ay noqonayso kolkaa hadii qofkaasi bixiyo salaada kadib way gudmaysaa, sababtoo ah cudurdaar ayuu leeyahay.

 

  1. Zakaatul Fitrida maxay ku waajibtaa oo laga bixiyaa?

Zakaatul Fitridu waxay ku waajibtaa cuntada laga isticmaalo deegaanka aad ku nooshahay, sida Bariiska, Gallayda, Timirta, Qamandida, Gidirta iyo wixii lamida oo cunto ah. Waxaana u daliila xadiiska Aba saciid Alkhudriyy:

 

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ قَالَ” كُنَّا نُخْرِجُ زَكَاةَ الْفِطْرِ إِذْ كَانَ فِينَا رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَاعًا مِنْ طَعَامٍ صَاعًا مِنْ تَمْرٍ صَاعًا مِنْ شَعِيرٍ …”

“Aba Saciid Alkhudriyy waxa laga wariyey inuu dhahay: “Waxaan ahayn kuwo bixiya Zakaatul Ftitrida, markuu nala joogay Rasuulkii Ilaahay (scw), hal saac oo cunto ah, hal saac oo timir ah, hal saac oo qamandi ah…” Sunan ibnu Maajah[6]

 

  1. Waa maxay miisaanka waajibka ah in laga bixiyo cuntada Zakaatul Fitrida?

Sida kusoo aroortay Xadiisku waah al saac oo timir ah ama cuntooyinka kale ah, saacuna waa afar qaado gacmeed ah, laguna qiyaaso inay tahay laba kilo iyo afartan garaam, 2.40kg.

 

  1. Lacag malagu bixin karaa Zakaatul Fitrida?

Sida kusoo aroortay xadiiska, waxa la bixinayaa waa in ay cunt noqdaan sababtoo ah maalintaas waa in cid muslimiinta kamid aanay gaajoon, sidaas awgeed culumadu badankoodu waxay dhaheen lacag lama bixinayo ee badalkeeda waa in la bixiyaa cunto. Balse hadii ay maslaxo keento ama lagu qasbanaado culumada qaar ayaa banaayey, sida saxiixa ahna waxay tahay in Zakada Fitridu ku koobnaato cunto kaliya.

 

  1. Yaa lasiinayaa Zakaatul Fitrida?

Waxa la siinaya fuqarada iyo masaakiinta oo kaliya waana siduu doortay Shekh ibnu Taymiyah. Mana banaana in lasiiyo Zakaatul Ftirida cida aad kamasuulka tahay nafaqadooda, sida ubadkaaga, haweenaydaada, waalidka iwm. Sidoo kale ma banaana in lasiiyo cidaan muslim ahayn.

 

  1. Fuqarada laftigooda maku waajibaysaa Zakaatul Fitridu?

Fuqarada hadii ay haystaan maalintaas cunto kabadan isaga iyo ciduu masuulka ka yahay way ku waajibaysaa waana inuu bixiyaa miskiinkaasi.

 

  1. Ma banaantahay in lasiiyo Zakaatul Fitrida hal miskiin ama in loo qaybiyo dhawr miskiin?

Haa, way banaantahay in hal faqiir lasiiyo Zakaatul Fitrida, sidoo kalena way banaantahay in loo qaybiyo dhawr faqiir, waxaana haboon in lasiiyo dadyowga qaraabada aad tihiin balse aan quudinteedu kugu waajibayn. Wallahu aclaa wa aclam.

 

WD: Abdulaziz Mohamed Oogle


[1] Saxiix Muslim (984)

[2] “المغني” (2/362) .

[3] Abudaawuu

[4] Bukhaari: (1511)

[5] Abudaawuud

[6] Ibnu Maajah: (1829)