Tusmo

Suurtagal matahay in gabadh ay dhasho ilmo aanay hadana hooyo u ahayn?

Bismillah, walaalayaal su’aashan ma la yaabantahay? dabcan aniguba mudo dheerbaan fajacsanaa, waxaan filayaa inaad maqasheen xadiis caan ah oo ka sugan nabigeena Muxamed (scw), macnihiisuna ahaa calaamada qayaame waxa kamid ah in gabadh adoon ah ay dhasho mudanaheeda! bal marka hore ila akhriso xadiiska oo ku qoran afka carabiga iyo tarjamadiisa:

عن أبي هريرة قال .. قال متى الساعة قال ما المسئول عنها بأعلم من السائل وسأخبرك عن أشراطها إذا ولدت الأمة ربها ..

“Aba hurayra waxa laga wariyey inuu dhahay: .. wuxuu dhahay (malak Jibriil) iiga warran Saacada? wuxuu yidhi nabigu: kan la waydiinaya ugama aqoon badna ka wax waydiinaya, waxaanse kuu sheegayaa calaamadaheeda, marka ay adoontu dhasho sayidkeeda (mudanaheeda).” Bukhaar (50) iyo Muslim (10).

Dabcan culumada islaamku way isku khilaafeen macnaha looga jeedo in gabadh ay dhalayso mudanaheeda. Qolo waxay tidhi: waa muslimiinta oo ku duulaya gaalada kadibna dumarkooda qafaalaanaya markaasna ubad ay u dhalayaan, ubadkaasina ay mudanyaal u noqonayaal hooyooyinkood, hadii macnahaas lagu fasiro ma tilmaamayso in ay kamid tahay calaamada saacada qayaame sababtoo ah islaamka kahor iyo kadib way jirtay in dumarka la qafaasho oo ay ilmo u dhasho boqorkeeda dabadeedna wiilkii aabihii kadib uu noqdo boqorka sidaasna uu hooyadii mudane ugu ahaado.

Qolo kalena waxaytidhi waa ilmaha oo noqda mid ku adag waalidkii oo caaq noqda, waana fasirka loo badanyahay, oo inbadan dunida iminka ka dhacda in ubadkii hooyadood ay baraan sida loo dhalo ayadoo ayaga dhashay, ama ay u madx adaygaan oo ay waalidkii cabsi iyo warwar ku noolaadaan.

Laakiin macnahaas laftigiisana waxa la dhihi karaa hada kahor wuu jiray caruur ku madax adaygta waalidkood oo xitaa waalidku haduu madax yahay intay jagada ka tuuraan ayey ayagu noqon jireen madaxweyne markaasna waalidkii adoon ka dhigi jiray iwm.

Dabcan xadiisku wuxuu sheegayaa arrin mucjiso ah oo dhici doonta markuu qayaamuhu qariibka yahay, oo ah in gabadhu ay dhasho ilmo asal ahaan aanay hooyo u ahayn oo leh hooyo iyo aabo kale, subxaanAllah.

Walaalayaal, anigoo xadiiskan la cajabsan ayaan akhriyey maqaal uu qoray Eng Abdidaa’im Al-kaheel oo ah aqoonyahay muslim ah oo inta badan ka faalooda mucjisooyinka sayniska ah ee Quraanka iyo Sunnada. Maqaalkaasi wuu isoo jiitay waxaanan arkay cinwaanka maqaalka oo ah suurtagal ma tahay in gabadhi ay dhasho ilmo aanay asal ahaan hooyo u ahayn!

Walaalayaal, waxa maqaalkaasi is barbardhigayaa macnaha xadiiskan iyo arrin cusub oo soo ifbaxday sanadii ugu danbeeyey oo ah in la kala kireysto makaanka ama riximka hooyada, waxa loo yaqaanaa womb for rent!!!

sababtuna waxa weeye aqoonta bani- aadamka oo horumartay, kadibna loo isticmaalay waxyaalo sharci ahaan aan banaanayn, waxa lasoo qaadayaa nin iyo gabadh is qaba biyahooda kadibna waxa lagu beerayaa gabadh laga kiraystay makaankeeda ama riximkeeda waa meesha ilmo galeenka, waxaana la siinayaa lacag si ay ilmahaas ay udhasho kadibna waxa ilmihii qaadanaya dadkii uu ilmuhu asal ahaan kasoo jeeday.

Walaalayaal, waxa kale oo jira in lakala xado ilmo galeenka, hooyadii oo uur leh markaasna foolanaysa ayaa laga soo saarayaa ilmo galeenkee sidaana lagu xadayaa, arrintaasina way dhacday, Ilaahaybaan ka magan galnee.

Iminkana waxa jira lamaane is qaba oo aan wax ubad ah isu dhalin, laga yaabaa in midkoodu uu xanuusanay, waxayna haystaan lacag ku filan inay iibsadaan ilmo galeen gabadh kale. Kadibna dhakhtarka ayey u tagayaan oo ka qaadaya ugxan isla falgashay, (sperm and egg) ninka iyo gabadha markaasna ku beeraya ama ku tallaalaya gabadhii faqiirada ahayd ee u baahnayd lacagta sidaasna waxay ku dhalaysaa ilmo aanay asal ahaan hooyo u ahayn. Maadaama lamaanihii lacagta lahaa ya doonayaan inay korsadaan ilmaha, waxay hooyadiisii dhashay noqonaysaa adoomad oo kale, sidaasna ilmihii wuxuu mudane ugu noqonayaa gabadhii dhashay. SubxaanAllah.

Markaa ma laga yaabaa in xadiiskan cajiibka ah uu ka hadlayo arrintan yaabka ah ee xilligan casriga ah soo if baxday,..

Run ahaantii falka noocaas ah waxa ka dhalanaya axkaam sharci ah, mana aha wax banaan, sida culumadu ay sheegeen, sababtoo ah waxa khalkhal galaya nasabka ilmaha dhalanaya, shareecada maqaasideedana waxa kamid in la ilaaliyo nasabka. Wallahuaclam.


Xigasho: Kaheel7

WD Abdulaziz Mohamed Oogle