1. Ikhlaas (camalka oo aad u gaar yeesho Ilaahay):

Waxa waajib ah inaad ikhlaad ula timaado Ilaahay, kana dhigto barashada Quraanka Kariimka ah mid aad Ilaahay wajigiisa wax kaga rabto, kuna rajaynaysa inaad ku gaadho raali ahaansho xaga Ilaahay iyo Jannooyinkiisa. Wuxuu Allah dhahay: ( فاعبد الله مخلصا له الدين) (Ilaahay caabud adigoo u gaaryeelaya diinta). Sidoo kale xadiis Qudsiya wuxuu Allah ku dhahay: “Anigu waan ka deeqtoonahay kuwa shirkiga la imanaya shirkigooda, ruuxii la yimaada camal uu ila wadaajinayo cid kale oo qayrkay ah waan uga tagaa isaga iyo shirkigiisaba.” Sidaa daraadeed wax ajir ah ama abaalmarina ma helayo ruuxu haduu u barto Quraanka istusnimo iyo ismaqashiin.

  1. Waa inaad iska saxdaa ku dhawaaqida xuruufaha Quraanka iyo qiraa’ada.

Inaad iska saxdo ku dhawaaqida xuruufaha Quraanka ama qiraa’ada waxa kaliya uu noqonayaa in lagaa dhagaysto Quraanka, gaar ahaana cida kaa dhagaysanaysaana ay tahay cid xifdisan Quraanka, yaqaanana tajwiidka iyo axkaamtiisa. Quraanka waxa lagu bartaa in cid kale kaa dhagaysato, sidaasbaanu inagu soo gaadhay oo saxaabada wax ka dhagaystay Nabiga (scw) waxayna ka qaateen carrabkii Rasuulka, ayagiina sidii loogu sheegay ayey usoo gudbiyeen.

  1. Waa inaad xadidataa markasta inta aayadood ee aad xifdinayso:

Waxa ku waajiba ruux kasta oo baranaya Quraanka Kariimka ah inuu xadido aayadaha uu xifdinayo marwalba. Markuu xadido ee uu iska saxo ku dhawaaqida aayadaha iyo xuruufta wuxuu bilaabayaa inuu ku celceliyo aayadaha dhawr jeer. Qaabka loogu celcelinayo aayadahana waa inuu ku dheehanyhay luuq fiican sababtoo ah hadii qofku ku luuqeeyo Quraanka, wuu fududaanayaa lagumana daalayo akhrintiisa. Nabiguna wuxuu dhahay:  ليس منا من لم يتغن بالقرآن )) (Nagama mid maaha Ruuxaan ku luuqaynin Quraanka).

  1. Aayadihii aad xadidatay inaad xifdido ha dhaafin illamaa aad ka xifdinayso.

Waxa waajiba inaanad dhaafin aayadaha kuu xadidan maalintaas inaad xifdido adigoon sifiican u xifdiyin. Waxyaalaha fududaynaya ama sahlaya xifdinta Quraankana waxa kamida inaad aayadihii aad xifdiday ku tukato salaadaha, hadii salad hoos loo dhigayo qiraa’ada tahay waxaad u dhigaysaa hoos hadii kalena sare ayaad ugu dhawaaqaysaa. Sidoo kale waqtiyada u dhaxeeya salaadahana waxaad akhrinaysaa aayadihii aad xifdiday maalintaas, waxayna arrintaasi keenaysaa inaad si wacan u weelaysay tiradii aayadaha ahayd eek u xadidnayd maalintaas, balse hadaad dhaafto adigoo si wacan u xifdiyin markaas waxa kugu adkaanaya xifdinta Quraanka, waxaanad dareemaysaa caajis iyo daal badan.

  1. Masxaf kaliya ka xifdi Quraanka:

Si ay kuugu sahlanaato xifdinta Quraanka Kariimka ah waa inaad ka barataa ama ka akhridaa hal masxaf oo kaliya, sababtuna waxa weeye qofka bani aadamku wuxuu wax ku bartaa maqalka iyo aragaba, sidaas darteed hadii aad Quraanka ka akhrido hal masxaf waxa kuu suurtoobaya aragii iyo maqalkii oo wada socda, wayna ka fududaanaysaa hadii aad masaaxiif kala duwan ka akhrido.

  1. Taffsiirka macnacaha Quraanka way sii fudaydinaysaa xifdiska Quraanka.

Hadii aad barato ama dhagaysato tafsiirka Quraanka, waxa kuu sahlanaanaya inaad ogaato siduu Quraanku iskugu xidhanyahay, iyo macnihiisu sida ay u wada socdaan. Basle hadii aanay kuu suurtoobayn barashada tafsiirku waa inaad ku dadaashaa ku celcelinta Quraanka Kariimka.

  1. Waalidkaas ama asxaabtaadu hakaa dhagaystaan Quraanka

Intaanad maclinka ku baraya Quraanku kaa dhagaysan waxa wanaagsan inaad u tagto cid taqaana axkaamta Quraanka oo kaa dhagaysata kuun sheegaya meelaha aad qaldayso. Waligaa markaad xifdinayso haku koobin xifdinta naftaada oo kaliya ee u bandhig ehelkaaga, asxaabtaada iyo macalimiintaada. Sidoo kale subciska maalinlaha ahna aad ayuu uga qaybqaata xifdinta kitaabka Quraanka.

  1. Waa inaad leedahay maalintii wirdi Quraan ah

Quraanka hadii aan la akhrinin isagaa ka baxsasho fog geela baadida ah, sidaas awgeed waxa waajiba inaad maalintii leedahay wirdi Quraana oo aad u cayimto waqti kamida maalintaada. Tusaale ahaan hadii aad maalintii akhrido hal Juz oo Quraana, kuna tukato halkaas Juz salaada habeenka, waxaad si fudud u noqonaysaa xaafidul Quraan.

  1. In laga faaidaysto dhalinyaranimada:

Xifdintu waxay ku wanaagsantahay intuu qofku yaryahay, lagasoo bilaabo da’da 5 aad illaa 21 sano jir waxa uu ruuxu xifdinkaraa wax walba oo uu go’aansado. Hase ahaatee ruuxa da’diisu hadii ay wayntahay waxa kora fahamkiisa, sidoo kalena hoos ayey u dhacdaa xifdintiisu, sidaas darted ayey culumadu u dhahaan: “Xifdinta qofku markuu yaryahay waa sida dhagax la nakhshadiyey” Waxa looga jeeda sida dhagaxaas la qoray oo kale ayaa Quraankuna ugu qormayaa maskaxda iyo maanka qofka da’da yar.