Tusmo

Waa maxay Waswaaska qasabka ah?

Waswaasku waa fikrado cayiman oo ruuxu rumaysto taaso saamaynkarta dareenkiisa, hab dhaqankiisa iyo go’aanqaadashadiisaba, ayadoo ruuxu hadana ku qanacsanyahay in fikradahaasi yihiin kuwo llita. Waswaaska qasabka ah wuxuu ku dhacaa had iyo jeeraale dadka wanaagsan, ee wax qabadka leh.

Tusaale ahaan:

  • Ruux ayaa ku fakaraya in gacmihiisu aanay nadiif ahayn kadibna wuxuu ku celcelinayaa inuu nadiifiyo gacmihiisa in kabadan xadigii caadiga ahaa, ama qofku uu nadiifiyo nadaafad xad dhaaf ah gurigiisa iwm, isagoo ka cabsi qaba in nijaas ama cudur uu ka qaadayo goobtaas hadaanu si xad dhaaf ah unadiifin, fikradaas ayaa ruuxa kusoo laablaabanaysa illamaa ay ka noqoto caado iyo dhaqan uu markasta ku fakarayo.
  • Dadka qaar leh waswaaska qasabka ah ayaa ku fakara fikrado ka dhan ah dadka kale, wuxuu u haystaa in dadka kale colo la yihiin, ama ya xamanaayaan ama ay dhib u geysanayaan, kolkaa fikradaas marka ay ku timaado qofkii wuxuu galayaa feejignaan dheeraad ah oo xad dhaaf ah.

Calaamadaha Waswaaska:

Calaamadaha Waswaasku waxaynu kusoo koobi karnaa sadex qaybood oo waa weyn,:

  • Fikrado xun, oo waswaasku keeno sida in ruuxu dhib isu gaysto ama uu dadka kale dhib u gaysto.
  • Fikrado Faaxisho ah, sida zinada, liwaadka iwm.
  • Fikrado dhaqan xumada diinta ah, sida shaki kaga yimaada qofka jiritaanka Ilaahay, ama shakhsiyada nabiyada Ilaahay (swt).

Maxaa sababa Waswaaska?

Sababta koowaad ee keenta fikradaha waswaasku waa Shaydaanka, gaar ahaan shaydaanka qareenka ku ah ruuxa bani aadamka ama shayaadiinta insaanka (dadka xun) oo qofka ka dhaadhiciya fikrado xun oo waxashnimo ah. Bal aynu fiirino saamaynta Shaydaanku ku sameeyo bani Aadamka oo Ilaahay (swt) ku sheegay Quraankiisa:

يَا أَيُّهَا النَّاسُ كُلُوا مِمَّا فِي الْأَرْضِ حَلَالًا طَيِّبًا وَلَا تَتَّبِعُوا خُطُوَاتِ الشَّيْطَانِ ۚ إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُّبِينٌ ﴿١٦٨ إِنَّمَا يَأْمُرُكُم بِالسُّوءِ وَالْفَحْشَاءِ وَأَن تَقُولُوا عَلَى اللَّـهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ ﴿١٦٩

“Dadoow cuna waxa Dhulka ku sugan kiisa xalaasha fiican ah hana raacina talaabooyika Sheydaanka maxaayeelay cadaw cad ayuu idiin yahaye (168) Wax uun idin farayaa Xumaan iyo Faaxisho iyo inaad ku sheegtaan Ilaahay waxaydaan ogayn. (169)” [Albaqarah:168-169]

Hadaba hadaad fiiriso calaamadaha waswaaska iyo farrimaha shaydaanku faro bani aadamku waa isku mid, subxaanAllah, kolkaa cida sababta waswaasku waa Shaydaan.

Shaydaanka Qareenka ku ah bani aadamku wuxuu kusoo tuurayaa qalbigaa fikrado xun, ama faaxisho ah ama dhaqan xumo xaga diinta ah, wuxuuna doonayaa inuu fikradahaas kaaga lumiyo waqtiga sidoo kalena uu kuu gaysto dhib iyo waxyeelo nafsaani aha ama mid la taaban karaba ah.

Daawada Waswaaska:

Waswaaska noocaydiisa kala duwan wuxuu ku dhacay saxaabadii Rasuulka, xitaa waswaaska cibaadada iyo ka caqiidadba ku saabsan kolkaasbay u ian jireen Rasuulka (scw) oo ay uga warrami jireen waxa asiibay iyo dareenkooda:

عن أبي هريرة قال جاء ناس من أصحاب النبي صلى الله عليه وسلم فسألوه إنا نجد في أنفسنا ما يتعاظم أحدنا أن يتكلم به قال وقد وجدتموه قالوا نعم قال ذاك صريح الإيمان.

Abu hurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: Dad kamida saxaabada nabiga (scw) ayaa u yimid, waxayna waydiiyeen; naftayada waxaan ka helaynaa wax ay ku wayntahay midkaayo inuu ka hadlo, wuxuu dhahay Nabigu: “Ma helaysaan sidaa?” waxay dhaheen: Haa. Wuxuu ydihi: “Kaasi waa iimaankii oo cad” [Muslim:188]

  • Waswaaska daawadiisa koowaad waa inaanad sii raad gurin fikradaha shaydaanimada ah, ha raacraacin, hana u raaricnin dhagtaada xanshaashaqa shaydaanka, haduu ku faro wax xumaana sida inaad naftaada dhibto ama qof kale dhib u gaysato ha samaynin. Sababtoo ah Shaydaanku wuxuu kula rabaa inaad dareento xanuun iyo dhib kolkaa ha raacin talooyinkiisa iyo xanshaashaqa uu kugu afuufayo.
  • Daawada ugu qaalisan waa Suurada Albaqarah, ruuxii ku akhriya gurigiisa masoo galo Shaydaanku mudo gaadhaysa sadex maalin, kolkaa sadexdii maalmoodba ku akhri gurigaaga Suurarda Albaqarah:

 عَنْ سَهْلِ بْنِ سَعْدٍ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( إِنَّ لِكُلِّ شَيْءٍ سَنَامًا ، وَإِنَّ سَنَامَ الْقُرْآنِ سُورَةُ الْبَقَرَةِ ، مَنْ قَرَأَهَا فِي بَيْتِهِ لَيْلًا لَمْ يَدْخُلِ الشَّيْطَانُ بَيْتَهُ ثَلَاثَ لَيَالٍ ، وَمَنْ قَرَأَهَا نَهَارًا لَمْ يَدْخُلِ الشَّيْطَانُ بَيْتَهُ ثَلَاثَةَ أَيَّامٍ ) . ابن حبان في “صحيحه” (780) ، والطبراني في ” المعجم الكبير” (5864) ، والبيهقي في ” الشعب ” (2161) ،

Sahal ibnu Saciid waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay wuxuu dhahay: “Wax kasta wuxuu leeyahay hogaan, hogaanka Quraankuna waa Suurada Albaqarah, cidii ku akhrida gurigiisa habeen masoo galo Shaydaanku gurigiisa sadex habeen, cidiise ku akhrida maalina masoo galo Shaydaanku gurigiisa sadex maalmood”  [1]

  • Hadii ay kugu adkaato inaad wada akhrido Suurada Albaqarah, waxaad akhridaa si maalinle ah Suurada Alfaatixa, Aayada Kursida iyo labada aayadood ee ugu danbeeye Suurada Albaqarah:

عَنْ أَبِي مَسْعُودٍ البَدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ ، قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( الآيَتَانِ مِنْ آخِرِ سُورَةِ البَقَرَةِ ، مَنْ قَرَأَهُمَا فِي لَيْلَةٍ كَفَتَاهُ )  رواه البخاري (4008) ، ومسلم (807)

Ibnu Mascuud (I.R.H) wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay wuxuu dhahay: “Labada aayadood ee ugu danbeeya Suurada Albaqarah, cidii akhrida habeen way ku filantahay” [Bukhaari iyo Muslim] Waxay kaga filantahay Shaydaanka, ama Salaada Laylka, ama aafooyinka.

عن أبي هريرة أن رسول الله – صلى الله عليه وسلم – قال: سورة البقرة فيها آية سيدة آي القرآن لا تقرأ في بيت فيه شيطان إلا خرج منه: آية الكرسي. خرجه ابن حبان في صحيحهوأخرجه الحاكم من هذه الطريق…

Abuhurayra wuxuu ka wariyey Rasuulkii Ilaahay (scw) inuu yidhi: “Suurada Albaqarah waxa ku jirta aayad madax ah (u ah Quraanka), laguma akhriyo guri hadiiba la akhriyo Shaydaanku wuu ka baxaa”

  • Daawada waswaaska waxa kale oo kamid ah mucawidaatka, (Suurada Alfalaq iyo Naas), gaar ahaan aayada uu Allah leeyahay (مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ ﴿٤) (Rabiyoow waxaan kaa magan galay waswasiyaha qarsoon). Shaydaanka weeye ka wax wasawaasiyaa, waanu qarsoomaya kolka lagu akhriyo mucawidaatka.
  • Daawada ugu wanaagsan ee Waswaasku waa in Ruuxu Ilaahay baryo oo waliba si dhab ah uu Allah u waydiisto inuu Rabi ka dulqaado waswaaska Shaydaanka.
  • Daawo waxa kale oo ah in qofku uu khilaafo waswaaska shakiga ku galinaya, maxaayeelaya shaki laguma dhiso umuuraha cibaadooyinka, sida hadii aad ka shakidid inaad wayso qabto, waa in aad go’aankaaga aad ku dhistaa wixii aad hubto ee yaqiinna, sidaas awgeed ruuxii hadii aanu maqal sanqadh ama urin ur wuu wayso qabaa, taas waxa lamid ah, ruuxa ka shakiya imisa rakcadood ayuu tukaday, ruuxaasi wuxuu wax ku dhisayaa rakcadihii uu hubay, kuwa shakigu ku jirana meesha ayuu ka saarayaa.

Waswaasku wuxuu asiibaa saalixiinta:

Sidaan hada kahorba ka dhawaajinay Waswaasku waa cudur ku dhaca dadka wanaagsan ee saalixiiinta, sababtuna waa Shaydaanka oo awoodi waayey inuu si kale u baadiyeysiiyo kolkaa wuxuu kusoo tuuraa qalbiga qofka arrimo shaki galiya oo qofkuna uu necebyahay inuu arrimahaas uu ku kaco ama uu ku dhawaaqo:

عن أبي هريرة قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا يزال الناس يتساءلون حتى يقال هذا خلق الله الخلق فمن خلق الله فمن وجد من ذلك شيئا فليقل آمنت بالله.

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Dadku kama suulayaan inay wax is waydiiyaan, illamaa laga dhaho kani waa abuurkii Ilaahay, ee Ilaahay yaa abuuray? cidii waxaas wax kamid iska heshaa ha dhaho; Ilaahay ayaan rumeeyey” [Muslim:190]

Sidoo kale ibnu Cabaas waxa laga wariyey inuu dhahay:

عن ابن عباس قال جاء رجل إلى النبي صلى الله عليه وسلم فقال يا رسول الله إن أحدنا يجد في نفسه يعرض بالشيء لأن يكون حممة أحب إليه من أن يتكلم به فقال [ ص: 330 ] الله أكبر الله أكبر الله أكبر الحمد لله الذي رد كيده إلى الوسوسة

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu yidhi: Nin ayaa u yimid nabiga (scw) wuxuuna dhahay Rasuulkii Ilaahayow, midkaayo wuxuu naftiisa ka helayaa in loo soo bandhigo waxyaalo, oo ka hadalkeedana looga jacayl badanyahay inuu noqdo danbas, wuxuu yidhi nabig: “Allahu akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar, Alxamdulilaah, Ilaahay ayaa mahada iska leh ku celiyey dhagartiisii Waswaaska ” [Abudaawuud:5112]


[Waxa soo saaray Ibnu Xabaan, Dabaraani, Bayhaqi iyo Caqiili. Sanadka xadiiskana hadal ayaa jira oo waa la daciifiyey, waxa ku jira sanadka xadiiska Khaalid ibnu Saciid oo daciifa.