Imaam Axmed ibnu Ibraahiim Al-Ghazi, kuna magac dheer Imaam Axmed Gurey, wuxuu ahaa Alle ha unaxariistii halgamaa iyo geesi soomaaliyeed, wuxuuna ahaa ninkkii furtay Ardal Xabash.

Imaam Axmed wuxuu ka dhashay qoys muslima oo soomaaliyeed, isagoo ku dhashay deegaano katirsan Imaaradii Cadal sanadkii 1507 miilaadiga.  Imaam Axmed (I.H.U) wuxuu kamid ahaa amiiradii iyo saraakiishii ciidankii Imaaradaas. Kadibna is afgaran waa ayaa soo kala dhex galay isaga iyo suldaankii xilligaa ka talinayey Herer, Suuldaankaas oo waxba ka qaban waaeyey dadka jidgooyayaasha ama isbaaroyinka u dhiganaya umada Muslimiinta.

Imaam Axmed wuxuu bilaabay inuu mideeyo dadkii muslimiinta ahaa ee deeganadaas daganaa, waxa kamid ahaa ciidamadiisa Soomaali, Canfar iyo Oromo, ayagoo dhamaan la dagaalamayaa dawladii Xabashida ee Kiristaanka Ortdox ahayd, oo weerar ba’an kusoo qaadi jirtay dhulka Muslimiinta, kadibna dhici jirtay hantidoda sidoo kalena qafaalan jiray caruurtooda iyo haweenkoodaba.

Alle ha u naxariistii Imaam Axmed Gurey ayaa tiraba dhawr dagaal la galay Xabashida, waanu ka gacan sarreeyey isagoo faafinaya diinta Islaamka, sidoo kalena difaacaya dadka Muslimiinta ah ee gabood fallada loo gaystay.

Imaam Axmed (I.H.U) wuxuu qabsaday Afar meelood sadex dawladii Xabashida.  isagoo doonaya inuu gabi ahaanba ka tirtiro khariidada caalamka. Dabadeedna waxa usoo gurmaday Xabashidii dawladihii reer galbeedka, gaar ahaana dawladii Portugal, oo uu hogaaminayo Kiristofer De gama oo ahaa wiilkii uu dhalay badmaaxihii caanka ahaa ee Fasko Degama.

Dagaaladii ugu caansanaa waxa kamid ah duulaankii Shinbiro Kore oo lagu jabiyey boqorkii Xabashida ee Lebna Dengel. Sidoo kale Imaam Axmed wuxuu dilay hogaamiyihii Portugal ee Kiristofer De Gama.

Alle ha u naxariistee Imaam Axmed Gurey wuxuu ku shahiiday mid kamid ah duulaanadaas sanadkii 1543.

Halgankii Imaam Axmed  ibnu Ibraahiim Al-ghazi  ayaa taariikhda ka galay baal dahab ah, noqdayna ruux lagu majeerto geesinimadiisa iyo guulihii aan marnaba la ilaawi karayn ee usoo hooyey muslimiinta geeska Afrika.


Xigasho:

Kitaabka Fatxu Xabashah ee Shihaab diin,  Carab Fiqi