Tusmo

Taariikhda Masaajidka Qudus 2 aad:

Yaa ugu hor dagay dhulka Filasdiin?

Dhulka Filasdiin lama yaqaano dadkii ugu horeeyey ee dega, waxa jiray raadad tilmaamaya in la daganaa dhulkaas afar iyo toban qarni kahor dhalashadii nabi Ciise (csw). Magaalada Ariixa ayaa ugu qadiimisan dhulka Filasdiin inta la ogyahay waa magaalada Ariixa oo la arkay raadadkii dadkii deganaa magaaladaa sideed qarni kahor dhalashadii nabi Ciise.

Dadkii ugu horeeyey ee la yaqaano taariikhdooda ee degay Filasdiin.

Shacabka Kancaaniyiinta loo yaqaan ama “Amuuriyiinta” ayaa kasoo qaxay dhulka Jaziirada Carbeed ayagaana dadkii ugu horeeyey inta taariikhda la ogyahay ee degay Filasdiin. Dadka taariikhyahanada iyo culumada diinta ee Kiristaanka iyo Yahuuduba waxay u yaqaaneen dhulka Filasdiin in loogu yeedho dhulka Kancaaniyiinta.

Xagee ayuu kasoo jeedaa magaca Filasdiin?

Asal ahaan magaca Filasdiin wuxuu kasoo jeedaa deegaanka Balasti oo ku taalay koonfurta Filasdiin, magacaasna waxa loo tiiriyaa dad kasoo qaxaya badda Mediterinaka oo yimid Masar, hase ahaatee Fircoonkii Masar ayaa diiday inay dhulkaas dagaan, wuxuuna dajiyey koonfurta Filasdiin deegaanka Balasti. Mudo markay kasoo wareegtay ayaa magacii isu badalay Filasdiin, waxayna shacabkaas soo qaxay ku dhex milmeen dadkii Kancaaniyiinta ee asal ahaan daganaa Filasdiin.

 

Nabi Ibraahiim iyo xilligiisii:

Nabi Ibraahiim (scw) wuxuu ku dhashay deegaan la dhaho Ur, oo ku yaala dalka Ciraaq, kadibna qoomkiisii Kildaaniyiinta ayaa dhagar u maleegay markaasuu Ilaahayna (swt) ku celiyey dhagartoodii. Dabadeedna Ilaahay ayaa faray in isaga iyo wiil uu adeer u ahaa – waa nabi Luud iyo xaaskii nabi Ibraahiim ee Saara ay u hijroodaan dhulka Shaam, gaar ahaan Filasdiin.

وَنَجَّيْنَاهُ وَلُوطًا إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا لِلْعَالَمِينَ ﴿٧١

“Waxaan ku badbaadinay nabi Ibraahiim iyo nabi Luudba dhulkii aan u barakaynay Caalamiinta (71)” [Suurada 21 aad Al-anbiya:71]

Nabi Ibraahiim (scw) wuxuu u safaro dacwaeed ugu bixi jiray dhulal kala duwan, wuxuuna mar u safray dalka Masar, kadibna askartii Fircoon ayaa aragatay quruxda ay leedahay Saara, markaasay u geeyeen Fircoonkii hase ahaatee Ilaahay ayaa ka badbaadiyey dhagartiisii, kadibna wuxuu hadyad ahaan usiiyey inantiisii uu dhalaya ee Haajar (csw), kadibna Saara oo madhalays ahayd oo da’deeduna waynaatay ayaa odaygeedii uguurisay Haajara.

Haajara waxay Filasdiin ku dhashay nabi Ismaaciil (csw), kadibna waxa hinaastay Saara oo aan ubad lahayn, markaasuu Nabi Ibraahiim la faray inuu qaado reerkiisa oo uu geeyo dhulka barakaysan ee Makkah, halkaas ayuu nabi Ibraahiim dhigay xaaskiisii Haajara iyo ilmihiisii Ismaaciil.

Sida Quraanku inoo sheegay Malaa’iktii ayaa utimid nabi Ibraahiim ayagoo doonaya inay halaagaan qoomkii nabi Luud ee ku kici jiray falka xun, markaasay malaa’iktii u bishaaray Saara iyo nabi Ibraahiim inay dhalayso wiil barakaysa waa nabi Isxaaq. Dabcan Saara iyo nabi Ibraahiim cimrigoodu aadbuu u waynaaday hase ahaatee Ilaahay subxaanahu wax kasta waa ka suurtagal.

Yahuuda iyo qaabka ay usoo arooriyeen dhacdadan.

Yahuudu iyo Kiristaanku waxay rumaysantahay in nabi Isxaaq (csw) uu ahaa wiilkii la gawracay sidoo kalena uu yahay cidii kaliya ee dhaxlaysay nabi Ibraahiim. Dabcan waxa ka muuqata cunsuriyadii Yahuuda, waxaana is burinaya kutubtooda oo mar waxay leeyihiin nabi Ismaaciil ayaa ahaa wiilkii curad ee nabi Ibraahiim, hadana waxay leeyihiin Isxaaq ayaa la gawracay!! Ayadoo kitaabkooda ay ku qorantahay in nabi Ibraahiim gawracay wiilkiisii kalida ahaa!! Cajiib goormuu hadaba nabi Isxaaq kali ahaa, sababtoo ah nabi Ismaaciil ayaa 13 sanadood ka waynaa walaalkii nabi Isxaaq  (scw).

Dhanka kale Yahuudu waxay ina leedahay Isxaaq ayaa ah wiilka kaliya ee dhaxlaya nabi Ibraahiim oo markii Saara ay dhashay Isxaaq ayey ku hinaastay Haajar kadibna ay fartay inuu eryo Haajara iyo wiilkeeda, si aanay dhaxalka nabi Ibraahiim uga qaybgalin, dabadeedna Ilaahay ayaa u waxyooday oo dhahay siday Saara ku fartay ku kac [Genesis, 21: 4-7]

Nabi Isxaaq markay da’diisu ahayd 40 sanadood ayuu aabihi nabi Ibraahiim u guuriyey gabadh kasoo jeeda reer abtigiis, lana dhaho Rifqa. Gabadhaasina waxay ahayd madhalays, balse nabi Isxaaq ayaa Ilaahay u baryey waxayna dhashay laba wiil oo mataano ahaa, waa Yacquub iyo Ciisuu.

Yahuudu waxay tidhi: Nabi Isxaaq wuxuu jeclaa wiilkiisa Ciisu halka hooyadiina ay ka jeclayd Yacquub, kadibna markuu nabi Isxaaq waynaaday oo indho beelay ayuu u baahday hilib ugaadheed, cidii u keentana uu uducaynayo. Markaas ayuu soo dhuuntay Yacquub oo ka xoogay ducadii iyo barakadii Ciisuu, waxaana loo duceeyey Yacquub.

Dabadeedna Yacquub wuxuu aaday xagaas iyo reer abtigiisa oo hooyadii ayaa ka cabsatay in Yacquub iyo Ciisuu isku dhacaan. Markuu abitigiis Laabaan u tagay ayuu ka guursday inantiisii Liya waxayna u dhasahy lix wiil, hadana wuxuu guursaday Raxeel oo ay Liya walaalo ahaayeen, ayaduna laba wiil ayey u dhashay waa Yuusuf iyo Binyamiin, dhanka kale gabdhii u adeegaysay Liya waxay u dhashay Yacquub oo la dhaho Zulayfa ayaduna nabi Yacquub ayey laba wiil u dhashay halka gabadh kale oo u adeegaysay Raaxeel ay u dhashay laba wiil oo kale, marka laysku geeyo waa 12 wiil.

Yahuudu hadaba waxay ka been abuurteen taariikhdii nabi Yacquub (csw) ayagoo kutubtooda ku xusay in magaca Israa’iil loo bixiyey nabi Yacquub, sababta loogu bixiyeyna ay ahayd inuu la lagdamay Ilaahay – Acuudubillaah-, waxay dhaheen Yacquub oo doonay inuu kusoo laabto dhulka Kancaaniyiinta – Filasdiin- ayaa la kulmay nin, ninkaasina wuxuu la lagdamayey habeenkii oo dhan illamaa waagii uu ka dillaacayey, ninkaasina wuxuu ahaa Ilaahay!!! – Ilaahbaan ka magan galnaye.

Nabi Yuusuf iyo laba iyo tobankii walaalaha ahaa:

Sida Ilaahay (swt) ku balbalaadiyey Suurada Yuusuf, wuxuu tilmaamay in nabi Yuusuf (scw) oo ahaa wiil yar uu ku riyooday isaga oo ay usuujuudsanyihiin Qorraxda, Dayaxa iyo kow iyo toban Meereyaal. Nabi Yacquub, Ilaahay naxariistiisa korkiisa ha yeelee wuxuu fahmay in wiilkani uu arrin wayn uu yeelan doono, wuxuna faray inaanu walaaladii uga warramin riyadiisa.

Nabi Yuusuf walaaladii waxay ku andacoodeen in aabahood jecelyahay Yuusuf sidaas awgeedna waxay ku tuureen ceel, waxaana qaadatay dad safar ah oo adoon ahaan ka iibiyey wasiirkii Masar, halkaasbaanu kusoo barbaaray nabi Yuusuf. Markuu gaashaan qaad noqday ayey gabadhii wasiirku damaaciday nabi Yuusuf, kolkuu diiday xumaantina waxa loogu jawaab celiyey in xabsiga loo taxaabo.

Mudo sanado ah ayuu nabi Yuusuf ku jiray xabsiga, illamaa uu ka riyooday boqorkii Masar, kadibna nabi Yuusuf ayaa u fasiray riyadii sidaasbaanu kaga soo baxay jeelkii, oo Ilaahayna gacanta u galiyey mulki iyo hanti.

Xilligaas waxa ka jirtay dhulka Masar iyo Filasdiinba abaar xun oo saamaysay dhamaan dadkii goobtaas daganaa, kadibna nabi Yuusuf walaaladii ayaa u yimid ayagoo baahiyeysan, isaguna wuu gartay cida ay yihiin. Dabcan qisadu waa mid la yaqaano ee ugu danbayn nabi Yuusuf wuxuu ka dalbaday walaaladii inay soo kaxeeyaan aabahood iyo ehelkooda oo dhan.

اذْهَبُوا بِقَمِيصِي هَـٰذَا فَأَلْقُوهُ عَلَىٰ وَجْهِ أَبِي يَأْتِ بَصِيرًا وَأْتُونِي بِأَهْلِكُمْ أَجْمَعِينَ ﴿٩٣

“la taga qamiiskaygan kuna tuura Wajiga Aabbahay ha noqdo mid wax arkee iina keena Ehelkiinna dhammaan.” [Yuusuf:93].

Dabcan aayadaas Quraanka ah waxay inoo tilmaamaysaa in dhamaan ubadkii nabi Yacquub iyo ehelkoodiiba ay ka qaxeen dhulkii Kancaaniyinta oo ay qabteen dhulka Filasdiin. Sidaa awgeed reer banu Israa’iil kumaysan dhamaysan hal qarni ama hal jiil gudaha Filasdiin, kolkuu nabi Yacquub qaangaadhay ayuu aaday dhulkii Kildaaniyiinta ee Babel (Ciraaq) halkaas oo uu abtigii ka guursaday oo uu mudo ugu yaraan ah 14 sanadood uu deganaa, hadan markuu soo laabtay ee uu mudo joogay Filasdiin ayaa wiilkiisii nabi Yuusuf (scw) uu kaxeeyey aabihii iyo dhamaan ehelkoodii, kolkaas sheegada Yahuuda ee leh aabahayo ayaa deganaa wax ka jiraa ma jiraan, ee dhulkaas way u hijroodeen, hadana way kasoo hijroodeem mudo hal jiil ahna kumaysan noolayn reer banu Israa’iil.

Soo diriistii nabi Muuse iyo dhaqankii Yahuuda:

Reer bani Israa’iil waxay mudo ku noolaayeen dhulka Masar, illamaa uu xukunka ka qabsaday Fircoon aad u qallafsan oo adoonsaday reer bani Israa’iil, isagoo laayey wiilashoodii iskana daayey hablahoodii. Kadibna Ilaahay wuxuu doonay in sanadkii wiilasha la laynayey uu dhasho Nabi Muuse, waxaana hooyadii loo waxyooday inay ilmaha badda ku tuurto hadii ay u cabsato.

Dabcan markii ay cabsatay ayey sanduuqii ilmihu ku jiray ay ku dhex tuurtay biyaha badda, kadibna waxa helay dumarkii ka shaqaynayey qasrigii Fircoon. Sidaasbaanu nabi Muuse ku tagay meeshii ay hooyadii ka cabsanaysay in la geeyo, wuxuuna Fircoon iyo qoomkiisii ku noqday cadawgodii iyo murugadoodii oo ay isaga awgii u laynayeen caruurta reer bani Israa’iil.

Nabi Muuse (scw) markuu qaangaadhay ayuu dilay nin qibdiya oo reer Masar ah, markaasuu u firdhaday xagaas iyo Madyan. Magaaladaasna wuxuu kula kulmay laba gabdhood oo xishood iyo dhaqan wanaagsanba Alle ku manaysatay, kadibna labadii gabdhoo aabahood ayaa mid kamid ah labadii gabdhood u guuriyey, halkaana wuxuu joogay 10 sanadood.

Nabi Muuse oo ehelkiisii doonay inuu kusoo booqdo dhulka Masar oo ku jira safarkii, ayuu arkay naar ama dab holcaya, wuxuuna doonay inuu dab kasoo qaato ama cid wadadii ku hagta uu waydiiyo, balse wuxuu maqlay codkii Ilaahay oo la hadlay, waxaana goobtaas lagu faray inuu aado Fircoon oo uuna ka dalbado in reer bani Israa’iil uu faraha ka qaado.

Nabi Muuse (scw) waxa la siiyey mucjisada ushii isu badalaysay maska, iyo gacantiisa oo markuu jeebada galiyo soo baxaysay ayadoo nuuraysa. Wuxuuna u tagay isaga iyo walaalkii nabi Haaruur bqoqrkii Fircoon, waxayna tuseen mucjisooyinkii Ilaahay, balse Fircoon wuxuu ku cariyey Nabi Muuse inuu wajahayo sixiroolayaashii oo la ballamiyey maalin ciid ah oo dadka oo dhan ay daawanayaan.

Dabadeeda guushii waxay raacday nabi Muuse (scw), sixiroolayaashiina waxay rumeeyeen Ilaahay, markaasuu Fircoona dilay oo daldalay sixiroolayaashii.

Qoomkii Fircoon wuxuu Ilaahay  ku salliday musiibooyin kala danbeeyey si ay xaqa ugu soo laabtaan, waxa la tusay sagaal calaamadood, sida Injirtii, Ayaxii, Dhiigii, Rahii. Markasta oo dhibtu asiibtana waxay u imanayeen nabi Muuse oo ay lahaayeen Rabigaa noo bari waan ku rumaynaynaaye, balse halkii ayey falkii xumaa kasii wadeen, illamaa Ilaahay ku qarqiyey Fircoon iyo qoomkiisiiba badda oo ku dhinteen halkaas.

Dabcan mucjisooyinkaas sagaalka ah, waxa arkayey sidoo kale reer banu Israa’iil iyo mucjisadii ugu waynayd oo ahayd in baddu kala qaybsamto oo ay reer banu Israa’iil dhaafaan halkaas.

Yahuudii markuu dhintay Fircoon way rumaysan kari waayeen nabi Muuse oo waxay dhaheen: noo keen maydkiisii, hadana Ilaahay mucjiso kale ayuu tusay oo ah in jidhkii Fircoon oo sidiisa ah la dul keenay.

فَالْيَوْمَ نُنَجِّيكَ بِبَدَنِكَ لِتَكُونَ لِمَنْ خَلْفَكَ آيَةً ۚ وَإِنَّ كَثِيرًا مِّنَ النَّاسِ عَنْ آيَاتِنَا لَغَافِلُونَ ﴿٩٢

“Maanta waxaannu badbaadin jidhkaaga si aad ugu noqotid cidda kaa dambaysa Calaamo, wax badan oo Dadka ka midana Aayaadkannaga waa halmaansanyihiin.” [Yuunus:92]

Nabi Muuse (scw) wuxuu qabtay kulankii Ilaahay isagoo aaday buurta Jabal Al-duur, si loo siiyo kitaabkii Tawreed, hadaba isla markuu nabi Muuse dhaqaaqay ayey Yahuudii caabuday sanam uu sameeyey Saamiri oo uu ku dhahay; Kani waa Ilaahiinii iyo Ilaahii Muuse, ayagiina sanamkii dahabka laga sameeyey ayey ku dul dawaafeen oo ay caabudeen.

Nabi Muuse (scw) ayaa soo noqday wuxuuna la kulmay qoomkiisii oo caabudaya sanam dib ah, markaas ayuu cadhooday oo walaalkii nabi Haaruun (scw) uu gadhka jiiday, oo uu alwaaxdii ku dhuftay dhulka. Kadibna Ilaahay ayaa ciqaab kusoo rogay reer bani Israa’iil oo ahayd inay islaayaayaan si looga toobad aqbalo danbigoodii, kolkii laysku madhay ayuu Ilaahay ka toobad aqbalay.

Reer banu Israa’iil waxay sidoo kale ka caga jiideen inay qaataan awaamirta Ilaahay kolkaasuu Ilaahay buur iska dhan dushooda geeyey ayadoo la moodo sida daruurta, laguna dhahay qasab ku qaata sharciga Ilaahay, markay arkeen inay geeridii soo dhowaatay ayey qaateen.

Hadana Nabi Muuse wuxuu lasoo baxay todobaatankii ugu khayrka badnaa si ay Ilaahay u waydiistaan danbi dhaaf iyo falkii sanamka ay ku caabudeen, markay meeshii tageen ayey todobaatankii ku dhaheen nabi muuse; “Kuma rumaynayno illamaa aan ka aragno Ilaahy si cadaan ah” kadibna saaciqo ama danab ayaa cirka kaga yimid oo midkasta isagoo arkaya ayuu dhintay.

Nabi Muuse (scw) kaligii ayuu istaagay isagoo leh; Rabiyoow ma waxaad nagu halaagaysaa wixii ay maangaabkayo sameeyeen! Dabadeedna Ilaahay mucjiso kale ayuu tusay oo ah in todobaatankii dib loo soo nooleeyey.

kadibna nabi Muuse qoomkisii ayuu kaxeeyey si ay ugalaan bayt almaqdaskii oo ay haysteen dadkii Kancaaniyiinta ahaa, wuxuuna nabi Muuse ku dhahay: “Gala qoomkaygoow dhulka muqadaska ah ee laydinku ballan qaaday” Waxay ku jawaabeen: “Galimayno Muusoow illamaa qoomkaasi ay ka baxaan, marka ka tagaan dhulka ayaan galaynaa!!”

Dabadeedna toban nin oo reer banu Israa’iil ah ayaa israacay waxayna indhaha saareen ciidamadii haystay dhulka barakaysan ee Qudus, markaasay isku dhaheen: “Nimanyahow waxaad aragteen ha u sheegina reer banu Israa’iil maxaa yeelay way cabsandoonaa.” Sidaasbayna isku waafaqeen oo ku ballantameen. Balse markii ay u tageen reer banu Israa’iil ayey toban kamid ah laba iyo tobankii ay khiyaano ku kaceen oo ay u warrameen reer banu Israa’iil. Ilaahay oo ka hadlayana wuxuu dhahay:

يَا قَوْمِ ادْخُلُوا الْأَرْضَ الْمُقَدَّسَةَ الَّتِي كَتَبَ اللَّـهُ لَكُمْ وَلَا تَرْتَدُّوا عَلَىٰ أَدْبَارِكُمْ فَتَنقَلِبُوا خَاسِرِينَ ﴿٢١ قَالُوا يَا مُوسَىٰ إِنَّ فِيهَا قَوْمًا جَبَّارِينَ وَإِنَّا لَن نَّدْخُلَهَا حَتَّىٰ يَخْرُجُوا مِنْهَا فَإِن يَخْرُجُوا مِنْهَا فَإِنَّا دَاخِلُونَ ﴿٢٢ قَالَ رَجُلَانِ مِنَ الَّذِينَ يَخَافُونَ أَنْعَمَ اللَّـهُ عَلَيْهِمَا ادْخُلُوا عَلَيْهِمُ الْبَابَ فَإِذَا دَخَلْتُمُوهُ فَإِنَّكُمْ غَالِبُونَ ۚ وَعَلَى اللَّـهِ فَتَوَكَّلُوا إِن كُنتُم مُّؤْمِنِينَ ﴿٢٣قَالُوا يَا مُوسَىٰ إِنَّا لَن نَّدْخُلَهَا أَبَدًا مَّا دَامُوا فِيهَا ۖ فَاذْهَبْ أَنتَ وَرَبُّكَ فَقَاتِلَا إِنَّا هَاهُنَا قَاعِدُونَ ﴿٢٤ قَالَ رَبِّ إِنِّي لَا أَمْلِكُ إِلَّا نَفْسِي وَأَخِي ۖ فَافْرُقْ بَيْنَنَا وَبَيْنَ الْقَوْمِ الْفَاسِقِينَ ﴿٢٥ قَالَ فَإِنَّهَا مُحَرَّمَةٌ عَلَيْهِمْ ۛ أَرْبَعِينَ سَنَةً ۛ يَتِيهُونَ فِي الْأَرْضِ ۚ فَلَا تَأْسَ عَلَى الْقَوْمِ الْفَاسِقِينَ ﴿٢٦

Qoomkayow gala Dhulka la Daahiriyey oo idiinyaboohay Eebe hana u noqonina Gadaashiinna oo gadoontaan idinkoo Kashaaray. (21) Waxay dheheen Muusow waxaa (Dhulka) Dhexdiisa ah qoom daran mana galayno intay ka baxaan xaggeeda hadday ka baxaanna waanu gali. (22) waxay Dheheen Labo Nin oo ka mid ah kuwa ka Cabsada (Eebe) una Niemeeyey Eebe uga gala albaabka Markaad gashaan idinkaa Adkaane, Eebana tala saarta haddad Mu’miniin tihiin.(23)Waxay dheheen Muusow anagu ma galayno Waligeed intay joogaan ee taga adiga iyo Eebaha oo la dagaalama anagu halkanaan Fadhiyeynaaye. (24)Wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Eebow ma hanto Naftayda iyo Walaalkay Mooyee ee nakala Bixi (Xukun) Dhexdannada iyo Qoomka Faasiqiinta ah (Xun). (25)(Eebe) Wuxuu Yidhi iyadu «Dhulka» waa ka Xaaraan korkooda Afartan Sano oy ku Wareeri Dhulka ee haw Murugoon qoomka Faasiqiinta ah. (26) [Almaa’idah: 21-26]

SubxaanAllah, waxay ku gacan saydheen nabigii Ilaahay ee Muuse ayagoo cadaystay inaanay waligood iyo abidkood galayn dhulka Filasdiin, kolkaasuu Ilaahayna kaba xarrimay dhulka, waxaana lagu ciqaabay inay afartan sanadood ku jiraan Tiih (lunsanaan) meesha ay habeenkii ka kacaan ayey kusoo laabtaan maalinta kale, waxay ku dhex wareereen saxaraha Sinay.

Reer banu Israa’iil intii ay tiiha ku jireen ayey dhacday qisadii saca ee suuratul Albaqarah, ayagoo ogaan ugu dheeldheelayey awaamirta Ilaahay, wuxuuna Alle waxay ku dhowaayeen inaanay fulin gawricii saca.

Dabcab reer banu Israa’iil ayagoo waxaas oo mucjiso arkay oo Ilaahay ku manaystay cuntooyin Jannada ka timaada Manniga iyo Salwiga (hilb shinbireed iyo xalwad macaan) waxay ka door bideen basal, toon, cadas iwm. Hadana Ilaahay wuxuu dhahay quluubtoodii ayaa adkaatay oo ka adag xitaa dhagxaanta.

ثُمَّ قَسَتْ قُلُوبُكُم مِّن بَعْدِ ذَٰلِكَ فَهِيَ كَالْحِجَارَةِ أَوْ أَشَدُّ قَسْوَةً ۚ وَإِنَّ مِنَ الْحِجَارَةِ لَمَا يَتَفَجَّرُ مِنْهُ الْأَنْهَارُ ۚوَإِنَّ مِنْهَا لَمَا يَشَّقَّقُ فَيَخْرُجُ مِنْهُ الْمَاءُ ۚ وَإِنَّ مِنْهَا لَمَا يَهْبِطُ مِنْ خَشْيَةِ اللَّـهِ ۗ وَمَا اللَّـهُ بِغَافِلٍ عَمَّا تَعْمَلُونَ ﴿٧٤

markaasay ingagtay Quluubtiinu intaas ka dib, waxayna la mid tahay Dhagax, ama waa ka darantahay ingeega, Dhagaxyada waxaa ka mid ah kuw ay ka burqadaan wabiyaal, waxaana ka mid ah kuwo dildillaaca oo ka soo baxaan, waxaana kamid ah kuwo usoo hoobta cabsida Ilaahay awgeed, Ilaahayna ma moogana waxay falayaan. [Albaqarah:74]

Reer banu Israa’iil asalkoodii waa sidaas, kuwoodii arkay nabiyada ee la dhaqmay ayaa sidaas ku kacaya ee bal waxaad qiyaastaa waa sidee quluubta reer bani Israa’ilka maanta xooga ku haysta masaajidka Qudus.

Nabi Muuse (scw) wuxuu geeriyooday intii lagu gudo jiray tiihii, waxaana  lagu aasay meel udhow masaajidka Qudus, meel dhagax looga tuuri karo, meel ciid tamuux ah hoosteed ayaa lagu aasay siduu nabigeenu sheegay (scw), wuxuuna dhahay nabigu: hadii aan joogi lahaa halkaas waan idin tusi lahaa.[Bukhaari: 1274].