Tusmo

 Qishka iyo khiyaanada ganacsiga iyo cidhibdanbeedkeeda.

Bismillah, magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa:

– Sida kusoo aroortay Saxiix Muslim uuna soo warinayo Abuhuryara wuxuu leeyahay: Maalin ayuu nabigu soo maray nin iibinaya alaabo cunto ah, kadibna nabiga (scw) ayaa cuntadii gacantiisa galiyey, wuxuuna lasoo laabtay gacantiisa oo qoyaan leh, markaasuu ninkii waydiiyey: “waa maxay biyahani?” wuxuu yidhi ninkii: Rasuulkii Ilaahayoow roob ayaa helay!!! Kolkaasuu dhahay nabigu (scw): “Maxaad uga sarreysiinwayday cuntada kale, cidii wax qishtaa nagama mid aha.” [1]

Dabcan walaalayaal qishka nooyo badan ayuu leeyahay, tusaale ahaan; hadii cuntada qaadhay, ama waqtigeedu dhacay loo qariyo dadka waa nooc kamid ah qishka. Waxa kale oo kamid ah in caanaha lagu badhxiyo biyo, iyo in malabka lagu daro sonkor ayadoo lagu khiyaamanayo dadka wax iibsanaya. Falkaasi waa mid ku xaaraan ah diinta Islaamka, mana banaana. Qofkii ku kacana waa danbiile, oo xaaraan ayuu shaqaysanayaa.

Waxaana muhiima inaynu ogaano in xaaraantu ay saamayn wayn ku yeelanayso noloshaada iyo xitaa faracaaga ama jiilasha kaa danbeeya adiga, sidoo kale xalaashaa laftigeeduna raad wayn ayey ku yeelataa ubadkaaga iyo farcankaaga kaa danbeeyaba, aynu tusaale soo qaadano:

 

– Xilligii Cumar ibnu Khadaab Ilaahay raali haka ahaadee waxa jiray dad caanaha ku dari jiray biyo ayagoo ku badhxaya, dabadeedna Cumar ayaa soo saaray qaanuun mamnuucay in biyaha iyo caanaha aan laysku dari karayn.

Sidaynu ognahayna Cumar (I.R.H) wuxuu ahaa nin jecel inuu ogaado xaaladaha dadka muslimiinta ah, sidaas awgeed habeenkii ayuu wareegi jiray si uu ula socda xaaladahooda.

Kadibna habeen ayuu Cumar soo baxay isaga iyo mowlihiisii Aslam, wayna daalayn oo fadhiisteen gidaar hoostii. Kadibna waxay maqleen laba gabdhood oo is dhalay oo murmaya.

Hooyada wax dhashay ayaa inanteeda faraysa inay biyo ku badhxiso caanaha, hase ahaatee gabadhii yarayd ayaa tidhi: Miyaanad maqal in Amiirkii mu’miniinta ee Cumar ibnu Khadaab uu maanta go’aan kasoo saaray in caanaha iyo biyaha aan laysku dari karayan!!

Hooyadii ayaa tidhi: “Miyaanad ogayn in goortu habeen tahay, oo aanu Cumar iyo ninkii u dhawaaqayey Cumar ee dadka ogaysiinayey farriimhiisa inaanu meeshan joogin?” Gabadhii yarayd ayaa tidhi: “Hadii aanu Cumar goobtan joogin, waxa jooga Rabigii Cumar ibnu Khadaab, aniguna adeeci maayo oo kaliya markuu i arkayo ee waxaan adeecayaa markasta, ha i arko ama yaanu i arkinbee!!”

Cumar ibnu Khadaab oo laga sheekaynayaaba wuxuu fadhiyaa gidaarka, markaasuu mowlihiisii Aslam ku yidhi: “Gurigan inoo calaamadi” Salaadii subax kadib ayuu Cumar mowlihiisii diray si uu warkii labadaa gabdhood usoo ogaado. Aslam markuu soo laabtay ayuu usheegay Cumar in labadii gabdhood ay is dhaleen, oo gabadha yarna ay tahay tu madax banaan oo gashaantiya.

Cumarna (I.R.H) wuxuu isugu u yeedhay ubadkiisii wuxuun ku dhahay: “Maanta waxaan idiin hayaa gabadh hadii aan anigu awood u hayo dumarka aan cidina iiga horeyn lahayn, ee kiineebaa guursanaya? Cabdilaahi iyo Cabdiraxmaan ibnu Cumar ayaa dhahay: Xaasasbaan leenahay anagu, halka Caasim ibnu Cumar ka yidhi: Anigaa guursanaya.

Sidaas ayaa laysugu guuriyey Caasim ibnu Cumar iyo gabadhii caqliga badnayd, waxayna dhaleen labadoodu gabadh yar oo la dhaho Hinda. Hindina markii ay waynaatay ayey guursatay Cabdicasiis nin la dhaho oo kasoo jeeday qabiilka reer bani Umaya, badhasaabna ka ahaa dalka Masar. Waxayna labadoodu dhaleen Cumar ibnu Cabdicasiis, oo noqday khaliif caadila oo ku dayanaya siiradii awoowgii Cumar ibnu Khadaab Ilaahay raali haka ahaadee. [2]

Halkaa waxa inooga cadaatay saamaynta xalaashu ku leedahay xitaa caruurtaada iyo farcankaaga danbe.


[1] Saxiix Muslim

[2] Abunaciim fi xilyah

WD Abdulaziz Mohamed Oogle