Bismillah, magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahba, mahaduna waxay u sugnaatay Allah, waxaan kale oon ku sallinaynaa oo nabad galyo iyo naxariis Ilaahay u waydiinaynaa inuu korkiisa yeelo xabiibka Muxamed isaga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhamaan Muslimiinta raacday jidkiisii. Assalama Calaykum wa Raxmatullahi wa Barakaatuhu.

Su’aashan ah maxaa Ducadaydii layga aqbali waayey waa mid soo noqnoqota oo qofku had iyo jeer iswaydiiyo, waxa aad u badan in dadkeenu ay dhahaan; Ilaahay wax badan ayaan baryayey oo ducadiina igama aqbalin, sidoo kale Shaydaankuna gol daloolkaas ayuu kaaga faa’idaysanayaa oo wuxuu ku dhahayaa; Ilaahay wuu ku necebyahay ama adigu kuma sugnid diintii xaqa ahayd sababtoo ah hadaad xaq ku taagantahay ducada waa lagaa aqbali lahaa.

Hadaba markaan aragnay muhiimada ay leedahay in dadka loo cadeeyo sababta loo ajiibi waayey ducadaada ayaa nagu kalliftay inaan maqaalkan aan ka diyaarino sidoo kalena aan cod ahaan usoo duubna, si aan u buuxino baahidaa loo qabo in la cadeeyo cilmiga iyo xikmada ku gudo jirta. Ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu miisaanka xasanaadka iigu daro, idinkana idinku anfaco, aamiin.

Tusmo

Muxuu Ilaahay u ajiibi waayey Ducadaydii?

Marka hore ma ogthay in Ducadu ay tahay Cibaado oo cida Ilaahay rumaysan oo kaliya ay la timaado halka gaalada iyo kuwa Shaydaanku jarka uga tallaabsaday aanay kuba fakarin cibaadadan. Hadii Ducado cibaado tahay sida Salaada, Soomka, Sakada, Xijaabka Haweenka iyo Xajkaba ma kula tahay waxa waajib ah in cibaadooyinkaas midhahooda aad gurato isla markaad la timaado? Jawaabtu waa maya, qasab maaha inaad ajarka Salaadaada aad hesho intaad nooshahay, sidaas oo kale weeye Ducaduna, waxa lagu faray oo kaliya inaad Ilaahay barido markasta iyo meelkastaba, qasabna maaha inaad jawaabta ducadaada hesho intaad Aduunka joogto.

Ducadu maaadaama ay tahay cibaado waxay u baahantahay fan ama cilmi dheer inaad u leedahay sida Ilaahay loo baryo iyo aalada la adeegsado kolkaad Ilaahay baryayso. Waxaana dhanka kale jira sababo keeni karaya inaan ducadaadiiba la raficn oo albaabkaba laga furin, sidaa awgeed waa inaynu baranaa sababahaas si laynooga ajiibo ducooyinkeena.

Sababha keena in Ducada lagaa aqbalo.

Qodobka koowaad: Ilaahay ducadiisa cidna ha la wadaajin

Ilaahay Ducadiisa cidna hala wadaajinin, macnaha waxa looga jeedaa  cid aan Ilaahay ahayn ha baryin, bal kawaran hadaad Ilaahay cid kale la lamaanayso ood tidhaahdo tusaale ahaan; Ciise Masiix iyo Ilaahayoow xoolo nasii!! ama Cabdiqaadir Jaylaaniyoow Ilaahay ii waydii inuu isiiyo caruur fiican, ama Ilaahay iyo Malakul Mikaa’iiloow Roob noo keen!! Ma kula tahay ducadaa aad Ilaahay ku lamaanaysay cid kale in lagaa aqbalayo? Jawaabtu waa maya, Ilaahay wuxu xadiis qudsi ku yidhi;

عن أبي هريرة قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم قال الله تبارك وتعالى أنا أغنى الشركاء عن الشرك من عمل عملا أشرك فيه معي غيري تركته وشركه

Abuhurayra wuxuu ka wariyey Rasuulka (N.N.K.H) inuu yidhi; Ilaahay kor ahaayee wuxuu dhahay: Anigaa ka deeqtoon Shurakada shirkigooda, cidii fasha camal ay cid kale igu lamaanaysiisay waan ka tagaa isaga iyo shirkgiisaba.

Hadaba Walaal iska ilaali inaad Ducadaada cid kale ku lamaato Ilaahay, hadayba dhacdana taasi waa duco aan la aqbalayn.

Qodobka Labaad: Manhajka Ilaahay raac.

Ilaahay manhajkiisa qaado oo isaga ajiib markuu kuugu yeedho wax ku noolaynaya tusaale ahaan; marka salaada loo adimayo muxuu dhahaa mu’adinku; xaya calaa salaat, xaya calaa alfalaax ( U kaalaya Salaada, U kaalaya Liibaanta) bal ka warran hadii Alle kuugu yeedho salaadiisa ood iska dhago martid ma kula tahay in markaad Ilaahay u baahato inuu kaa aqbalayo ducadaada!! Ilaahay wuxuu Quraankiisa ku leeyahay:

وَإِذَا سَأَلَكَ عِبَادِي عَنِّي فَإِنِّي قَرِيبٌ ۖ أُجِيبُ دَعْوَةَ الدَّاعِ إِذَا دَعَانِ ۖفَلْيَسْتَجِيبُوا لِي وَلْيُؤْمِنُوا بِي لَعَلَّهُمْ يَرْشُدُونَ ﴿١٨٦

(186) hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan. [Albaqara: 186]

Ilaahay wuxuu dhahay; ha i ajiibaan oo ha i maqlaan oo ha qaataan manhajkayga iyo diintayda, hana i rumeeyaan inaan ahay Rabbi cilmi u leh adoomadiisa hadii lagaa helo labadaa shardi ee ah inaad rumayso Allah sidoo kalena ajiibto manhajkiisa markaas waxaad filataaba waa in ducadaada lagaa aqbalo.

Qodobka Sadexaad: Ka fogow Danbiyada

Hadaad rabto in ducadaada lagaa aqbalo waa inaad ka fogaataa Danbiyada iyo Macaasida, tusaale ahaan; nin ayaa khamri cabay kadibna isagoo sarkhaansan ayuu gacmihiisa sare u taagayaa oo uu leeyahay Ilaaho isoo hanuuni!! Cajiib bal ruuxaas sidee looga aqbalayaa ducada? Ugu horeyn jooji macsida kana toobad keen kadibna hanuunka Ilaahay waydiiso. Nabigeenu wuxuu ku dhahay xadiis sidan.

وذكر الرجل يطيل السفر أشعث أغبر يمد يده إلى السماء يا رب يا رب ومطعمه حرام ومشربه حرام وملبسه حرام وغذي بالحرام فأنى يستجاب لذلك

Wuxuu sheegay Nin safarka dheereeyey oo boodhaysan gacmihiisan samada u taagaya dhahayana Yaa Rabi Yaa Rabi, cuntadiisuna waa xaaraam, cabidiisuna waa xaaraam, dharkiisuna waa xaaraan, kuna qadeeyey xaaraana sidee kaa looga ajiibayaa ducada!!

Qodobka Afaraad: Malo xun inaad haka filan Ilaahay:

Dabcan waxyaalaha ugu badan ee ducada loo aqbali waayey waxaa kamida inaad Ilaahay malo xun ka filato, tsuaale ahaan inaad Ilaahay barido adigoo niyada ka leh waxba lagaama aqbalayo kolayba, ama hoosta ka leh; hadii la aqbalayo duco bal kuwii ka horeeyeyba laygama aqbalin, ama hoosta ka leh; maxaan Ilaahay ka baryaa waxaan waydiisanayo ayaa ciida ka badane!! Isku soo duuboo wax kasta oo malo xun ah ood Ilaahay ka filato ma keenayso in Ducada lagaa aqbalo. Ilaahayna xadiis Qudsi wuxuu ku dhahay.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ اللَّهُ تَعَالَىأَنَا عِنْدَ ظَنِّ عَبْدِي بِي

Abuhurayra wuxuu dhahay; Nabigu wuxuu yidhi: Alleh wuxuu leeyahay: Anigu waxaan agtiisa ahay malaha adoonkagu iga filayo.

Hadii aad Ilaahay khayr ka filato, ood malahaaga hagaajiso oo aad yaqiinsato in Ilaahay kaa qabalayo ducadaadan, waa lagaa aqbalayaa ducadaada.

Qodobka Shanaad: Ha dagdagin.

Dhibta ugu badan ee haysta dadka Muslimiinta iyo guud ahaan Insaankaba waa dagdaga, oo yaa inaga mid ah oo aan dagdag ku jirin!! Dagdagaas wuxuu kugu keenayaa inaad ka quusato in ducadii lagaa aqbalay,, balse hadaad u kaadiso oo Ilaahay ku kalsoonaato ood aaminto in ducadaada Ilaahay kaa aqbalayo goorta iyo goobta ku haboon ee Alle doono waa lagaa aqbalayaa. Nabiguna wuxuu dhahay sidan:-

يُسْتَجَابُ لِأَحَدِكُمْ مَا لَمْ يَعْجَلْ يَقُولُ دَعَوْتُ فَلَمْ يُسْتَجَبْ لِي

Midkiin waa laga ajiiba ducadiisa hadaanu dagdagin, wuxuu dhahayaa; waan ducaystay laygamana ajiibin.

Qodobka Lixaad: Wanaaga farista iyo  xumaan reebista.

Hadii dadku aanay wanaaga is farin, xumaantana iska reebin waxa dhacaysa in Ilaahay la baryo oo ducadiiba la aqbali waayo. Wuxuu dhahay Nabi Muxamed (N.N.K.H) sidan:-

عن حذيفة عن النبي صلى الله عليه وسلم قال { والذي نفسي بيده لتأمرن بالمعروف ولتنهون عن المنكر أو ليوشكن الله عز وجل أن يبعث عليكم عذابا من عنده ثم تدعونه فلا يستجاب لكم } رواه الترمذي وحسنه . ومعنى أوشك أسرع .

Xudayfa wuxuu Nabiga ka wariyey inuu yidhi; (Kay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, wanaaga waad is faraysaan, xumaantana waad iska reebaysaan ama wuxaa Alle ku dhowyahay inuu idiin soo diro cadaab agtiisa markaasaad baryaysaan oo laydinkama aqbalayo).

Sidaa awgeed waxa lagaga maarmaan ah inaad dadka wanaaga ugu yeedho xumaantana ka reebto haba noqdaan caruurtaada iyo ehelkaagabee.

Qodobka Todobaad: Cibaadada ood badsato.

Markaad rabto inaad iibsato alaab qiimo badan oo aad u jeceshahay maxaad samaysaa? Waxaad ku iibsataa lacag badan oo u dhigmaya alaabtaas qiimaha leh, hadaba hadii aad Ilaahay (S.W.T) aad waydiisato Jannadiisa, danbi dhaaf, barako aduun iyo aakhiro, caafimaad qab, xoolo badan, haween fiican, caruur fiican, cilmi badan, sharaf iyo karaamo. Kolkaas waxa kugu waajib ah inaad badiso cibaadadiisa, salaadaha sunnada ah, sadaqada, qoyskaaga ood xidhiidhiso, jaarkaaga ood hagaajiso, dhaqan wanaagsan, waalidkaa oo aad baari u noqoto, quraanka oo aad akhrido iwm.

waxa la sheegaa in xilligii Cmar ibnu Khadaab uu nin soo galay Masaajidka kadibna laba rakcadood oo degdeg ah ayuu ka tuuray markaasuu hal saacadna u taagnaa duco!! Cumar ibnu Khadaab ayaa ku dhahay: Ninyahaw, dalabkiina waad badisay maherkiina waad yaraysa. Bal qiyaas nin doonaya inuu guursado Todobaatan Xuurulcayna oo aynu ognahay inay yihiin haween qaaliya hadana maherkooda aad qiimo yar ku bixiso, ma kuu suuroobaysaa kolkaas inaaad hesho waxaad rabtay? Markaa walaal ku dadaal cibaado iyo daaco badan hadaad rabto in lagaa aqbalo ducadaada.

Maxaad Ilaahay u baryeysaa?

Ilaahay waxaad u baryaysaa markaad ogaatay in aanad awood u lahayn in aad hawshaa fuliso ayaad baryeysaa cidii awooda u lahayd oo ah Allah, tusaale ahaan; waxaad ka cabanaysaa ubad la’aan, waxaanad la timid asbaabhii aad adigu shakhsi ahaan aad awoodaysay sida inaad gabadh guursatay, dhakhtarkii aad aaday hadan ay kuu suurtoobi wayday inaad ubad dhasho kolkaas waa inaad baridaa cidii awooda u lahayd inaad ubad hesho.

Qaabka Rabi u aqbalo Ducooyinka.

Kolkaad la timaado shuruudihii aan kor kusoo xusnay, wuxuu Rabi kaaga aqbalayaa ducadaad dhawr nooc. Waa marka koowaad waa inuu Ilaahay kaa ajiibo ducadaada isla markiiba, ama inuu kaaga celiyo shar iyo xumaan kugu dhacaysay ama inuu kuugu kaydiyo akoonkaaga aakhiro.

Bani-aadamku intooda badan waxa haya cuduro shahwadeed tusaale ahaan; wuxuu Ruuxu doonayaa inuu noqdo qofka ugu cilmiga badan, ugu taajirsan, ugu caruurta fiican, ugu xaaska wanaagsan, ugu caafimaadka fiican. Guud ahaan Bani-aadamku wuxuu jecelyahay wax kasta oo khayr ah, khaladkuna kama imanayo inaad jeceshahay khayrka ee gafku wuxuu ka yimaada malaha aad u malaysay in Khayrku uu ku jiro waxaad Ilaahay waydiisatay.

Tusaale ahaan: waxaad leedahay ilmo yar oo todoba jira, wuxuuna qabaa cudurka macaan ama sonkorowga, markaad u geysay ilmihii dhakhtarka wuxuu ku dhahay; ilmaagu Macaan ayuu qabaa ee ka ilaali wax kasta oo macaan, kadibna guriga ayaad keentay ilmihii dawadiisiina waad siisay hase ahaatee ilmihii wuxuu ku leeyahay maalin kasta; aabo ama hooyo waxaan rabaa nacnac, buskul, jokolaat, iskiriin, jalaato, xalwad, shaah sonkor leh, miyaad ilmahaaga oo aad jeceshahay lana rabtid inuu caafimaado miyaad siinaysaa macmacaanka kusii kordhinaya cudurka ama xanuunka? jawaabtu waa maya, ee waad ka warwareegaysa oo ilmihii waxyaale kale oo aan macaan lahayn ayaad siinaysa.

Su’aashu waxay tahay markaad u diidayso ilmahaaga macaankaa, ma jacayl aad u qabto ayaad ugu diiday mise nacayb aad u hayso ayaad ugu diiday? waxaad ugu diiday waad jeceshahay ilmahaaga, laakiin ilmaha laftigiisu hadiin aanu fahamsanayn wuxuu u qaadanayaa inaad nacebtahay oo aad isaga kaligii ka ilaaliso macmacaanka!! saw sidaas maaha?

Hadaba Adigu waxaad lamid tahay sida ilmahaa yar, waxaad tahay adoonkii ama adoomadii Ilaahay, kolkuu arrin kuu diidayo macnaheedu maaha inuu Ilaahay ku nacebyahay ee waa ku daryeelid iyo in lagu xanaaneeyo. Sababtuna waxa weeye Ilaahay wuxuu ogyahay mustaqbalka, maadaama uu qaybkana cilmi u leeyahay wuxuu gartay in haduu ku siiyo dalabkaagii ahaa (Rabiyooow, waxaan rabaa gabadh cad, gaadhi cad, guri cad iyo lacag cad) inaad meel daran kala dhacaysid. Gaadhigii lamasiinka ahaa ee aad Ilaahay waydiisatay haduu kuba siiyo oo aad raacdid kadibna aad shil baabuur aad ku gasho, dhabarka iyo qoortana ka jabto, yamaa wanaagsan in Gaadhiga lagu siiyo iyo inaad dhabarkii iyo halbawlihii aad waydo?? Adigaa ka jawaabaya…

Markaa walaal doqon ha noqonin oo ha dhihin; Ilaahay waxyaalo badanbaan waydiistay laygamana aqbalin sababtoo ah daryeelka Ilaahay adigu ma dareemaysid, ee ducadaada Rabi wuu kaa aqbalay waxayna jawaabtiisii noqotay sidan: Adoonkaygoow, hadaad i waydiisatay duacadan waxaan kuugu badalay wax kaaga khayr roon, khayrkaad rabtayna waxa ka sarreeya khayrka aan anigu cilmiga u leeyahay kuumana wanaagsana in ducadaada sidaad u rabtay inaan kuu siiyo. Sababtoo ah Ilaahay aqoon darradaada kuguma raacayo, ee wuxuu xikamdiisa iyo cilmigiisa kugu hagayaa jidka barwaaqada iyo hanuunka. Wuxuu Allah dhahay:

وَيَدْعُ الْإِنسَانُ بِالشَّرِّ دُعَاءَهُ بِالْخَيْرِ ۖ وَكَانَ الْإِنسَانُ عَجُولًا﴿١١

(11) Wuxuu u Yeedhaa (Baryaa) Dadku Shar siduu ugu Yeedho «Baryo» Khayrka, Dadkuna waa Deg dege.

Qaab kale oo ilaahay ku ajiibo ducada ayaa jira oo ah ” haduu wax ku siiyey wuxuu ku siiyey ta baaqiga, maadaama uu ku jecelyahayna wuxuu kuugu kaydiyey akoonka aakhiro ee aan dhamaanayn” Adigu waxaad rabtay in ducadaada aad hesho iminka laakiin Ilaahay wuu ku jeclaaday waanu kuu kaydiyey ducadaada ajirkeedii, markaad aakhiro tagtana waxaad rajaynaysaa inuu Ilaahay kuu kaydin lahaa dhamaan ducooyinkii.

Qaab kale oo Ilaahay ku aqbalo Ducada, waa inuu Rabi jeclaaday codkaaga iyo is dullaysiintaada. Tusaale; adigoo gurigaaga jooga ayaa wax Albaabka kugu soo garaacay Nin aad necebtahay oo miskiin maxaad dhahaysaa; hoo qaado lacagta oo maca salaama!! Ku kale ood jeceshahay maxaad samaynaysaa kolkuu kuu yimaadi kaba soo qaad wiilkaagii aad dhashay, waxaad leedahay; aabo bal ii waran? kawaran xaaladahaaga? maxaad ku falaysaa lacagta?  waxaad jeceshahay inuu mudo kuu sii warramo ood codkiisa dhagaysato. Ilaahayna waa sidaas oo kale; Adoomada qaar codkooda ma jecla ee markay waydiistaan ayuu dhahaa; Jibriiloow, sii wuxuu doonayo. Ku kalena wuxuu dhahayaa; haa, haloo kaadiyo waxaan jeclahaya codkiisa. Bal qiyaas cid Rabigii Raxmaanka ahaa uu jeclaaday Codkiisa ama falkiisa, waxa ruuxaas u sugnaaday khayr badan.

Qaab kale ayaa jirta oo Ilaahay ku aqbalo ducada oo ah inuu dhib kuu qornayd uu kaaga xijaabo ducadaada, tusaale ahaan: waxaad haysataa ilmo yar oo ku dhashay naafo sida inuu dhago la’yahay, indho la’yahay, lug la’yahay ama uu dhulkaba uu yaalo oo marjaajis ayaa haya, waxaanad is waydiinaysaa su’aasha Shaydaanku kugu soo tuurayo oo ah ” Aniga horta Ilaahay muxuu igala soo doonay ilmahan xanuusanaya ee naafada ah, halka inaadeerkayna uu ka siiyey kow iyo toban wiil oo caafimaad qaba?” Waa cajiib Shaydaanku wuxuu jecelyahay markasta xumaantaada iyo dhibkaaga Aduun iyo Aakhiraba wuxuuna kuu maleegay dhagartaas wayn ee halista ah taasoo hadaanad iska ilaalin keensan kartaba inaad nicmooyinka Ilaahay ka kufrido.

Ugu horeyn markay ku asiibto arrin aanad filanayn dib u xasuuso wanaagyadii kel ee Allah kuu galay, waxa dhici karta in Ilaahay ku siiyey hanti badan, haween fiican, wiilal kale oo fiican, reer fiican, cilmi iyo sharaf kolkaas dhibta ku haysataa waa imtixaankaaga lagugu fiirinayo inaad u dulqaadanayso dhibka iyo inkale. Marka labaad waad ducaysatay in ilmihii Ilaahay cudurkii ka dul qaado, jawaabteediina wali maad helin ma taqaanaa sababta? Sababtu waa xikmad Ilaahiya oo laga yaabo in ilmahaasi uu kaa dhiman lahaa hadaanad ducaysan kadibna ducadaadii ayaa xijaabtay dhib kale oo ku taaban lahaa, ama hadii aanad ducaysan waxa dhici lahayd inaad quusato oo aad diintaba ka baxdo dabadeedna Ilaahay ayaad bariday markaasuu ku waafajiyey tawfiiqda oo uu ku sugay.

Si kastaba ha ahaatee Ducadaa waa lagaa aqbalay oo wax fiican ayey kuu tartay, in lagaa aqbalay ood heshay jawaabtii, in dhib kusoo gaadhaysa lagaaga manciyey iyo in laguu kaydiyey. Saxaabadii waxay tidhi; hadaa waanu badsanaynaa Ducada, wuxuu dhahay Rasuulku: Ilaahay ayaa wayn oo kasii badan.

Ma rabtaa in Allah wax walba uu ku siiyo adigoon waydiisan?

Hadaad rabto in Allah uu ku siiyo wax kasta oo aad rabto adigoon xitaa waydiisaninba waa inaad ku mashquushaa Xuska Allah (SWT). Tusaale aan soo qaadano; waxaad leedahay laba wiil oo kuray ah, mid habeen kasta wuxuu ku waydiiyaa baahidiisa, dhar, kabo, lacag, waanad siisaa markaad haleesho kan kalena waxba kuma waydiisto ee wuxuu dhahaa; Aabe waa khayr iyo nabad waan fiicanahay, uma baahni lacag!! Bal is waydii labadaada wiil marka danbe adigaa ayaa la jeclaanaya in wiilkan aan waxba ku waydisan inaad wax siiso ama wax wayn oo qiimo leh aad maalin kaga farxisid.

Ilaahayna waa sidaas oo kale, dabcan kuma lihi Ilaahay wax ha waydiisan ee waxaan uga jeedaa hadaad ku mashquusho dikriga Ilaahay iyo xuskiisa adigoon Ilaahay waydiisanin wixii qalbigaaga ku jiray ayuu ku siinayaa iyo laban laab. Xadiis qudsi wuxuu Alle ku dhahay;

مَنْ شَغَلَهُ ذِكْرِي عَنْ مَسْأَلَتِي أَعْطَيْتُهُ أَفْضَلَ مَا أُعْطِي السَّائِلِينَ

Cidii Xuskaygu uu ka mashquuliyo wax waydiisigayga, waxaan siiyaa wax ka fiican waxaan siiyo kuwa wax i waydiista.

Tusaale; Ninkii Axmed ibnu Xanbal hooyey ee ku ducaysanyey habeenkasta danbi dhaafka wuxuu Ilaahay ka aqbali jiray duco kastaba.

Aadaabta Ducada

Ducadu aadaab ayey leedahay lagu baryo Rabi Subxaanahu wa tacaalaa, Rabigeen wuu jecelyahay inaynu barino oon waydiisano wax kasta ha yaraato hana waynaato kamana daalayo inuu khayrka ina siiyo, balse waa inaynu adaabta la nimaadnaa Ducada si laynooga aqbalo.

  • Ilaahay Subxaanahu waa inaad ku amaantaa wuxu ehel u yahay, nabigeenu wuxuu dhahay: Rabi wuxuu jecelyahay amaanida waana sababta keentay inuu Quraankiisa isku amaano. Markaa waa inaynu Ilaahay mahadinaa, danbigeena qiranaa, nicmaduu inagu galladaystay aan qiranaa.
  • Salliga nabiga, hadaad rabto in ducadaada lagaa aqbalo waa inaad xabiibka ku sallidaa isaga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhamaan muslimka raacy jidkiisii, nabiguna wuxuu arkay nin ducaysanaya oo aan Ilaahayna mahadinin, xabiibkana aan ku salliyin markaasuu dhahay kani waa degdegay!! Wuxuuna dhahay:-

إذا صلى أحدكم فليبدأ بتمجيد ربه جل وعز والثناء عليه ثم يصلي على النبي صلى الله عليه وسلم ثم يدعو بعد بما شاء ” . رواه الترمذي ( 3477 ) وأبو داود ( 1481 )

  • ku dadaal xilliyada ducada aan la celin sida, habeenka laylatulqadriga, maalinta Carafo, maalinta Jimce, aadaanka iyo qiimida dhexdeeda, salaada kadib, habeenkii marka sadex meelood laba tagto iwm.
  • haku xadgudbin ducada oo Ilaahay ha waydiisan waxyaalo aan macquul ahayn tusaale; hadaad tidhaahdo adigoo gabadh ah waxaad Ilaahayow iga dhigtaa Nin, dabcan Ilaahay inuu nin kaa dhigo waxba kuma aha laakiin waxa meeshaas ka muuqata xadgudubka ducada
  • Danbi iyo qaraabo goys ha waydiisan Ilaahay, tusaale: hadaad tidhaahdo Ilaahayoow Bangigaas lacag ribo ah ha ii saaro xoolaha aan dhigtay, taasi duco maaha ee danbibaad Ilaahay waydiisatay sidoo kale reerkaaga inaad goysidna ha waydiisanin Ilaahay, tusaale; hadaad inaadeerkaa aad isku kacsantihiin ood tidhaahdo Ilaahayoow kan hay itusin!! Ducdaada danbiga ka ilaali.
  • Ilaahay markaas ducada waydiisanayso waa inaad u khushuucdaa oo ilmaysaa sida ilmaha yar, ilaahay waa inaad tustaa baahidaada oo aa daciif iska dhigtaa. Tusaale, ka warran hadaad Ilaahay qaanabtid sidaad wax u dhiibatay sidii ninkii laga sheegay inuu dhahay; Ilaahayoow naga keen dee, walibana xagaa lacagta dhawr jeer oo horena waan kaala hadlaye. Ilaahay ruux baahan iskaga dhig oo kibirka iska ilaali.
  • Meelaha ducooyinka lagu aqbalo ku dadaal sida salaada markaad sujuudsantahay maxaa yeelay waa markaad ugu dhawdahay Ilaahay, markaad joogto Makkah ama Kacbada ku dadaal ducooyinka, markaad joogta Masjidka Nabiga, Masjidka Alaqsaa (ilaahay najaasta Yahuuda haka xoreeyee) lama mid ah meelahaasi dhulka inta kale ee way ka fadli badanyihiin.
  • Yaqiinso markaad ducad dhamaysato inuu Ilaahay aqbalayo, tusaale: Wiil yar oo indho la’aa ayaa baryey Ilaahay markaasuu ku celceliyey ducadiisii kadibna muraayadihii intuu tuuray ayuu dhahay; waa layga aqbalay Ducadaydii!! Cajiib markuu muraayadaha tuuray ayy Rabi usoo celiyey indhihiisii.
  • Biyaha Zamzamka markaad cabayso waa inaad ku niyeysataa in Ducadaad Ilaahay kaa aqbalo.
  • Walaalkaa markuu kaa maqanyahay waa inaad u ducaysaa, hadaad walaalkaas kaa maqan u ducayso waxa kuu ducaynaya Malaa’ikta waana lagaa aqbalayaa ducadaa, waana sababta keentay inaynu Xabiibka ku sallino oon u ducayno maxaayeelay waa walaalkeen oo muslima sidaas awgeed ducadeena waa laynaga aqbalayaa.
  • Intaanada ujeedada ducadaada Ilaahay waydiisan sadaqo sii bixi, cibaado fiicana la kaalay sida salaada, soonka, samofalka waalidka iwm.

Waxaan rajaynayaa hadaad Shuruudahaas aad kasoo baxdaan, adaabtaana aad la timaado Ilaahay wuu kaa aqbalayaa Ducadaada, qaababkaa aan soo sheegnayna wuu kaaga ajiibayaa. Ilaahay kuwii wax ku qaata ee ka faa’daysta haynaga dhigo. Waa walaalkiin Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle.


Waxad Diyaariyey oo soo jeedinaya: Sheekh Abdulaziz Sheekh Mohamed Oogle