Maxaan ku garanayaa in Ilaahay raali iga yahay? Muxuu Rabi raali ku noqdaa?

Hadafka ugu wayn iyo ujeedada ruuxa mu’minka ah waa inuu raali galiyo rabigii abuuray, ee sawirtay markaasna ruuxda ku afuufay. Ilaahay kolkuu ku abuurayey wuxuu kugu abuuray jacayl, hadii aanu ku jeclayna kumabuu abuuri lahay. Wuxuu Rabigeen doonayaa inuu inaga farxiyo oo ina guuleeyo sida Allah uu leeyahay swt:

يُرِيدُ اللَّـهُ لِيُبَيِّنَ لَكُمْ وَيَهْدِيَكُمْ سُنَنَ الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ وَيَتُوبَ عَلَيْكُمْ ۗ وَاللَّـهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ ﴿٢٦وَاللَّـهُ يُرِيدُ أَن يَتُوبَ عَلَيْكُمْ وَيُرِيدُ الَّذِينَ يَتَّبِعُونَ الشَّهَوَاتِ أَن تَمِيلُوا مَيْلًا عَظِيمًا ﴿٢٧ يُرِيدُ اللَّـهُ أَن يُخَفِّفَ عَنكُمْ ۚ وَخُلِقَ الْإِنسَانُ ضَعِيفًا ﴿٢٨

Wuxuu Dooni Eebe inuu idiin Caddeeyo Idinkuna Hanuuniyo Wadadii kuwii idinka Horreeyey oo idinka Toobad aqbalo Eebana waa Oge Falsan. Eebe wuxuu dooni inuu idinka Toobad aqbalo waxayse dooni kuwii Raacay waxa Naftoodu Jeceshahay inaad iilataan iilasho wayn. Wuxuu dooni Eebe inuu idinka Fudeyiyo, waxaase La Abuuray Dadka isagoo tabar Yar.

Sababaha keensanaya inuu Allah raali kaa noqdo:

  1. Marka hore adigu raali ka ahow Ilaahay, oo qaado awaamirta lagu farayo kana fogow wixii uu Allah iyo Rasuulkiisu kaa reebeen. (رَّضِيَ اللَّـهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ)

”عن أبا سعيد الخدري أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال من قال رضيت بالله ربا وبالإسلام دينا وبمحمد رسولا وجبت له الجنة. سنن أبي داود » كتاب الصلاة » باب تفريع أبواب الوتر » باب في الاستغفا .” [من قالها ثلاثاً حين يصبح وحين يمسي كان حقاً على الله أن يرضيه يوم القيامة] امام أحمد

“Aba saciid Al-khudri waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: Qofka dhaha Ilaahay ayaab Rabinimo raali uga noqday, Islaamkana diinimo ayaan raali uga noqday, iyo Muxamedna Rasuulnimo ayaan raali uga nqday, waxa u waajibay Jannada. (cidii tidhaahda sadex jeer markuu waabariisto iyo markuu galabaysto waxa xaq ku ah Ilaahay inuu raaligaliyo maalinta Qayaame)

 

  1. Raaligalinta Waalidka, ma ogtahay in raali ahaansha waalidku yahay raali ahaanshaha Allah (swt) sidoo kale cadhada Waalidka ayaa ah cadhada Ilaahay: Wuxuu dhahay nabigu (scw):

“عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ رِضَى الرَّبِّ فِي رِضَى الْوَالِدِ وَسَخَطُ الرَّبِّ فِي سَخَطِ الْوَالِدِ” مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح » كتاب الآداب » باب البر والصلة

”Cabdilaahi ibnu Camru waxa laga wariyey inuu ka wariyey Rasuulka (scw) inuu yidhi: Raali ahaanshaha Rabi waa raalida Waalidka, cadhada Rabina waa cadhada Waalidka”

  1. Imtixaanka badan ee Mu’miniitu waa mid kamid ah Raali ahaansha Ilaahay (swt) waxa laga wariyey nabiga (scw):

“عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ إِنَّ عِظَمَ الْجَزَاءِ مَعَ عِظَمِ الْبَلَاءِ وَإِنَّ اللَّهَ إِذَا أَحَبَّ قَوْمًا ابْتَلَاهُمْ فَمَنْ رَضِيَ فَلَهُ الرِّضَا وَمَنْ سَخِطَ فَلَهُ السَّخَطُ” سنن الترمذي » كتاب الزهد عن رسول الله صلى الله عليه وسلم » باب ما جاء في الصبر على البلا

”Nabiga (scw) waxa laga wariyey inuu dhahay: Abaalmarinta wayn waxa la socda imtixaan wayn, haduu Ilaahay qoom jeclaadana wuu imtixaamaa, cidii raali ku noqota wuxuu leeyahay raali ahaansho, cidiise cadhootana wuxu leeyahay cadho”

  1. Sidee lagu gaadhaa booska raali ahaansha Ilaahay, wuxuu yidhi Yaxya ibnu Mucaad oo ahaa culumadii noolayd qarnigaa sadexaad ee hijrada, lahaana erayo badan oo xikmad ku dheehantahay:

قيل ليحيى بن معاذ رحمه الله: متى يبلغ العبد إلى مقام الرضا ؟ فقال : إذ أقام نفسه على أربعة أصول فيما يعامل به ربه ، فيقول : إن أعطيتني قبلت ، وإن منعتني رضيت ، وإن تركتني عبدت ، وإن دعوتني أجبت.

”Waxa la waydiiyey Yaxya ibnu Mucaad (i.h.u): Goormuu Adoonku gaadhaa boska raaliahaanshaha? Wuxuu yidhi: markuu naftiisa ku istaajiyo afar arrimood oo ah wuxuu Ilaahay kula dhaqmayo, oo dhahayo: hadaad isiiso waan aqbalay, hadaad ii diidayna waan ku raali noqday, hadaad iga tagtayna ku caabuday, hadaad ii yeedhana ku ajiibay.”

Maxaa keena in Ilaahay ka cadhoodo Adoonka?

Hadii adoonku uu kusii adagyahay macsida, taasi shaki la’aan waxay keenaysaa inuu Rabi u cadhoodo adoonkii. Haduu Ilaahay kuu cadhoodana, ogsoonow xitaa danbiyada yaryar ayaa noqonaya danbiyo waaweyn. Tusaale ahaan, hadii aad adigu qof raali ka tahay oo uu qofkaasi la yimaado danbi yar ama Isfahan yar waxba kama soo qaadaysid, oo waa saamaxaysaa ruuxaas, balse hadii aad necebtahayba oo uu yimaado Isfahan yar, xitaa waxaa yar ma xamilaysid. Waa sidaas oo kale, oo danbiyadaas yar yare e isdaba socda hadii aanu ruuxu ka toobad keenin waxay noqonaysaa danbi wayn.

Sideebaad Ilaahay raali ahaanshihiisa usoo celinaysaa haduu kuu cadhoodo?

Hadii aad danbi gashay oo Ilaahayna kuugu cadhooday danbigaas, waa inaad raadisaa cidii ku furdaamin lahayd! Waayo cida ku badbaadinaysaa? Cidii aad danbiga ka gashay ayaa sidoo kalena ah cida ku badbaadinaysa, waana Allah (swt).

  1. Cida aynu macsidiisa la nimaadno waa Ilaahay, hadana isaga ayaa ah ka inaga dhaafaya danbigii iyo macsidii, waana inaynu xagiisa ku cararnaa oon magan galnaa, wuxuu Allah leeyahay:

فَفِرُّوا إِلَى اللَّـهِ ۖ إِنِّي لَكُم مِّنْهُ نَذِيرٌ مُّبِينٌ ﴿٥٠﴾

“Ee xaga Allaah u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).” [Daariyaat:50]

  1. Xaga Ilaahay magan gal, magangalyo wayiiso Ilaahay, siduu nabiguba (scw) habeenkasta u waydiisan jiray Ilaahay magangalyo iyo badbaadin:

عَنِ الْبَرَاءِ بْنِ عَازِبٍ ، رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا ، قَالَ : كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا أَوَى إِلَى فِرَاشِهِ قَالَ : ” اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْلَمْتُ وَجْهِيَ إِلَيْكَ ، وَفَوَّضْتُ أَمْرِيَ إِلَيْكَ ، لا مَلْجَأَ وَلا مَنْجَا مِنْكَ إِلا إِلَيْكَ ، آمَنْتُ بِمَا أَنْزَلْتَ مِنْ كِتَابٍ ، وَمَا أَرْسَلْتَ مِنْ رَسُولٍ ” .

“Baraa ibnu Caazib waxa laga wariyey inuu dhahay: wuxuu ahaa Rasuulkii Ilaahay (scw) markuu furaashkiisa u hooyanayo mid dhahay; “Ilaahayow waxaan kuu dhiibay wajigayga, arrinkaygana xagaaga ayaan usoo bandhigay, cid laga magan galo adiga iyo cid lagaga badbaado adiga majiro adiga mooyaane, waxaan rumeeyey wixii aad soo dajisay ee kitaabka ah, iyo wixii aad rasuul soo dirtay” Bukhaari, Fatxulbaari.

  1. Camalada fiican la imo, sida sadaqada, quraan akhrinta, samofalka waalidka, wuxuu nabigu (scw) dhahay:

“عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ الصَّدَقَةَ لَتُطْفِئُ غَضَبَ الرَّبِّ وَتَدْفَعُ عَنْ مِيتَةِ السُّوءِ”سنن الترمذي » كتاب الزكاة عن رسول الله صلى الله عليه وسلم » باب ما جاء في فضل الصدقة

”Anas ibnu Maalika waxa laga wariyey inuu yidhi; wuxuu Rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: Sadaqadu waxay damisaa cadhada Rabi, waxayna kaxaysaa xumaanta teeda dhimatay” Tirmadi.

Ilaahay si yar oo fudud ayuu raali noqdaa:

  • Kaliya adigu u kaalay Ilaahay, wuxuu Rabi raali noqonayaa si dhakhso ah oo fudud, maxaa yeelay Ilaahay waa deeqsi, waa Kariim. Mudo yar gudahood ayuu Ilaahay raali kaaga noqonayaa, oo uu walibana kugu farxayaa toobadaad iyo Alle kacabsigaaga.
  • Waxaad ilaalinaysa waajibaadka, waxaad raacinaysaa sunanka, ducoyinka iyo wax kasta oo la jeclaysto.

Haka quusanin in Ilaahay raali kaa noqda:

Maxaa yeelay Ilaahay ducada wuu ka aqbalaa xitaa dadka caasiya isaga. Gaar ahaan adoonku haduu Ilaahay usoo laabto oo uu garto inuu leeyahay Rabi danbigiisa dhaafaya. Waxa laga wariyaa nabi Muuse inuu waydiiyey rabigii, rabiyoow maxaad ku tidhaahdaa adoonka kuu rukuucsan? Wuxuu yidhi; waxaan dhahaa; waan ku ajiibay adoonkaygiyoow. Haduu sujuudana maxaad tidhaahdaa? Wuxuu yidhi; waxaan idhaahdaa; waan ku ajiibay adoonkaygiyoow. Haduu ku caasiyo oo uu kuusoo laabtana maxaad tidhaahdaa? Waxan idhaahdaa: waan ku ajiibay adoonkaygoow, waan ku ajiibay adoonkaygoow, waan ku ajiibay adoonkaygoow,…  Wuxuu Allah leeyahay (swt):

وَالَّذِينَ إِذَا فَعَلُوا فَاحِشَةً أَوْ ظَلَمُوا أَنفُسَهُمْ ذَكَرُوا اللَّـهَ فَاسْتَغْفَرُوا لِذُنُوبِهِمْ وَمَن يَغْفِرُ الذُّنُوبَ إِلَّا اللَّـهُ وَلَمْ يُصِرُّوا عَلَىٰ مَا فَعَلُوا وَهُمْ يَعْلَمُونَ ﴿١٣٥ أُولَـٰئِكَ جَزَاؤُهُم مَّغْفِرَةٌ مِّن رَّبِّهِمْ وَجَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚوَنِعْمَ أَجْرُ الْعَامِلِينَ ﴿١٣٦

“Kuwa markay falaan Xumaan ama Dulmiyaan Naftooda Xuse Allah, Warsadana Dambi dhaafid dambigooda, wax dambi dhaafana ma jiro Ilaahay mooyee, oon daa’imin (Xumaantay) faleen iyagoona og. (135) Kuwaas Abaalkoodu waa Dambi dhaafka Rabigood iyo Jannooyin ay Dureeri dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari dhexdeeda, waxaa Wanaagsan Abaalka kuwa Camal Falay.(136)”

Sidoo kale Xabibka nabi Muxamed (scw) waxay dhaheen:

عن أبي هُرَيْرَةَ قَالَ سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يقول : ( إِنَّ عَبْدًا أَصَابَ ذَنْبًا وَرُبَّمَا قَالَ أَذْنَبَ ذَنْبًا فَقَالَ رَبِّ أَذْنَبْتُ وَرُبَّمَا قَالَ أَصَبْتُ فَاغْفِرْ لِي فَقَالَ رَبُّهُ أَعَلِمَ عَبْدِي أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ وَيَأْخُذُ بِهِ غَفَرْتُ لِعَبْدِي ثُمَّ مَكَثَ مَا شَاءَ اللَّهُ ثُمَّ أَصَابَ ذَنْبًا أَوْ أَذْنَبَ ذَنْبًا فَقَالَ رَبِّ أَذْنَبْتُ أَوْ أَصَبْتُ آخَرَ فَاغْفِرْهُ فَقَالَ أَعَلِمَ عَبْدِي أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ وَيَأْخُذُ بِهِ غَفَرْتُ لِعَبْدِي ثُمَّ مَكَثَ مَا شَاءَ اللَّهُ ثُمَّ أَذْنَبَ ذَنْبًا وَرُبَّمَا قَالَ أَصَابَ ذَنْبًا قَالَ قَالَ رَبِّ أَصَبْتُ أَوْ قَالَ أَذْنَبْتُ آخَرَ فَاغْفِرْهُ لِي فَقَالَ أَعَلِمَ عَبْدِي أَنَّ لَهُ رَبًّا يَغْفِرُ الذَّنْبَ وَيَأْخُذُ بِهِ غَفَرْتُ لِعَبْدِي ثَلاثًا ….الحديث ) رواه البخاري (7507) ومسلم ( 2758 )

 

 

Skip to toolbar