Tusmo

Ha cadhooon!!

Magaca Ilaahay ayeynu ku bilaabaynaa, mahadana waxa iska leh Allah (S.W.T), waxaan kale oon ku sallinaynaa suubanihii Nabi Muxamed (N.N.KH). Walalyaal waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka Assalaama calykum wa raxmatullahi wa barakaatuhu.

Mowduuca maqaalkeenani ka hadlayo waa cudur aad halis u ah oo keena inta badan sharka aduunka ka jira, waa cudurka Cadhada. Walaalyaal waxaynu ognahay in cadhadu sababtu gaalnimo, dil, kala taga qoysaska is qaba, nacaybka, xaasidnimada iyo xumaanyo kale oo badan.

Nin ayaa usoo galay Nabiga (N.N.K.H) oo ku dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow ii dardaaran! wuxuu yidhi: <<Ha cadhoon>> dhawr jeer ayuuna ku celiyey.

Qofka cadhaysana waxa had iyo jeer ka muuqda astaamo lagu garto inuu cadhaysanyahay oo ah wajigiisa oo is badala, garaaca wadnihiisa oo sare u kaca, neefta oo uu tuuro iyo dhaqaaqa gacmihiisa iyo lugihiisa ama maryihiisa oo uu jeexjeexo ama weedho aflagaada ah ama aan meesha ku haboonayn oo kasoo baxa afkiisa ama fal cawaaqib xumo keena ayaa kasoo fula ruuxa cadhaysan. Nabiguna wuxuu dhahay: cadhadu waa dhuxusha qalbiga bani aadamka miyeydaan arkin casaanta indhihiisa iyo kicida xididadiisa.

Rabina subxaanahu wa tacaalaa wuxuu amaanay dadka dulqaadka badan ee cadhadooda qarsada, wuxuuna yidhi:

{ الذين ينفقون في السراء والضراء والكاظمين الغيظ والعافين عن الناس والله يحب المحسنين } [آل عمران:134]

[Kuwa wax bixinaya xilliga ladnaanta iyo dhibkaba ee ah kuwa qarsada cadhadooda cafiyana dadka Ilaahayna wuxuu jecelyahay samofalayaasha]

Sadexdaa sifo waa sifooyin aad u qiimo badan, waxa ugu horeysa in cadhada la qarsado, waxa ku xigta inaad cafido ruux kaaba gardarran, waxaana ugu sareysa sifooyinka sifada ah inaad wanaajiso ruux ku xumeeyeyba.

waxa kale oo uu dhahay Nabigu (N.N.K.H) isagoo ka hadlaya waaqiceena maanta iyo sidaan wax u qiimayno.

« ليس الشديد بالصرعة ، وإنما الشديد الذي يملك نفسه عند الغضب » [متفق عليه]

[Maaha adaygu lagdanka, balse waxa ah ka adag ka naftiisa haya markuu cadhaysanyahay].

Waxa hadaba la yaableh in maanta dadku si fudud u cadhoodaan, mararka qaarna ayba ka cadhoodaan wax yar oo aan sidaasba u waynayn, tusaale ahaa paarkinka Gaadhiga oo cid uga soo horeysay wuu ka xanaaqayaa, xaaskiisa iyo ubadkiisa oo wax yar khaldan uu ku arko cadho ayuu iskala xidhayaa, ilaahaybaan ka magan galnee. Hadaba maxaa dawo u ah Cadhada?

Dawada Cadhada:

Waxa jira cadho laga yaabo inay keentay cudur jidhka ah ama mid nafsaani ah, cadhadaas waxaan ku talin lahayn inuu ruuxu booqdo xarumaha caafimaadka oo dhakhtarka uga warramo hadii ay tahay cadho joogta ah.

Cadhada kale ee aan cudur keenin waxa layskaga dawynkaraa dhowr qodob oo muhiim ah hadii aynu ku kacno:

  • Marka koowaad waanadii Rasuulka qaado ee ah « لا تغضب » <<ha cadhoon>>, oo inaad marka horeba ka digtoontahay waxay ka wanaagsantahay inaad daawo qaadato. 
  • Inaad dareento abaalka iyo ajriga u sugan ruuxa cadhadiisa qarsada sida nabigu dhahay: majiro ruux cadhadiisa u qarsada dar ilaahay fadli ka wayn. Sidoo kale xadiis kale macnihiisu wuxuu ahaa; ruuxii cadhadiisa qarsada isagoo awooda inuu aargoosto waxa Ilaahay u yeedhaayaa Uunkiisa hortiisa maalinta qayaame illamaayo uu kala dooransiiyo Xuuralcaynta tuu dooono.
  • Ogsoonow inay cadhadu ka timid xaga Shaydaanka  « إن الغضب من الشيطان … » Shaydaana dantaada ma wado ee inuu jar kaaga tallaabsado ayunbuu dooni.
  • Kolkaad cadhaysantahay wayso qaado adigoo raacaya taladii Nabiga (N.N.K.H) wxuu yidhi: Cadhadu Sahydaanka ayey ka timid waxaana laga abuuray Naar, naartana waxa bakhtiisa biyahay ee hadii midkiin cadhoodo ha wayso qaato.
  • Aamus marka aad cadhaysantahay oo carrabkaaga xidh, wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H):-

« علموا وبشروا ولا تعسروا، وإذا غضبت فاسكت، وإذا غضبت فاسكت، وإذا غضبت فاسكت » [رواه أحمد]

[Bara, bushaareeya hana cuslaynina, hadaad cadhootidna aamusa, hadaad cadhootidna aamus, hadaad cadhooto aamus]

  • Shaydaanka Iska naar: { وإما ينزغنك من الشيطان نزغ فاستعذ بالله إنه سميع عليم } [الأعراف:200] [Haduu Shaydaan ku waswaasiyo ka magangal Ilaahy, isauguna waa wax walba maqle aqoon leh]
  • Ilaahay xus sida Alaahba uu leeyahy:  { إن الذين اتقوا إذا مسهم طائف من الشيطان تذكروا فإذا هم مبصرون } [الأعراف: 201] [Kuwa Ilaahay ka dhawrsadaa haduu taabto Shar Shaydaan way xasuustaan (waantoomaan) wayna arakaan xaqa].

Walaal hadaba waxyaalahaa badan ayaad samayn kartaa kolkaad cadhooto, waxaana ugu fiican inaad marka horeba ka digtoonaato inaad cadhooto, hadayba dhacdana talooyinkaas wax ku oolka ah ee Ilaahay iyo Rasuulkiisu ina siiyeen ayaa inoo haboon inaynu qaadano.

Mida kale waxa jira cadho la mahadiyo oo ah cadhada qofku ka cadhoodo marka Ilaahay xuduudihiisa lagu xadgudbo ama diintiisa lala dagaalamo, taas waa mid wanaagsan oo la mahadiyo tan kale ee had iyo jeer ku saabsiisan arrimaha Aduunyadu waxaan dhib ahayn inooma keento, Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu inag yeelo kuwa cadhadooda qarsada ee dadkana iska cafiya dabadeedna u samo fala xitaa kuwa xumeeyey. Aamiin, Ilaahaybaana mahada iska leh.


WD: Abdulaziz Oogle