Bismillah,

Waxa Ilaahay mahadii ah in mid kamid ah walaalada uu Ilaahay soo hanuuniyey, walaalkaas oo asal ahaan kasoo jeeda wadanka Maraykanka, halka hooyadiina ay tahay haweenay Soomaali ah. Walaalkaas wuxuu haystay diinta Masiixiyada kadibna wuxuu go’aansaday inuu raaco diinta xaqa ah ee Islaamka.

Alxamdulilaah, waa wax Ilaahay loogu mahadnaqo, waana awooda Ilaahay inuu soo hanuuniyo ciduu doono. MaashAllah, Ilaahay gacantiisa ayey quluubta bani-aadamku ku jiraan, wuxuuna Rabi u gedgediyaa siduu uu Allah doono. Rabigeen waxaan waydiisanaynaa inuu jidka xaqa ah inagu sugo, oo uuna inagu dilo.

Codsi:

Walaalayaal, waxaan idinka codsanaynaa inaad idinkuna walaalkaas aad usoo ducaysaan, inuu Allah ku sugo diinta xaqa ah ee Islaamka. JazakumuAllahu Khayran.