Tusmo

Calaamadaha lagu garto inuu Allah ku jecelyahay:

  • Dadka Saalixiinta oo ku jeclaada.

Nabigu wuxuu dhahay;

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَإِذَا أَحَبَّ اللَّهُ عَبْدًا نَادَى جِبْرِيلَ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحِبَّهُ فَيُحِبُّهُ جِبْرِيلُ فَيُنَادِي جِبْرِيلُ فِي أَهْلِ السَّمَاءِ إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ فُلَانًا فَأَحِبُّوهُ فَيُحِبُّهُ أَهْلُ السَّمَاءِ ثُمَّ يُوضَعُ لَهُ الْقَبُولُ فِي أَهْلِ الْأَرْضِ

Abuhurayra wuxuu ka wariyey Nabigii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu dhahay: markuu Ilaahay jeclaad adoon wuxuu u dhawaaqaa Jibriil “Ilaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclow” wuu jeclaada Jibriilna, wuxuu Jibriilna u dhawaaqaa ehelka Samada Ilaahay wuxuu jeclaaday hebel ee jeclaada markaasay ehelka samaduna jeclaadaa, markaasna aqbalida ayaa loo dhigaa ehelka dhulka.

  • Sunooyinka oo aad badsato.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ اللَّهَ قَالَ مَنْ عَادَى لِي وَلِيًّا فَقَدْ آذَنْتُهُ بِالْحَرْبِ وَمَا تَقَرَّبَ إِلَيَّ عَبْدِي بِشَيْءٍ أَحَبَّ إِلَيَّ مِمَّا افْتَرَضْتُ عَلَيْهِ وَمَا يَزَالُ عَبْدِي يَتَقَرَّبُ إِلَيَّ بِالنَّوَافِلِ حَتَّى أُحِبَّهُ فَإِذَا أَحْبَبْتُهُ كُنْتُ سَمْعَهُ الَّذِي يَسْمَعُ بِهِ وَبَصَرَهُ الَّذِي يُبْصِرُ بِهِ وَيَدَهُ الَّتِي يَبْطِشُ بِهَا وَرِجْلَهُ الَّتِي يَمْشِي بِهَا وَإِنْ سَأَلَنِي لَأُعْطِيَنَّهُ وَلَئِنْ اسْتَعَاذَنِي لَأُعِيذَنَّهُ 

Abuhurayra wuxuu ka wariyey nabiga in Ilaahay dhahay; cidii ku xadgudubta Wali wxaan u iclaamiyey dagaal, adoona iiguma soo dhowaado arrin (haduuba iigu soo dhowaado) waxaan ugu jecelahay inuu iigu soo dhowaado waxaan ku waajibiyey, adoonkayguna kama suulo inuu iigu soo dhowaado Sunayaasha (haduuba la yimaado) waan jeclaadaa, hadaan jeclaadana waxaan ahaadaa maqalkiisa uu wax ku maqlo, aragiisa uu wax ku fiiriyo, gacantiisa uu wax ku qabsanayo iyo lugtiisa uu ku soconayo, haduu i waydiistana waan siin, haduu wax iga magan galana waan magan galin.

  • Rasuulka ood raacdid

( قُلْ إِنْ كُنْتُمْ تُحِبُّونَ اللَّهَ فَاتَّبِعُونِي يُحْبِبْكُمُ اللَّهُ وَيَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَاللَّهُ غَفُورٌ رَحِيمٌ ) [آل عمران:31]

Waxaad dhahdaa haddaad tihiin kuwo jeeel Eebe i raaca haydin jeelaado Eeebee hana idiin dhaafo dambigiinee, Eebana wa dambi dhaafe Naxariista.

  • Isu dul dhiga Muslimiinta iyo inaad Ilaahay jidkiisa u jihaado.

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا مَن يَرْتَدَّ مِنكُمْ عَن دِينِهِ فَسَوْفَ يَأْتِي اللَّـهُ بِقَوْمٍ يُحِبُّهُمْ وَيُحِبُّونَهُ أَذِلَّةٍ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ أَعِزَّةٍ عَلَى الْكَافِرِينَ يُجَاهِدُونَ فِي سَبِيلِ اللَّـهِ وَلَا يَخَافُونَ لَوْمَةَ لَائِمٍ ۚذَٰلِكَ فَضْلُ اللَّـهِ يُؤْتِيهِ مَن يَشَاءُ ۚ وَاللَّـهُ وَاسِعٌ عَلِيمٌ ﴿٥٤

Kuwa Xaqa Rumeeyow Ruuxii ka Ridooba Diintiisa oo idinka mid ah, wuxuu Eebe keeni qoom uu Jeeelyahay iyana Jeeel una naxariista Mu’miniinta kuna Daran Gaalada, kuna Jahaadi Jidka Eebe oon ka Cabsanayn Canaanta Canaante, Taasina waa Fadliga Eebe wuxuuna Siiyaa Cidduu Doono, Eebana waa Deeq Badane Og.

  • Toobada badan

…إِنَّ اللَّـهَ يُحِبُّ التَّوَّابِينَ وَيُحِبُّ الْمُتَطَهِّرِينَ ﴿٢٢٢

Ilaahaynna wuxuu jecelyahay kuwa toobadda badan, wuxuuna jecelyahay kuwa isdaahiriya.