Bismillah, magaca Allah ayaan ku bilaabayaa, waxaanan ku sallinaynaa xabiibka Muxamed (scw), intaa kadib waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka, Assalaama calaykum waraxmatuAllah wa barakatuhu.

Waa maxay Mulixidiintu? Maxay rumaysanyihiin? Maxay cuksadaan?

Si guud hadaan u tilmaamo Mulxidku (Atheist) waa inuu qofku diido iimaanka iyo jiritaanka Ilaahay (swt). Ama  mulixidku waa qofka diidan rumayta Ilaahay.

Waxa kale oo jira qolo la dhaho Agnostics (Ma yaqaanoyaal), waa falsafad kamid ah mulxidiinta oo ayaguna ka shakisan wax kasta, ma sheegi karaan in Ilaahay uu jiro iyo inkale toona.

Dadka inta badan dafira jiritaanka Ilahay, waxay gabaad ka dhigtaan culuumta sayniska iyo hadba wixii dadku ay tajribo ama tijaabo ay ku gaadhaan. Waxaynu odhan karnaa waa marmarsiiyo kaliya inay marba falsafad aan xaqiiqo ahayn inay raacaan, sababtuna waa qalbigooda oo buka ama maslaxad shakhsiyad ayaa ku kallifta, sidoo kale waxa dhici karaysa inay iimaanka Ilaahay ay u diidayaan xaasidnimo iyo xiqdi ay u hayaan dadka diinta xaqa ah haysta ee Islaamka.

Waagii hore dadka diidan Ilahaay, ama dafira Ilaahay (swt) waxay ahaayeen dad jaahiliin ah oo aan aqoon badan lahayn, kaliya waxay dafiri jireen daliilada Ilaahay usoo dhiibo nabiyada iyo mucjisooyinka ay la yimaadaan.

Hase ahaatee xilliyadii ay dhacday kacdoonkii warshadaha ee reer Yurubka ayaa dadkii reer galbeedka ahaa waxay si qoto dheer ugu xidhmeen culuumta sayniska iyo tiknaloojiyada. Sababta keentay in dad badan oo reer galbeed ah ay nqdaan mulxidiina waxay ahayd, cadaadis kaga imanayey xaga Kaniisadaha oo kasoo horjeeday horumarka culuumta, iyo guud ahaan wax kasta oo ay u arkayeen inay lidi ku tahay danaha Kaniisada iyo baadariyada Kiristaanka.

Dadkii oo cadho badan qaba ayaa mar kaliya waxay heleen marmarsiiyo ama waxay gabaad ka dhigtaan oo ay ku dafiraan jiritaanka Ilaahay. Intooda badanina waxay mulxidiin noqdeen kolkii ay arkeen in Baybalku iska hor imanayo, sidoo kalena aanu ka jawaabi karayn su’aalaha waaqica ah ee waafaqsan xaqiiqada.

Fikrada Evolution ka:

Falsafada ugu badan ee ay qaateenay Mulxidiintu waxay ahayd aragtida uu aasaaskeeda dhigay ninkii u dhashay wadanka Ingiriiska ee Charles Darwin. Ninkaas oo qoray kitaabkiisa caanka ahaa ee The Origin of Species, (asalka noocyada).

Ninkaasi wuxuu tagay meel jaziirad ahayd, kadibna wuxuu arkay shinbiro afkoodu dheeraanayo ama uu gaabsanayo, kadibna wuxuu qaatay fikradan ah in xaywaanku ay kasoo horumareen noole kale, bani aadamkuna asalkiisu kasoo jeedo Daanyeer. Waxa ninkan fikradiisa tiirar la cuskado u ahaa sadex aragtiyood oo kala ah:

  • Waxa jiray meel ay ka bilaabantay noloshu oo kawada dhexeeya noolayaasha dhamaantood, waxayna ku farcameen noolahaasi qaab horumarineed, tadawur (Evolutionary).
  • Dabiicada ayaa kala dooratay noolaha sii jiraya, waxaana jiray lagdan ka dhexeeya noolaha taas oo keeda nafciga leh uu baaqi ahaanayo halka ka dhibka badana laga roonaanayo.
  • Waxa horumarkaasina ku dhacay qaab cashwaa’iya (lamafilaan ah, fursad).

Dabcan Saynisku wuxuu burburiyey fikradii ninkaas, waxaana maanta u cadaatay culamada saynisyahanada in Ilaahay abuuray noolayaasha, sidoo kale aanay waligeed suurtagal noqonayn in noolaha ku yimid qaab lamafilaan ah.

Mashaakilka haysta Mulxidiinta ee ay xallin kari la’yihiin:

Mashaakiil farabadan ayaa haysta dadka Mulxidiinta ah ee rumaysan fikrada Darwinismka, kaliya waxaynu soo bandhigi doonaa kuwa ugu muhiimsan:-

  • Ugu horeyn waxa la waydiiyey hadii noolaha asalkiisu ka wada yimid hal unug oo kaliya, meeday unugtaasi? Dabcan su’aashaas waxay tahay caqabada ugu wayn ee haysata Mulxidiinta loo yaqaan Darwinism, oo xitaa Darwin laftigiisa ayaa ka aamusay inuu ka jawaabo su’ashaah, sababtuna waxay tahay inuu ogaa in haduu ka hadlo arrintaas ay burburayso dhamaan wixii uu mudo dheer kasoo shaqaynayey.
  • Noolahaas isu badalaya noole yaal kale ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya, tusaale ahaan; waxay dhaheen dadku daanyeer ayuu ka yimid, lama hayo ilaa iyo hada noole u dhaxeeya bani-aadamka iyo daanyeerka, maxaayeelay hadii ay dhab tahay sida ay rumaysanyihiin gaaladaas mulxidiintu waxaan dhulka dusheeda ka heli lahayn noole ah half-man iyo half-ape.
  • Mushkilada labaad ee haysata waxay tahay arrinta ay dhaheen; horumarka wuxuu ku yimid qaab lamafilaan ah, ama fursada. Dabcan qofkasta oo caqli leh wuxuu garanayaa in aanay waligeed suurtogal noqon karayn in si lama filaan ah uu Kalluun isugu badalo daanyeer, daanyeerkuna isugu badalo bani-aadam.

Waxa waajib ah inay jirto cid awood leh oo badalaysa nooca xayawaankaas oo u badalaysa noole kale. Dhanka kale culumada xisaabta iyo sayniskuba way daadafeeyeen suurtagalnimada si lamafilaan ah ay noole isugu badalo noole kale.

Waxay culamada Sayniska cadeeyeen in hidosidaha DNA oo kaliya aanay waligeed suurtagal ahayn inay ku samaysanto qaab lamafilaan ah.

Fursada (Probability) ay ku suuroobayso in unug yar oo DNA ah ku yimaado qaab lamafilaan ah waa 10 power 146, sidaas darteed majiro caalim saynisyahayana oo caqli leh oo aaminsan fikradaas.

Caalimka Francis crick  oo ah nin qaatay abaalmarinta Nobel price oo markii hore aad u rumaysnaa in qaab lamafilaan ah ay  noloshu utimid caalamkan, ayaa hadana cadeeyey in aanay suurtagal ahayn in noloshu sidaas fursada ah ay ku timaado dhulka, kadib markii uu cilmi baadhis dheer ku sameeyey DNA.

Muxuu Quraanku ka dhahay Mulxiiinta:

Ilaahay Quraankiisa meelo badan ayuu kaga hadlay mulixidka dafirsan Ilaahay iyo diintiisa, sidoo kale Ilaahay wuxuu ogaa in dadkaasi ay soo bixi doonaan, oo ay gabaad ka yeelan doonaan culuumta Sayniska sidaas darteed wuxuu Quraankiisa ka buuxiyey aayado ka badan Kun aayadood oo ka faaloonaya cilmiga Sayniska iyo Tiknaloojiyada.

Allah wuxuu dhahay:

كَيْفَ تَكْفُرُونَ بِاللَّـهِ وَكُنتُمْ أَمْوَاتًا فَأَحْيَاكُمْ ۖ ثُمَّ يُمِيتُكُمْ ثُمَّ يُحْيِيكُمْ ثُمَّ إِلَيْهِ تُرْجَعُونَ ﴿٢٨

“Sidaad uga gaaloobaysaan Ilaahay idinkoo ahaa waxaan noolayn, markaana idin nooleeyey, markaana idin dilaya oo idin noolayna markaana xagiisa laydiin calenayo”

Ilaahay (swt) wuxuu canaanayaa dadka ka gaaloobay Ilaahay, ayadoo la moodo in aayada Ilaahay ku leeyahay; idiinmaba suurtoowdo inaad ka gaalowdaan Ilaahay, oo ah kii idiin nooleeyey idinkoon jirin, kadina idin dilaya oo idin soo noolaynaya, markaana xagiisa laydiin celinayo.

Waxa laga yaabaa in Ruuxa mulxidka ah uu dafirsanyahay in Ilaahay abuuray, laakiin waxa jirta arrin qofkasta uu hubo oo ah inuu dhimanayo. Hadaba cidaas dilaysa ee horena u dishay Balaayiin noole oo isaga ka horeeyey, iyo kuwo kale oo ka danbeeya waxay ahayd inuu ka cabsado cidaas leh awooda inay wax disho.

Cida leh awooda wax dilida ayaa sidoo kalena leh awooda inay wax noolayso, sababtoo ah caqligu wuxuu ku siinayaa cidii ruuxda iga qaadatay wuxuu awood u leehay inuu igu soo celiyo ruuxdaas xilligii uu doono.

Quraanku waa Xujooyin culus:-

Waxa laga yaabaa in Ruuxa mulxidka ah uu dafiro xitaa cida dilaysa in ay Ilaahay tahay sababtoo ah wuxuu kuugu jawabaya anigu waxaan rabaa daliil maadiya oo saynisku cadeeyey, kolkaas waxa ugu filan dalii wixii Culumada Saynisku ay dhowaan daahfureen ee noqday xaqiiqo cilmiyeysan sida Big bung, Expanding Universe,  Black hole, Moving Earth, Embryology, Oceanology, iwm.

Markaa waxa daliil cad oo uu taabanayo ruuxaasi noqonaya culummtaas oo dhowaan la ogaaday in kitaabka Quraanka Kariimka ah lagu sheegay Kun iyo Afarboqol oo sanadood kahor. Ka Akhriso halkan mucjisooyinka Quraanka: http://gaaldiid.com/icjaaska-cilmiga-ee-quraanka/


Waxa Qoray oo soo jeedinaya Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho:

  • Quraanka Kariimka.
  • Biography of Darwin.
Skip to toolbar