Sagaal iyo Sagaashanka Magac ee Ilaahay
1 | الرحمن | Arr-Raxmaan | Eebaha leh Naxariis guud ee wayn (U naxariistaha Uunka oo dhan). |
2 | الرحيم | Arr-Raxiim | Eebaha leh Naxariis gaarka ah (U naxariistaha Mu’miniinta). |
3 | الملك | Al-Malik | Eebaha ah Boqorka, Fuliyaha amarkiisa. |
4 | القدوس | Al-Qudduus | Eebaha ah Daahirka, kana dheer xumaan iyo nuqsaanba. |
5 | السلام | Ass-Salaam | Eebaha nabadgaliya Mu’miniinta, kana hufan Xumaan oo dhan. |
6 | المؤمن | Al-Mu’min | Eebaha run ka sheega naftiisa iyo wuxuu ballan qaado. |
7 | المهيمن | Al-Muhaymin | Eebaha maraga/markhaati ka ah camalka adoomadiisa. |
8 | العزيز | Al-Caziiz | Eebaha adkaadaha ah ee aan la jabinin, Sharaftana iska leh. |
9 | الجبار | Al-Jabbaar | Eebaha amarkiisu fulo, ee aan cidina gaadhayn awoodiisa. |
10 | المتكبر | Al-Mutakabbir | Eebaha wayn, ee la gaarka ah waynida. |
11 | الخالق | Al-Khaaliq | Abuure, Unke. |
12 | البارئ | Al-Baari’ | Eebaha wax ahaysiiya, unka oo abuura. |
13 | المصور | Al-Mussawir | Eebaha Sawira, Ruuxkasta siiya suurad u gaar ah. |
14 | الغفار | Al-Qaffaar | Eebaha astura danbiga adoomihiisa marar badan. |
15 | القهار | Al-Qahhaar | Eebaha ku qasba cid kasta wuxuu doono. |
16 | الوهاب | Al-Wahhaab | Eebaha bixiya nicmooyinka |
17 | الرزاق | Arr-Razzaaq | Eebaha Quudiya, Eebaha arzaaqa cid kasta. |
18 | الفتاح | Al-Fattaax | Eebaha fura albaabada xiran, waxa culusna fududeeya. |
19 | العليم | Al-Caliim | Eebaha Wax walba og. |
20 | القابض | Al-Qaabid | Eebaha Rizqiga ku cidhiidhiya ciduu doono xikmad darteed |
21 | الباسط | Al-Baasid | Eebaha Rizqiga u waasiciya ciduu doono xikmad darteed |
22 | الخافض | Al-Khaafid | Eebah Hoos u dhiga (gaalada iyo cidii xad gudubta) |
23 | الرافع | Arr-Raafic | Eebaha Sarreysiiya Mu’miniinta |
24 | المعز | Al-Mucizz | Eebaha karaameeya oo awood siiyaa ciduu doono |
25 | المذل | Al-Mudill | Eeabaha dulleeya oo hoojiya ciduu doono. |
26 | السميع | Ass-Samiic | Maqle |
27 | البصير | Al-Basiir | Arke |
28 | الحكم | Al-Xakam | Eebaha Xaakimka ah, kala saara xaqa iyo baadilka. |
29 | العدل | Al-Cadlu | Eebaha Caadilka ah, kana reebay naftiisa dulmiga. |
30 | اللطيف | All-Ladiif | Eebaha Wanaajiya adoomihiisa |
31 | الخبير | Al-Khabiir | Eebaha og wax kasta kiisa yar iyo kiisa waynba. |
32 | الحليم | Al-Xaliim | Eebaha dulqaata. |
33 | العظيم | Al-Cadiim | Eebaha waynaantiisu bar bilow iyo bar dhamaad lahayn |
34 | الغفور | Al-Qafuur | Eebaha danbi dhaafka badan. |
35 | الشكور | Ash-Shakuur | Eebaha ku abaalguda camal yar abaal wayn. |
36 | العلي | Al-Caliyyu | Eebaha korreeya. |
37 | الكبير | Al-Kabiir | Eebaha waynaantu u sugnaatay. |
38 | الحفيظ | Al-Xafiid | Eebaha ilaaliya wax kasta oo uu doono inuu ilaaliyo. |
39 | المقيت | Al-Muqiit | Eebaha kafaalo qaatay inuu quudiyo adoomihiisa. |
40 | الحسيب | Al-Xasiib | Eebaha deeqa adoomadiisa. |
41 | الجليل | Al-Jaliil | Eebaha arrinkiisu waynyahay. |
42 | الكريم | Al-Kariim | Eebaha deeqsiga ah. |
43 | الرقيب | Arr-Raqiib | Eebaha waardiyeeya wax kasta. |
44 | المجيب | Al-Mujiib | Eebaha ka ajiiba adoomadiisa ducada iyo baryada. |
45 | الواسع | Al-Waasic | Eebaha waasica ah, deeqdiisu ay deeqday cid kasta. |
46 | الحكيم | Al-Xakiim | Eebaha Xikmadu u sugnaatay. |
47 | الودود | Al-Waduud | Eebaha jecel adoomihiisa. |
48 | المجيد | Al-Majiid | Eebaha waynidiisu gaadhsiisantahay heerka ugu danbeeya. |
49 | الباعث | Al-Baacith | Eebaha soo bixinaya makhluuqaakiisa maalita qayaame |
50 | الشهيد | Ash-Shahiid | Eebaha aan waxba ka qarsoonayn. |
51 | الحق | Al-Xaqq | Eebaha Xaqqa ah, jooga oo nool. |
52 | الوكيل | Al-Wakiil | Eebaha kafaalo qaatay Uunkiisa una taagan arrimahooda. |
53 | القوي | Al-Qawiyyu | Eebaha awood dhamaystiran iska leh. |
54 | المتين | Al-Matiinu | Eebaha ay adagtahay awoodiisu oo ayna yaraanayn marnaba. |
55 | الولي | Al-Waliyyu | Eebaha waliga u ah cidda adeecda, jecelna gargaarkooda. |
56 | الحميد | Al-Xamiidu | Eebaha xaqa u leh in la mahadiyo. |
57 | المحصي | Al-Muxsii | Eebaha ku koobay wax kasta cilmigiisa. |
58 | المبدئ | Al-Mubdi’u | Eebaha bilaabay abuurka (ayadoon cidina uga horeynin). |
59 | المعيد | Al-Muciidu | Eebaha soo celinaya Uunka oo dhan maalinta qayaame. |
60 | المحيي | Al-Muxyii | Eebaha nooleeya ciduu doono, abuurayna nolosha. |
61 | المميت | Al-Mumiit | Eebaha dila ciduu doono, kuna xukumay Uunka geerida. |
62 | الحي | Al-Xayyu | Eebaha Nool, ee noloshiisu bar bilow iyo bar dhamaad lahayn. |
63 | القيوم | Al-Qayyuum | Eebaha u taagan kala xukunka makhluuqaadkiisa. |
64 | الواجد | Al-Waajid | Eebaha aan waxba u baahan, shayna cajsi galin. |
65 | الماجد | Al-Maajid | Eebaha wayn ee iska leh sharaf iyo karaamo dhamaystiran. |
66 | الواحد | Al-Waaxid | Eebaha sifooyinkiisa iyo ficilkiisaba kalida la ah. |
67 | الأحد | Al-Axad | Eebaha Kalida ah. |
68 | الصمد | Ass-Sadmad | Eebaha loo qasdo ee laga doono xagiisa xaajooyinka. |
69 | القادر | Al-Qaadir | Eebaha wax kasta awooda. |
70 | المقتدر | Al-Muqtadir | Eebaha awood u leh inuu hagaajiyo waxa xumaada. |
71 | المقدم | Al-Muqaddimu | Eebaha wax hor mariya (xikmadiisa iyo khibradiis darteed) |
72 | المؤخر | Al-Mu’akh-khiru | Eebaha wax dib u dhiga (xikmadiisa iyo khibradiis darteed) |
73 | الأول | Al-Awwalu | Eebaha horreeyey (cidina kamaysan horreyn) |
74 | الآخر | Al-Aakhiru | Eebaha baaqiga ah (wax kasta way dhammaan isga mooyee) |
75 | الظاهر | Add-Daahiru | Eebaha muuqda (xujooyinka iyo astaamaha lagu garto darteed) |
76 | الباطن | Al-Baadinu | Eebaha sokeeya ee dhow. |
77 | الوالي | Al-waali | Eebaha wax kasta hantay, fuliyana wuxuu doono. |
78 | المتعالي | Al-Mutacaalii | Eebaha ka dheer sifooyinka makhluuqaadkiisa. |
79 | البر | Al-Barru | Eebaha u dabacsan adoomihiisa kana run sheega yaboohiisa. |
80 | التواب | Att-Tawwaabu | Eebaha waafajiya adoomada Toobada, kana aqbala. |
81 | المنتقم | Al-Muntaqim | Eebaha caddiba cida ku xadgudubta diintiisa. |
82 | العفو | Al-Caffuwwu | Eebaha cafiya adoomada, ee aan sheegsheegin danbiyadooda. |
83 | الرءوف | Arr-Ra’uuf | Eebaha u dabacsan ruuxa toobad keena, asturana ceebtiisa. |
84 | مالك الملك | Maalik-Al-Mulki | Eebaha iska leh Mulkiga, siduu doonana u maamula. |
85 | ذو الجلال والإكرام | Dul-Jalaali Wal-Ikraam | Eebaha la gaarka ah Sharafta iyo Karaamada dhamayskatiran. |
86 | المقسط | Al-Muqsidu | Eebaha caadilka ah, una aarguda cida lagu gardarrooday. |
87 | الجامع | Al-Jaamicu | Eebaha kulmiyey aqoon oo dhan, kulminayana Uunka Qayaamada. |
88 | الغني | Al-Qaniyyu | Eebaha ka deeqtoon Makhluuqaadkiisa. |
89 | المغني | Al-Muqnii | Eebaha deeqda siiya ciduu doono adoomihiisa. |
90 | المانع | Al-Maanic | Eebaha u diida xaajooyinka ciduu doono (Imtixaan iyo ilaalin darteed) |
91 | الضار | Add-Daarr | Eebaha u qadara ciduu doono dhib (Imtixaan ama ciqaabid darteed). |
92 | النافع | An-Naafic | Eebaha u qadara ciduu doono dheef iyo khayr. |
93 | النور | An-Nuur | Eebaha Nuurka ah, ee lagu hanuuno hanuunkiisa. |
94 | الهادي | Al-Haadii | Eebaha Hanuunka, kuna haga adoomadiisa jidka xaqa ah. |
95 | البديع | Al-Badiic | Eebaha abuura wuxuu doono ayadoon cidi uga horeyn. |
96 | الباقي | Al-Baaqii | Eebaha kaligii baaqiga ah ee aan dhammaanayn. |
97 | الوارث | Al-Waarithu | Eebaha dhaxla uunkiisa markay geeriyoodaan kadib. |
98 | الرشيد | Arr-Rashiid | Eebaha ku hogaamiya ciduu doono hanuun ama halaag. |
99 | الصبور | Ass-Sabuur | Eebaha u kaadiya ee aan danbiilayaasha ku degdegin ciqaabkooda. |