Tusmo

Ma ogtahay in cimrigaagu nuqsaami karo ama siyaadi karo?

Camalada samofalka ah ee aad qabato sida sadaqada, caawinta dadka baahan, danta guud oo aad ku foognaato, qoyskaaga ood xiriiriso, qaraabadaada iyo qabiilkaaga oo aad wanaajiso, dadka oo aad u naxariisato waxay kordhisaa cimrigaaga.

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri:

عَنْ سَلْمَانَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لَا يَرُدُّ الْقَضَاءَ إِلَّا الدُّعَاءُ وَلَا يَزِيدُ فِي الْعُمْرِ إِلَّا الْبِرُّ

Salmaan waxa lagasoo wariyey inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri: “Qadarka waxa celiya un Ducada, cimrigana waxa kordhiya un samo falka”[1]

Haddaba arrintan cimri korodhka maxay ka dhaheen cilmi baarayaasha diraasadaha ku sameeyey.

Sara Konrath oo ka socota jaamicada Michigan ayaa diraasad ku samaysay dad ka badan toban kun oo qof oo kala badh ay haween yihiin. Waxayna cilmi baadhistii shaaca ka qaaday in dadkii cimri degdegay ee si dhakhso ah u dhintay ay ahaayeen dadkii “Macangaga ahaa” ee aan dadka caawin jirin.

Halka dadkii camalada samo falka ahaa qabtay ay wanaagsanaatay caafimaadkoodu, xitaa nolosha qoysaskoodu ay fiicnaatay.

Diraasad kale oo ay samaysay majalada Health Psychology sanadkii 2012 kii ayaa cadaysay dadka si joogta ah dadka u caawiya inay noolaadaan cimri dheer. Waxayna hadalka sii raaciyeen

but only if their intentions were truly altruistic. In other words, they had to be volunteering to help others—not to make themselves feel better.

“laakiin waa in niyada caawintu tahay mid dhaba, si kale hadii aan u sheegno, waa in caawimadu aanay ahayn mid ayaga dib waxa ugusoo celinaysa”

Sidaa darteed ayaa website ka livescience.com oo ka faaloonaya arrintaas wuxuu yiri:

“People who volunteer for selfless reasons, such as helping others, live longer than those who don’t lend a helping hand, a new study shows.”

Baadhitaan cusub ayaa muujiyey dadka samo falka la yimaada sida caawinta dadka kale ayadoo aanay jirin sabab shakhsiyadeed ay ka cimri dheeryihiin dadka kale ee aan ayagu gacanta fidinin.

Hadii caawintu tahay istusnimo, ismaqashiin, iskadhaadhicis iyo igu sawir ma keenayso cimri dherer sida cilmi baadhayaashu cadeeyeen.

Nabigii Ilaahayna waxa lagasoo wariyey xadiiskan saxiixaynka ku yaala:

عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رضى الله عنه قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم يَقُولُ : ( مَنْ سَرَّهُ أَنْ يُبْسَطَ لَهُ رِزْقُهُ أَوْ يُنْسَأَ لَهُ فِى أَثَرِهِ فَلْيَصِلْ رَحِمَهُ ) . رواه البخاري (2067) ، ومسلم (2557)

Anas binu Maalik Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) o oleh: “Qofkii ay farxad galinayso in loo balaadhiyo risqigiisa ama in loo kordhiyo cimrigiisa ha xiriiriyo qaraabadiisa”[2]

Dabcan qaraabada oo la xiriiriyo waa nooc kamida samo falka, waana arrinta ay cilmi baararayaashu cadeeyeen in cimriga aadamuhu uu ku kordho, cuduro khatar ahna lagaga badbaado sida wadno xanuunka, dhiig karka iwm.

Barihii aduunka ayaa muslimiinta u cadeeyey arrintaas mudo laga joogo ku dhowaad 15 qarni, halka saynisyahanadu ay iminka un ay daaha ka qaadeen. Ceeb iyo dullinimo ayay kugu tahay inaad qaadan waydo taladii rasuulkii Ilaahay (scw) ayadoo dadkii aan muslinka ahaynina ay uga markhaati kacayaan xikmadiisii iyo siduu u daryeelayey ummadiisa (scw).

Xigasho:

https://www.livescience.com/15978-volunteers-live-longer.html


[1] Tirmadi: 2139

[2] Bukhaari: 2067 iyo Muslim: 2557