Cimiladu aadbay u kuluushahay iminka dalka Australia, wuxuun dab ka kacay kaymaha, dabkaas oo gubay meelo badan oo dalka kamida. Ugu yaraan 28 qof ayaa ku naf waayay dabkaas, gobolka South Wales oo kaliya waxa ku burburay 3000 oo guri.

Tusmo

Maxaa sababay dabka ka kacay kaymaha Australia.

Dad badan waxay sheegayaan in sababaha keena dabkaasi ay tahay cimilada oo isbadashay, jawiga oo aad u kulul, danabyo ku dhaca kaymaha, sidoo kale dawlada Australi ayaa ku eedaysay in dadka laftigoodu ay sababaan gubashada kaymaha iyo in dabku sii fidaba, ayadoo arrintaana dad badan loo xidhay.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi baadhis cusub ayaa tibaaxday in shinbiraha qaarkood ay sababaan fidinta dabka. Shinbirahan ayaa afkooda iyo lugahooda kusoo qaada dhuxul ama laan gubanaysa, waxayna ku tuuraan dhul banana oo aanu dabku soo gaadhin, taasoo macnaheedu tahay in shinbirahani ka qayb qaataan fiditaanka dabka.

Shinbirahan waxa loo yaqaanaa magaca Kite iyo Falcon kuwaasoo luuqaada af carbeedkana loo yaqaano (الحدأة) fargoosato.

Qof goob jooga ayaa dhahay: waxaan arkay shinbirta oo ul gubanaysa kusoo qaaday cidiyaheeda kuna tuurtay meel aan dabku soo gaadhin, si ay u eryato ugaadheeda.

Su’aasha la is waydiinayo ayaa ah; shinbirahan ma ogyihiin waxay samaynayaan, Mise warba uma hayaan?

Cilmi baadhayaashu waxay dhaheen: marka laga duulo dadkii goobjooga ahaa wixii ay arkeen, shinbirahani way u badheedheen inay dabka fidiyaan ayagoo og oo garanaya.

Iskusoo wada duuboo shinbirta faragoosatada loo yaqaano waa shinbir aadamaha dhib ku haysa taasoo ay haboon tahay in laga hotago dhibaatooyinkeeda.

Ma Ogtahay in shinbirtan nabigu ka warramay 1400 oo sanadood kahor?

Rasuulkii Ilaahay (scw) waxa laga soo wariyay xadiis saxiixa oo ku yaala saxiixa Muslimka inuu dhahay:

عن عائشة  زوج النبي صلى الله عليه وسلم تقول سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول أربع كلهن فاسق يقتلن في الحل والحرم الحدأة والغراب والفأرة والكلب العقور

Waxa lagasoo wariyay Caasha oo ahayd xaaskii nabiga (scw) inay tidhi: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay o oleh: “Afar ayaa dhamaantood ah faasiqiin oo la dilayaa xilliga xurmada iyo xalaasha (Makkah iyo dabadeedaba): farogoosato (shinbir galaydhka u eeg), tukaha, jiirka/dooliga iyo eyga dadka cuna” [Saxiix Muslim: 1198]

Shinbirkii Farogoosatada ee nabigii Ilaahay (scw) amray in la dili karo, waxa maanta cadaatay xikmad kamida sababha loo dilayo shinbirkaas. Waana mucjiso nabigii Ilaahay uu ka warramay mudo laga joogo afar iyo toban qarni.


Tixraac iyo Xigasho:

https://www.preventionweb.net/news/view/69782

https://www.sciencealert.com/birds-intentionally-set-prey-ablaze-rewriting-history-fire-use-firehawk-raptors

https://edition.cnn.com/2020/01/01/australia/australia-fires-explainer-intl-hnk-scli/index.html