Geelu waa mid kamida nimcoolayda ugu faa’idada badan, waxa la inoo xalaaleeyey hilibkiisa, caanihiisa, haragiisa, subagiisa, kaadidiisa sidoo kale waxa la isku daaweeyaa saaladiisa.

Maqaalkan yar waxaan kusoo koobayaa qaar kamida faa’idooyinka geela, dhibaatooyinkiisa, iyo qaabka loo abuuray ee Ilaahay ina faray in la eego oo lagu cibro qaato.

Geelu asalkiisu wuxuu kasoo jeedaa shaydaan, waxa rasuulkii Ilaahay lagasoo wariyey inuu yiri:

 إن الإبل خلقت من الشياطين. رواه أحمد وأبو داود وابن ماجه وصححه الألباني وغيره

“Geela waxa laga abuuray shaydaan. ” [Waxa soo saaray Abudaawuud, Axmed iyo Ibnu Maajah, waxa saxiixiyey Albaani]

Hadaba xadiiskan hadii aanu saxiix ahayn dadku inay rumaystaan way ku adkaan lahayd, hase ahaatee xadiisku waa saxiix, waanu ka suganyahay nabigeena (scw). Macnaha in shaydaan laga abuurayna waa laba mid un: In asalkiisu ahaa shaydaan, sida Ibnu Aadamkaba asalkiisu u ahaa dhoobo ama waxa looga jeedaa in geelu shaydaanka la dhaqanyahay.

Si kastaba ha ahaatee geelu wuxuu leeyahay faa’idooyin badan, taasoo keentay in caalamka Islaamka uu ka noqdo xoolo qiimo wayn ku fadhiya, geela waxa lagu bixiyaa magta ama diyooyinka, ninkii geeriyooda waxa la siiyaa ehelkiisa boqol halaad oo geela.

Geelu soomaalida meel aad u wayn ayuu kaga yaalaa, waa laf dhabarka xoolahooda iyo dhaqan dhaqaalahooda. Waxay ka jecelyihiin xoola kasta oo duni yaala sidaa darteed ayay geela ukala dhici jireen ayuu xantooyada geela aan u aqoonba inay tahay tuuganimo iyo xaaraan. Soomaalidu geela aad ayay u jacelyihiin, luuqadooda iyo suugaantoodana wuu ka buuxa, taasoo ina tusaysa in soomaalida iyo geelu isku lamaanaayeen.

Geela mucjisooyinka ku duugan darteed ayuu Ilaahay ku xusay quraankiisa isagoo ka horraysiiyey mucjisooyinka ku jira samawaatka, buuraha iyo dhulkaba, wuxuuna yiri:

أَفَلَا يَنظُرُونَ إِلَى الْإِبِلِ كَيْفَ خُلِقَتْ ﴿١٧﴾ وَإِلَى السَّمَاءِ كَيْفَ رُفِعَتْ ﴿١٨﴾ وَإِلَى الْجِبَالِ كَيْفَ نُصِبَتْ ﴿١٩﴾ وَإِلَى الْأَرْضِ كَيْفَ سُطِحَتْ ﴿٢٠﴾

Miyeyna eegayn geela iyo sida loo abuuray (17) iyo samada iyo sida loo sarraysiiyey (18) iyo buuraha iyo sida loo dhidbay (19) iyo dhulka iyo sida loo fidiyey (20) [Suuratu Al-Qaashiya:17,18,19,20]

Hadaba abuurida geela waxa ku jira mucjisooyin fara badan, waxa kamida:

  1. Indhaha geela; isha geelu waxay leedahay baalal badan oo u saamaxaya inay isku xidho indhaha xilliga dabaysha iyo siigadu ay dhacayso ayadoo hadana arkaysa ilayska iyo iftiinka, waa sida muraayadaha indhaha oo kale.
  2. Sanka geela: Geelu wuxuu leeyahay laba san oo waawayn oo xidhmi kara xilliga dabayshu dhacayso, waxa sanka ugu jira warshad qaboojisa hawada kulul sidoo kalena kulaylisa hawada qabow, si hawada ay qaadanayso ay unoqoto mid isu dheeli tiran. Sidoo kale sankeeda waxay ku urisaa dhirta, roobka iyo goobta ay joogaan walaaladeed.
  3. Afka geela: afka geelu wuxuu leeyahay laba dibnood, ta sare way kala jeexantahay si ay u cunto dhirta qodxaanta leh.
  4. Dhagaha geela: geelu wuxuu leeyahay dhago yaryar oo soo taaga, waana kuwa jilicsan oo laabmi kara, waxayna hoosta ku leeyihiin dhogor badan oo ka celinaysa in boodhku usoo galo.
  5. Qoorta geela: geelu qoor dheer ayuu leeyahay si ay u cunto dhirta xaga hoose ka baxda iyo kuwa sareba, sidoo kale qoorta dheer waxay ka caawisaa inay si fudud u kacdo xilliga miisaanka culus lagu raro.
  6. Hungiga geela: hungiriisu waa mid burburiya dhirta noocyadiisa kala duwan, kaasoo ridqaya cuntada kadibna u gudbiya caloosha ayadoo jilicsan.
  7. Cagaha geela: geela cagtiisu waa sida kabta oo kale wuxuu ku socdaa ciida jilicsa ee saxaraha, ciida adag, qururuxa iyo buuraha dhagxaanta malaasan leh.
  8. Lugaha geela: lugaha geelu waa kuwo dhaadheer si ay uga sarrayso kulaylka dhulka iyo si ay ufududaato socodkeedu.
  9. Socodka geela: geelu wuxuu hal mar wada qaadaa lugta midig iyo gacanta midig, lugta bidix iyo cagta bidix halka xayawaanada kale ay u socdaan qaab talantaaliya, sababtuna waa in miisaanka culus ee ay xanbaarto aanu u dheelmiyin.
  10. Meelaha uu ku fadhiisto: geelu wuxuu ku fadhiista goobo ku yaala labada gacmood, labada lugood iyo shafka oo aad u adag, sababtuna waa in uu fadhiisan karo dhulka kulul.
  11. Dhogorta geela: geelu dhogortiisu waxay ka caawisaa inay ka ilaaliso falaadhaha ilayska qorraxda xilliga xagaaga iyo qabowga xilliga jiilaalka.
  12. Haraga geela: Geela haragiisu waa mid adag oo qaniinyada cayayaanku aanay dhib wayn u gaysanin.
  13. Kuruska geela: geelu wuxuu leeyahay kurus ka samaysan dux, taasoo u saamaxda inuu soomanaan karo mudo dheer isagoo duxdaas u badasha biyo iyo cunto uu cuno.
  14. Dibka geela: geelu dibkiisu wuxuu leeyahay dhogor, wuxuuna isaga difaacaa cayayaanka iyo ciida dhibaatada u gaysata markuu fadhiisto.
  15. Doonida Saxaraha: geelu wuxuu ku noolaan karaa dhulka saxaraha ah ee lama dagaanka ah isagoo ku dul socon karaa ciida ama tamuuxda saxaraha halka xayawaanada kale ay ka dagayaan.
  16. Geela waa la cuni karaa cadkiisa, la cabi karaa caanihiisa iyo kaadidiisaba, haragiisa waa laga manaafacasan karaa, saaladiisuna waaba dawo la isku cilaajiyo sida cudurka canbaarta iwm.
  17. Geelu waa diyada kaliya ee laga bixin karo qof la dilay nin ama gabadh kuu doonaba ha ahaadee.