Bismillah:

Aadaanka salaadu maaha oo kaliya qaab lagu ogaysiinayo dadka in waqtigii Salaada la gaadhay ee waxa ku duugan mucjisooyin iyo arrimo la yaableh. Cilmi baadhis uu sameeyey Eng Abdidaa’im Al-kaheel ayaa cadaysay qaar kamid ah mucjisooyinka tiro ee kusoo arooray aadaanka.

1- الله أكبر الله أكبر 2- الله أكبر الله أكبر 3- أشهد أن لا إله إلا الله 4- أشهد أن لا إله إلا الله 5- أشهد أن محمداً رسول الله 6- أشهد أن محمداً رسول الله 7- حيَّ على الصلاة 8- حيَّ على الصلاة 9- حيَّ على الفلاح 10- حيَّ على الفلاح 11- الله أكبر الله أكبر 12- لا إله إلا الله

Tusmo

Ugu Horeyn:

Aadaanku wuxuu ka koobanyahay 50 eray sidoo kale waxaynu ognahay in hal xasano lagu abaalmariyo toban ajar ah siduu Ilaahay Quraankiisa inuugu sheegay:

مَن جَاءَ بِالْحَسَنَةِ فَلَهُ عَشْرُ أَمْثَالِهَا / سورة الأنعام (160)

“Ruuxii la yimaad hal xasano wuxuu leeyahay toban lamid ah..” [Suuratu Al-ancaam:160]

Dhanka kale waxaynu ognahay in Ilaahay inagu waajibiyey shan salaadood oo kala ah, Fajriga, Duhurka, Casarka, Maqribka iyo Cishaha. Salaaduhu ayagoo shan ah ayey u dhigmaan 50 salaadood, ayadoo salaad kastaba lagu abaalmarinayo toban salaadood oo kale, wuxuuna dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw) markii la dheelmiyey:

 فراجعت ربي فقال هي خمس وهي خمسون لا يبدل القول لدي

“Waxaan dib ugu laabtay Rabbigay wuxuuna dhahay: (salaaduhu) ayagu waa shan, waana konton, lamana badalayo qawlkayga” [Saxiix Al-bukhaari: 342 ]

Sidaas awgeed waxa cajiiba in ereyadii aadaanka oo 50 kalimadood ah ay isku mid noqdeen kontonkii salaadood ee Ilaahay ku qoray kitaabkii Looxul Maxfuudka.

Ta labaad:

Hadii aynu tirino xuruufta aadaanku ka koobanyahay waxaynu helaynaa inay yihiin 17 xaraf oo qaarkood soo noqnoqdaan, waxayna kala yihiin:

ا ل هـ ك ب ر ش د ن م ح س و ي ع ص ف 

17 ka xaraf waxay isku mid yihiin 17 ka rakcadood ee Salaadaha shanta ah ka koobanyihiin.

Ta sadexaad:

waxa waajib ah in Masaajidada laga adimo 12 ka bilood ee sanadku ka koobanyahayba, hadaba waxa cajiiba in aadaanku ka koobanyahay 12 jumladood oo kala ah:

1- الله أكبر الله أكبر 2- الله أكبر الله أكبر 3- أشهد أن لا إله إلا الله 4- أشهد أن لا إله إلا الله 5- أشهد أن محمداً رسول الله 6- أشهد أن محمداً رسول الله 7- حيَّ على الصلاة 8- حيَّ على الصلاة 9- حيَّ على الفلاح 10- حيَّ على الفلاح 11- الله أكبر الله أكبر 12- لا إله إلا الله

Taas oo macnaheedu ay tahay in sanadka oo dhan laga aadaamo Masaajida iyo guryahay Ilaahay.

Ta Afaraad:

Aadaanku wuxuu ka bilaabmaa magaca Ilaahay ee Allah wuxuuna ku dhamaadaa magaca Ilaaha ee Allah, sidoo kale ereyga ugu badan ee la adeegsadayna waa magaca Ilaahay ee Allah, waana 11 jeer.

Ta shanaad:

Ereyga (الله ) oo magaca Ilaahay ah wuxuu ka koobanyahay sadex xaraf oo kala ah (ا ل هـ), sidoo kalena ereyga tawxiidka ee ( لا إله إلا الله) wuxuu ka koobanyahay sadexdaas xaraf oo kaliya. SubxaanaAllah, Ilaahay wuxuu adeegsaday xuruuftii sadexda ahaa ee magiciisu ka koobnaa kadibna naftiisa markuu qeexayeyna wuxuu adeegsadaya isla sadexdii xuruufood.

Ta lixaad:

Hadii aynu tirino xuruufta (ا ل ه) ee magaca Allah ka koobanyahay, waxa alifku kusoo arooray aadaanka 47, laamkuna wuxuu kusoo arooray 45 jeer, ha’duna waxay kusoo aroortay 20 jeer, hadii aynu sadexdaas xaraf wadartooda isu geyno waxay soo baxayaa: 47+45+20= 112

Tirada 112 ma ogtahay waxay ka turjumays? Hadaad akhriso Quraanka waxaad ka helaysaa in Ilaahay magiciisa (الله ) kusoo arooray 112 suuradood, lagasoo bilaabo suurada Faatixa ilaa suurada ikhlaas oo ayaduna ah suurada 112 aad ee Quraanka Kariimka ah. SubxaanaAllah