Tusmo

Xayawaanka Goodaada:

Xayawaanka loo yaqaano Goodaada, Qorratada, Bullac, Wasakhad iyo magacyo badan oo kale waxa la ina faray inaan dilno, wuxuuna Rasuulkii Ilaahay (scw) tilmaamay in qofkii dila helayo boqol xasano.

عن أم شريك أن النبي صلى الله عليه وسلم أمرها بقتل الأوزاغ 

Ummu Shariik waxa laga wariyey in nabigu (scw) faray in la dilo xayawaanka (goodaada ama bulaca). [Muslim: 2237 ]

Waxa kale oo Caasha laga wariyey inay tidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa noo sheegay in markii nabi Ibraahiim lagu tuuray naarta, ay xayawaanadii dhamaantood damiyeen naartii, marka laga reebo Goodaada ama Bulaca. (Ibnu Maajah: 3231 )

Mulxidiinta iyo Calmaaniyiinta ayaa ku duri jiray diinta Islaamku inay banaysay in la dilo xayawaan aan dhib lahayn oo dadka qaar guryahooda ku rabaystaan. Sidoo kalena waxay ku doodi jireen in xayawaankii nabi Ibraahiim naarta ku afuufay uu dhintay kumanaan sanado kahor, ee maxaa loo dilayaa xaywaankan?

Dabcan mulxidiintu ma fahansana xikamada ku dhex jirta xadiisyada nabiga Ilaahay (scw) iyo in muslimiintu rumaysanyihiin in Ilaahay cilmiga qeybkiisa ku ogyahay in xayawaankani dhib ku yahay bulshada iyo deegaankaba.

Afar iyo tobankii bishii May ee sanadkii 2015 kii ayey jaamcada Georgia ee dalka Maraykanku soo saartay cilmi baadhis ku aadan khatar ay leedahay xaywaankan goodaadu ama bulacu. Waxay cilmi baadhstu cadaysa in xayawaankan calooshiisa ay ku jirto bakteeriya liddi ku ah ama iska caabisa dawooyinka antibiotics ee lagula tacaalo bakteeriyada.

Bakteeriyada xayawaankani xanbaarsanyahay ayaa ah nooca resistant bacteria,  taasoo iska caabinaysa dhamaan dawooyinka lagu cilaajiyo bakteeriyada.

Mid kamida culumada cilmi baadhista samaysa oo la dhaho Casey wuxuu yidhi: ”Hadii dadka guryaha ku haysta xayawaankan ay qaadsiiso caabuqa bakteeriyada, markaa uma suurtoobayso in dhakhaatiirtu ay ku cilaajiso antibiotiksa”

Sababtoo ah waxay mindhiciraha xayawaankan laga helay bakteeriyada la dhaho ” enteric bacteria” taasoo iska caabisa antibioticska.

Dawooyinka antibiotika ee aan waxba ka qaban karayn halista bakteeriyada ay goodaadu xanbaarsantahay waxa kamida chloramphenicol, aminopenicillins, tetracyclines, cephalosporins iyo penicillins.

Sidaa darteeed waxay culumada cilmi baadhista sameeyey uga digayaan in xayawaankan guryaha lagu haysto.

Haddaba markuu nabigeenu (scw) ina leeyahay xayawaankan hala dilo miyaanu caafimaadkeena ka talinaynin, ileyn waa raxmadii Ilaahay usoo diray caalamiintee.