Tusmo

Maxaa ku jira ”Balck Hole” Godka Madow dhexdiisa?

Hadii aad kaxaysato dayax gacmeed oo aad u safarto mid kamida ”Godadka Madow” maxaad arki doontaa?

Cufusjiidadka ama ”Gravity” uu leeyahay ”Godka Madow” aad ayuu u daranyahay, xitaa ilayska qorraxda oo ah shayga ugu xawaaraha dheereeya inta aadamuhu yaqaano kama baxsan karo. ”Godka Madow” waxaad kula kulmaysaa madaw iyo gudcur aan lahayn iftiin iyo nuur toona.

Safarka lagu aadayo ”Godka Madow” waa safar aan dib usoo noqod lahayn. Marba hadii aad gaadho meel xitaa ilayku aanu baxsanayn, adiguna meel aad kasoo laabato ma helaysid. Waxaad u dhimanaysaa qaab aad u daran.

Marka xidig wayn gaadho marxaladii dhimashada wuxuu waayaa tamartiisii iyo shiidaalkiisii, taasoo keenaysa inuu isku dul dhaco ”hooto dhac” kadibna wuxuu ku hoobanayaa ”Godka Madow”.

Hadii xidigaasi kamid yahay kuwa waawayna ee qorraxdeena ka wayn ugu yaraan 25 jeer wuxuu isu badalayaa ”Godka Madow” markuu dhimanayo.

Kunkii xidigoodba mid kamida ayaa aad u wayn kaasoo isu badalaya ”Godka Madow”. Majarradeenan ama xidig ururkeenan ay qorraxdeenu ka tirsantahay waxa loo yaqaano ”Milky Way” ama waddo caanoodka, waxayna ka koobantahay 100 bilyan oo xidigood, sidaas darteed xidig- urukeenan waxa ku dhex jira 100 milyan oo ”Godadka Madow”ah.

Hase ahaatee, ha halmaamin koonku aad ayuu u balaadhanyahay, xitaa hadii aad ku soconayso xawaaraha ilayska qorraxda waxay kugu qaadanaysaa kumanaan sanadood inaad gaadho ”Godka Madow” ee inoogu dhow.

Kasoo qaad inaad gaadhay mid kamida ”Godadka Madow” maxaad ku dhex arkaysaa?

Run ahaantii waxba ma arkaysid, kaliya waxa kuu muuqanaya madaw. Hadaad ku dul wareegto waxa kuu muuqanaya inuu yahay goobaabo. Maaha sida aad ku aragtid filimaata kartoonka ee ka dhigaya in ”Godka Madow” yahay sida saxanka oo kale.

Waxaad kale ood helaysaa in ”Godka Madow” u waynyahay ubucda ama dhexda sida meerayaasha kale oo dhan.

Si aad si fiican waxa u aragto waxaad timaadaa xarunta xidig urukeena, halkaas oo ay joogaan Godad Madow oo aad u waawayn, kana wayn qorraxdeena 4 milyan oo jeer.

Cufis jiidadka uu leeyahay ”Godka Madow” dartiis wuxuu jiidanayaa qurbayaal isugu jira gaas iyo boodh, kuwaasoo isu ku dul wareegaya sida cajalada CD ah oo kale, qurbayaashasna waxay ku daadanayaan gunta hoose ee ”Godka Madow”.

”Godka Madow” laftigiisa ma arki kartid, sababtoo ah waxa ku hareeraysan boodh iyo gaas. Hase ahaatee waxa suurtagal ah inaad aragto qaabka cufusjiidadkiisu u jiidanayo falaadhaha ilayska, taasoo aad ku arki karto maadooyinka ku hareeraysan. Maadooyinkaas ku hareeraysan waxa loo yaqaanaa hadhka ”Godka Madow”.

Qaar kamida falaadhaha ilayska ayaa suurtagala inay soo gaadhaan ishaada ama teleskoobka. Waxaadna arkaysaa ilayska oo ku dul wareegaysa xuduuda ”Godka Madow”.

Sidaas darteed, mar hadii aanay kuu suurtoobayn inaad aragto ”Godka Madow”, waxaad arki kartaa hadhkiisa.

Si loo arko hadhka ”Godka Madow”, waxay culumadu diyaariyeen barnaamijyo ”software” aad u heer sarreeya kuwaasoo sharraxaya qaab dhismeedka gaasta iyo boodhka ku geedaama ”Godka Madow”, waxaana cadaatay in muuqaalkaas la arki karo.

Si muuqaalkaas loo arko waxa la isku xidhay 11 teleskoob oo yaala daafaha dunida ayadoo la raba in teleskoobayadaasi u shaqeeyaan sidii hal teleskoob oo kaliya, kaasoo xajmigiisu la eegyahay dhulka si loo arko hadhka ”Godka Madow” markii ugu horreysay taariikhda.

Teleskoobyadan xajmigoodu la eegyahay dhulka ayaa loo bixiyey Event Horizon Telescope. Teleskoobyadan waxa lagu rakibay qalab isku xidhaya cidhif ilaa cidhif aduunka oo dhan. Barnaamijyada waxa xisaabinaya kombiyuutaro waa wayn ”Super Computer” si loo ururiyo macluumaadka.

Run ahaantii in la arko ”Godka Madow” waxay noqonaysaa daliil xoogwayn oo cadaynaya jiritaanka Godadka Madow. Sababtoo ah daliiladii waagii hore la xigan jiray waxay ahaayeen kuwo aan toos ahayn oo kaliya laga dabqaadan jiray saamaynta cufusjiidadka ”Godka Madow” ku leeyahay xidigaha inoo dhow, sida xidigo laga waayey cirka oo uu liqay Godka madow.

Si kastaba ha ahaatee, 10 kii bishan aynu ku jirno ee April sanadkan 2019 ka ayaa teleskoobkii Event Horizon Telescope oo la aasaasay sanadkii 2012 kii uu ku guulaystay inuu soo saaro sawirkii ugu horreeyey ee dunida lagu arko, kaasoo muujinaya ”Godka Madow”.

Arbacadii inasoo dhaaftay waxa shirar lagu qabtay magaalooyinka Washington, Brussels, Santiago, Shanghai, Taipei iyo Tokyo.  Shirarkaas oo lagu baahiyey sawirkii ugu horreeyey ee ”Godka Madow”.

”Godka Madow” ee sawirka laga qaaday ayaa ku dhaca majarrada ama xidig ururka loo yaqaano Messier 87, kaasoo dhulkeena ka fog 55 milyan oo sanad ilayseeda. Si kale hadii aan u sheegno, ilayska qorraxdeena oo ah xawaaraha ugu dheereeya ee aadamuhu yaqaano ayaa u soconaya 55 milyan oo sanadood.

Sawirka la qaaday waxa ka muuqda Godka Madow oo ay ku hareeraysanyihiin hadh ilayskiisii. Godkan Madow ayaa xajmigiisu ka waynyahay qorraxdeena 6.5 bilyan oo jeer. Sawirkan ayaa noqonaya daliilka ugu xoogan ee cadaynaya jiritaanka godadka madow.

Sawirka la baahiyey marka la eego waxa godka madow la mooda bahal ama waxshi kusoo socda qorraxdeen.

Maxaa dhacaya hadii aad Godka Madow dhex gasho?

Hadii aad Godka Madow u dhowaato waxa ku jiidanaya magnatka ama cufusjiidadkiisa, waxaadna noqonaysaa sida baastada dheer ee dhuuban oo kale. Hadii lugahaagu ay hor galaan Godka Madow, waxa cagahaagu ay la kulmayaan cufusjiidad ka daran ka madaxaaagu la kulmayo. Kadibna waxa ku waynaanaya madaxa illaa uu jidhka ka hadho. Sid dhakhso ah ayaa cufusjiidadka aad la kulmaysaa uu kuugu badalayaa qurbayaal yaryar.

Godka Madow miyaa lagu sheegay Quraanka Kariimka?

Ugu horayn: culumada falagu waxay leeyihiin: godka madow wuxuu ka dhashaa xidig wayn oo isku dumay, isku dumidaas oo ah in dusha sare ku dhacdo lakabka ka hooseeya.

Waxa kale oo culumada falaga iyo fiisigiskuba rumaysanyihiin in qorraxdeenu ay tahay xidig oo masiirkeedu noqonayo inay u dhimato sida xidigaha kale.

Ilaahay (swt) isagoo ka hadlaya dhimashada qorraxda wuxuu yidhi:

إِذَا الشَّمْسُ كُوِّرَتْ (1)

Marka qorraxda la duubo.

Imaamka mufasiriinta ee Ibnu Jariir Al-dabari wuxuu yidhi:

”ereyga Takwiir (magaca suurada) waxa luuqada carabida loo yaqaanaa marka shay badhkiiba badhka kale la isu keeno, sida marka la duubayo cimaamada waxa lagu duubaa madaxa. Sida loo duubo kaarad, waa dharka oo badhkoodba badhka kale la isu keeno, lana duubo. Sidaasoo kale ayaa qawlka Rabbina la macno yahay: in qorraxda badhkeedba badhka kale la isu keeni doona, kadibna inta la duubo la tuuri doono, marka sidaas laga dhigana waxa tagi doona ilayskeeda”

Qorraxdu markay dhimato waxay isu badalaysaa God Madow, wallow ay jiraan fikrado dhahaya: godka madow waa inuu ka waynyahay qorraxdeena ugu yaraan 25 jeer.

Si kastaba ha ahaatee, waxa aayada sharafta leh cadaynaysaa in qorraxdu u dhimanayso sida xidigaha kale.

Aayada labaad ee isla suuratu Takwiir, wuxuu Allah yidhi:

وَإِذَا النُّجُومُ انكَدَرَتْ (2)

Markay xidiguhu daataan.

Dabcan aayada sharafta leh waxay tilmaamaysaa in xidiguhu dhintaan oo ay daataan. Haddaba culumada Falaga agtooda xidigaha dhintay waxay ku daataan Godka Madow, ama ayagaaba isu badala godka madow, waa hadii ay yihiin xidigo waawayn.

Si aduunkan aynu ku noolnahay aanay xidiguhu ugusoo dhicin ayuu Ilaahay u sameeyey meel ay ku hoobtaan oo soo jiidanaysa, si kale hadii aan u tilmaamno; Godka Madow waa xabaalaha xidigaha.

Ilaahay wuxuu yidhi:

وَيُمْسِكُ السَّمَاءَ أَن تَقَعَ عَلَى الْأَرْضِ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۗ إِنَّ اللَّهَ بِالنَّاسِ لَرَءُوفٌ رَّحِيمٌ (65)

”Ilaahay ayaa ka haya samadu inay kusoo dul dhacdo dhulka ogolaanshihiisa mooyee, Ilaahayna dadka waa u tudhid badayahay waana u naxariistaa.” [1]

Aayadanina waxay cadaynaysaa in cirka, xidigaha, meerayaasha iyo dhagxaanta cirka in Ilaahay ka hayo dhulka.

Dhanka kale, Ilaahay wuxuu ku leeyahay isla suuratu Takwiir:

فَلَا أُقْسِمُ بِالْخُنَّسِ (15) الْجَوَارِ الْكُنَّسِ (16)

Waxaan ku dhaartay xidiga qarsoon (16) kuwaasoo socda ee qarsooma (17)

Ereyga ” الْخُنَّسِ” waa xidiga qarsoon, sida Ibnu Kathiir ku fasiray. Sidoo kale Ibnu Manduur qaamuuskiisa loo yaqaano ” لسان العرب” wuxuu ku sheegay in ereygan yahay xidigaha qarsoon.

Ereyga ” الْجَوَارِ” waa xidigaha soconaya.

Ereyga ” الْكُنَّسِ” waxay leedahay laba macne, marna waa qarsoomid, marna waa shay magnat leh oo wax soo jiidanaya sida Ibnu Manduur qaamuskiisa ku sheegay.

Aayadan sharafta leh ee Ilaahay ku dhaartay waxay cadaysay inuu jiro xidig leh sifooyinkan:

  • Qarsoomid
  • Soconaya
  • Wax jiidanaya.

Halka ”Godka Madow” isaguna uu leeyahay sifooyinkaas oo dhan, wuu socdaa, wuu qarsoonyahay, wuxuuna leeyahay cufisjiidad uu kusoo jiito wixii usoo dhowaada.

Subxaana Allah, miyeyna ku tusinayn in Quraankan sharafta badan cidii soo dajisay ay tahay Allah caliimka ah.

سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ الْحَقُّ ۗ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ ﴿٥٣﴾

Waxaan ka tusaynaa Aayadkayaga Jahooyinka iyo Nafahoodaba illamaayo ay ka cadaanayso inuu yahay xaq (quraanku), miyeyna ku filnayn Rabigaa inuu wax kasta markhaati ka yahay. (53) [(41) Fussilat:53]

 

 

[1] Suuratu Al-xajj: 65