Kitaabkan wayn ee Quraanka Kariimka ma dhamaato mucjisooyinkiisu, culumaduna kama dharagto cilmigiisa. Qofkii ku hadla run buu sheegay, kii wax ku xukumana garsoor xaqa ayuu layimid, cidii ku camal fashana waa laga abaal marin, cidii dadka ugu yeedha waxa lagu hanuuniyaa jidka toosan.

Hadaba mucjisooyinka aan kala go’aynin ee Quraanka waxa kamida, erey kusoo arooray suuratu Daariyaat, oo macnihiisa qotoda dheer ay culumada Falagu daah-fureen.

Culumada Falaga oo adeegsanaya Kombiyuutaro aad u waawayn laguna magacaabo (Super Computer) ayaa cilmi baadhis ku sameeyey qaabka koonku u eegyahay. Waxayna Kombiyuutarka galiyeen malaayiin xidig-ururo, kadibna Kombiyuurkii wuxuu soo saaray sawir u eeg shabaga caarada oo kale, waxayna ugu magac dareen Cosmic Web (Shabaagta Koonka).

Waxa culumada usoo baxay in shabaagta koonku yihiin kuwo adag oo sifiican isu haysta, iyo inay leeyihii wadooyin isu haya oo kala fog, laga yaabaa in wado yar dhererkeedu uu noqdo malaayiin sanadood oo ilayska qorraxda ah. Ogsoonowna hal sano oo ilayska qorraxdu waa ku dhowaad 9  trillion oo kilometers.

Hadaba sifooyinkaas oo dhan wuxuu Ilaahay kusoo koobay hal erey oo kusoo arooray suurada Daariyaat.

وَالسَّمَاءِ ذَاتِ الْحُبُكِ ﴿٧

Ilaahay wuxuu ku dhaartay Samada iyo quruxdeeda iyo wadooyinkeeda (7)

Ereyga (الْحُبُكِ ) waxa culumada tafsiirku ku fasireen sidan soo socota:

Ibnu Khatiir wuxuu dhahay Tafsiirkiisa: Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: Ereyga Xubuk waa samada u saaxiibka ah quruxda, soo jiidashada, wanaaga iyo is haysadka. Sidaas oo kale waxa ku fasiray Mujaahid, Cikrama, Saciid ibnu Jubeyr, Abu Maalik iyo kuwo kale.

Dhaxaakna wuxuu dhahay: Ereyga Xubuk waa marka ay biyuhu ku engegaan ciida iyo beerta, marka dabayshu qallajiso, ee ay ka samaysmaan wadooyin lamoodo in la tolay, waa kaas xubuku.

Xasan Al-basrina wuxuu dhahay: waa xidigaha oo isku tolan.

Imaamu Al-Qurdubiyyu wuxuu isagu ku dhahay Tafsiirkiisa: “Miyaanad arkin harqaanlaha/dawaarlaha markuu tolo dharka ee uu sifiican u tolo ayaa la dhahaa wuu xabkiyey.

Maxaa inooga soo baxay tafsiirka culumada Islaamka iyo muuqaalada dhowaan la daahfuray:

  • Shabaagta Koonku waa kuwo xoogan.
  • Shabaagta xidigaha u dhexeysaa waa wadooyin sida shabaagta caarada oo kale ah.
  • Shabaagta koonku waa kuwo qurxoon oo is haysta.
  • Shabaagta koonka isu haysa waxay u eegyihiin sida ciida biyuhu ku dul egegeen ee wadooyin iyo xariijimo ku dul samaysmaan.

SubxaanaAllah, hal erey oo kaliya ayuu Ilaahay kusoo koobay sifooyinka badan oo samadu leedahay. Waxa kaliya oo inoo hadhay waa inaan u tasbiixsano Allah abuuray koonka waasica ah.

 

Xigasho: