Waxay culumadu cadeeyeen in baalasha qaar kamida cayayaanka oo uu kamid yahay Daqsigu ay wataan daawo Antibiotics kuwaasi dili kara bakteeriyada.

Cilmi baadhis ay samaysay jaamicada Swinburne University of Technology ee dalka Australia ayaa shaaca ka qaaday inay daawo ka heleen qaar kamida cayayaanka. Waxa kale oo jira cilmi baadhis kale oo ay sameeyeen dalalka Japan, Australia iyo Russia, kuwaaso dhamaantood cadeeyey in dusha sare ee daqsiga ay wataan daawo anitibiyootika.

Cayayaanka la dhaho Clear Wing Cicada oo ah nooc kamida daqsiga oo ku nool Australia ayaa laga helay baalasheeda inay xanbaarsantahay daawo xoogan oo cidhib tiraya bakteeriyada iyo fayraskaba.

Haddaba waxaynu fiirinaynaa xadiiska nabigeena (scw) ee ka warramayey in baalasha daqsigu uu xanbaarsanyahay daawo.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ إِذَا وَقَعَ الذُّبَابُ فِي إِنَاءِ أَحَدِكُمْ فَلْيَغْمِسْهُ كُلَّهُ ثُمَّ لِيَطْرَحْهُ فَإِنَّ فِي أَحَدِ جَنَاحَيْهِ شِفَاءً وَفِي الْآخَرِ دَاءً

Abihurayra (Rc) waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Hadii daqsigu ku dhaco midkiin weelkii ha quusiyo dhamaantii, kadibna ha tuuro, maxaayeelay mid kamida baalashiisa wuxuu ku sitaa daawo ka kalena cudur” [Saxiixu Bukhaari: 5445]

Xadiiskan waa mid ka sugan nabiga (scw) oo ku yaala kitaabka ugu saxiixsan kutubta sunnada lagu diiwaangaliyey. Waana mid kamida wixii loosoo waxyooday nabiga (scw), sababtoo ah suurtagal maaha in warkan cid aan nabi ahayn ay tilmaanto xilligaas.

Beenaalayaasha kasoo horjeeda sunnada rasuulka (scw) ayaa habeen iyo maalin ka dhigan jiray xadiiskan mid ay ku dheeldheelaan oo ay maad iyo wax lagu qoslo ka dhigtaan. Waxay caqligooda gaaban ku xukumaan waxaanay aqoon iyo cilmi toona u lahayn.


1- http://www.ncbi.nlm.nih.gov/pubmed/23250225‎

2- Fruit Flies May Pave Way To New Treatments For Age-related Heart Disease, Burnham Institute, 2007.

3- The ointment in the fly: antibiotics, The Economist, December 3, 1994.

4- Protein in Fly Saliva Speeds Healing of Incisions, Wounds, Auburn University, 23 Jan 2005.

5- Fruit Fly Insight Could Lead To New Vaccines, Stanford University, March 11, 2007