Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxaan bilownay barnaamij la magac baxay Afuri Walaalkaa, ayadoo aan dadka islaamka ah u bandhignay inay kasoo qayb qaataan afurinta walaaladooda baahan. Qorshuhu wuxuu ahaa in la afuriyo 100 reer oo masaakiin danyar ah. Bilowgii way nagu adkayd inaan boqolkaas reer u helno afurkoodii, hase ahaatee Ilaahay naxariistiisa waxa noo suurtowday in tirada intii aan filanay ay ka badato anagoo helnay lacag ka badan intii noo qorshaysnayd sidaa darteed waxaan afurinay 160 Reer oo masaakiina. Ilaahay mahadi haka waxa guushaas ka danbeeyay walaaladaydii naxariista badnaa ee nagu kalsoonaaday ee soo diray sadaqooyinka ayagoo ka faa’idaysanaya bisha barakaysan ee Ramadaan.

Barnaamijkan wuxuu ahaa mid daahfuran oo markasta oo aan qaybinayno raashinka waxaan ka duubaynay muuqaalo Video ah si dadkii wax lasoo baxay u arkaan in sadaqadii ay gaadhay dadkii ku haboonaa iyo in loo duceeyo walaaladii muxsiniinta ahaa ee wax lasoo baxay iyo si aan ugu dhiiri galino walaalada kale inay ka faa’idaystaa bisha barakaysan ee Ramadaan. Sadaqadana way banaantahay in la muujiyo iyo in la qariyo labadaba

إِن تُبْدُوا الصَّدَقَاتِ فَنِعِمَّا هِيَ ۖ وَإِن تُخْفُوهَا وَتُؤْتُوهَا الْفُقَرَاءَ فَهُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ ۚ وَيُكَفِّرُ عَنكُم مِّن سَيِّئَاتِكُمْ ۗ وَاللَّهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ (271)

“Hadii aad muujisaan sadaqooyinka waa nicm ayadu, hadii aad qarisaa ood siisaan fuqarada ayaa idiin khayr badan, wuuna ku tirtirayaa xumaanihiina, Ilaahayna waxaad camal falaysaan xogogaal ayuu ku yahay (271) [Suuratu Al-Baqarah]

Tusmo

Dadka Soo Diray Sadaqooyinka

Ilaahay haka abaal mariyo, ajir iyo xasanaadna haka siiyo. Musiibooyinka wareegaya Ilaahay haka hayo, intooda bugtana Alle ha u caafiyo, ka muraad lehna Ilaahay muraadkiisa oo khayra Alle ha siiyo.

1 Muna Abdilaahi Faarah 100$
2 Habibo Issack 350$
3 Fartuun Jama Jama 70$
4 Warsame 30$
5 Ahmed Shadhuke Mohamuud 70$
6 Hodan Aadan Ismaciil 60$
7 Amal Mahamed Kaahiye 100$
8 Naima Muhyadin Hussein 65.8$
9 Shukri A Hassan 100$
10 Sahra Ali Omar 600$
11 Ayaan Abdilaahi Ibraahim 120$
12 Abdiftax Maxamed Maxamuud 20$
13 Sharif Mohamud Cadow 60$
14 Iimaan Niishay Ibraahim 70$
15 Ridwaan Mohamed Mohamed 30$
16 Jamaal Aadam Axmed 5$
17 Abdirahman Ahmed Kulmiye 60$
18 Khadra Omar Abdullah 15$
19 Xaliimo Xuseen Faarax 30$
20 Sakariye Maxamed Xasan 5$
21 Dauud Cabdule Anshur 350$
22 Sahra Ali Mohamed 140$
23 Khadra Mohamed Cige 140$
24 Maxamed Aadan Muuse 100$
27 Maxamed Cilmi 60$
28 Masleh Cabdi Farah 30$
29 Maryan Abdikariim Abdilahi 130$
30 Ardo Nur Farah 70$
31 Abdifatah Dirir Yusuf 50$
32 Harish Mohamed Abdi 62.8$
33 Shamso Abdisalaan Xasan 140$
34 Hawa Ahmed Abdilahi 1.5$
35 Deeqa Cumar Maxud 70$
36 Musa Deria 70$
37 Farxaan Abdilaahi 60$
38 Axmed Cali Axmed 10$
39 Bela Abdi 150$
40 Cabdicasiis Maxamed 100$
41 Maxamuud Muxumed 1.5$
42 Cabdiqadir Maxamed Xasan 100$
43 Nimco Maxamed Xuseen 50$
44 Deeqa Axmed 70$
45 Foosiya Cabdiraxmaan 60$
46 Farxiya Cabdiraxmaan 100$
47 Jamiila Cali 70$
48 Maxamed Cali Saalax 60$
49 Cabdiraxmaan Amiir 100$
50 Deeqa Abdi Cigaal 100$
51 Sahra Axmed Yuusuf 147$
52 Cabdiqadir Suulgaab 50$
53 Asad 60$
54 Qamar Jaamac Khalaf 250$
55 Xasan Cabdilaahi Salaad 22.52$
56 Caasha Cabdi Khayre 80$
57 Maxamuud Xuseen 70$
58 Maxamed Xasan Cawaale 1$
59 Deeqa Isxaaq Tarabi 50$
60 Deeqa Axmed Aadan 51$
61 Foosiya Cabdiraxmaan 50$
62 Maryan Xirsi 100$
63 Farxiya Cumar Jaamac 50$
64 Saharla Abdi Aadan 200$
65 Deqa, Hana iyo Muna 200$
66 Safiya Cali 50$
67 Lyala Maxamed 100$
68 Saado Maxamed 39$
69 Cabdilaahi Xasan Ismaaciil 100$
70 Cabdiraxmaan Dhabuke 50$
71 Shamis Yuusuf Arte 50$
72 Cabdixakiim Jaamac 50$
73 Sahrax Xasan Cali 66$
74 Umu Shaakir 50$
75 Aamina Maxamed Cilmi 50$
76 Jawaahir Cismaan Yuusuf 80$
77 Anas Cabdicasii Cabdiraxmaan 50$
78 Saynab Maxamed Xasan 50$
79 Sihaam Maxamed 39$
80 Xasan Salaad 50$
81 Hibo Axmed Nuur 50$
82 Nasra Yuusuf Ciise 120$
83 Cabdiraxmaan Amiir 23.65$
84 Maxamed Jaamac Khalaf 350$