Bismillah, walaalayaal waxa weerar kusoo qaaday umada soomaaliyeed iyo guud ahaanba islaamkaba dadka faafiya diinta Masiixiyada, waxa kusoo qulquaya dalka soomaaliya iyo guud ahaan qaarada Afrikaba dad aad u tiro badan oo doonaya inay gaalaysiiyaan dadka muslimiinta. Dabcan Masiixiyiintu waxay ku guulaysteen inay qaarada Afrika kadhigaan qaarad kiristaan ah, ayadoo aynu ognahay bilowgii qarnigii labaatanaad waxa masiixi ka ahaa qaarada Afrika boqolkiiba afar 4% maantana waxay sare u dhaafeen boqolkiiba afartan, ayagoo hadafkoodu uu yahay inay qaarada oo dhan ay ka dhigaan wada gaalo 100%.

Run ahaantii dadka kiristaanku waa dad u dadaala diintoodu si ay u qabsan lahayd caalamka oo dhan, waxay soo saaraan dad ku takhasusay sida loo masiixiyeysiiyo quruumaha kala duwan. Waxay bartaan dadka luuqadooda, dhaqankooda, diintooda, dabeecadahooda, la noolaanshahooda, ayagoo u huraya naftooda iyo xoolahoodaba.

Jaamicadaha lagu barto diinta kiristaanku waxay soo saaraan dad u qalabaysan inay cadawgooda la doodi karaan, sidoo kalena shacabka gaadhsiinkara fikirkooda iyo diintooda. Ma jiro wadan ku yaala qaarada Afrika oo aanay ka furnayn xarumo lagu masiixiyeysiiyo dadka haysta diimaha kala duwan.

Kadib markii aanu aragnay weerarkaas ba’an ee dadkeena lagu hayo ayagoo laga saarayo diinta xaqa ah ee Islaamka, waxaan go’aansanay inaan barbarkooda aanu ka galno dagaalkaas ay soo qaadeen, waxaynu ogayn inay dhowaan ay soo saareen muuqaalo dad dibadaha jooga oo gaaloobay, sababtuna waxay ahayd si loo tusiyo dadka soomaalida ah ee qarsanaya diinta Masiixiyad inay muujistaan, taasoo u daliil ah inay durba dad badani ay raaceen wixii loogu baaqayey. Waxa wax laga xumaado ah inaad aragto ruux soomaaliya oo muslinimo ku dhashay inuu diintiisa dhaafsado xoolo, caanimo, iyo baasaboor dibadaha ah.

Hadaba su’aasha meesha taalaa waxay tahay, qaabkee loo gaalaysiiyaa soomaalida iyo muslimka guud ahaan, waxa jira kutubo badan oo ka sheekeeya qaabka loola dhaqmo ruuxa muslimka ah marka ay doonayaan inay ka saaraan diinta Islaamka. Run ahaantii waxay Kiristaanku qireen in diinta Islaamku tahay caqabada kaliya ee ka hortaagan inay qabsadaan Caalamka oo dhan, hadan way dadaaleen oo dad badan inay gaalaysiiyeen way u suurtowday.

Intaynaan su’aashaas soo bandhigin, waxaan dib ugu noqonaynaa qaababkii hore ee ay waagii hore ee ay ula dhaqmi jireen Muslimiinta kolka ay doonayaan inay gaalaysiiyaan.

Waxay si cadaan ah oo nacayb ku jiro u weerari jireen Islaamka, ayagoo adeegsan jiray erayo adag sida Islaamku waa diin been ah, nabigaagu waa beenaale, diinta islaamku waxay ku faaftay seef iyo jihaad, quraanka waxa laga soo koobiyeeyay kutubta yahuuda iyo kiristaanka, nabigiinu wuxuu lahaa xaasas badan, nabigiinu wuxuu guursaday gabadh da’deedu ay aad u yartahay, islaamku waa diin argagixiso, diintiinu waa diin faqriga iyo baahida iyo waxyaalo kale oo farabadan.

Dabcan su’aalahan waxa dhici karta in qaarkood wali ay taaganyihiin oo lagu weeraro muslimiinta, waynaan ka jawaabi doonaa dhamaan su’aalahaa sare ku xusan. Si kastaba ha ahaatee waxay masiixiyiintii ogaadeen in qaabkaas hore ee lagu weerarayo islaamka inaanu midho badan u keenayn, oo siday sheegeen ruuxii wuu ka cararaa ama wuu is difaacaa isagoo weerar ku qaada diinta Kiristaanka.

Markay ogaadeen culumadoodii in qaabkaas aanu ahayn qaab shaqaynaya ayey bilaabeen qaabab kale oo runtii aad iyo aad uga saamayn badan, wayna ku guulaystaan oo waxay illaa iyo hada kasoo hooyeen guulo farabadan.

Qaabka casriga ah ee Soomaalida loo gaalaysiiyo?

Qaabkan cusub waa mid raad badan ku reebaya ruuxa muslimka, kadibna ay ku kallifayso inuu ka digo rogto diintii xaqa ahayd ee Islaamka.

Masiixigii diinta faafinayey wuu kuu imanayaa oo wuu ku macsuumayaa ama adigaaba macsuumaya, kadibna isagoon waxba kuu sheegin ayuu kugu bilaabayaa su’aalo cajiib ah oo aanad ka jawaabi karayn xitaa hadaad tahay sheekh wayn oo aan khibrad u lahayn sida layskaga dhiciyo gaalada way kula fuqayaan, hadii xitaa aad islaamka ka bixi waydo waxa lagugu abuurayaa shaki badan oo shaydaanku kaaga faa’idaysto, ugu danbeyna waad gaaloobaysaa. Waa qaab aad u cajiiba oo saamayn badan ku aburaya dadka, bal aynu fiirino su’aalaha lagu waydiinayo iyo sida aad afka u kala qaado:

Marka ugu horeysa wuxuu ruuxaas kugu bilaabayaa amaan uu ku amaanayo diintaada, dhaqankaaga, wadankaaga, kadibna wuu ku dhiiri galinayaa isagoo ku dhahay; nin wanaagsan ayaad tahay ama gabadh wanaagsan ayaad tahay, diintaada islaamkuna waa diin aad u macaan oo ay tahay in la raaco, nabigaaga Muxamedna wuxuu ahaa nin aad yo aad u garaad badan, hase ahaatee wuxuu ahaa ummi (waxna muu qori jirin waxna muusan akhrin jirin), sidaas awgeed dadka muslimka ah wuxuu u horseeday guulo badan hase ahaatee nabi muusan ahayn!! Cajiib waad yaabaysaa, waxaad is waydiinaysaa; sawkii iminka amaanayey? Maxaa ka xun, kadibna adigaa bilaabayaa dooda oo dhahaya wuxuu ahaa nabi, wuxuuna ahaa nabigii ugu danbeeyey.

  1. Haa, mar hadii aad bilowday adigu dooda waa intuu rabayba, kadibna wuxuu ku waydiinayaa suaalahan; ma rumaysantahay nabi Ciise? waxaad dhahaysaa; haa, oo qofkii muslima ee aan rumaysnaynba waaba gaal kaasi. Wuxuu ku dhahayaa; Ciise sawmaaha rusulada kuwa ugu sareeya? waxaad dhahaysaa haa wuu yahay, gaalkiina madaxa ayuu kuu ruxayaa, wuxuuna ku waydiinayaa; Ciise saw qaab mucjiso ah kumuu dhalan? waxaad odhanaysaa; haa, wuxuu dhashay isagoon aabo lahay. Galaakii madaxa ayuu ku ruxayaa isagoo ku faraxsan jawaabta aad bixisay, kadibna suaalshii u socday ayuu ku waydiinayaa; nabigaaga Muxamed miyuu ku dhashay qaab mucjiso ah? waad yaabaysaa, markaasaa dhahaysaa; maya, ee wuxuu isagu lahaa aabo iyo hooyo. Kadibna gaalkii wuu aamusayaa isagoo madaxiisa ruxaya, wax hadal ahna kuma sii waydiinayo sababtoo ah adigaaba qodobkii uu rabay uga jawaabay, sidoo kalena wuxuu ku tusay in nabi Ciise ka wayn yahay nabi Muxamed.
  2. Gaalkii masiixiga kugu faafinayey wuxuu ku waydiinayaa su’aalo kale isagoo ku dhahaya; ma ogtahay in rabigayga Ciise uu yahay masiix? waxaad leedahay; haa, waa masiix oo Quraankaygaaba lagu sheegay, wuxuu ku waydiinayaa su’aal kale; nabigaagu miyuu masiix yahay? hadana, afkaad kala qaadaysaa, adigoo la yaaban suaalaha lagu waydiinayo, sidoo kale qalbigaaga ayuu shaydaankiina kusoo tuurayaa in qofkani wax run ah uu ka hadlayo. Kadibna wuxuu ku leeyahay; ma rumaysan in Ciise yahay weedhii Ilaahay iyo ruuxdii Ilaahay? Dabcan hadaad quraanka akhriday waxaad dhahaysaa; haa, nabi Ciise waa weedhii Ilaahay iyo ruuxdii Ilaahay. Kadibna wuxuu ku leeyahay; Ciise saw Rasuulkii iyo nabigii Ilaahay maaha? waxaad dhahaysaa; haa, waa nabigii Ilaahay iyo rasuulkiisii, markaasuu ku dhahayaa; nabigaaga Muxamed miyuu yahay Masiix? Waxaad leedahay; maya, ee waa Rasuulkii Ilaahay. Wuxuu ku dhahayaa: Quraankaagu miyaanu sheegin in Ciise wada yahay Rasuul iyo Masiixba? Adigoo cajabsan ayaad leedahay, haaaa!! hadana madaxa ayuu kuu ruxayaa waanu kaa aamusayaa, sababtoo hal kalimad ma celin kartid mana jwaabi kartid, maxaa yeelay waa su’aalo aad iyo aad u adag, hadii aanad khibrad u lahayn.
  3. Gaalkii masiixiga ahaa wuxuu ku waydiinayaa; ma rumaysantahay in nabi Ciise nooleeyey dad dhintay? iyo inuu dawayn jiray dad indho la’, baras qaba, ama aan hadli karayn? Waxaad leedahay haa, ilaahay idankiis ayuu ku sameeyey. Wuxuu ku dhahayaa; Ilaahay idankii!!!, waa yahay isagoo madaxa kuu ruxaya, markaasuu ku dhahayaa: nabigaagu miyuu nooleeyey cid dhimatay? waxaad dhahaysaa, ma garanayo malaha xadiisabaa jira… Wuxuu ku dhahayaa wax dhib ah majirto..
  4. Wuxuu ku dhahayaa; Ciise iminka xaguu jiraa? Waxaad odhanaysaa; Samada ayaa loo qaaday waanu soo noqonayaa, wuxuu ku odhanayaa: nabigaaguna iminka xaguu jiraa? Waxaad leedahay; wuxuu ku aasanyahay xabaashiisa magaalada Madiina, inkastoo aan rumaysanahay in nabiyadu ay noolyihiin.
  5. Wuxuu ku dhahayaa; laba bilood kadib waxaad u dabaal dagaysaan ciida Udxada ood qalaysaan neef xoolo ah oo ceeb aan lahayn? Waxaad dhahaysaa; haa, waa inaan dhiigaas Ilaahay dartii u daadinaa, si naloogu danbi dhaafo. Wuxuu ku dhahayaa; uma baahnid inaad xoolo qashid, kaliya waxaad rumaysaa Ciise oo ah rabigii oo dhulka yimid kadibna isaga ayaa naftiisa kuu huray oo dhiigiisii kuu shubay, wuxuuna ku dhintay saliibka!!!! Cajiib, waad yaabaysaa, waxaanad u qaadanaysaa in wixii laguu sheegay ay ahaayeen xaqiiqo, sidoo kalena waxaad qiranaysaa in doodii iyo wada hadalkii lagaa badiyey.

Dabdeedna wuxuu kugu bilaabayaa inuu ku dhiiri galiyo, waxaad tahay wiil fiican ama gabadh fiican oo mustqabal leh, wax badan ayaad soo dhibtootay ee Ciise ayaa maanta kuu yimid ee diintayada soo raac waxaad dareemi doontaa, farxad iyo raynrayne.

Hadii markii horeba aanad tukan jirin oo aanad muslimiinta ku xidhnayn halkaas adigoo jooga ayaad diintii ka baxaysaa, hadii kalena waxaad dhahaysaa; waan kasoo tashanayaa!! Markaas wuxuu kula ballamayaa maalin kale.

Maalintaas wuxuu tagayaa gaalkii Kiristaanka ahaa Kaniisada, wuxuuna baryayaa rabigiisii Ciise siduu rumaysnaa isagoo leh, rabiyoow wiilkaas ama gabadhaas soo hanuuni. Intaa kadib haduu kaa dareensanaa inaad wax soo baadhayso wuxuu u tagayaa gaalkii sixiroole kuusoo dira jin sita maryo cadcad, oo habeenkii kolka aad seexato kuu imanaya, maxaa yeelay ducadii habeenkana maad akhrisan, salaadiina maad tukan sababtoo ah waxa kaa buuxay shaki badan.

Habeenkaas shaydaankii ayaa ku dhahaya wiilkaygoow, waan ku helay!!! Cajiib, markaas kacdid ayaad yaqiinsanaysaa in wixii ninkaas kuu sheegay ay ahayd run ama xaqiiqo, sidaasbaanad diyaar ugu noqonaysaa inaad diinta ka baxdo.

Ballantii marka la gaadho, waxaad rumaysay in Ciise yahay kii ku badbaadinayey, kadibna waxaad muujinaysaa inaad faraxsantahay, hase ahaatee qalbigaaga cabsi badan iyo argagax ayaad ka dareemaysaa kadibna waxa qalbiga laguugu qaboojinyaa in weerar kale aad kusoo qaado isaamka, ayagoo ku dhahaya; Muxamed wuxuu ahaa beenaale, sideebuu nabi u noqon karaa qof jecel dagaalka? sideebuu nabi u noqonkaraa nin guursaday dumar dumar fara badan iyo waliba gabadh aad u yar? sideebuu Muxamed nabi u noqon karaa wuxuu ahaa nin dagaalama laakiin Ciise waligii muusan dagaalamin, wuxuuna jeclaa nabada iyo is jacaylka.

Markaas si dhab ah ayaad kiristaan u noqotay, waxaanad ku dhiiranaysaa inaad caydo Ilaahay, Quraanka, Islaamka, Nabi Muxamed iyo xitaa ehelkaaga oo maqlay inaad gaalowday. Soomaliduna qaarkood way ku lacnadayaan oo shaydaan ayaad agtooda ka noqonaysaa, sidaasbaanad isku qancinaysaa inaad diin dhab ah ku taagantahay.

Hase ahaatee noloshadaa markasta, habeenkii iyo maalintiiba waxa kaa maqan farxadii, ehelkaagii, warwar iyo walbahaar sidoo kalena cabsi badan ayaad ka qabaysaa dadka iyo dhimashada. Kadibna Kitaabkii Baybalka ayaad akhrinaysaa ood ugu tagaysaa wax ka daran ama boqolaal jeer ka xun wixii aad ku gaalowday.

Hadaba hadii aad akhrido maqaalkan waxaad dareemaysaa cadho, xiqdi xaasidnimo, waa hadii aad tahay ruux kiristaan ah, hadii aad musim tahayna waxaad dareemaysaa cadho iyo inaad hesho jawaabaha su’aalihii lagu gaalaysiiyey saaxiibkaynu ka sheekaynayn. Diyaar ma u tahay inaad hesho jawaabaha, si aad iskaga dhiciso cid kasta oo kugu faafinaysa diinta Kiristanka, sidoo kalena kuu noqonaya hub aad ku weerarto masiixiyiinta. Waayahay hadaba ka bog Jawaabaha.

Jawaabihii su’aalihii la yaabka lahaa:

Qaabka jawaabuhu noqonayaa waxa weeye inaad waydiiso su’aal kastab daliilkeeda, waxaan uu ku waydiinayo horta ma u haystaa daliil, mise afkiisu ka dhahay? Inta badan Masiixiyiintu wax daliil ah kama hayst kitaabkiisa, sidaas awgeed ayuu Allah (swt) ina faray inaynu ku nidhaahno keena daliilkiina.

قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ﴿١١١

waxaad dhahdaa keena xujadiina haddaad run sheegeysaan. [Albaqarah:111]

Wuxuu Allah kuu sheegayaa inaanay haynin wax daliila iyo wax xujo ah toona sidaas darteed su’aasha uu ku waydiiyaba isaga ku celi oo waydii daliilkeeda.

  1. Markuu ku dhaho Ciise ma rumaysantahay? ama Ciise saw rasuul wayn maaha? Waxaad ugu jawaabaysaa adigu Ciise ma u rumaysantahay inuu yahay nabi iyo Rasuul kaliya. Wuu yaabaya oo wuxuu dhahaya; haa, kadibna adigaaba la wareegay doodii waxaanad leedahay siduu ku noqday Ilaaha haduu nabi yahay ama rasuulyahay!!
  2. Markuu ku dhahaa Ciise saw mucjiso kumuu dhalin? Haa, markaa tidhaahdo, wuxuu ku dhahayaa; Nabi Muxamed miyuu ku dhashay qaab mucjiso ah? Waxaad ugu jawaabaysa; Haa, nabi Muxamed hooyo iyo aabo ayuu lahaa, hase ahaatee Ciise wuxuu lamid yahay nabi Aadam, oo labadoodaba Ilaahay ayaa ku abuuray qaab mucjiso ah, sidoo kale waxaad leedahay; hadii nabi Ciise ku noqday Ilaah maadaama uu ku dhashay aabo la’aan, markaas Aadam ayaa ku dhashay aabo iyo hooyo la’aan, sidaa awgeed Aadam ayaa ah Ilaah ka wayn Ciise, sababtoo ah isagu hooyo iyo aabo malahaba. Markaa wuxuu bilaabayaa inuu ku dhaho; Aadam waxa laga abuuray ciid ama dhoobo halka Ciise lagu abuuray aabo la’aan kaliya. Waxaad leedahay markaasna; kala fur kitaabkaaga Baybalka, gaar ahaan kitaabka Cibraaniyiinta, cutubka 7aad faqrada 3 aad, wuxuu ka warramayaa ninka la dhaho Maliksadiq; “Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa.” Waxaad leedahay; muxuu ahaa ninkan aan bar bilow iyo bar dhamaadba aan lahayn, aabo iyo hooyana aan lahayn, kani miyaanu ka waynayn Ciise, maxaad isaga u caabudiwaydeen!!!!
  3. Markuu ku dhaho rabigaygu waxa la dhahaa, masiix, weedhii Ilaah, ruuxdii Ilaah ee maxaa loogu yeedhi waayey nabi Muxamed masiix? Waxaad leedahay; eraygan aad qiimaha u yeelayso macnihiisu waamaxay? Masixii waa kalimad af carabi kuna noqonaysa luuqada cibraaniga Messiah, markuu kiristaanku maqlo kalimadan wuxuu u qaadanayaa in ciise yahay Ilaah balse erayga macnihiisa fiirso, waa kalimad micnaheedu yahay masaxid, salaaxid, sidoo kalena waa naanays ama laqab oo wax qiimo ah sidaas u wayn kuma fadhiyo sababtuna waxa weeye magacan xitaa shaydaanka masiixu dajaal ayaa a dhahaa masiix, sidoo kalena xitaa kalimadan waxa loo adeegsaday gidaarada (pillars were annoy-ted).  Dhanka kale Ilaahay ayaa nabi kasta siiyey magac iyo naanays tusaale ahaan, nabi Ibraahim waa khaliil, nabi Muuse waa Kaliim, nabi Ciise waa Masiix, nabi Muxamedna waa rasuul.
  4. Ciise wuxuu nooleeyey dad dhintay, daweeyey dad indho la’, hadala la’ baras qaba; waxaad dhahaysaa: Horta sida Quraankayag kusoo aroortay nabi Muuseba wuxuu Ilaahay idankiisa ku nooleeyey nin dhintay, sidoo kale nabi Ibraahim wuxuu idanka Ilaahay ku nooleeyey shinbiro, halka nabi Muxamed isagan ay xayawaan, dhir iyo dhagxaanba ay la hadleen oo Ilaahay u nooleeyey, mida kale nabi Muxamed dad indho la’na indhaha wuu u fiiqay sida Cali iibnu abudaalib maalintii Khaybar, dad baras qabay iyo xanuuno kalena wuu daweeyey. Taasi waa jawaabtii oo kooban, laakiin waxa kaaga filan inaad dhahdo mucjisooyinkaas Ilaahaybaa sameeyey oo u ogolaaday nabiyadu markay noolaayeen, ee waxa Quraankayagu ka hadlay in kabadan 1000 mucjis saynis ah oo dhowaan la daah furay, halka kitaabkaagu uu mucjiadiisu ay tahay mid duugoobay.
  5. Markuu ku dhaho nabi Muxamed wuxuu ku aasanyahay xabaashiisa halka Ciise uusan wali dhiman ee uu soo noqon doono. Waxaad leedahay nabi Ciise Ilaahaybaa sare u qaaday, wuuna soo laabanayaa siduu nabigayagu noo sheegay, hase ahaatee diin kale lama imanayo ee wuxuu raacayaa diinta nabi Muxamed, isagoo saliibkiina burburinaya, dilayana doofaarka. Dhanka kale kitaabkaagu wuxuu leeyahay markuu Ciise soo laabto waxa u tagaya qaar dhahay; rabigayagoow, sida kusoo aroortay kitaabka Mathew cutubka 7 aad, faqrada 22 aad “22 Maalintaas qaar badan baa igu odhan doona, Rabbow, Rabbow, miyaannan magacaaga wax ku sii sheegin, oo miyaannan magacaaga jinniyo ku saarin, oo miyaannan magacaaga wax badan oo xoog leh ku samayn?
    23 Markaasaan ku odhan doonaa, Weligay idinma aqoon, iga taga, dembifalayaalow.” Sideebaa Ilaahii aad caabudaysay ood magaciisa wax badan ku qabatay kuu dhahaya; idinma aqaano danbiilayaalyahow!!!!!!!
  6. su’aasha kalena waxay ahayd ciida ulxada maxaad u gawracaysaan xoolaha, waxa idiin dhintay ciise: Waxaad leedahay: Ciise muu dhimanina oo sida kitaabkiina kusoo aroortay wuxuu yidhi sidan, Mathew:12,40 “ Waayo, sida Yoonis saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha nibiriga ugu jiray, sidaasuu Wiilka Aadanahuna saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha dhulka uga jiri doonaa.” Ciise wuxuu yidhi: sida nabi Yuunus oo kale ayaan dhulka ku jirayaa sadex maalmood iyo sadex casho, markaa aan ku waydiiye nabi yuunus miyuu dhintay intuu ku jiray caloosha nibiriga? wuxuu ku leeyahay; maya, waxaad odhanaysaa; sidaas awgeed ciisana ma dhiman. Dhanka kale nabi ciise laftigiisa ayaa ku dhahay kitaabkaaga gaara ahaan Mathew 5:20 “Waayo, waxaan idinku leeyahay, Xaqnimadiinnu haddaanay ka badnaan tan culimmada iyo Farrisiinta, geliba maysaan boqortooyadii jannada.” Hadii aydaan ka wanaagsanaan Yahuuda gali maysaan Jannada, hadaba is waydii sideebaad uga wanaagsanaanysa Yahuuda adigoon ilaalin axdigii koowaad ee nabi muuse oo ahaa Ilaahay kalinimadiisa rumee.

Jawaabahaa hadii aad garanayso cid ku khaldi kartaa majirto, markasta oo ay keenaan arrin waxa kaaga filan inaad tidhaahdo keen daliilkaaga. Waxaan umalaynayaa inaad ka faa’ideen maqaalkan, fadlan la wadaag walaaladaa si ay dad badan uga faa’idaystaan, iskagana dhiciyaan weerarka kiristaanka.


Waxa diyaariyey: Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle