Tusmo

Waxyaalaha la jeclaysto ama la necebyahay Ramadaanka.

(1) Candhuuftu miyey jabisaa Soonta?

Candhuuftu ma jabiso Soonta hadii la liqo.

(2) Xaakada oo la liqo  miyey Jabisaa Soonta?

Hadii Ruuxu uu liqo Xaako isagoo Sooman waxa jira laba Qawl (xukun) oo kala ah:-

(a) Culumada qaar ayaa tidhi; Xaakadu way jabinaysaa Soonta sida Cuntada iyo Cabitaanka.

(b) Kuwo kalena waxay dhaheen: Ma jabinayso ee waxay qaadanaysaa xukunka Candhuufta oo kale. Hadayba Culumadau wax isku khilaafaana waxa loo noqonayaa Kitaabka iyo Sunnada Nabiga, Asalna waxa ah in xaakadu Soontiisa waxba yeelayn sida Candhuufta oo kale. Waxaana Muhiim ah in aan Candhuufta iyo Xaakadaba lasoo jiidin oo aan la keenin Afka, hadayba dhacdana waa in la tufaa. 

(3) Waa maxay xukunka Cadayga iyo is qurxinta qofka Sooman?

Run ahaantii Cadyga iyo is Qurxinta qofka sooman waa Sunne maalintii iyo habeenkiiba, waxaanu guud ahaan soo gudo galayaa xadiiska Nabiga ee ah;

{السواك مطهرة للفم، مرضاة للرب‏‏}

(Cadaygu waa nadiifiyaha Afka iyo raali galinta Rabbiga).

Iyo sidoo kale Xadiiskii kale ee Nabiga (‏لولا أن أشق على أمتي لأمرتهم بالسواك مع كل وضوء‏) (Hadii aanan Umadayda ku cuslaynayn waxaan fari lahaa Cadayga wayso kasta).

Sidoo kale is qurxintu way u banaantahay qofka sooman maalintii iyo habeenkiiba, isqurxintaasi haba noqoto bukhuur, cadar ama saliid. Balse waxa kaliya ee aan la ogolayn ayaa ah in Sanka laga qaato Bukhuurka, maxaa yeelay wuxuu bukhuurku u gudbayaa Afka kadibna Caloosha. Sidaa awgeed ayuu Nabigu (N.N.K.H) u dhahay: 

{‏‏بالغ في الاستنشاق إلا أن تكون صائماً}

(Biyaha sanka gali -xilliga waysada- mar aad Soomantahay mooyaane.)

(4) Waa maxay xukunka Macjuunka lagau cadaydo Ilkaha xilliga Soonka?

Macjuunka ama Dawada Cadaygu waxay noqonaysaa laba xaaladood, ta koowaad waxa weeye in Macjuunku ama Dawada Cadaygu tahay mid xoogan oo u gudbaysa Caloosha, taasi ma banaana waxaana daliil u ah Xadiiskii uu Nabigu lahaa (Biyaha sanka gali -xilliga waysada- mar aad soomantahay mooyaane.) Maxaa diiday in xilliga Soonka biyo sanka xoog loo galiyo sababtu waxa weeye in aanay biyuhu u gudbin Caloosha oo markaas Soontiisii ka jabin, sidaa darteed hadii Macjuuku yahay mid xoogan oo Caloosha u gudbi kara ma banaana, ama ugu yaraan waa Karaahiyo.

Xaalada labaad waxa weeye in Macjuunku yahay mid aan xooganayn oo aan Caloosha u gudbayn, taasi wax dhib ah malaha maxaa yeelay Afka biyo ayaa lagu luqluqdaa xilliga Waysada taasina waxba ma yeesho Soonta, sidaa darteed wuxuu qaadanayaa xukunka luqluqashada biyaha ee xilliga Waysada.

(5) Cuntada oo la dhadhamiyo miyey burisaa Soonta?

May, dhadhamiska Cuntadu ma burinayso Soonta hadii aanu liqin, hase ahaatee waa in ay xaajo laga furan waayo tahay, hadayba xaajo keento oo ay waxun Calooshaada galaan markaas Soontu kaama jabayso. 

(6) Ma banaan tahay in Ninku la cayaaro ama dhunkado Xaaskiisa isagoo Sooman?

Way u banaanatahay in Ninku la cayaaro ama uu dhunkado Xaaskiisa isagoo Sooman, marka laga reebo inuu ka cabsado in ay Biyo ka yimaadaan, hadayba Biyo yimaadaan way burtay Soonkaasi, haduu Soonkaasi yahay Ramadaana waa inuu sii soomanaad inta ka hadhsan Maalintaas, waana inuu soo qalleeyaa maalintaas. Balse hadii Soontaasi aanay ahayn Ramadaan wuu iska Afuri karaa maalintaas, hadii ay tahay Soon waajib ahna waa inuu soo qalleeyaa hadayse ahayd Soon Sunne ahna waxba masii wadayo soonkiisa ee wuu Afuri karaa, dhibna malaha haduu soo qalleeyo.

(7) Xanta iyo isku dirka Dadku miyey Jabisaa Soonta?

Xanta iyo isku dirka Dadku ma jabiyaan Soonta balse waxay yaraysaa Ajarka ruuxa Sooman, Nabiguna (N.N.K.H) wuxuu dhahay: (‏من لم يدع قول الزور، والعمل به، والجهل فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه‏) {Cidii aan ka tagin hadalka kiisa xun iyo ku dhaqankiisa iyo Jaahilnimada, Ilaahay dan kama laha inuu ka tago Cuntadiisa iyo Cabitaankiisa9.}

(8) Waa maxay Xukunka ruuxa Markhaati Beenaalaha ah ee Sooman?

Markhaati Beenaaluhu waa Danbiyada ugu waaweyn waana Qofka oo u marag kaca waxaanu ka war qabin, mana buriso Soonka laakiin Ajarkiisa ayey yaraynaysaa.

(9) Cuntada xad dhaafka ah ee la diyaariyo xilliga Afurada miyey yaraynaysaa Ajarka Soonta?

Ma yaraynayso Ajarka Soonka balse cuntada iyo cabitaanka xad dhaafka ah asal ahaa ma banaana siduu Allah (S.W) uu dhahay: {‏وكُلُوا وَاشْرَبُوا وَلاَ تُسْرِفُوا إِنَّهُ لاَ يُحِبُّ الْمُسْرِفِينَ}{Cuna oo Caba hana xad gudbina maxaa yeelay Ilaahay ma jecla kuwa xad gudba} hadiiba Cuntadu badantahay waxa wanaagsan in la sadaqeeyo.

(10) Waa maxay xukunka Qofka Soontu kaga jabto xidhiidh gogoleed oo uu la wadaago xaaskiisa Maalinta Ramadaan?

Hadii Soontu tahay Ramadaan oo ay ku jabto galmo waxa ku waajiba Ruxaas kafaaro gud ah: Inuu xoreeyo Qoor, haduusan awoodin waa inuu soomo laba bilood oo isku xigta, haduusan awoodayn waa inuu quudiyo 60 Miskiin. 


Xigasho:

فتاوى ورسائل فضيلة الشيخ محمد بن صالح العثيمين

Fatwooyinkii Shiikha Maxamed ibnu Saalix Al-Cuthaymiin Ilaahay ha u naxariistee.