Tusmo
Waan is ilaaway kadibna biyo ayaan iska cabay anoo sooman, maxaan sameeyaa?
عن أبي أمامة الباهلي قال : سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول : ( بينا أنا نائم إذ أتاني رجلان فأخذا بضبعيّ فأتيا بي جبلا وعِرا ، فقالا : اصعد فقلت : إني لا أطيقه . فقالا : إنا سنسهله لك . فصعدت حتى إذا كنت في سواء الجبل إذا بأصوات شديدة ، قلت : ما هذه الأصوات ؟ قالوا : هذا عواء أهل النار . ثم انطلقا بي فإذا أنا بقوم معلقين بعراقيبهم ، مشققة أشداقهم ، تسيل أشداقهم دما، قلت : من هؤلاء ؟ قال : هؤلاء الذين يفطرون قبل تحلة صومهم. [رواه ابن خزيمة (1986) وابن حبان (7491)]Abu Umaama Al-baahiliy waxa laga wariyey inuu dhahay: waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Anigoo hurda ayaa waxa ii yimid laba nin, waxayna i qabteen cududahayga waxayna i geeyeen buur ay adagtahay in la fuulo, markaasan dhahay: ma fuuli karo, waxayna dhaheen: anagaa kuu fudaydinayna. Waanan fuulay, illamaa aan ka istaag buurta dusheeda, mise waxaan maqlay cod daran, waxaan idhi: maxay yihiin codkani? waxay dhaheen: waa cidii ehelka naarta (sida xayawaanka ayey u ciyayaan -u qaylinayaan), markaasay i kaxeeyeen, mise waxaan (arkay) qoom cidhbahooda laga xidhay, lana jeexay dibnahooda (bishmahooda), waxaana dibnahooda ka soconaya dhiiga, waxaan idhi: maxay ahaayeen kuwaasina? waxay dhaheen: waa kuwii afuri jiray ayadoon la gaadhin xilligii afurta. [Ibnu Khuzaymah 1986 iyo ibnu Xabaan 7491]
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ : قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( مَنْ نَسِيَ وَهُوَ صَائِمٌ فَأَكَلَ أَوْ شَرِبَ فَلْيُتِمَّ صَوْمَهُ فَإِنَّمَا أَطْعَمَهُ اللَّهُ وَسَقَاهُ ) . البخاري (6669) ومسلم (1155)
Abuhurayra (Alle raali haka ahaadee) waxa laga wariyey inuu dhahay: Wuxuu nabigu (scw) dhahay: “Qofkii halmaama isagoo sooman kadibna cuna ama cab ha dhamaystiro soonkiisii, maxaa yeelay Ilaahaybaa cunto siiyey oo waraabiyey” [Waxa soo saaray Bukhaari: 6669 iyo Muslim: 1155]
Dhanka kale qofka isagoo is ilowsan cunto iska cuna ama biyo caba, laguma yeelanayo inuu soo qalleeyo maalintaas iyo inuu kafaaro gud la yimaado:
عَنْ أَبِي هُرَيْرَة أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ( مَنْ أَفْطَرَ فِي شَهْر رَمَضَان نَاسِيًا فَلَا قَضَاء عَلَيْهِ وَلا كَفَّارَة ) اِبْن خُزَيْمَةَ (1999) حسنه الألباني في صحيح ابن خزيمة .
Abuhurayra waxa laga wariyey in Nabigu (scw) dhahay: “Cidii afurta bisha Ramadaan isagoo ilowsan, laguma laha inuu soo qalleeyo (maalintaas) iyo kafaaro toona” [Ibnu Khuzayma: 1999]
Xadiiskana waxaynu ka qaadanaynaa naxariista Ilaahay iyo siduu ugu tudhaya dadka Muslimiinta ah. Sidaa daraadeed ayey culumadu badankoodu u daliishadeen in qofkii soomanaa ee isagoo ilowsan ama halmaamay iska afuray in soonkiisu ansaxayo oo aan lagu lahayn inuu soo qalleeyo maalintaas iyo kafaaro gud toona.