Tusmo

Waa maxay xukunka cabida Sigaarka?

Sigaarka waxa sugan inuu Xaaraanyahay, waxaynaan ognahay dhibaatooyinka badan ee uu leeyahay waana taas sabababta loo xarrimay, dhibaatooyinkaasna waxa cadeeyey dhakhaatiirta iyo culumada baadha sidoo kalena dadka isticmaala way garanayaan dhibta Sigaarka.

Kol hadii Sigaarku dhib yahay waa xaaraan, waxaana u daliila aayada Quraanka ee uu Allah (S.W.T) uu leeyahay

{ولا تلقوا بأيديكم إلى التهلكة}[البقرة/195]

{Haku tuurina Naftiina mahlako}

Sidoo kale Allah wuxuu leeyahay:

{ولا تقتلوا أنفسكم إن الله كان بكم رحيماً} [النساء:29]

{Ha dilina Naftiina dhab’ahaantii Ilaahaybaa ah ka idin naxariistee}.

Waxa hadaba inagu waajiba ninkasta iyo gabadh kasta oo muslima inay ka digtoonaadaan waxa Ilaahay xarrimay iyo waxa dhibta u keenaya diintiisa, aduunyadiisa iyo caafimaadkiisaba, Ilaahaybaan inagoo naxariis badan adoomadiisa sidaa darteed wuxuu xarrimo waa wax dhib aduun iyo aakhiroba leh, waxaana isku waaninaynaa in aynu ka cabsano Allah (S.W.T) oo ka fogaano cabida sigaarka iyo ka ganacsigeedaba,.

ilaahayna dartii u jooji cabida sigaarka iyo iibkiisaba, qofkii Ilaahay dartii uga tagay arrina wuxuu Allah ugu badalaa wax ka kharyr badan. Cidii Allah ka cabsata wuxuu Allah u yeela meel uu baxo, cidii Allah ka cabsata wuxuu Allah ka arzuqa meel aanu filanayn.

Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu inagu hanuuniyo jidka toosan uuna inaga dhawro waxyaalaha diinteena, aduunkeena caafimaadkeena waxyeelada u ah. Wallahuaclam.