Tusmo

QISADII NABI SHUCAYB (N.N.K.H) IYO REER MADYAN

Reer Madyan waxay ahaayeen Carab kasoo jeeda Nabi Ibraahim (N.N.K.H). Waxaana loogu magacdaray wiilkii uu dhalay Nabi Ibraahim ee Madyan ibnu Ibraahim Alkhaliil.

Waxay daganaayeen dhulka Shaam, gaar ahaan meel aan ka fogayn Qawmkii Nabi Luud. Waxa uu Ilaahay usoo diray Nin Ayaga kamid ah, waa Nabigii iyo Rasuulkii Allah ee Shucayb (N.N.K.H)

Nabi Shucayb Abtirsiintiisa khilaafbaa kajira, waxaana kamida kuwa ay culumada tilmaamaan inuu ahaa sidan: Shucayb ibnu Nuweyb ibnu Ceyfa ibnu Madyan ibnu Ibraahim Alkhaliil. Ilaahbaa garanaya ta saxda ah.

Reer Madyan waxay ahaayeen qoom ganacsadayaal Gaalo ah, waxayna caabudi jireen ilaahay qayrkii Geed. Geedkaas oo la dhaho (Ayka) Reer Madyan waxay ahaayeen budhcad, waxayna jidgooyo iyo isbaaro u dhiganjireen dadka, si ay uboobaan una dhacaan hantida dadka. Waxa kale oo ay ku caan baxeen khiyaano iyo in miisaank la dhimo, ayagoo miisaanka iyo miisida khfiifinaya ama naaqusinaya miisaanka. Tusaale ahaan hadii uu qofku gato Hal kiilo oo bariis ah, waxa laga qaadaya lacagtii kiilaha bariiska, waxaana lasiinaya bariis ka yar Hal kiilo. Sidoo waxa ka mid ah in Caanaha lagu badhxiyo oo lagu qaso biyo. Waa sidii kuwii intay Caanaha ka buuxiyaan Biyo, dabadeedna odhanayey “Biyahana anaa u haya, Cadaantana Ilaahbaa u haya!”

Nabi shucayb waxa uu ugu yeedhay inay Ilaahay ka cabsadaan oo kaligii caabudaan. Waxaanu ka mamnuucay inay u dhowaadaa khiyaanada ay ku hayeen bulshada iyo boobka qaawan ee ay kula kacayaan dadka masaakiinta ah.

Nabi shucayb waxa uu xasuusiyey markii ay ahaayeen kuwo tiro yar, oo daciif ah, kadibna Ilaaha awooda lahi uu tiro badiyey oo ka dhigay Qaran, dadkana  ay xuquuqdooda siiyaan.

Waxyaalaha layaabka leh ee ay ku kaceen Reer Madyan waxa kamid ahaa, inay Jidka iyo Dariiqyada fadhiistaan oo wixii soo mara dad iyo xooloba aanay u aabo yeelijirin ee ay iska xalaashadaan xoolahooda iyo nafahoodaba.

Koox yar oo Reer Madyana ayaa rumaysa Nabi Shucayb, kuwii kalena sidii caadada ahaydbay iska sii wateen dulmigii, waxayna layaabeen Diinta soo gashey shaqadoodii iyo suuqa, oo isla waynibaa ku dhacday iyo kibir.

Ilaahay waxa uu kaga hadlayaa Nabi Shucayb iyo Qawmkiisa Meelo badn oo Qur’aanka Kariimka. Tussale ahaan Suurat Al’acraaf.

وَإِلى مَديَنَ أَخاهُم شُعَيبًا قالَ يا قَومِ اعبُدُوا اللَّـهَ ما لَكُم مِن إِلـهٍ غَيرُهُ قَد جاءَتكُم بَيِّنَةٌ مِن رَبِّكُم فَأَوفُوا الكَيلَ وَالميزانَ وَلا تَبخَسُوا النّاسَ أَشياءَهُم وَلا تُفسِدوا فِي الأَرضِ بَعدَ إِصلاحِها ذلِكُم خَيرٌ لَكُم إِن كُنتُم مُؤمِنينَ﴿٨٥وَلا تَقعُدوا بِكُلِّ صِراطٍ توعِدونَ وَتَصُدّونَ عَن سَبيلِ اللَّـهِ مَن آمَنَ بِهِ وَتَبغونَها عِوَجًا وَاذكُروا إِذ كُنتُم قَليلًا فَكَثَّرَكُم وَانظُروا كَيفَ كانَ عاقِبَةُ المُفسِدينَ﴿٨٦وَإِن كانَ طائِفَةٌ مِنكُم آمَنوا بِالَّذي أُرسِلتُ بِهِ وَطائِفَةٌ لَم يُؤمِنوا فَاصبِروا حَتّى يَحكُمَ اللَّـهُ بَينَنا وَهُوَ خَيرُ الحاكِمينَ﴿٨٧قالَ المَلَأُ الَّذينَ استَكبَروا مِن قَومِهِ لَنُخرِجَنَّكَ يا شُعَيبُ وَالَّذينَ آمَنوا مَعَكَ مِن قَريَتِنا أَو لَتَعودُنَّ في مِلَّتِنا قالَ أَوَلَو كُنّا كارِهينَ﴿٨٨قَدِ افتَرَينا عَلَى اللَّـهِ كَذِبًا إِن عُدنا في مِلَّتِكُم بَعدَ إِذ نَجّانَا اللَّـهُ مِنها وَما يَكونُ لَنا أَن نَعودَ فيها إِلّا أَن يَشاءَ اللَّـهُ رَبُّنا وَسِعَ رَبُّنا كُلَّ شَيءٍ عِلمًا عَلَى اللَّـهِ تَوَكَّلنا رَبَّنَا افتَح بَينَنا وَبَينَ قَومِنا بِالحَقِّ وَأَنتَ خَيرُ الفاتِحينَ﴿٨٩وَقالَ المَلَأُ الَّذينَ كَفَروا مِن قَومِهِ لَئِنِ اتَّبَعتُم شُعَيبًا إِنَّكُم إِذًا لَخاسِرونَ﴿٩٠فَأَخَذَتهُمُ الرَّجفَةُ فَأَصبَحوا في دارِهِم جاثِمينَ﴿٩١الَّذينَ كَذَّبوا شُعَيبًا كَأَن لَم يَغنَوا فيهَا الَّذينَ كَذَّبوا شُعَيبًا كانوا هُمُ الخاسِرينَ﴿٩٢فَتَوَلّى عَنهُم وَقالَ يا قَومِ لَقَد أَبلَغتُكُم رِسالاتِ رَبّي وَنَصَحتُ لَكُم فَكَيفَ آسى عَلى قَومٍ كافِرينَ﴿٩٣

Madyanna waxaan u dirnay Walaalkood Nabi Shucayb wuxuuna yidhi Qoomkayoow Caabuda Eebe idiinma sugna wixii Eebe kasoo hadhaye, Wxaa idiin katimid Xagga Eebe Xujo dhamaystirane, Miisida iyo Miisaanka, hana ka nuqsaaminina dadka waxooda, hana fasaadinina dhulka wanaajin kadib. Saasanaa idiin khayr roon hadaad mu’miniin tihidiin.(85)

Hana Fadhiisanina Jid kasta idinkoo Goodin oo ka Celin Dadka Jidka Eebe Ciddii Rumaysa idinkoo Qalooe la dooni, xusuustana markaad yareydeen oo Eebe idin badiyey, dayana siday Noqotay Cidhibtii Fasaadiyaasha.(86)

Haddayse Koox idinka mida Rumaysay waxa laygu soo Diray Kooxna ayna Rumeynin Samra (Suga) inta Eebe ka kala Xugmin Dhexdeenna Isagaa Xaakim Khayr Roon ah. (87)

Waxay dheheen Madaxdii Iskibrisay oo Qoomkiisii ah waxaannu kaa Bixin Shucaybow adiga iyo kuwa ku Rumeeyey Magaaladanada ama waxaad ku soo Noqon Diintanada, wuxuuna yidhi oo haddaan Necebnahayna. (88)

Waxaan ku Been abuuranay Eebe hadaan ku noqonno Diintiinna inta Eebe naga Koriyey ka dib, Nagumana habboona inaan ku Noqonno in Eebe Doono Mooyee, Illeen Eebaa Cilmigiisu waasac yahaye, waxaana talo Saarannay Eebe, Eebow Nagu kala Xukun Dhexdanada Xaq adaa Xaakim Khayr Roon ahe. (89)

Waxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisii ka mida haddaad Raacdaan Shucayb waad Khasaarteen. (90)

Waxaase qabtay Gariir waxayna ahaayeen kuwo Guryahoodii ku Dhintay (Iyagoo lagdan). (91)

Kuwii Beeniyey Shucayb waxaad Mooddaa inayna ku Nagaanin Magaaladaas Dhexdeeda, kuwii Beeniyey Shucaybna iyaga umbaa Khasaaray. (92)

Markaasuu isaga Jeedsaday oo yidhi Qoomkayow waan idin Gaadhsiiyey Fariintii Eebahay waana idiin Naseexeeyey ee sideen ugu walbahaari Qoom Gaala ah. (93)”

Surah Al’acraf, Ayat (85:93)

Nabi Shucayb (N.N.KH) waxa uu utilmaamay Reer Madyan inay Arsaaqada xalaasha ahi ay ka fiicantahay ta dulmiga  la socda.

(بَقِيَّتُ اللَّـهِ خَيرٌ لَكُم )

Sidaa aawadeedbaa dadka muslimiinta ahna loo amray inay Arsaaqad Xalaala raadsadaan, Xataa haday ta xaaranta ahi ay badantahay.

Reer Madyan waxay ku yidhaahdeen Rasuulkii Eebe Shucayb.” Ma salaadahaaga ayaa ku amraysa, inaan ka tagno waxay caabudayeen Aabahayaashayo, iyo inaan ku isticmaalno xoolahayaga waxaan doono. Adigu waxaad tahay dulbadane Toosane”

Jeesjees iyo iska yeelyeelbay u leeyihiin dulbadane toosanbaad tahay. Reer Madyan waxay xujo ka dhigteen in Aabayaashood ay caabudi jireen Geedkan oo ay dhaxal iyo caado u leeyihiin oo ay tahay dhaqan soo jireena, lagana doodi karaynin. Waa arinta ay cidkasta oo lunsani ay xujo ka dhigato.

“ Nabi Shucayb waxa uu ku yidhi, maydaan arkayn in aan wado cad ku taaganahay, oo Eebana nagu arsaaqay xoolo xalaala. Anigu ma rabo inaan idinku khilaafo waxaan idina amrayo ee waxaan ku dadaalayaa inaan noqdo ka idiinku horeeya ee sameeya wanaaga, waxaan wanaag ahyna idinma farayo. Qawmkaygoow hay khilaafina, yaanay idin asiibin wixii asiibay Qawmkii Nabi Nuux , qawmkii Nabi Huud iyo Qawmkii Nabi Saalax. Qawmkii Nabi luudna, idinkamaba dheera ee waad ogtihiin wixii qabsaday. ”

((قالوا يا شُعَيبُ ما نَفقَهُ كَثيرًا مِمّا تَقولُ وَإِنّا لَنَراكَ فينا ضَعيفًا وَلَولا رَهطُكَ لَرَجَمناكَ وَما أَنتَ عَلَينا بِعَزيزٍ )).

waxay ku dhaheen “Shucayboow waxba kama fahmayno waxaad na leedahy, agatayadana waxaad katahay Daciif. Hadduusan qawmkaagu jirin waan ku dhegxaynlahayn, mana tihid adigu mid cisi nagu leh.”

Waxayna culumado soo arooriyaan in Nabi Shucayb uu ahaa “Indhoole” oo aanu sifiican wax u arki jirin, waxaanu ahaa nin Caato ah sidaa awgeedbay uleeyihiin Daciifbaad tahay. Waxay kaloo ugu hanjabeen inay rajmin doonaan, oo inta God lagu rido dabadeedna lagu dhagxiyo.

Waa wax lala yaabo in qoom sidaas ula hadasho Rasuulkooda oo waliba ay shakhsiyadiisa ay ku ceebeeyaan.

Rasuulkii Allah ee shucaybna waxa uu ugu jawaabay, ma waxaad igu xushmaynaysaan qabiilkayga oo waxaad ka jeedsanaysaan Ilaahay iyo Rasuuliisa.

Markay arrintu ku adkaatay, qaraaraatay Nabi Shucayb, ayuu Ilaahy ka baryay in lakala furto isaga iyo qawmkiisa.

{رَبَّنَا افْتَحْ بَيْنَنَا وَبَيْنَ قَوْمِنَا بِالْحَقِّ وَأَنتَ خَيْرُ الْفَاتِحِينَ }

Kuwii Iskibrinayey waxay dhaheen Haddi aad Shucayb Raacdaan waad khasaarteen. Eebena waxa uu ugu jawaabay in kuwii nabi Shucayb ka gaaloobay ay ku sugnaayeen baadi cad.

Markay gaalnimadii iyo dulmigii ku adkaysteen waxa asiibay cadaabkii, kaas oo kaga yimi xagga Rabbi. Waxa ku gariiray dhulkii, Dhulgariirkaas oo aad u daran. Nafahoodiina way ka baxday Jidhkoodii. Waxaana kasii daran cadaabka Aakhiro sugaya. Waana masiirka iyo cidhibdanbeedka gaalada iyo inta diidan inay Rumeeyaan Eebe Iyo Nabiyadiisa. waxa lagu ciqaabay noocyo cadaab kala duwan.

Markii hore ilaahay waxa uu soo diray Kulayl iyo Hanfi darran oo aan la xamili karayn, waxayna ku yaaceen Guryahoodii, kadibna way adkaysan kari waayeen oo way kasoo baxeen guryihii. Waxa ilaahay usoo diray Daruur wadata hadh/hoos kana dabooshay kulaylkii Qorraxda, waxayna ka heleen Neecawda iyo raaxada Hadhka illaa intay dhamaantood isugu imanayeen kadibna fadhiisteen daruurtii hoosteedii. Markaasbaa ilaahay usoo diray naar iyo cadaab daran. Waxana lagu magacaaba cadaabkii maalinta Hadhka.

Nabi Shucayb iyo intii rumaysayna Ilaahybaa ka badbaadiyey cadaabkii, waxaanu ku yidhi qawmkaygoow waan idiin soo gaadhsiiyey dacwadii, idiina nasteexeeyey ee kama xumaanayo qawm Allah ka gaaloobay. Macanaha kama xumi wixii Jab iyo Burbur idin gaadhay sababtoo ah Nasteexadii iyo wanaagii waad ka gaalowdeen.

Ilaahaybaan kamagan galnay cadaabkiisa Aduunyo iyo ka Aakhiraba.

dhagayso ama akhriso, hanga ilaawina ducadiina ilaahay haydin barakeeyee Aaamiin