QISADII NABI MUUSE IYO NABI HAARUUN

(Dhagayso ama Akhriso)

Qisada Nabi Muuse waxa weeye Qisada ugu badan ee EEBE Qur’aanka kaga warramay. Magaca Muuse oo kaliya waxa uu EEBE qur’aanka ku magacaabay 136 jeer.

Abtirsiinta Nabi Muuse waxa weeye: – Muuse Ibnu Cimraan Ibnu Qaahith Ibnu Caazir Ibnu Laawe Ibnu Yacquub (NNK) Ibnu Isxaaq (NNK) Ibnu Ibraahim Alkhaliil (NNK).

Inta aynaan bilaabin Qisada Nabi Muuse waxa is xasuusin mudan in aynu dib ugu noqono Nabi Muuse iyo Reer Banu Israiil meesha ay ka soojeedaan.

Markii Nabi Yuusuf (NNK) uu la heshiiyey Walaaladii, waxa uu soo Kaxeeyey Aabihii Nabi Yacquub  Iyo Dhammaan Ehelkiisii, waxayna dageen Wadanka Masar. Masar waxa ka Talinayey Nabi Yuusuf (NNK). Waxayna ku noolaayeen wadanka Masar muddo dheer.

Nabi Yaquub waxa lagu Magacaaba Israiil, Ubadkiisana waxa la dhahaa Banu Israiil. Reer Banu Israiil waxay ku noolaayeen Masar ayaga oo sharaf iyo karaamo leh.

Waxa kale oo ku noolaa Masar Qibdiyiinta, waxayna Xaasideen oo la dagaalameen Banu Israiil oo ahaa Laba Iyo Toban Wiil iyo ubadkoodii. Waxaana dhex maray dagaalo ba’an, ugu danbayntii waxa dagaalkii ku Gacan sarreeyay Qibdiyiintii Masar.

Qibdiyiinta Masaaridu waxay u gaysteen Reer Banu Israiil Dhibaato badan oo ka soo noqosho lahayn, way Laayeen oo Hantidoodii bay dhaceen kadibna Adoonsadeen.

Xaakimka xukuma Masar waxa la Dhahaa Fircoon, sida kuwii xukumi jirey Dhulka Xabashida loo Dhaho Najaashi, ama kuwa xukumi jiray Furus loo dhaho Kisra iyo kuwa xukuma Romaniska waxa la Dhahaa Qaysar.

Fircoonadii Masar waxay Adoonsadeen Reer Banu Israiil, oo kasoo jeeda Nabi Yacquub (NNK). Muddo kadib waxa Xukunka Masar la wareegay Fircoon adag oo ka Xun kuwii hore, Fircoonkani waa Naxariis Laawe, waxaanu Cadaawad iyo Xaasidnimo fogaatay oo xeeldheer u hayaa Reer Banu Israiil.

Waxa uu ku kacay arrimo badan oo layaableh, oo aan waligeed horey loo maqal wuxuu sheegtay inuu yahay Ilaah, kaba sii darane waxa uu sheegtay inuu isagu yahay Rabbi.

Fircoonkan, EEBE inbadanbuu Qur’aanka inooga warramay sida uu u guumaystay Reer Banu Israiil, waxaanu ahaa kaligii taliyihii ugu Awooda waynaa inta Taariikda la Ogyahay.

Fircconka noocaas aha ayaa habeen habeenada ka mida riyooday, waxaanu arkay Arrin ka yaabisay oo uu dhagaha faraha ka gashtay. Waxuu ku Riyooday Naar ka timid Dhulka Falastiin oo gubaysa wax kasta oo kasoo hor baxa, waxaana la yaab lahayd in Naartaasi soo gaadhay wadana Masar oo ay Gebi’ahaanba baabisay Guryahii Qibdiyiinta iyo Hantidii Fircoon, haseahaatee waxna may yeelin Guryihii ay ku jireen Reer Banu Israiil.

Arrintan Naxdinta leh waxay ka yaabisay Fircoon, oo waa ka seexan kariwaayey, waxaana loo diiday Jiif iyo joogba.

Fircoon waxa uu utagay Sixiroolayaashii iyo kuwii Faalka rogi jiray, wuxuu uga warramay Riyadiisa,   waxayna dhammaantood isku raaceen in Reer Banu Israiil uu ka dhalanayo Cunug Yar oo Afganbindoona Xukunaaga iyo Adoonsiga uu ku hayey Reer Banu Israiil.

Maxay ku ogaadeen Faaliyayashii inuu Wiilkaasi yahay Reer Banu Israiil, sabatoo ah Naartu waxay ka timid xaggaas iyo Falastiin Ama Baytal Maqdas.

Fircoonkii Rabbinimada sheeganayey waxa kaga yaabiyey Riyo kaliya, waa ninkii inta uu kibir ka gaadhay lahaa, “Miyeydaan Arkayn Wabiyadan Hoostayda maraya, Aniga ayaa iska leh Xukunka Masar iyo waxa Dad ku nool.”

Fircoon wuxuu gudo galay inuu isugu yeedho Wasiiradiisii, lataliyeyaashi iyo intii ka Ag Dhoweyd. Kadibna go’aankii waxa uu noqday, In La Gawraco Dhammaan Caruurta Reer Banu Israiil.

Dhab ahaantii waxaa uu diray ciidankiisii oo kusii daayey Dadkii masaakiinta ahaa ee Reer Banu Israiil. Waxayna laayeen Ubadkii oo dhan wixii Wiil ahaa.

Markasta oo ay arkaan Wiil yar oo udhashay Reer Banu Israiil way Gawracaan, Xitaa Haweenka Uurka leh warkooda waa lahayaa, oo waxa u joogaa basaasiintii Fircoon.

Maalintii danbe waxay kuwii Wasiiradiisa ku dhaheen Fircoon, “Haddii aad Gawracdo Dhammaan Caruurta Reer Banu Israiil, Yaa inoo shaqaynaya?

Kadib Fircoon waxa uu soo saaray Qaraar kale, kaas oo ahaa in Caruurta Sanadna la Laayo, Snadka kalena la dhaafo.

Sanadkii la Dhaafay waxa dhashay Wiil yar oo waakuma, Waa Nabi Haaruun (NNK) oo ah Nabi Muuse walaalkiis oo ay isku Hooyo iyo isku Aabo yihiin.

Sanadkii la Gawracayey Ubadka Reer Banu Israiil waxa Dhashay Nabi Muuse (NNK).

Nabi Muuse Hooyadii markay umushay, waxay u cabsatay Wiilkeeda, Qalbigeedana waxa galay warwar iyo murugo. Kadibna EEBE ayaa u waxyooday Nabi Muuse Hooyadii waxaana la faray inay samayso Sanduuq ka samaysan Loox, Kadibna ku rido Muuse kuna tuurto Biyaha Badda.

Waxana EEBE ku yidhi Nabi Muuse Hooyadii, “Ha ka cabsanin waxa soo socda Mustaqbalka, Hana ka Murogoon wixii Ku Dhaafay” Waxaana EEBE Ballan Qaaday in Ilmaheeda uu usoo celinayo dhowaan. Kana dhigayo Rasuul Iyo Nabi.

Nabi Muuse Hooyadii waxay ku tuurtay sanduuqii Badda, Sanduuqiina waxa qaaday Mawjadaha Badda, waxayna gaysay Xeebta, kadibna Waxa helay sanduuqii Shaqaalihii Qasrigii Fircoon.

Sanduuqii markii la furay waxay ka haleen Cunug aad u yar, oo wajigiisu Nuurayo, isla markiiba Fircoonbaa loo sheegay, sidoo kale way garteen inuu yahay Reer Banu Israiil. Fircoon waxa uu yidhi Gawraca, laakiin Xaaskii Fircoon oo ahayd Ruux qalbi wanaagsan ayaa ku tidhi, “Ha dilina, waan ku indho doogsanaynaa, waxaana laga yaabaa inuu Ina Anfaco ama aynu ka dhigano Ubade.”

Fircoon ma dareensana inuu yahay Cunugii isaga awgii uu u laayey Caruurta badan ee Reer Banu Israiil.

“EEBE ayaa soo diray cunagan si uu ugu noolaado Qasrigiisa, una Noqdo cadwgiisa iyo Murugadiisa. Fircoon, Haamaan iyo Ciidankiisa way Gafsanaayeen.”

Nabi Muuse Hooyadii waxa ku Dhacay Warwar iyo Walbahaar, Waxayna ku Dhowaatay inay Banaanka u baxdo oo tidhaahdo, Cunugaygii waxaan ku tuuray Badda, laakiin EEBE ayaa sugay Qalbigeedii.

“Nabi Muuse Hooyadii waxay amartay Walaashii oo ku tidhi, Raac oo war iiga keen cunagaygii, waxayna ka eegaysa dhinac Fog iyagoon arkayn.”

Waxayna ka heshay Nabi Muuse Qasrigii Fircoon, waa cajiib Nabi Muuse Hooyadii waxay ka cabsanaysay in Fircoon Wiilkeeda arko, iminkana waxa loo raadinayaa Gabadh Naaska Nuujisa.

Nabi Muuse (NNK) waxa loo diiday inuu Nuugo dhammaan Dumarkii isu soo bandhigay inay Nuujiyaan, EEBE ayaa ka mamnuucay kulligood.

Nabi Muuse Walaashii markay aragtay walaalkeed Muuse oo Diiday dhamaan Haweenkii isku dayey inay nuujiyaan, ayey ku tidhi, Maydin tusaa Cid Nuujisa waan idiin nasteexaynayaaye.

Xaaskii Fircoon waxay ku tidhi, u yeedh hadaad garanayso cid nuujisa. Muusena gaajo ayuu La Ooyayaa. Kadibna Muuse Walaashii waxay u timid Hooyadeed oo u warrantay.

Nabi Muuse Hooyadii waxay soo gashay Qasrigii Fircoon, isla markii ay aragtay Cunageedii, waxay ku dhowaatay inay is fashiliso, hase’ahaatee EEBE ayaa sugay.

EEBE Kor ahaaye waxa uu usoo celiyey Cunugeedi si ay ugu indho doogsato, una murugoonin iyo si ay u Ogaato in Ballanta EEBE Dhab tahay.

Nabi Muuse (NNK) waxa uu ku barbaaray Gurigii Fircoon, illaa inta uu ka xoogaysanayey. Waxaana layaab leh In Nabi Muuse oo Qalbigiisa Iimaan iyo Wanaag ka buuxo in uu ku koro kuna barbaaro Gurigii Fircoon oo Gaalnimo ka buuxdo.

Fircoon iyo Qoomkiisii way ogyihiiin in Nabi Muuse uu yahay Reer Banu Israiil laakiin Maqaam sare ayuu ku leeyahay Qasriga Fircoon.

Maalin maalmaha kamida ayaa Muuse arkay Laba Nin oo isdilaya, mid waa Qibdiyiinta Masar, ka kalena waa Nin Daciifa oo Reer Banu Israiil, Kadibna Ninkii Qibdiga ahaa waxa uu Garaacay kii kale ee Reer Banu Israiil. Ninkii Reer Banu Israiil waa qaylieyey, waxanu arkay Nabi Muuse oo ku yii Muusoow iga celi Ninkan. Muuse wuu Xoog waynaa, oo waxa la dhahaa wuxuu udhigmayey Toban Nin. Waxanu ku dhuftay Hal feedh oo kaliya kii Qibdiga ahaa, saasbaanu ku dhintay Qibdigii.

Nabi Muuse ma uu qasdiyin inuu dilo Qibdiga, kadib markuu arkay inuu Ninkii dhintay waxa Nabi Muuse yidhi, Taasi waa camalkii Shaydaanka, isaguna waa Cadaw Fogaaday.

Nabi Muuse waxa uu EEBE ka beryay inuu u danbi dhaafo waxaanu yidhi, Eeboow, Naftaydaan dulmiyay ee ii danbi dhaaf, EEBEna waa ka Aqbalay.

Isla markiiba waxa yimid Ciidankii Fircoon waxayna heleen Ninka Maydka ah, mise qofka la dilay waa Qibdiyiinta, oo ahaa dadkii laga haybadaysan jiray.

Fircoon waxa uu amray in la soo qabto ciddii dishay, laakiin waxa kaliya oo ogaa Arrintan waa Ninkii Reer Banu Israiil ee Nabi Muuse uga hiiliyey Ninka Qibdiga ah.

Maalintii ku xigtayba waxa hadana is haysta Nin Qibdiya iyo Ninkii shalay uu Nabi Muuse u gargaaray, waanu Qayliyey kii Reer Banu Israiil, “ Muusow iga Qabo Ninka” kadibna Nabi Muuse wuu ku soo dhaqaaqay xaggooda, mise ninkii Reer Banu Israiil waxa uu mooday inuu isaga dilayo waxaanu yidhi, “ Muusoow ma waxaad Doonaysaa inaad ii Disho sidaad shalayba Udishay Ninkii Qibdiga Ahaa” Arrintii way Fashilantay oo waxa la ogaaday inuu Muuse Dilay Ninkii Qibdiga ahaa.

Nabi Muuse waxa Gashay Cabsi, Ciidamadii Fircoon way ku daba jiraan, warkiisana waa lahaya.

“Nin ayaa ka yimid magaalada halka ugu fog oo ku yidhi Muuse, Qoomkii Fircoon way kuu Tashdeen si laguu khaarijiyo, ee ka bax Magaalada waan kuu nasteexaynaye.”

Kadibna Nabi Muuse waa ka baxay Magaalada isaga oo haReeraha iska eegaya, waxaanu u socdaalay dhanka Madyan.

Nabi Muuse waxa uu galay socdaal dheer oo ay udheertahay Cunto La’aan iyo Harraad. Kadibna waxa uu meel Fog ka Arkay Ceel Ay Dad Ka dhaansanayaan. Dadkaasi waxay Waraabinyaan Geel iyo Adhi.

Nabi Muuse waxa uu la kulmay Laba Ruux oo Haween ah oo aan dhaansanin, Waraabinin Xoolaha.

Kadiban Si ay xushmad iyo Ixtiraam ku jiro ayuu Nabi Muuse u waydiiyey sabata ay u Waraabin waayeen Xoolaha. Waxayna ugu jawaabeen ayadoo ay hadalkooda ka muuqato Edeb aad u sarreysa Ma waraabinayno Xoolaha illaa ay Ragga dhamystaan waraabinta Xoolahooda, Aabahayona Waa Shiikh Da’diisu wayntahay.

Hadal kale ma waydiini Nabi Muuse ee Xoolaha ayuu u waraabiyey, kadibna fadhiistay Geed Hoostii. Waxaana uu yidhi, Eebow waxaad ii soo dajiso (isiiso) oo Kahyra waan u Baahnahay.

Labadii Gabdhood way Tageen Gurigoodii Gelin Hore, Kadibna Aabahood bay uga Warrameen Arrintii. Aaabahood waxa uu ku yidhi iigu yeedha Nabi Muuse.

Markaasay u timid labadii Gabdhood Midkood iyadoo Xishood ka Muuqdo, waxayna ku Tidhi Aabahaybaa kuu yeedhay si uu kaaga abaal mariyo Waraabintii Xoolaha. Markuu u yimid Gabdhaha Aabahood ayuu uga warramay Qisadiisa markaasbuu ku yidhi Ha Cabsan Waad Ka Badbaaday Qoomkii Daaliminta ahaa.

Gabdhihii mid kamida ayaa ku tidhi Aabaheed noo Iijaar waxaana u khayr roon Cid la ijaarto Mid Xoog Badan Oo Aamin ah.

Gabdhaha Aabahood oo lagu tilmaamo inuu ahaa Nabi Shucayb ayaa ku yidhi Nabi Muuse, waxaan Rabaa Inaan kuu Guuriyo Labadayda Gabdhood Midood, aanad iishaqayso Sideed Sano, Haddaad Dhammayso Toban Sanona waa Adiga Agtaada, Mana Doonayo inaan Ku Dhibo, waxaanad igu Ogaan (iga Heli) Hadii uu EEBE doono kuwa Wanaagsan.

Nabi Muuse wuu ka Aqbalay, waanu ka Guursaday Gabadhii, kadibana waxa uu dhamaystiray Shaqadii muddo Toban Sano ah oo ay ku noolaayeen Nolal Barwaaqo ah.

Toban Sano ka dib, Nabi Muuse waxa uu jeclaystay inuu u safro Dhulkii uu kasoo Jeeday waa Masar kadibna waxa uu galay Safar isaga oo ku wajahana Masar.

Goor ay tahay Habeen ayaa Muuse iyo Ehelkiisii ka lumen Wadadii Gaynaysay Masar, kadibna waxa uu Meel Fog ka Arkay Naar (Dab) waanu ku farxay Nabi Muuse sababtoo ah waa goor Habeena, oo ay dhaxani Jirto waxanu ku yidhi xaaskiisii iyo ubadkiisi Halkan sii Jooga, Hana Ka dhaqaaqina waxaan Aadi Dhanka Naarta (Dabka) waxaanan Ka Keeni War Ama waxaan ka keeni Dab aynu isku Diirino.

Nabi Muuse waxa uu Aaday Dhankii dabka, Waana Meel Buuralay Ah, Dabkuna waxa uu Kabaxayaa Buurta Dusheeda, Buurta waxa la dhahaa Duur. Marka uu soo dhowaaday Nabi Muuse waxa uu agteed Ka helay Geed Akhdar ah Cidna ma joogta meesha. Nabi Muuse wuu la yaabay Arrintan.

Nabi Muuse wuu usoo Dhowaaday Dabkii kadibna waxa uu si kadis ah u Maqlay Cod. Codkaas oon lamid ahayn Kuwa Noolaha Kale. Dhawaaqa Codka ayaa cabsi galisay Nabi Muuse waxaanu Layaabay cidda Magaciisa Garatay ee u dhawaaqday.

Kadibna waxa uu EEBE ku yidhi Muuse “Muusow waa Ilaahay, Waa Eebaha Caalamka, Kabahaaga Siib waxaanad dhagaysataa Waxyiga EEBE. Ma Jiro Ilaahay cid kale oo kasokaysa, ee waxaad Caabudaa Eebahaaa, waxaanad Oogtaa Salaada Adigoo Xusaya Rabbiga, Saacada Qayaamaha waa mid Iman. EEBE waxa uu waydiiye Nabi Muuse maxaad Gacanta Midig ku sidataa, waxaana Muuse Ku Jawaabay Waa Ushaydii waana ku Tukubaa waxaana ku Raacaa Xoolahayga. EEBE waxa uu ku yidhi Usha Tuur. Markii uu tuuray Ushii way Gariirta ayadood Moodid Mas. Kadibana nabi Muuse waa jeestay isagoo cabsi ku jirto. EEBE waxa uu ku yidhi Muusoow soo Qaabil (Soo Noqo), Hana Cabsan Adigu waxaad Tahay Mid Aamina. Sidoo kale Gali Gacntaada Jeebkaaga waxay soo bixi ayadoo Cad oon Xumaan lahayne. Waxayna uu kuu tahay Xujooyin waawayn.

Nabi Muuse waxa la Amray inuu Usha Qabsado, marka uu dhulka dhigayna waxay noqonaysaa Mas wayn, haddii uu qabsada waxay Noqonaysaa Ushii. Sidoo kale Gacanta Geli Jeebkaaga waxay soo baxaysa aydoo Cad oo ifaysa.

Nabi Muuse Midabka Jidhkiisu waxa uu ahaa Midabka Aadamiga Ama Maariin aan Cadaan Ahayne, sidoo kalena madawna muu Ahayn.

EEBE waxa uu amray Nabi Muuse inuu Utago Fircoon iyo Qoomkiisii. Waa Qoomkii uu Cabsi Aawadeed Uu uga soo Qaxay dhulkiisii laakiin EEBE Haduu wax Doono waa Saas uu ku Doonay.

Nabi Muuse waxa uu EEBE ka dalbaday inuu Walaalkiis Haaruub ku Xoojiyo, oo uu ka dhigo Wasiisrkiisa sababtoo ah wuu iga Aftahansanyahay. Sidoo kalena Aniga Waxaan hore uga galay Dhiig. Si ay ii rumaystaan Eebow igu xooji oo garabkayga yeel Walaalkay Haaruun.

EEBE Kor ahaaye waa ka Aqbalay Ducadii Nabi Muuse, waxaanu Ku Xoojiyay Garabkiisa Walaalkii Haaruun.

Nabi Muuse iyo Haaruun waxay si Toosa u tageen Qasrigii Fircoon, isla markiiba waxa istaajiyey Waardiyihii Qasriga oo waydiiye Ujeedadooda, waxayna u sheegeen inay Doonayaan in ay la Kulmaan Fircoon. Kadibna Fircoonbaa Loo sheegay in Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun Rabaan inay Lakulmaan.

Yaab iyo iscajabin kadib Fircoon waxa uu Amray Waardiyhii inay soo daayaan Muuse iyo Haaruun. Nabi Muuse isaga oo ushii wata Ayey u galeen Fircoon waxaana Dhexmartay Hadal aad udheer waana soo koobi doonaa InshaAllah.

Fircoon ayaa waydiiyey Nabi Muuse Ujeedada uu uyimid.

Nabi Muuse waxa uu ku Jawaabay In EEBE soo diray si uu Hanuuniyo Qoomka Fircoon iyo Reer Banu Israiil. Fircoon waxay ku Noqotay Af kala qaad, Manuu filayn In Muusa Ibnu Cimraan uu la Iman doono Diin cusub oo EEBE Kaliyeelaysa. Waxaanu waydiiye Nabi Muuse, Miyaanaan Adigaa Oo Sabiya ku soo korin, illaa intaad ka xoogaysanaysay, sidoo kalena miyaanaan Baadigoobkaaga ku Jirin Muddo Toban sano ah kadib Markii aad Dishay mid kamida Qawmkayga.

Nabi Muuse ma uu Diidin in uu Dilay Qof si Gaf ah oo aan ulakac ahayn, waxaanu ku yidhi markaan idinka Cabsaday Ayaan idinka baxsaday kadibna Eebahaybaa iigu Manaystay Diinta islaamka, waxaanan idiinku yeedhayaa inaad Aqbashaan Rabbigiin. Fircoon isagoo isla wayni iyo kibir ku jiro ayuu ku jeesjeesay Nabi Muuse oo Waydiiyey Waayo Rabbiga Caalamiintu?

Nabi Muuse waxa uu ugu Jawaabay, Rabbiga Caalamiintu waa Eebaha iska leh Dhulka iyo Samooyinka iyo Inta Udhaxaysaba.

Fircoon oo Cadho ka muuqato ayaa ku Jawaabay, Ma Rabbi aan Aniga ahaynbaa jira. Nabi Muuse isaga oo isku kalsoon ayuu ku yidhi waa Rabbigay Waana Rabbigiina iyo Rabbigii Aabayaashiinii Hore. Waana Eebaha iska leh Qorrax ka soobaxa iyo Qorrax ka dhaca iyo inta u dhaxaysa. Fircoon waxa uu ku Hanjabay inuu Xidho doono Haddii aanu Joojin Hadalkiisa. Nabi Muuse waxa uu yidhi Haddii aan ku Tuso Xujo Cad kawaran. Intaa Kadib Fircoon waxa uu dalbaday Daliil ama Xujo Lagu Rumaysto Rasuulnimadiisa.

Nabi Muuse waxa uu Tuuray Ushiisii waxayna isu badashay Mas, sidookalena waxa uu soo saaray Gacantisii ayadoo ay Midabkeedu Dhalaalayo oo Nuurayo.

Fircoon markiiba aragtidiisii waxay ku tidhi Muuse waxa uu kuula yimi Sixir, kadibna waxa uu ballan qaaday inay ka horkeeni doonaan Sixir kale, Ballantuna waa Maalinta Ciida oo Ay Dadku isu soo baxayaan, si ay u daawadaan macrakada dhexmaraysa Muuse iyo Sixirilooyaashii Fircoon

Waxa Fircoon loo keenay Kumaankun Oo Sixiroole waxaana loo sheegay in Lasiin doono Hanti waa haddii ay ka Takhalusaan Muuse iyo Ushiisa.

Markii lagaadhay Maalintii Ciida waxa isgu yimid Dad Badan iyo Ciidamadii Fircoon. Dhammaan waa loosoo Daawasho Tagay si loo Daawado Mahrajaanka Loogu Dabaal Dagayo Sixirka iwm.

Markii ay isu yimaadeen Dhammaan sixiroolayaashii Ayuu Nabi Muuse ku yidhi waar Hoogiina Xagaad Ka galaysaan Cadaabka EEBE. Markay Maqleen Kalmadahan ay Kalsoonidu Ka muuqato waxay gudo galeen inay ayagu dhexdooda Doodaan, Ugu Danabayna waxay Go’aansadeen inay Dagaalka Sixirka Galaan. Saf dheerbay galeen oo Dhaheen Ciddii Maanta Guushu raacdo ayaa Runahaantii guulaysatay.

Sixiroolayashii waxay ku dhaarteen Sharafta Fircoon kadibna waxay tuureen Ulahoodii oo isu badashay Masas iyo Abeesooyin waxayna la yimaadeen Sixir aad uwayn.

EEBE waxa u waxyooday Nabi Muuse inuu Tuuro Usha. Kadibna Ushii Muuse waxay Noqotay Mas wayn oon Hore loo Arag. Maskaas oo Liqay Dhammaan Masaskii Sxiroolayaasha.

Fircoon waxa ku dhacday Dhabarjab aad u wayn oo waa laga Roonaaday. Sixiroolayaashiina waxay usujuudeen EEBE wayna Rumeeyeen Nabi Muuse.

Fircoon inta uu cadho iyo Xiqdi is Hayn waayey ayuu yidhi Muuse waa Kii idiinku waynaa Ee idin baray Sixirka.

Waxaanu Dhaar ku galay inuu Dili doono haddii aanay Ka Noqon Diinta Muuse iyo Haaruun (NNK)

Dhab ahaantiina wuu Fuliyey Arrintan Oo waxa uu ka lulay jidhkoodii Dhirta Timirta, oo waanu googooyey Jidhkoodi si Talantaali ahi.

Waxa layaab ahayd in Sixiroolayaashii ay ku waabariisteen Subaxnimadii Maalintaas ayagoo Gaalo ah Galinkii danbena ay Noqdeen Shuhado EEBE Dartii loo Dilay.

Fircoon markuu arkay Xujooyinkan Cadcad wuu kusii Adkaysatay Gaalnimadii manuu ka Mid Noqon kuwa Liibaanay.

Kadibna EEBE waxa uu ku Ciqaabay Abaar adag oo aan Reebin Xoolo iyo Baadtoona. Kadibna waxay u tageen Muuse si uu EEBE u beryo oo looga Dulqaado Dhibta haysata. Nabi Muuse EEBE ayuu u beryey kadibna waa laga dulqaaday Abaartii laakiin kumay Waano qaadanine Halkiibay ka sii Miiseen. Kadibna EEBE waxa uu ku Ciqaabay Duufaan, Ayax, Injir, Rah iyo Dhiig. Markasta oo ay Ciqaabtu ku timaadaba waxay u imanayeen Nabi Muuse kuna odhanayaan Haddii Ciqaabta aad naga dulqqado waan ku rumayn laakiin markasta waxay ku noqonayeen Gaalnimadii.

Fircoon wuu sii waday Ciqaabtii uu ku hayey Reer Banu Israiil isagoo aan u aabo yelayn Cunuga Yare ee iminka dhashay iyo mid kale toona.

Nabi Muuse waxa uu faray Qoomkiisii inaanay Kasoo bixin guryaha kana dhigtaan Masjid ay ku cibaadaystaan, Samir badana muujiyaan.

Reer Banu Israiil waxay Dhaheen Muusow waana nala Cadaabay ka hor intaanad noo iman iyo Kadib imashadaada. Nabi Musana waxa uu faray inay sabraan oo aaminsadaan EEBE, Dhibtana ay dhowaan ka baxayaan.

Kadib Waxa Muuse lafaray iyo Qoomkiisaba inay ka baxaan Wadanka Masar oo ka Haajiraan Dhammaantood.

Qoomkii Muuse waxay Fircoon ka dalbadeen inay ubaxaan Ciid ay lahaayeen, Fircoona waa ka Aqbalay. Kadibna dhamaantood Reer Banu Israiil way ka baxeen Dhulka Masar Goor Habeena laakiin Muddo saacado gudahooda ayaa lagu ogaaday inay baxeen.

Fircoon waxa uu soo kaxeystay Ciidamo kumaankuna oo Aaladaha Dagaalka ku Qalabaysan, sababtuna waa inuu Laayo inta ka hadhsan Reer Banu Israiil.

Fircoon oo dhiiri galinaya ciidamadiis ayaa yidhi kuwani waa Koox yar oo Taag yar, Annagana ka Xoog badan, kana Saanad iyo Huba badan.

Nabi Muuse iyo Qoomkiisi waxay gaadheen Xeebta, Firoona waa ka daba yimid isagoo Ciidamadiisa wata, waxa ka horreeyana Bad Cadwgiina waa ka danbeeyaa!

Arrintan ayaa cabsi galisay Qoomkii Nabi Muuse, Nabigana waxa Lasocda Walaalkii Nabi Haaruun, Yuushac Ibnu Nuun iyo Ninkii Qibdiga ahaa ee rumeeyey Diinta Nabi Muuse. Sidoo kale waxa lasocda Maatadii iyo Haweenkii Reer Banu Israiil. Ciidamadii Fircoon watay way soo dhowaadeen, Ayaguna waxba iskama dhicin karaan sababtoo ah Fircoonbaa Laayey Ubadkoodii wixii Rag ahaa. Nabi Muuse Asxaabtiisii waxay dhaheen waa nala hayaa laakiin Nabi Muuse oo kalsooni EEBE ku Qaba ayaa ugu jawaabay Maya inama Gaadhayaan Eebahaybaa i hanuuninaya.

Markii Cadowgii soo dhowaaday ayaa Nabi Muuse EEBE u waxyooday in uu Usha ku dhufto Badda, waxa yaab Noqotay in Baddii ay ukala baxday Laba Qaybood oo Buuro Biyo ah. Dhexdeedana wado ka furantay, wadaduna waa mid aan lahayn dhiidhi iyo dhoobo, waa Awoodaha EEBE.

Nabi Muuse iyo Qoomkiisii way dhaafeen biyihii, Fircoon iyo ciidankiisana waa ku daba jiraan laakiin markii ay Reer Banu Israiil ka gudbeen Baddii ayaa EEBE Amray baddiisa inay biyuhu isku Noqdaan. Biyihii Badda ayaa isku Noqday, ciidamdii Fircoon iyo isagiiba waa ku Halaagsameen meeshaas.

Markii Fircoon Naftii kasii baxaysay ayuu yidhi waxaan Rumeeyey Reer Banu Israiil Eebahood, haseahaatee Malakul Jibriil ayaa afka dhoobo kaga gufeeyey. Waxaana la yidhi Ma hadda ayaad Rumeyse EEBE adigoo hore uga mid ahaa kuwa caasiya EEBE iyo kuwa wax Fasahaadiya.

Markii EEBE badbaadiye Reer Banu Israiil waxay rumaysanwaayeen in la halaagay Fircoonkii Adoonsaday ee Laayey ubadkoodii, sidii uu doonana ka yeelay.

EEBE waxa uu badbaadiyey Fircoon jidhkiisii, si kuwa ka danbeeya ay ugu Noqoto Xujo iyo wax ku Qaadasho.

Reer Banu Isarel waxa la tusay maydkii Fircoon markaasbayna rumaysteen in la halaagay ninkaas.

 

 

waa sawirro muujinaya Fircoonkii adoonsaday reer banu Israel sida Eebe u cadaabay sidoo kalena u baaqiyeelay jirkiisa si dadku uGu cibro qaataan.

 

Qoomkii Nabi Muuse markay kasoo baxeen Baddii ayaa waxay soo mareen Qoom Caabuday Sanam, kaasoo ay ka samaysteen Dibi, kadibna waxay ka dalbaeen Nabi Muuse inuu u sameeyo Ilaah sida Qoomkaniba ay u leeyihiin Sanamka. Nabi Muuse isaga oo Cadhaysan Ayyu ku Yidhi waxaad tihiin Qoom Jaahiliin oo wax magarata. Layaab waxa ah Qoomka iminka EEBE ka badbaadiyey Baddii inay Muuse ka dalbaadaan Arrinkan!

Saxaraha wayn ee Siinaay ayey mareen Muuse iyo Qoomkiisii, kadibna Nabi Muuse waxa uu damcay inuu EEBE la kulmo markaasuu walaalkii Nabi Haaruun masuul uga dhiga Reer Banu Israiil. Waxaana Nabi Muuse lafaray inuu Soomo sodon Casho kadibna ku dhamaystiro Toban casho oo kale.

Kadib Makii Nabi Muuse uu EEBE la kulmay waxa la siiiey Alwaax ay ku qoranyihiin waxkasta. Nabi Muuse waxa uu si toosa ulahadlay EEBE Kor Ahaaye.

Nabi Muuse markuu EEBE codkiisa Maqlay waxa uu Jeclaysatay inuu EEBE Arko, EEBEna waxa uu ku yidhi Ma jiro Ruux igu Arkaya Aduunyada, laakiin waxaad Eegtaa Buurtaas oo Hadday Meesheeda taagnaato waad I arkaysaa.

EEBE waxa uu Isu Muujiye wax yar Buurtii Kadibna Buurtii way gariirtay oo burburtay, Nabi Muusana waa Miyir doorsamay. Markii uu Nabi Muuse soo kacay ayuu yidhi Eeboow Adaa Xumaan Ka nasahan, waanan toobad keenay waxaanan ahay Ruuxa koowaad ee ku rumeeyay.

EEBE waxa uu waydiiyey Muuse Qoomkaagii maxay ku suganyihiin, Nabi Muusena waxa uu yidhi waxay ku suganyihiin Diintaydii, EEBE ayaa ku yidhi ku noqo Qoomkaagii waan fidnaynee.

Nabi Muuse waa soo Noqday waxaanu Arkay Qoomkiisii oo ku wareegaya Sanam ay sameeyeen. Nabi Muuse waa cadhooday oo Alwaaxii ayuu dhulka ku tuuray, kadibna walaalkii Nabi Haaruun Jiiday timaha iyo gadhka kuna yidhi Haaruunoow maxaad qabanaysay markay Qoomkani Sanamka Caabudayeen. Nabi Haaruun oo hore ugu sheegay inay ku fidnoobeen Sanamkan ayaa ku yidhi Nabi Muuse wiilka ay hooyaday dhashoow waxba Madaxa iyo Gadhka hay qaban, waxaan ka cabsaday inaad tidhaahdo Reer Banu Israiilbaad kala qaybisay, waxayna ku dhowaadeen inay I dilaan.

Nabi Muuse waxa uu yidhi Eebow Aniga iyo walaalkayba noo danbi dhaaf. Kadibna waxa uu waydiiyey Qoomkiisii cida fartay Arrinkan, waxaana loo sheegay in Saamiri ahaa Ninkii sameeyey Sanamka.

Nabi Muuse ayaa waydiiyey Saamiri sababta ku kalliftay inuu sameeyo Sanamkan. Waxaanu ku jawaabay waxaan Arkay Malakul jibriil Farskiisii markii la Halaagay Fircoon kadibna waxaan qaatay wax ka mid ah raadkii Malakul jibriil, saasayna ii qurxisay nafteydu. Waxaana ka sameeyey Sanamkan oo Dibi u eeg, Sanamkana waxa galayey hawada kana baxaysay. Hawada galaysa darteedna waxa uu sameyna dhawaaq sida Lo’da oo kale ah.

Nabi Muuse waxa uu ku yidhi Saamiri Tag, waxaana kuu sugnaatay Nolosha Aduunyo inaanay cidna ku taaban, adiguna cid aanad taban, waxaana kuu sugnaaday ballan aand baajinayn. Day Ilaahaagii (Sanamkii) waanu gubi kadibna ku tuuri badda.

Qoomkisii waxa uu ku yidhi Eebihiin waa Allah, waxaana idiin sugnaatay inaad ka tawbad keentaan danbigii aad gasheen, Tawbaduna waa inaad is dishaan.

Kumaankun oo ka mida kuwii Sanamka caabuday ayaa isdilay, si kastaba ha ahaatee Nabi Muuse waxa uu kala soo baxay Kuwii aan caabudin Sanamka Todobaatan Wadaad si ay EEBE u baryaan oo ciqaabta uga Khafiifiyo Qpomka.

EEBE waa ka aqbalay Ducadii Nabi Muuse laakiin waxa layaableh in Todobaatankii Wadaadna dhaheen Muusow Kuma rumaynayo Hadaanad Na tusin EEBE.

Todobaankii waxa ku asiibay Saaciqad (Qaylo) waanay Dhinteen dhammaantood. Nabi Muuse waxa uu baryey Eebihii waana laga Aqbalay Ducadii kadibna Todobaatankii Wadaad way soo noolaadeen si ay Eebahood ugu Mahadnaqaan.

Nabi Muuse, Walaalkii Nabi Haaruun iyo Todobaatankii Wadaad waxay Jareen Saxaraha Siinaay isagoo ku wajahan Dhulka Barakaysan Ee falastiin (Baytal Maqdas) waxaanu Nabi Muuse ka dalbaday Qoomkiisii inay galaan Baytal Maqdas laakiin waxa la yaableh in Todobaatakii wadaad dhaheen Muusoow Galimayno ee Orod Adiga iyo Eebahaa Dagaalama Annagu Halkan baan idinku sugaynaayee.

Waa layaab Reer Banu Israiil way dhibeen Adoonkii EEBE ee Nabi Muuse Naxariis korkiisa ha ahaatee, si kasta oo ay u arkaan Xujooyin waaweyn, Daliilo cadcad hadana way madax adaygeen.

Waxa EEBE ka diiday inay galaan mudo dhan 40 Afartan Sano, waxayna galeen Tiih. Saxaraha Siinay ayey ku lumen markasta oo ay isku dayaan inay Saxaraha ka baxaan waxay ku soo noqonayaan meeshii ay ka tageen.

Mudadii ay Reer Banu Israiil ay ku jireen Tiiha waxa dhacay waxyaalo badan, kuwo kamida ayaa EEBE Qur’aanka inooga warramay.

Qoomkii Nabi Muuse ayagoo ku sugan Saxaraha waxa EEBE ku manaystay inuu quudiyo Cunto aan karis u baahnayn waa Al Man iyo Salwa. Laakiin Reer Banu Israiil waxay dhaheen waan ku daalnay cuntadan ee EEBE noo beri si uu inooga soo saaro waxa dhulka ku jira, oo ah bagal, Toon, Cadas iyo Basal. Muuse waxa uu ku yidhi ma waxaad ku badalanaysaan wax xun kii khayrka badnaa.

Maalin maalmaha ka mida ayey Reer Banu Israiil Heleen Nin Mayda oo la dilay, lamana garanayo cida dishay, kadibna waxay Nabi Muus ku dhaheen EEBE noo beri si aan u ogaano ciddii dishay.

Nabi Muuse waxa uu ku yidhi Eebihiin waxa uu idinka dalbay inaad gawracdaan Sac noocu doonaba ha noqdee, waxay dhaheen miyaad nagu jeesjeesaysaa.

Waxy dhaheen EEBE waydii ha noo kala cadeeyo waxay tahee, wuxuuna yidhi EEBE waxa uu leeyahay waa Sac aan duq ahayn, yarayna oo u dhaxaysa taas ee fala waxa laydin Amray. Hadana waxay dhaheen waa maxay midabkeedu, Eebana waxa uu yidhi Midabkeedu waa buuni midabkeduna daranyahay oo ka farxinaysa kuwa eeagaya.

Maysan samayn wixii la waydiiyee way isku sii adkeeyeen, oo hadana waydiiyey Nabi Muuse noo sheeg waxay tahay, Sacihiibaa isakaga kayo ekaadayey. EEBEna waxa ku yidhi waa Sac aan laylanayn, oo qodayn dhulka, oon waraabinayn beerta wayna ka nabad gashay ceeb midab kalena maleh. Waxay dhaheen hadaad la timid dhabta, markaasbay gawraceen Sacii kumanay dhowaan inay falaan.

Kadibna waxa lafaray inay ku dhuftaan ka la dilay Saca qayb ka mida, kadibna kii Maydka ahaa ayaa kacay oo sheegay cidii dishay waxaanu ahaa wiil uu dhalay Adeerkii, saasbaanu EEBE u nooleeya Maydka.

Waqtigii ay ku jeen Tiiha ayaa waxa dhintay Haaruun kadibna Nabi Muuse ayaa dhintay mudo kadib.

Waxaana halkan kusoo gebogabeynaynaa Qisadii Nabi Muuse iyo Qoomkiisiii.