Tusmo

Suaalo iyo Jawaabo ku saabsan Zakada Fidrada

  1. Waa maxay Sakada Fidridu?

Sakada Fidridu waa mid kamid ah Sakooyinka ku waajibka ah ruuxkastoo Muslima oo haysta wax ka badan cuntada Malinta iyo Habeenka Ciidufidrida, waxaana la bixiyaa Salaada Ciidulfidriga kahor.

  1. Waa Maxay xukunka Sakada Fidridu?

Xukunka Sakada Fidridu waa ku waajib qofkasta oo Muslima oo haysta cunto ka badan Isaga iyo Caruurtiisa maalinta Ciida iy Habeenkeedaba, waxaana u daliila Xadiiskan:

 عن ابن عمر رضي الله عنهما قال فرض رسول الله صلى الله عليه وسلم زكاة الفطر صاعا من تمر أو صاعا من شعير على العبد والحر والذكر والأنثى والصغير والكبير من المسلمين وأمر بها أن تؤدى قبل خروج الناس إلى الصلاة

Ibnu Cumar Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu waajibiyey Sakada Fidrida hal galaan oo Timir ah ama Hal galaan oo Qamandi ah, (wuxuuna ku waajibiyey) Adoonka, Xorta, Labka, Dhidiga, Caruurta iyo Waayeelka Muslimiinta, wuxuuna faray inay bixiyaan kahor intaan Dadku u bixin Salaada (Salaada Ciida).[1]

  1. Yay ku waajibtaa Sakada Fidridu?

Waxay ku waajibtaa Ruux kasta oo Muslima ha ahaado Adoon, Xor, Lab, Dhidig, Caruur ama Waayeel, waxaana u daliila Xadiiska Ibnu Cumar:-

عن ابن عمر رضي الله عنهما قال فرض رسول الله صلى الله عليه وسلم زكاة الفطر صاعا من تمر أو صاعا من شعير على العبد والحر والذكر والأنثى والصغير والكبير من المسلمين وأمر بها أن تؤدى قبل خروج الناس إلى الصلاة

Ibnu Cumar Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu waajibiyey Sakada Fidrida hal galaan oo Timir ah ama Hal galaan oo Qamandi ah, (wuxuuna ku waajibiyey) Adoonka, Xorta, Labka, Dhidiga, Caruurta, Waayeelka ee Muslimiinta, wuxuuna faray inay bixiyaan kahor intaan Dadku u bixin Salaada (Salaada Ciida.[2]

  1. Sakada Fidridu Ma waxay ku waajibtaa Fuqarada mise Kuwa wax haysta?

Sakadu waxay ku waajibtaa ruux kasta oo Muslima, ha ahaado Hanti qabeen ama Faqiir, waxa shardi ah oo kaliya inuu ruuxaasi haysto Cunto ka badan Isaga iyo Caruurtiisa Maalita Ciida iyo Habeenkeeda. Sidaa awgeed qadar ama halbeeg u go’an malaha ee waa cid kasta oo haysta wax kabadan Cuntada Maalintaas Ciidulfidrada.

  1. Sakada Fidridu miyey ku waajibtaa Ruuxa Waalan ama Caruurta?

Haa, way ku waajibtaa Sakada Fidridu ruuxa Waalan iyo Caruurtaba, waa hadii ay leeyihiin xoolo, hadii kalena waxay ku waajibaysaa cida ka masuulka ah.

  1. Ilmaha Uurka ku jira miyey ku waajibtaa Sakada Fidridu?

Ilamaha Uurka ku jira kuma waajibayso Sakada Fidridu, maxaa yeelay wali muusan dhalanin sidoo kale kuma waajibayso cida Ilmahaas masuul ka ah balse hadii cida Ilmaha masuulka ka ah ay bixiso Sakada Fidridiisa waa wax fiican oo Culumo badan ayaa jeclaystay sidaas.

  1. Sakada Fidrida miyaa la niyeystaa sida Cibaadooyinka kale?

Haa, waa inaad niyeysataa inaad bixinayso Sakada Fidrida oo kugu waajibtay Adiga iyo cidii aad ka bixinayso, waxayna guud ahaan soo galaysaa Xadiiskii Nabiga ee ahaa:-

إنما الأعمال بالنيات وإنما لكل امرىء ما نوى

Camalada waxa saldhig u ah Niyada, Ruux kastana (wuxuu helaa) wuxuu niyeystay..[3]

Sidaa darteed waxa shardi ah inaad ka niyeyso Qalbiga kadibna aad bixiso Sakada Fidrida.

  1. Sakada Fidridu ma leedahay Nisaab ama xad u go’an oo lagu gudo marka ay gaadho?

May, malaha Sakada Fidridu Nisaab iyo xad go’an oo markay gaadho la bixinayo, waxa bixinaya Sakda Fidrida cid kasta oo haysat wax ka badan cuntadiisa iyo cuntada caruurtiisa maalinta Ciida iyo habeenkeeda.

  1. Hadii Dayn laygu leeyahay Ma bixin karaa Sakada Fidrida?

Haa, waad bixin kartaa Sakada Fidrida ayadoo Dayn lagu leeyahay.

  1. Goorma ayey waajibtaa Sakada Fidridu?

Sakada Fidridu waxay waajibtaa markay ay Cadceedu dhacdo maalinta ugu danbaysa Ramadaan balse Culumo kale waxay dhahaaan: Sakada Fidridu waxay waajibtaa marka Qorraxdu soo baxdo Maalinta Ciida.

  1. Goorma ayaa la bixiyaa Sakada Fidrida? Waana goorma xilliga ugu danbeeya ee la bixiyo Sakada? Haduuba bixiyo ruuxu Sakada Fidriga waqtigeedii kadib Maxay noqonaysaa?

Waxa banaan in Sakada Fidrida la bixiyo maalin ama laba casho kahor maalinta Ciida, waana sidii ay Saxaabadu samaynjireen. Xilliga ugu danbeeya ee la bixinayo Sakada Fidridu waa marka la galo Salaada Ciida, hadayba ka danbayso Salaada Ciida waxay noqonaysaa Sadaqo kamid ah sadaqooyinka.

  1. Yaa la siinayaa Sakada Fidriga?

Waxa la siinayaa Dadka Fuqurada ah iyo Masaakiinta sida Ibnu Cabbaas uu ka wariyey Nabiga (N.N.K.H):-

عن ابن عباس قال فرض رسول الله صلى الله عليه وسلم زكاة الفطر طهرة للصائم من اللغو والرفث وطعمة للمساكين من أداها قبل الصلاة فهي زكاة مقبولة ومن أداها بعد الصلاة فهي صدقة من الصدقات

Ibnu Cabbaas wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu u waajibiyey Sakada Fidriga inay Qofka sooman ka daahiriso hadlka kiisa xun ee xadgudubka ah (iyo ku dhaqankooda) iyo in la quudiyo Masaakiinta, cidii bixisa Salaada (ciida) kahor waxay u tahay Sako la aqbalay, cidiise bixisa salaada (ciida) kadib waxay u tahay sadaqo kamid ah sadaqooyinka.[4]

  1. Maxaa lagu bixinayaa Sakada Fidriga?

Asalku waxa weeye in la bixiyo Cunto sida ku cad Xadiiska Nabiga (N.N.K.H):-

أبا سعيد الخدري رضي الله عنه يقول كنا نخرج زكاة الفطر صاعا من طعام أو صاعا من شعير أو صاعا من تمر أو صاعا من أقط أو صاعا من زبيب

Aba Saciid Al-khudriyy (I.R.H) wuxuu leeyahay: Waxaanu ahayn kuwo bixiya Sakada Fidrida Galaan Cunto ah ama Galaan Qamandi ah ama Galaan Timir ah ama Galaaan (Caano la qallajiyey)[5] ama Galaan Sabiib ah.[6]

Sidaa darteed waxa la bixin karaa Cunto kasta oo xalaala oo Bani Aadamku cuno laakiin waxa wanaagsan mar walba inaynu bixino wixii uu Nabiga iyo Saxaabadiisu bixin jireen. Hadii aan la helayn cuntooyinkaas wax dhib ah malaha inaad bixiso cuntooyinka kale.

  1. Waa maxay Miisaanka Sakada Fidridu?

Miisaanka Sakada Fidridu waa Galaan Raashin ah oo ah Galaankii Nabiga (N.N.K.H), Muga Galaankaasina waa Afar jeer oo gacan qaad qof meel dhexaad ah. Galaankaasina wuxuu u dhigmaa maanta 2,5kg, Laba kiilo iyo Konton garaam ku dhowaad.

  1. Dadka qaar Galaan dheeraad ah ayey ku daraan Raashinka ay bixiyaan Sakada Fidrida?

Wax dhib ah malaha hadii lagu kordhiyo Galaan iyo wax kabadanba waxayna u noqonaysaa ruuxaas Sadaqo laakiin miisaanka waajibka ah waa Hal galaan oo ah kii Nabigu wax ku miisaami jiray oo u dhigmaya maanta Laba kiilo iyo Konton garaam 2,5kg.

  1. Sakada Fidrida ma lasiin karaa Ruux kaliya oo miskiina?

Haa, Sakada Fidrida ee qoys ama wax kabadan iska bixinyaan waa la siin karaa Hal ruux oo Miskiin ah sidoo kale Qof kaliya oo bixinaya Sakada Fidriga wuxuu Isaguna u qaybin karaa Sakada Fidriga dhawr Miskiin haduu doono. Sidaa darteed markasta waa inaynu fiirinaa sida Maslaxadu ku jirto. Ilaahbaa garanaya.

  1. Wiilku ma ka bixin karaa Sakada Fidrida waalidkii?

Haa, wiilku wuu ka bixin karaa Sakada Fidriga waalidkiisa awooda inuu iska bixiyo haday ogolyihiin sidoo kale Waalidkuna wuu ka bixin karaa Caruurtiisa qaangaadhay hadii ay ogolyihiin. Laakiin Sakada waajibka ah waa Sakada Wiilku ka bixiyo naftiisa, xaaskiisa iyo caruurtiisa hadii uu haysto cunto kabadan maalintaasna wuu ka bixinayaa labadiisa Waalid ee aan awoodayn inay iska bixiyaan Sakada Fidriga.

  1. Sakada Fidrigu miyey Xaaskayga ku waajibaysaa inay iska bixiso?

Dabcan haweenayda ayada ayey ku waajibaysaa Sakada Fidrigu laakiin Ninku wuu ka bixin karaa Xaaskiisa sida uu ubixiyo biilka Reerkiisaba. Hadayse Haweenaydii aanay haysanin xoolo ay ku bixiso Sakada waxay markaa ku waajibaysaa Ninkeeda.

  1. Ma banaan tahay in Sakada Fidriga lasiiyo Dad magaalo kale degan?

Asalku wuxuu yahay in Sakada Fidriga la siiyo Masaakiinta iyo Fuqarada deegaanka aad joogto, balse hadii deegaankaas aanay joogin Dad fuqaro ah ama ay deegaan kale joogaan Dad uga baahi badan Fuqarada deegaankaaga joogta waxa loo celinyaa arrintaas Qiyaasid. Waxaana haboon inaad waydiisid Culumada Deegaankaas joogta inay fiiriyaan xaaladaas.

  1. Ma la siin karaa Sakada Fidriga Dadka dawarsada ee Guryaha wax waydiista?

Hadii ay yihiin Dad Masaakiin ah oo u baahan in la caawiyo way banaan tahay in lasiiyo Sakada Fidriga, hadiiba ay yihiin kuwo aan u baahnayn markaas waxaan kugula talinayaa inaad Sakada Fidriga u raadiso cid u baahan oo Faqiir ah ama Miskiina. Allahu aclam.

  1. Nin leh laba reer oo kala dagan laba Magaalo ama laba Wadan xaguu ku bixinayaa Sakada Fidriga?

Sida Saxda iila muuqata waa inuu qoys kastaba magaalada uu joogo ku bixiyo Sakada Fidriga.

  1. Nin jooga wadamada gaalada sidee buu u bixinayaa Sakada Fidriga?

Ruuxa jooga Wadamada gaalada oo Sakada Fidriga bixinya waxa haboon inaad cid u wakiilatid kaa bixisa Sakada oo joogta Wadamada Muslimiinta, balse hadii aad joogta Wadan Muslim ah oo dibada ah waxa fiican inaad Sakada ku bixiso Wadankaa Muslimka ah ee aad joogto.

 

Ilaahbaana Mahada leh.


Waxa Diyaariyey: Shiikh Abdulaziz Oogle

www.gaaldiid.com

[1] Bukhaari (1432), Muslim (984)

[2] Bukhaari (1432), Muslim (984)

[3] Bukhaari iyo Muslim

[4] Sunanka Abudaa’uud (1609)

[5] Caano la engajiyo ama la qallajiyo illamyo uu ka noqdo wax adag kadibna la kariyo.

[6] Bukhaari (1435), Muslim (1642)