1. Waa maxay macanaha in la istijo qaato? Sheeg xukunkeeda iyo Daliilkeeda?

Istijadu waa in layska daahiriyo ama layska nadiifiyo waxa kasoo baxay labad jid (kaadi ama saxaro), ayadoo la adeegsanayo biyo, dhagxaan ama waraaqaha suuliga (toilet papper) iwm.

Xukunkeedu waa waajib in layska dhaqo ama layska nadiifiyo wasakhdaas, waxaana u daliila xadiiska ay warinayso Caash (I.R.H) oo ay leedahay; wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) hadii midkiin tago suuliga/musqusha hayskaga nadiifiyo wasakhda sadex dhagxaab, maxaa yeelay way kaga filantahay.[1] Sidoo kale Anas ibnu maalik (I.R.H) wuxuu yidhi: Wuxuu ahaa Nabigu (N.N.K.H) mid gala Suuliga, waxaanan ahaa aniga iyo wiilka kale kuwa u qaada alaabta biyaha iyo wixii lamid ah kolkaasbuu ku istijoonjiray (isku nadiifin jiray) biyaha. [2]

  1. Maxaa la sameeyaa markaan Suuliga galayo?

Markaad Suuliga galaysid waxa soo aroortay Duco la akhriyo, waxa soo warinaya Anas (I.R.H) wuxuu yidhi; Nabigu (N.N.K.H) markuu Suuliga galayo wuxuu odhanayey: Ilaahayoow, waxaan kaa magan galay Shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadig.[3] Waxa kale oo Abu-umaama soo wariyey in Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) uu dhahay: Yaanu midkiin ka caajisin marka uu galo Suuligiisa/musqushiisa inuu dhaho: Ilaahayow, waxaan kaa magan galayaa Wasakha Nijaasta ah ee Shaydaanka la fogeeyey.[4]

  1. Maxaa la akhrisanayaa marka Suuliga laga soo baxayo?

Waxa sunne ah in la akhristo ducada ay warinayso Caasha (I.R.H) oo ay tidhi; Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu ahaa markuu Suuliga kasoo baxo mid dhaha: Ilaahayow, danbi dhaaf ayaan ku waydiisanaya.[5] Sidoo kale Anas wuxuu yidhi: Wuxuu ahaa Nabigu (N.N.K.H) markuu Suuliga kasoo baxayo mid dhaha: Mahad waxa iska leh Ilaahay iga kaxeeyey dhibtii ina caafiyey.[6]

  1. Sheeg sifooyinka Suuliga loo galayo, looga soo baxayo iyo intee in la eeg ayaa lagu jirayaa?

Markaas Suuliga galayso waxaad hor marinaysaa lugtaada Bidix adigoo kabo sita, markaad kasoo baxaysidna waxaad hor marinaysaa lugtaada Midig. Markuu Ruuxu fadhiisto Suuligana wuxuu Maradiisa sare u qaadayaa si aad  yar ah, wuxuuna cuskanayaa lugtiisa Bidix kumana sugnaanaysid Suulig wax kabadan inta aad xaajadaada ka gudanaysid.

  1. Ta koowaad oo ah inuu lugta bidix ku galo Suuliga kagana soo baxo lugta bidix, waxay ka turjumaysaa in waxyaalaha wanaagsan lagu hormariyo dhinaca midig , waxyaalaha laga fiicanyahayna waxa lagu hormariyaa bidix.
  2. Markaad fadhiisanayso waxa sunne ah inaad maradaada aad yar sare ugu qaado, waxaana u daliila xadiiska ibnu Cumar (I.R.H) uu dhahay; Nabigu (N.N.K.H) maradiisa sare umuu qaadi jirin illamaayo uu u dhowaado dhulka.
  3. Inaad cuskato lugta bidixna waxa u daliila xadiiska Suraaqa ibnu Maalik (I.R.H) wuxuu yidhi: Wuxuu na faray Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) inaan cuskano lugta bidix iyo inaan biyaha gacanta midig kaga shubno (ku qaadano biyaha gacanta midig, ta bidixna aad ku dhaqdo).[7]
  4. Suuliga waa inaanad ku sugnaan wax ka badan intaad xaajada ku gudanayso, sababtuna waa arrin caafimaad, waxa la dhahay: umad fiicna Beerka, waxa kale oo la dhahay: waxaad ka qaadi kartaa cudurka Babaasiirta. Allahuaclam

 

  1. Waa maxay xukunka inaad Suuliga dhexdiisa ku hadashid?

Xukunka inaad Suuliga ku dhex hadashid ma banaan waana karaahiyo, marka laga reebo baahi laga fursan waayey mooyee. Waxaana u daliila xadiiska laga wariyey ibnu Cumar uu leeyahay: Ninbaa soo maray Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) isagoo kaadinaya markaasuu salaamay, kamuusana qaadin salaantii.[8]

 

  1. Waa maxay xukunka inaad Suuliga la gasho wax ay ku qorantahay Xuska (Dikriga) Ilaahay?

Xukunka inaad Suliga la gasho wax ay ku qoran tahay xuska Ilaahay sida Masxafka Quraanka iwm, waa Karaahiyo. Quraankuna waaba xaaraan inaad la gasho Suuliga sida laga warinayo Anas ibnu Maalik (I.R.H) wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu ahaa markuu galayo Suuliga mid iska siiba (saara) kaatunkiisa[9] {Fargalka Nabiga waxa ku qornaa magaca Allah, Muxamed iyo Rasuul}.

 

  1. Waa maxay xukunka inaad ku taabato gacanta midig Farjiga (xubinka taranka)? Maxaase u daliila?

Waa karaahiyo inaad gacantaada midig si toos ah ugu taabato Farjiga, hadii aanay baahi keenin. Waxaana u daliila wuxuu xadiiska uu soo wariyey Abu-qataadah; Wuxuu leeyahay NAbigu: Yaanu midkiin ku qabsan gacantiisa midig Farjigiisa (xubinta taranka) kolkuu kaadinayo, yaanu se ku taaban Midigtiisa kolkuu suuliga ku jiro.[10] Waxa kale oo uu Salmaan (I.R.H) uu soo wariyey : RAsuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu noo diiday inaanu ula qaabilno (ula jeesano) Qiblada kaadi ama saxaro ama inaan ku istijoono (isku daahirino) gacanta midig ama aan ku istijoono wax ka yar sadex dhagxaan ama inaan ku istijoono Saalada ama Laf.[11]

  1. Waa maxay xukunka inaad la fogaato iyo inaad is asturtid markaas xaajo gudanayso?

Waa mid la jecelyahay inaad la fogaato ood is asturtid kolkaad xaajo gudanayso, waxaana u daliila xadiiska Jaabir uu leeyahay: Nabiga ayaan la baxnay safar, xoojona maysan imanayn hadayba timaado wuu maqnaanaayey illamaayo la arki waayo.

  1. Waa maxay xukunka in lagu kaajo ama lagu saxaroodo Wadooyinka Dadka ama meelaha ay hadhsadaan? Maxaase u daliila?

Waa xaaraan, waxaana u daliila xadiiska laga warinayo Abuhurayra inuu yidhi; RAsuulkii Ilaahay (N.N.K.H) wuxuu dhahay: Ka cabsada labada la lacnado, ka suuli ka yeesha (ku kaaja ama ku saxarooda) Wadooyinka Dadka iyo hadhkooda.[12]

  1. Waa maxay xukunka in lagu kaadiyo Godadka, meesha lagu qubaysto iyo meesha Biyo fadhiyaan?

Waa karaahiyo, waxaana u daliila xadiiska Qataada ka wariyey Cabdilaahi ibnu Sarji wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay wuxuu diiday in lagu kaadiyo Godka dhexdiisa. Qataada ayaa la waydiiyey; Maxaa loo karaahiyeystaa in lagu kaajo Godka? Wuxuu yidhi: Waa deegaanka Jinka.[13] Daliilka in ay karaahiyo tahay in lagu kaajo meesha biyuhu fadhiyaan ama lagu qubaysto waa xadiiska laga wariyey Jaabir; wuxuu kasoo wiriyey Nabiga inuu dhahay: Yaanu midkii ku kaadinin meesh uu ku qubaysanayo, markaasna uu ku qubaysto ama uu ku waysaysto, maxaa yeelay Waswaasinta guudahaanteedaba ayaa ah.[14]

  1. Waa maxay xukunka inaad wajahdid (qaabishid) Qiblada marka xaajo la gudanayo?

Waxa la yidhi ma banaana guud ahaan sida xadiisku sheegayo: Hadii midkii xaajadiisa u fadhiisto yaanu wajhin u jeesanin Qiblada, yaanuse u daba jeedin Qiblada.[15] Sidoo kale xadiis kale wuxuu tilmaamayaa in xaajo gudashada aad u jeesato bari ama galbeed. Waxa kale oo ay Culumadu dhahaa: Hadii Qiblada ay kaa xigto gidaar, wax dhib ah malaha inaad u jeesato ama u dhabar jeesato. Guud ahaan waxa ugu wanaagsan marka Suuli la samaynayso in loo jeediyo meel aan Qiblada ahayn. Wallaahu aclam.

  1. Waa maxay xukunka in lagu gaabsado oo kaliya marka la istijoonayo Dhagxaan ama Biyo ama in labadoodaba la kulmiyo?

Way banaantahay in labadoodaba midkood lagu gaabsado, hase ahaatee Biyaha ayaa ka fiican Dhagxaanta, halka labadooda oo laysku darayna ay ka fiicanyihiin Biyaha kaliya. Markii ay soo degtay aayada Quraanka ah ee ka hadlaysa Raga jecel inay is daahiriyaan ayaa waxa la sheegaa inay kusoo degtay Rag ku istijoonjiray Biyaha.


[1] Waxa soo saaray Axmed, Abudaa’uud iyo Nisaa’i

[2] Bukhaari iyo Muslim (laysku waafaqay)

[3] Waa laysku waafaqay (Bukhaari iyo Muslim)

[4] Waxa soo saaray ibnu Maajah

[5] Asxaabta Sunanka ayaa soo saaray marka laga reebo Nisaa’i.

[6] Ibnu Maajah ayaa soo saaray.

[7] Waxa soo saaray Dabaraani iyo Bayhaqi

[8] Ehlu sunanka ayaa soo saaray, Bukhaari mooyaane.

[9] Tirmadi ayaa saxiixiyey, kuwo kalena way soo saareen.

[10] Bukhaari iyo Muslim (waa laysku waafqay)

[11] Muslim ayaa soo saaray.

[12] Waxa soo saaray Muslim

[13] Waxa soo saaray , Axmed, Daa’uud iyo Nisaa’i.

[14] Waxa soo saaray Abudaa’uud, Tirmadi iyo Nisaa’i, balse maysan ayagu sheegin weedha ah (inuu waysaysto ama ku qubaysto)

[15] Muslim iyo Axmed ayaa soo saaray.