Kitaabka Baybalku muxuu ka yidhi Nabi Muhamed (N.N.K.H)?

Sidaynu ku sheegnay maqaaladeenii hore, kitaabka Baybalka ee Masiixiyiintu u rumaysanyihiin inuu yahay hadal Ilaah, dhamaantii maaha hadal Ilaah ee waxaad ka heli kartaa erayo loo tiirin karayo inuu hadal Ilaah yahay ama hadal nabi ah ama hadal taariikhyahanadii sidoo kale waxa kitabkaas ka buuxa khaladaad badan iyo erayo aan loo tiirin karayn Ilaahay ama hadal Nabi ama xitaa hadal dad saalixiin ah.

Si kastaba ha ahaatee, Masiixiyiintu may lahayn nasiib wanaagsan sida Islaamka, oo Diinta Islaamku waxay haysataa Kitaabka Quraanka oo ah hadalkii Ilaahay iyo hadalkii Nabi Muxamed oo ku qoran kutubta xadiisyada iyo hadalka Culumada Islaamka oo ku qoran kutub ka madax banaan kutubta masdarka ah, sidoo kale waxa jira kutub aan diinta Islaamka shaqo ku lahayn sida Alfilayl wa layla oo ah kitaab ay qoreen dad carbeed oo suugaanyahano ah.

Hase ahaatee Masiixiyiintu maysan lahayn nasiibkaas oo kale in lakala saaro hadalka Ilaahay, hadalka Nabiyada, hadalka Culumada iyo hadalada beenta ah sidaas darteed kitaabkooda Baybalka waxaad ka dhex helaysaa hadaladaas oo dhan, waanan cadayn karnaa mid kastaba (ka akhriso qoraalada kale).

Nabi Muxamed oo ah Nabigii ugu danbeeyey waxa loo soo diray dhamaan Caalamiinta halka Nabi Ciise loo soo diray oo kaliya reer banu Israa’iil, waxaana u daliila akhriso aayadahan:-

(107) Waxaan kuu soo dirnay (Muxamadoow) inaad kaliya tahay Raxmada Caalamiinta [Al-anbiya: 107]

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا رَحْمَةً لِّلْعَالَمِينَ ﴿١٠٧﴾  

(28) Kuu maanaan dirin waxaan dadkoo dhan ahayn, adoo u bishaaraynaya Mu’miniinta una digaya gaalada, laakiin dadka badinkiisu ma oga. [Saba’ :28]

وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا كَافَّةً لِّلنَّاسِ بَشِيرًا وَنَذِيرًا وَلَـٰكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ ﴿٢٨

 

Dhanka kale Nabi Ciise waxa loo soo diray oo kaliya reer banu Israa’iil, waxaana u daliila:

Waa rasuul reer Banu Israa’iil (Ciise) isagoo dhahaya waxaan idiin la imid aayado xaga Rabigiin ka ahaaday..[Alcimraan:49] وَرَسُولًا إِلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ أَنِّي قَدْ جِئْتُكُم بِآيَةٍ مِّن رَّبِّكُمْ ۖ… 
But he answered and said, I am not sent but unto the lost sheep of the house of Israel. Mathew 15:24 24 Laakiin wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, La iima soo dirin, idaha lunsan oo reer binu Israa’iil maahee.  [Matayos 15:24]

 

Hadaba waxa is waydiin leh, maadaama Nabi Muxamed yahay Nabigii ugu danbeeyey loona soo diray dhamaan Caalamiinta, waa in nabinimadiisa iyo sifooyinkiisa laga helaa Kutubta Yahuuda iyo Kiristaanka sababtoo ah Nabiyadii ka horeeyey ayaa sii qeexay inuu Muxamed imanayo, bal aynu fiirino.

Eebe waxa uu ku leeyahay Suurada 7aad ee Al-acraaf, Aayada 157:-

الَّذِينَ يَتَّبِعُونَ الرَّسُولَ النَّبِيَّ الْأُمِّيَّ الَّذِي يَجِدُونَهُ مَكْتُوبًا عِندَهُمْ فِي التَّوْرَاةِ وَالْإِنجِيلِ يَأْمُرُهُم بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَاهُمْ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُحِلُّ لَهُمُ الطَّيِّبَاتِ وَيُحَرِّمُ عَلَيْهِمُ الْخَبَائِثَ وَيَضَعُ عَنْهُمْ إِصْرَهُمْ وَالْأَغْلَالَ الَّتِي كَانَتْ عَلَيْهِمْ ۚ فَالَّذِينَ آمَنُوا بِهِ وَعَزَّرُوهُ وَنَصَرُوهُ وَاتَّبَعُوا النُّورَ الَّذِي أُنزِلَ مَعَهُ ۙ أُولَـٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ ﴿١٥٧

Ee ah kuwa Raaca Rasuulka Nabiga ah ec Umiga ah ee ah kay ka heleyeen Isagoo ku qoran agtooda Tawraad iyo Injiil  Farayana wanaagga kana reeba Xumaanta una Baneeya Wanaagga (Xalaasha) kana Xarrima Xumaanta (Xaaraanta) kana dejiya Culayskii iyo Xadhkihii korkooda ahaa, kuwa Rumeeyey Nabigaas oo Qaddariyey oo u Gargaaray oo Raacay Nuurka lagu soo Dejiyey kuwaasu waa uun kuwa Liibaanay. [Al-acraaf: 157]

Hadaad waydiiso Masiixiyiinta ma ku jiraa Nabi Muxamed Kutubtiina,? waxay kuugu jawaabayaan in aanay wax raad ah ka helayn kutubtooda, waxaanad xasuusataa in kutubtoodu ka sheekaynayso waxyaalaha dhacaya Aduunyada dhamaadkeeda, hadaba waxa la yaableh in sida ay sheeganayaan aanu kitaabkaas meelnaba kaga oolin Nabi Muxamed oo ay rumaysanyihiin maanta dad gaadhaya Laba Bilyan oo Qof sidoo kalena dhamaan Muslimiinta raacsan diintiisu ay rumaysanyihiin Ciise inuu ahaa Nabi, ahaa Masiix, sidoo kalena ku dhashay qaab mucjiso ah, ayagoon Muslimiintu aanay u baahnayn cid Masiixiya oo warkaas u cadaysa.

Waxa waajib ah in Nabi Ciise Masiix ka hadlay oo ka sheekeeyey Nabi Muxamed oo ku qasbay dadkiisa inay rumeeyaan in Ciise ahaa Nabi, Masiix, iyo inuu qaab mucjiso ah ku dhashay. Hadaba cadaymahaas tibaaxaya nabinimada Muxamed waxay ku sugantahay kitaabka Baybalka waxaana ka warramay guud ahaan Nabiyadii ka horreeyey, bal akhriso hadaba cadaysimahan.

  • Nabi Mohamed (N.N.K.H) waxa nabinimadiisa lagu sheegay kitaabka Deuteronomy, Eebe asagoo la hadlaya Nabi Muuse ayuu ku yidhi sidan:
“ Waxaan usoo bixin doonaa Nabi walaalkood ah, sidaadoo kale (Muusow), waxaana yeelayaa erayadayda Afkiisa, waxaanu u sheegayaa ayaga wixii aan faray” SHARCIGA KUNOQO – Cutub 18:18  أُقِيمُ لهُمْ نَبِيّاً مِنْ وَسَطِ إِخْوَتِهِمْ مِثْلكَ وَأَجْعَلُ كَلامِي فِي فَمِهِ فَيُكَلِّمُهُمْ بِكُلِّ مَا أُوصِيهِ بِهِ. التثنية الفصل 18:18

“I will raise them up a Prophet from among their brethren, like unto thee, and I will put my words in his mouth; and he shall speak unto them all that I shall command him.” [Deuterunomy 18:18]

“ Waxaan usoo bixin doonaa Nabi walaalkood ah, sidaadoo kale, waxaana yeelayaa erayadayda Afkiisa, waxaanu u sheegayaa ayaga wixii aan faray” SHARCIGA KUNOQO – Cutub 18:18

Masiixiyiintu waxay yidhaahdeen Nabigaasi waa Nabi Ciise, sababtoo ah waxa uu la mid yahay Nabi Muuse (N.N.K.H) maadaama Nabi Muuse iyo Nabi Ciiseba ay yihiin labaduba reer banu Israel, dhanka kale labadooduba ay yihiin nabiyo.

Hadii ay labadaa shay oo kaliya ay iskaga mid ka yihiin, markaa xagay qabayaan nabiyadii kale ee reer banu Israel oo ayaguna ah nabiyo sidoo kalena ah reer banu isrel sida Nabi Daa’uud, Suleymaan, Sakariye, Yaxye, Xasqiil, Daniel iyo kuwa kale oo badn.

Kala duwanaanshahah Muuse iyo Ciise:

Sida Masiixiyiintu rumaysanyihiin way kala duwanyihiin Muuse iyo Ciise, waana kuwan waxay ku kala duwanyihiin:-

  • Ciise Waxaad ku sheegteen inuu yahay Ilaah “Incarnation” “Jidhkii Ilaahay wata”, halka Muuse aanu ahayn Ilaah sidaad sheegateen.
  • Ciise wuxuu u dhintay Danbiyadiina sidaad sheegateen halka Muuse aanu u dhimanin danbiyadiina
  • Ciise wuxuu tagay Naarta sadex casho halka Muuse aanu tagin.

Si kastaba ha ahaatee Nabiga la midka ah Nabi Muuse (N.N.K.H) waa Nabi Muhammed (N.N.K.H).

  • Labadooduba waxay lahaayeen Aabo iyo hooyo, halka Nabi Ciise (N.N.K.H) aanu lahayn aabo ee uu dhashay asagoon aabo lahayn.
  • Labadooduba waxay lahaayeen xaas oo waxay dhaleen ubad, halka Nabi Ciise aanu xaas ka lahayn iyo ubad toona.
  • Labadooduba waxay dhintaan geeri dabiici ah, halka Nabi Ciise (N.N.K.H) aanu dhiman ee sare loo qaaday.
  • Labadoodaba waxa la diray markay gaadheen da’da 40 sano, halka Nabi Ciise (N.N.K.H) la diray markuu ahaa 30 sano jir.
  • Labadooduba waxay ahaayeen hogaamiyayaal madax ah, oo hogaamiyey dagaalo lala galay gaalada.
  • Labadooduba way hijroodeen ama way ka tageen dhulka ay ku dhasheen
  • Labadooduba waxa Eebe siiyey sharci iyo qaanuuno cusub halka Nabi Ciise (N.N.K.H) aan la siin qaanuun cusub ee uu dhamaystirayey sharcigii Nabi Muuse (N.N.K.H).
  • labadoodaba waxa aqbalay nabinimadooda markay dhinteen dadkiisii halka Ciise aanay cidina aqbalin sida Baybalku leeyahay kitaabka John:1:12 “ Wuxuu u yimid kuwiisii, kuwiisiina ma ay aqbalin isaga.” “He came unto his own, and his own received him not.” Ilaa maanta dadkiisii Yahuuduna ma rumaysna isaga wali halka Nabi Muxamed iyo Muuseba qoomkiisii ay aqbaleen markay geeriyoodeen kadib.
  • Labadooduba Muxamed iyo Muuse waxa lagu aasay dhulka, halka Ciise sidaad sheegataan uu ka sare kacay xabaashiisii.

Nabi Muhammed (N.N.K.H) ayaa kasoo jeeda reer banu Israel walaaladood oo ah carabta, sababtoo Nabi Ibraahim (N.N.K.H) waxa uu dhalay laba wiil, waa Nabi Ismaaciil (N.N.K.H) oo carabtu kasoo jeedaan iyo Nabi Isxaaq (N.N.K.H) oo yahuudu kasoo jeedaan.

 

Eebe waxa uu ku leeyahay Nabi Muuse waxaan yeelayaa Erayadayda Afkiisa:-

Nabi Muhammed (N.N.K.H) waxa uu aha Ummi (ٱلۡأُمِّىَّ) , waxna muusan qori jirin, waxna muusan akhrin jirin, sidaa awgeed wixii uu maqlay oo waxyi ah ayuu akhrin jirey.

  • Sidoo kale waxa Nabinimada Nabi Muhammed (N.N.K.H) lagu sheegay Kitaabka Isaiah:-
“And the book is delivered to him that is not learned, saying, Read this, I pray thee: and he saith, I am not learned.” Isaiah chapter 29 verse 12. ”Kitaabka waxa loo dhiibayaa mid aan akhris baran, lagu dhahayo Akhri, waan ku baryayaa: waxaanu dhahaya, Anigu waxba ma akhriyo”
”Kitaabka waxa loo dhiibayaa mid aan akhris baran, lagu dhahayo Akhri, waan ku baryayaa: waxaanu dhahaya, Anigu waxba ma akhriyo” ISHACYAAH – Cutub 29:12  أَوْ يُدْفَعُ الْكِتَابُ لِمَنْ لاَ يَعْرِفُ الْكِتَابَةَ وَيُقَالُ لَهُ: «اقْرَأْ هَذَا» فَيَقُولُ: « لاَ أَعْرِفُ الْكِتَابَةَ».أشعياء الفصل :29

 

Markii uu malag Jibriil (N.N.K.H) u yimid Nabi Muhammed waxa uu ku dhahay Akhri, asagana waxa uu yidhi Anigu waxba ma akhriyo, nabigaasina waa Nabi Muhammed (N.N.K.H).

Nabi Muhammed magiciisa ayaa lagu xusay kitaabka Baybalka:-

Nabi Muhammed (N.N.K.H) magiciisa waxa lagu xusay buuga Song of Solomon chapter 5 verse 16, gaar ahaan luuqada cibriga oo ah luuqada asalka u ah Axdiga koowaad.

Afka Cibraaniga “Hikko Mamittakim we kullo Muh ammadim Zehdoodeh wa Zehraee Bayna Jerusalem.”
Afka Inglish “His mouth is most sweet: yea, he is altogether lovely. This is my beloved, and this is my friend, O daughters of Jerusalem.”
Afka Carabiga

16  حَلْقُهُ حَلاَوَةٌ وَكُلُّهُ مُشْتَهَيَاتٌ. هَذَا حَبِيبِي وَهَذَا خَلِيلِي يَا بَنَاتِ أُورُشَلِيمَ.

 Afka Somliag

16 Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

Hablaha Jerusalam ayadoo lala hadlayo ayuu leeyahay, afkiisu waa macaan, oo isaguna waa mid aad loo jecelyahay, isaguna waa saaxibkay.

Sidoo kale waa Muhammadim, macnaha muhammadim waa Nabi Muhammed waxa lagu daray xarfaha (im) oo tilmaamaysaa wadarta ixtiraamka. Laakiin markii la turjumay kitaabka Baybalka kuma arkaysid magaca muhammed sababtoo ah waxay turjumeen macnaha magaca oo noqonaya qof la mahadiyey.

Waxaad qiyaastaa qofka sida magaciisa loo turjumayo, hadii Nin u dhashay wadanka USA la yidhaahdo Mr,Black ma waxaan u turjumnaa magiciisa Ninka Madaw mise sidiisa ayaa magaca loo qaataa!! yaab.

Magaca Muhammed wuu ku qoranyahay kitaabka balse way badaleen sida uu Eebe inooga warramay inay kalmadaha booska ka badalaan, subxaanallah.

 

  • Sidoo kale Nabi Muhammed waxa lagu xusay Axdiga Cusub:

 

Afka Ingriisiga “And I will pray the Father, and he shall give you another Comforter, that he may abide with you forever.” John chapter 14 verse 16.
Af Carabiga 16  وَأَنَا أَطْلُبُ مِنَ الآبِ فَيُعْطِيكُمْ مُعَزِّياً آخَرَ لِيَمْكُثَ مَعَكُمْ إِلَى الأَبَدِ
Afka Somaliga “waxaan baryayaa Eebe, asaguna waxa uu idin siin doonaa Gargaare kale, kaaso idinla waari doona abidkiin”

Sidoo kale waxay si toos ah ugu cadahay nabinimada Muxamed erayadan soo socda oo Ciise dhahay:-

Af Ingiriisi “Nevertheless I tell you the truth; it is expedient for you that I go away: for if I go not away, the Comforter will not come unto you; but if I depart, I will send him unto you” John:16:7
Afcarabi 7  لَكِنِّي أَقُولُ لَكُمُ الْحَقَّ إِنَّهُ خَيْرٌ لَكُمْ أَنْ أَنْطَلِقَ لأَنَّهُ إِنْ لَمْ أَنْطَلِقْ لاَ يَأْتِيكُمُ الْمُعَزِّي وَلَكِنْ إِنْ ذَهَبْتُ أُرْسِلُهُ إِلَيْكُمْ.  يوحنا الفصل 16
Afsoomaali Si kastaba ha ahaatee aan runta idiin sheego; waxaa idiin roon inaan tago, hadii aanan tagin ma imanayo Gargaaruhu, laakiin hadii aan tago waan idiin soo diri doonaa” Yooxana:16:7

Magaca “Axmed” iyo “Mohamed” macanahoodu waa “ Mahadsan” iyo “Mid la mahadiyey” marka loo turjumo luuqada Giriiga waxay noqonaysaa (Periclytos) sidaa awgeed waaxa la isticmalay kalmada (Comforter) oo noqonaysa Gargaare balse hadii aynu fiirino luuqada asalka u ah Axdiga cusub  waa luuqada giriiga waxayna kalmadan noqonaysaa Axmed, taas oo ah Magac labaad oo uu Nabigu leeyahay.

 

  • Nabi Ciise (N.N.K.H) waxa uu ku leeyahay Injiilka John:16:12-16.

Biyo kama dhibcaan, daliilka ugu wayn Ciise Masiix oo si toos ah u sheegay Nabi Muxamed imaanshihiisa:-

Af Ingiriis “I have yet many things to say unto you, but ye cannot bear them now. Howbeit when he, the Spirit of truth is come, he will guide you unto all truth: for he shall not speak of himself; but whatsoever he shall hear, that shall he    speak: and he will shew you things to come. He shall glorify me” [Johnn:16:12-15]
Af Carabi نَّ لِي أُمُوراً كَثِيرَةً أَيْضاً لأَقُولَ لَكُمْ وَلَكِنْ لاَ تَسْتَطِيعُونَ أَنْ تَحْتَمِلُوا الآنَ. 13  وَأَمَّا مَتَى جَاءَ ذَاكَ رُوحُ الْحَقِّ فَهُوَ يُرْشِدُكُمْ إِلَى جَمِيعِ الْحَقِّ لأَنَّهُ لاَ يَتَكَلَّمُ مِنْ نَفْسِهِ بَلْ كُلُّ مَا يَسْمَعُ يَتَكَلَّمُ بِهِ وَيُخْبِرُكُمْ بِأُمُورٍ آتِيَةٍ. 14  ذَاكَ يُمَجِّدُنِي لأَنَّهُ يَأْخُذُ مِمَّا لِي وَيُخْبِرُكُمْ.
Af Soomali “Wax badan ayaan idiin sheegi lahaa, balse ma qaadi kartaan, laakiin markuu isagu yimaado ruuxa runta ahi, wuxuu isagu idinku ilaalin doonaa runta oo dhan, isagu naftiisaba iskama hadli doono; laakiin isagu waa wax uu maqlay (waxyi) Isagu ku hadlayaa wuxuuna Isagu idin tusi doonaa waxyaalaha iman doona. Isaguna Wuuna i amaani doonaa” Yooxaana:16:12-15

Waxa is waydiin leh waa kuma Nabiga ka daneeyey Nabi Ciise ee wax uu maqlay (waxyi) ku hadlay kuna hanuuniyey dadka wadada tooska ah, sidoo kalena amaanay Nabi Ciise (N.N.K.H)!!

Qiyaas imisa jeer ayey soo noqnoqotay magac uyaalka “He” “Isagu” waxay soo laabatay sideed jeer, waxayna sifiican u tilmaamaysaa in cidaasi tahay Nabi Muxamed:-

  • Wax badan ayaan idiin sheegi lahaa, balse ma qaadi kartaan,:- Nabi Ciise wuxuu qoomkiisa u sheegay inaanay xanbaari karayn cilmi badan, sidaa awgeed umuusan sheegin wax kasta laakiin wuxuu ballan qaaday cid ka danbaysay oo u sheegaysa cilmigan.
  • laakiin markuu isagu yimaado ruuxa runta ahi,: Ruuxa runta ah waa Nabi Muxamed oo ahaa ruux xaq ah kuna sugnaa jidka saxda ah. Masiixiyiintu waxay tidhaahdaa; ruuxaasi waa Rooxaaniyada Quduuska balse waxa aan waydiinaynaa haduuba yahay Rooxaaniyada Quduuska ah maxaa keenaya sawkii hada kahorba joogay? wuxuu la joogay markii Ciise uurka ku jiray iyo sidoo kale nabiyo badan ayuu la joogay ee sida xaqiiqdu waxay tahay Ruuxaas runta ah waa Nabi Muxamed.
  • Wuxuu isagu idinku ilaalin doonaa runta oo dhan; Dabcan Nabi Muxamed ayaa dadka runta ku ilaaliyey, waxaana u daliila kitaabka Quraanka ah oo wax kastaba ka warramay.
  • isagu naftiisaba iskama hadli doono; Nabigu naftiisa iskama hadlo ee wuxuu ku hadlaa waxyiga Ilaahay.
  • laakiin isagu waa wax uu maqlay (waxyi) Isagu ku hadlayaa; nabi Muxamed wuxuu ahaa Ummi, waxna muu qori jirin waxna muu akhrin jirin, sidaa awgeed wixii uu maqlay oo waxyi ah ayuu ku hadli jiray.
  • wuxuuna Isagu idin tusi doonaa waxyaalaha iman doona.; taasina waa mucjisooyinka Nabi Muxamed oo ka hadlay mustaqbalka waxyaalo badan oo dhacaya, wayna dhaceen siduu u sheegay tusaale ahaan; nabigu wuxuu sheegay Muslimiintu furan doonaan Istanbul Turkiga, wayna dhacday taasi.
  • Isaguna Wuuna i amaani doonaa”; waa tan mucjisada ugu wayn, is waydii waa kuma cida kaliya ee aan haysan diinta Masiixiga ee amaantay Nabi Ciise tan iyo mudadaas Labada kun ee sanadood, waa Muxamed oo kaliya kuna tilmaamay Ciise inuu yahay Nabi, hooyadiina ahayd gabadh daahir ah oo bikro ah.

Eebe waxa uu Qur’aanka ku leeyahay Suurada 26aad Shucaraa, Aayada 197aad.

وَإِنَّهُ لَفِي زُبُرِ الْأَوَّلِينَ ﴿١٩٦ أَوَلَمْ يَكُن لَّهُمْ آيَةً أَن يَعْلَمَهُ عُلَمَاءُ بَنِي إِسْرَائِيلَ ﴿١٩٧

”Wuxuu isagu (quraanku) ku sugnaa kutubtii hore (196) Miyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa’iil (197) ” [Alshucura: 196-197]

Guntii iyo gabogabadii waxa Eebe inoo tilmaamay in Yahuuda iyo Masiixiyiintu ogyihiin in Nabi Muhammed (N.N.K.H) yahay Nabigii ugu danbeeyey hadana way ka gaaloobeen. Waxaanan tusaale usoo qaadanay sida ay kalmadaha u badaleen, xataa magicii Nabiga.

Ilaahay waxaan ka baryaynaa inuu nagu sugo diintiisa, dadka kalena soo hanuuniyo.

Aaaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiin.

اللهم صل على سيدنا محمد طب القلوب ودوائها ، وعافية الأبدان وشفائها ، ونور الأبصار وضيائها


Waxa Diyaariyey soona gudbiyey; Sheekh Abdulaziz Oogle

Xigasho: Baybalka Afsoomaliga, English King James Version, Bible in Arabic, Ahmed deedaat: What Bible says abou prophet Mohamed, Dr Zakir Naik; Mohamed in The Bible.