Tusmo

Maxay Diinta Islaamku ka qabtaa in Ciise dhintay? Iyo inuu danbiyada dadka u dhintay?

 

وَبِكُفْرِهِمْ وَقَوْلِهِمْ عَلَىٰ مَرْيَمَ بُهْتَانًا عَظِيمًا ﴿١٥٦ وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا الْمَسِيحَ عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ رَسُولَ اللَّـهِ وَمَا قَتَلُوهُ وَمَا صَلَبُوهُ وَلَـٰكِن شُبِّهَ لَهُمْ ۚ وَإِنَّ الَّذِينَ اخْتَلَفُوا فِيهِ لَفِي شَكٍّ مِّنْهُ ۚ مَا لَهُم بِهِ مِنْ عِلْمٍ إِلَّا اتِّبَاعَ الظَّنِّ ۚ وَمَا قَتَلُوهُ يَقِينًا ﴿١٥٧ بَل رَّفَعَهُ اللَّـهُ إِلَيْهِ ۚ وَكَانَ اللَّـهُ عَزِيزًا حَكِيمًا﴿١٥٨ سورة النساء/156-158

 “Iyo Gaalnimadooda darteed iyo Hadalkooda Maryama oy ku Been abuurteen si wayn. (156) iyo Hadalkoodii ahaa anagaa Dillay Masiix Ciise Ibnu Maryam Rasuulkii Allah ahaa, mayna Dilin mana salbin laakiin way ismoodsiiyeen, (ekeysiiyey), kuwii isku khilaafay Ciise waxay kaga suganyihiin Shaki, wax Cilmi ahna uma leh oon ahayn raacid Male, umanay dilin dhab. (157) Saas ma aha ee waxaa u koryeelay xaggiisa Allah, ilaahayna waa Adkaade Falsan. (158)” [Alnisaa:156-158]

 Dabcan aayadaas Quraanka ah ayaa ku filan aragtida Islaamka ee ku aad dhimashada nabi Ciise (scw), ma jirto war ka cad oo ka waadixsan sida Quraanku u diiday inuu Ciise dhintay ama lagu dilay Saliibka.

Waa maxay macnaha kalimada Salbin ama crucifixion?

Macnaha Salbin wax tahay sida lagu sheegay qaamuuska Oxford Dictionary “An ancient form of execution in which a person was nailed or bound to a cross.” “Qaab qadiimiya oo la isu dili jiray, ayadoo qofka la qodbayo ama iskutalaabta lagu dilayo”

 

Maxay tahay daliilka Kiristaanku ee ay u haystaan in Ciise la salbiyey?

وَقَالُوا لَن يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَن كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَىٰ ۗ تِلْكَ أَمَانِيُّهُمْ ۗ قُلْ هَاتُوا بُرْهَانَكُمْ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ﴿١١١  سورة البقرة/111

“Waxay dhaheen ma galo Jannado ruuxaan Yuhuud ahayn ama Nasaaro, taasina waa yididiilo (been ah) waxaad dhahdaa keena xujadiina haddaad run sheegeysaan.” [Albaqarah:111]

 

Yahuuda iyo Kiristaanku waxay iska sheegteen in Jannada aan Muslimiintu waligood galayn, si kasta oo ay camal fiican ula yimaadaa, wuxuu Allah ugu jawaabay: “Keena daliilkiin” Iminkana markay sheegteen in nabi Ciise la dilay, waxaan leenahay keena daliilkiina. Jawaabtii Masiixiyiintu waxay noqotay: “Daliilkayagu waa Baybalka, hadaba aniga oo aan Baybalka u rumaysnayn inuu hadal Ilaah yahay, hadana waxaan ku qasbanahay inaan la eegno waxa ay rumaysnayihiin Masiixiyiintu.

Dhanka kale kitaabka Baybalka waxa ka dhex muuqda ereyo loo tiirin karo Ilaahay, kuwo loo tiirin karo hadal nabi iyo hadalo dad taariikhyahano, sidoo kale waxa ka buuxa hadalo badan oo xun oo aan xitaa cagliga gali karayn iyo khaladaad saynis ah oo faro badan iyo iska hor imaad aan xadi lahayn.

 

Kiristaanku waxay rumaysanyihiin in Ciise la dilay oo uu ku dhintay Saliibka!!!

 

Masiixiyiintu iminka wax dhib ah kama qabaan badankoodu ciduu ahaa Ciise. Waana laysku khilaafay dabiicadiisa, ma Ilaahbuu ahaa? mise wiilkii Ilaah?  mise Nin caadiya? Si kastaba ha ahaatee Masiixiyintu waxay isku waafaqsanyihiin in Ciise lagu dilay iskutallaabta, si uu ugu dhinto danbiyada dadka, kadibna xabaashiisii ayuu sare uga kacay. Dhimashada Ciise (scw) waxa ku ku xidhanyahay iimaanka Masiixiyiinta, cidiise aan rumaynin dhimashada Ciise ma helayo badbaadinta!!

 

Iska hor imaadka hadalkii nabi Ciise (scw) iyo ninkii aasaasay Kiristaanka ee Saint Paul:

Ciise wuxuu dhahay si Jannada loo galo waa in qaanuunada la dhawraa? Manuusan dhihin aniga ha lay rumaysto in aan danbiyadiina u dhimanayo, ee wuxuu dhahay badalkeeda:

“16 Oo mid baa intuu yimid ku yidhi, Macallin wanaagsanow, maxaa fiican oo aan sameeyaa inaan nolosha weligeed ah helo? 17 Wuxuu ku yidhi, Maxaad wax iiga weyddiinaysaa wanaagga? Waxaa jira mid wanaagsan. Haddaad doonaysid inaad nolosha gashid, qaynuunnada dhawr” [Mathew19:16-17]

 

Hase ahaatee ninka la dhaho Saint Paul ayaa ku xidhay qaanuunadii la dhowrayey in la rumaysto salbinta Ciise siduu ku dhahay [Clossians ch2:14]

“14. Wuxuu baabbi’iyey dacwadii inoogu qornayd qaynuunnada oo inaga geesta ahayd, oo weliba intuu fogeeyey ayuu ku qodbay iskutallaabta.” [Colossians 2:14]

Dhanka kale baadari Saint Paul ayaa dhahay xitaa in la rumeeyo salbinta Ciise ayaa kaliya kugu filan.

“14. Oo haddaan Masiixa la sara kicin, markaas wacdigayagu waa khasaare, rumaysadkiinnuna waa khasaare.” [Corinthians Ch15:14]

 

Sababtoo ah Masiixiyintu waxay rumaysanyihiin in dhamaan dadka oo dhan ay nijaasyihiin, oo aanay daahirayn ilaa laga rumaynayo dhimashadii Ciise (scw):

 “6. Waayo, kulligayo waxaannu noqonnay sida wax aan nadiif ahayn, oo xaqnimadayada oo dhammuna waa sida dhar wasakh ah, kulligayona waxaannu u engegnay sida caleen oo kale, oo xumaantayadiina sidii dabayl oo kale ayay noo kaxaysataa.” [isaiah64:6]

 

Sidaas awgeed diinta Kiristaanku ma istaagi karayso Saliib la’aan, qofka iimaanka la yimidna ama qaanuunada ku dhaqmaana waa baadil wixiisu illamaa uu ka rumaynayo dhimashada Ciise (scw).

 

Maxaa Baybalku ka dhahay qaabka loo dhinto iyo sida loo saro kaco?

42Sarakicidda kuwii dhintayna waa sidaas oo kale. Waxaa lagu beeraa qudhun, waxaana lagu sara kiciyaa qudhunla’aan. 43 Waxaa lagu beeraa maamuusla’aan, waxaana lagu sara kiciyaa ammaan, waxaa lagu beeraa itaaldarro, waxaa lagu sara kiciyaana xoog. 44Waxaa la beeraa jidh naf leh, waxaana la sara kiciyaa jidh ruux leh. Hadduu jiro jidh naf leh, jidh ruux lihina waa jiraa. 45” [Corinthians ch15:42-45]

 

Sidoo kale waxa lagu sheegay Injiilka Luuk [Luk20:27-36] Gabadh guursatay 7 nin oo walaalo ahaa, ayadiina way dhimatay kadibna Yahuudii ayaa waydiisay nabi Ciise (scw): Yaa gabadhaas ku guursanaya xagaas Jannada maadaama ay guursatay todoba walaalo ah? Wuxu dhahay Ciise:

“34 Ciise wuxuu ku yidhi, Wiilashii wakhtigan waa guursadaan, guurna waa la siiyaa, 35laakiin kuwa loo xisaabay inay istaahilaan inay gaadhaan wakhtigaas iyo ka soo sarakicidda kuwii dhintay ma guursadaan, guurna lama siiyo, 36waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa’igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda.[Luk20:27-36]

 

Kolkaas halkaa waxaan ka qaadanay in cidii dhimataa aanay guursanayn sida Malaa’ikta oo kale, oo ayna noqonaya wiilal Ilaaah (dad saalixiina).

Hadaba mid ogsoonow in Ciise ka dhex kaco dadka dhintay waa inuu dhintaa, hadii aanu dhimanain, sare u kacna majirayso mana jirayso danbiyo loo dhintay toona.

 

Xujooyinka cadaynaya inaan Ciise Masiix dhiman, kana sare kicin dadka dhintay:

 

Xujada 1 aad:

Ciise (scw) oo u muuqday xertiisii:

“36 Intay waxyaalahaas ku hadlayeen, isaga qudhiisa ayaa dhexdooda taagnaa, oo wuxuu ku yidhi, Nabadi ha idinla jirto. 37Laakiin way argaggexeen oo cabsadeen, waxayna u maleeyeen inay rooxaan arkeen.” [Luuk 24: 36-37]

  • Maxay la argagaxeen? Maxayse la cabsadeen? Mid kale Ciise ma Rooxaan ayuu u eekaa nabi Ciise (scw)?

Sababtu waxa weeye ardaydii Ciise nafar kama joogin markii la doonayey in la salbiyo, kamanaysan ahayn markhaatiyaal iyo marag toona qaabkii la rabay in loo dilo, maxaa yeelau xertii nabi Ciise way firdhadeen xilligii ug darnaa nolosha macalinkoodii, sida ku cad [Mark ch:14 v:50]

“50Markaasay xertii ka wada tageen oo carareen.” [Mark ch:14 v:50]

Kolkaa xertii Ciise wax war ah oo sugan maysan haynin, kaliya waxay maqleen Macalinkii ayaa la dilay, kadibna markii ay arkeen in Ciise sidiisii yahay ayey argagaxeen oo cabsi dareemeen, ayagoo umalayna in Ciise yahay Rooxaaniyad kolkaas ayuu u cadeeyey inaanu ahayn waxay u malaynayaan, wuxuuna dhahay:

38Markaasuu ku yidhi, Maxaad u naxaysaan? Fikirro maxay qalbigiinna uga kacayaan?39Gacmahayga iyo cagahayga arka inaan anigu isagii ahay, i taabta oo arka, waayo, ruuxaan jiidh iyo lafo ma leh sidaad igu arkaysaan inaan leeyahay. 40Goortuu waxaas yidhi, ayuu tusay gacmihiisa iyo cagihiisa. 41Intay yaabsanaayeen iyagoo aan weli rumaysan farxad aawadeed, wuxuu ku yidhi, Halkan wax la cuno ma ku haysaan? 42Kolkaasay waxay siiyeen in kalluun duban ah. 43Markaasuu qaaday oo hortooda ku cunay.” [Luuk 24: 38-43]

  • Is waydii Rooxaaniyadu ama khaakhdu malaha jidh iyo lafo toona, hadaba si loogu cadeeyo arrintaas ayuu Ciise (scw) faray xertiisii inay taabtaan gacmihiisa iyo cagihiisa, kadibna wuxuu cunay hilib duban wayna farxeen.
  • Muxuu Ciise u cadaynayey xertiisa? Ma inuu dhintay mise inuu noolyahay oo jidhkiisii uu wato? Ciise wuu noolaa, manuusan ahayn rooxaaniyad ee wuxuu ahaa Ciise laftigiisii.

Xujada 2 aad:

Sida lagu sheegay Injiilada [John: 20:1 ] iyo [Mark 16:2-4] waxa maalintii usbuuca ugu horeysa (waqtiga yahuuda oo ah maalinta Axada) Maryan Magdalin ayaa tagtay qabrigii Ciise si ay usoo duugto ama usoo masaxdo maydkiisa, waxayna aragtay dhagaxii oo meesha laga qaaday!!

“1Maalintii ugu horraysay ee toddobaadka Maryan tii reer Magdala ayaa aroortii hore xabaashii timid, intay weli gudcur ahayd, oo waxay aragtay dhagaxii oo xabaashii laga qaaday.” [John:20 :1]

“1Goortii sabtidii dhammaatay Maryan tii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub hooyadiis, iyo Saloome, waxay iibsadeen dhir udgoon inay u yimaadaan oo mariyaan isaga.2Waaberigii maalintii ugu horraysay ee toddobaadka waxay yimaadeen xabaasha goortii qorraxdu soo baxday. 3Waxay isku yidhaahdeen, Ayaa dhagaxa xabaashii afkeeda inooga giringirinaya? 4Goortay eegeen waxay arkeen dhagixii oo la giringiriyey;  oo aad buu u weynaa.” [Mark 16:1-4]

  • Waligaa ma maqashay qof dhintay oo la masaxayo ama la duugayo? Ma dhaqankii Yahuuda ayuu ahaa in la duugo ama la masaxo dadka dhintay ee la xabaalay kadib?
  • Ta labaad waa kuma cida riixday ama giringirisay dhagaxii aadka u weynaa?
  • Ta sadexaad waxay leeyihiin Masiixiyiintu Ciise wuxuu ka sare kacay dadka dhintay isagoo Rooxaaniya, haduu rooxaani ahaa muxuu ugu baahday inuu giringiriyo dhagaxa?

 

Xujada 3 aad:

Maryan oo oynaysa ayaa waxay istaagtay xabaashii horteeda, hadaba kolkii ay oynaysay ayey foorarsatay oo ay fiirisay xabaashii Ciise waxaana joogay laba malaa’ig, kadibna dib ayey u jeesatay oo ay aragtay Ciise, manaysan garanayn inuu Ciise yahay [John20: 11-14]

“15Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Haweenay yahay, Maxaad u ooyaysaa? Kumaad doondoonaysaa? Iyadoo u malaynaysa inuu yahay ninkii beerta ka shaqaynayay waxay ku tidhi, Adeerow, haddaad isagii halkan ka qaadday, ii sheeg meeshaad dhigtay, anna waan ka soo qaadan doonaaye. 16Ciise wuxuu ku yidhi, Maryamay. Markaasay jeesatay oo afka Cibraaniga ku tidhi, Rabbooni, ee ah Macallimow. 17Ciise ayaa ku yidhi, Ha i taaban, waayo, weli kor uguma aan tegin Aabbaha, laakiin u tag walaalahay oo ku dheh, Wuxuu yidhi, Waxaan kor ugu tegayaa Aabbahay oo ah Aabbihiin, Ilaahay oo ah Ilaahiin. 18Maryan tii reer Magdala ayaa timid oo xertii ku tidhi, Waxaan arkay Sayidkii, oo waxay u sheegtay inuu waxyaalahaas iyada ku yidhi.” [John20:15-18]

 

  • Muxuu Ciise la cabsanayey haduu ahaa Rooxaaniyad kaliya? Sababtoo qofka dhinta mar labaad ma dhimanayo, sida lgu sheegay [Luuk:20:36] “36waayo, kol dambe ma dhiman karaan, maxaa yeelay, waxay yihiin sida malaa’igaha, oo waxay yihiin wiilashii Ilaah iyagoo ah wiilashii sarakicidda.” Hadii aanu mar labaad dhimanayn muxuu la cabsanayaa?
  • Wuxuu Ciise dhahay: Ha itaabanin! Wayo? Sababtoo ah wuu damqanayey oo dhibkii ay u geysteen Yahuudu ayaa nabaradii wali sii damqanayeen.

 

Xujada 4 aad:

Kolka Maryantii ay tagtay ayey u sheegtay xertii Ciise inuu Ciise wali noolyahay: sida kusoo aroortay [Mark:16:10-11]

”10Iyadu waa tagtay oo waxay u sheegtay kuwii la joogi jiray, iyagoo barooranaya oo ooyaya. 11Iyaguna goortay maqleen inuu nool yahay oo ay aragtay, way rumaysan waayeen.” [Mark:16:10-11]

  • Xertii Ciise way rumaysan kari waayeen inuu noolyahay farxad darted, kolkaa xertiisu waxay u fahmeen nolosha inay tahay nolol dhab ah oo aanu dhimanin, haduu dhintayse oo uu rooxaaniyad yahay may yaabi lahayn!!!

Xujada 5 aad:

Culumadii iyo Faarisiintii ayaa mucjiso dalbaday, waxaanu Ciise u sheegay in mucjisadiisu tahay sidii tii nabi Yuunus oo kale

38 Markaas qaar culimmada iyo Farrisiinta ah ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Macallimow, waxaannu doonaynaa inaannu calaamo kaa aragno. 39Markaasuu wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Qarni shareed oo sina leh ayaa calaamo doonaya, calaamona lama siin doono calaamada nebi Yoonis maahee. 40Waayo, sida Yoonis saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha nibiriga ugu jiray, sidaasuu Wiilka Aadanahuna saddex maalmood iyo saddex habeen caloosha dhulka uga jiri doonaa.” [Mathew: 12:38-40]

 

Nabi Ciise jawaabta kaliya ee uu siiyey waxay ahayd inuu dhulka hoostiisa ku jirayo sadex habeen iyo sadex maalmood sidii nabi Yuunus ugu jiray caloosha nibiriga sadex maalmood iyo sadex habeen ayaa wiilka aadanuhu (ciise) ugu jiri doonaa dhulka hoostiisa.

Hadaba Nabi Yuunus (scw) qisadiisa waxa yaqaana Muslimiinta, Yahuuda iyo Kiristaankaba, waana nabigii uu liqay kalluunku, kolkaa su’aasha lays waydiinayaa waxay tahay:

Nabi Yuunus markii lagu tuuray badda miyuu noolaa mise wuu dhintay? Wuu noolaa!! Ok, kolkii uu galayey caloosha kalluunka miyuu noolaa mise wuu dhintay? Wuu noolaa!! Sababtoo ah haduu dhintay, wax mucjiso ah ma jirto.

Kolkii kalluunku soo celiyey ee dhulka keenay miyuu nabi Yuunus noolaa mise wuu dhintay? Wuu noolaa, sababtoo ah kalluunkii muusan cunin.

Iskusoo wada duuboo, Nabi Yuunus isagoo nool ayuu caloosha kalluunka ku jiray sadex habeen iyo sadex maalin, sidaas oo kale ayuu nabi Ciisena ugu jiray xabaasha dhulka hoostiisa isagoo nool.

Hadaad tidhaahdo: maya, ee wuu dhintay kadibna wuu sare kacay markaa waa laba mid un:

  1. Inuu Ciise been sheegayey (Ilaahbaan ka magan galnee markuu leeyahay waan noolaanayaa sida nabi Yuunus oo kale.
  2. Ama adiga (Masiixiya) ayaa si khaldan wax u fahmay oo Ciise wuu noolaa manuusan dhimanin.

 

Masiixiyiin xariifyo ah ayaa dhahay: Maya, shabahaada Ciise iyo Yuunus maaha in labadooduba wada noolaanayeen ee waa waqtiga, “sdex maalmood iyo sadex habeen” Hagaag, bal aynu xisaabino waxay sheegteen.

Goormaa la salbiyey nabi Ciise (scw) sida Masiixiyiintu sheegtaan? Waxay dhahaan: waa Good Friday, (Jimcaha fiican), ma galin hore mise galin danbe? Waxay ku dhihi: galin danbe. Hagaag, hadaba aynu xisaabino.

 

Ciise markii la salbiyey siday sheegtaan Kiristaanku waa la qaaday waxaana la geeyey Sabalka (maaha xabaal, ee waa qol wayn) kadibna qolkii ayaa dhagax lagu afjaray, kadibna dadkii meesha joogay way ka tageen, hadaba imisa habeen iyo imisa maalmod ayuu qolkaas joogay Ciise? Habeenkii Jimcaha ayaa la geeyey, sidoo kale maalintii sabtidana halkaas ayuu joogay, iyo habeenkii sabtida, markii la gaadhay subaxii Axada oo ahayd bilowga todobaadka ee Yahuuda ayaa meeshii waxa timid Maryan oo ka wayday Ciise meeshii!!

Wuxuu kaliya oo uu halkaas ku sugnaa 2 habeen iyo hal maalin (Habeen Jimce, Maalin Sabti iyo Habeen Sabti) Maalintii Axadana muusan joogin halkaas, hadaba su’aashu waxay tahay:

Kiristaanka sheegtay in waqtiga looga jeedo shabahaada, ma waxa isugu mid idiin noqday (sadex maalin iyo sadex habeen) iyo (laba habeen iyo hal maalin), meesha waxbaa qaldan!!! Waxaas qaldanina waa waxa muslimku kuu saxayo!!

Ciise lama dilin manuusan u dhimanin danbiyada dadka.

Xujooyinkaas aan soo bandhignay iyo kuwo kale oo badan ayaa ku filan in Masiixiyiintu ay ku qancaan inaan nabi Ciise (scw) ladilin sidoo kalena aanu ka sare kicin dadka dhintay.

Ciise Masiix (scw) waligii muu dhihin “Waan dhimanayaa, waxaanan ka sare kacayaa dadka dhintay” hadii aanu dhimanina waxa meesha ka baxaysa xujadii dhahaysa “Danbiyadayda ayuu u dhintay Ciise Masiix”

 

 إِذْ قَالَ اللَّـهُ يَا عِيسَىٰ إِنِّي مُتَوَفِّيكَ وَرَافِعُكَ إِلَيَّ وَمُطَهِّرُكَ مِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا وَجَاعِلُ الَّذِينَ اتَّبَعُوكَ فَوْقَ الَّذِينَ كَفَرُوا إِلَىٰ يَوْمِ الْقِيَامَةِ ۖ ثُمَّ إِلَيَّ مَرْجِعُكُمْ فَأَحْكُمُ بَيْنَكُمْ فِيمَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ ﴿٥٥ 

“Xusuuso markuu ku yidhi Rabi Ciisow waan ku oofsan (dhulka Ayaan kaa qadayaa ayadoon xumaan ku gaadhin) sarena waan kuu soo qaadaya xagayga (ruuxdaada iyo jidhkaagaba), waana kaa dahirin kuwii gaaloobay, waxaana yeeli kuwa raaca (xaqa dhabta ah raaca) korka kuwa Gaaloobay tan iyo Qiyaamada, markaasna xaggaygaa laydiin soo celin waana idin kala Xukumi dhexdiina waxaad isku khilaafsanaydeen.(55)” [Al-imran:55]

 

Danbiyo loo dhintay majirto:

Dhanka kale Kitaabka Bayblka gaar ahaan buuga Ezekiel waxa lagu sheega in naf kasta laga xisaabin doono wixii ay gashay, wanaag ama xumaan:

“20Nafta dembaabtaa way dhiman doontaa. Wiilku ma uu qaadan doono xumaanta aabbaha, aabbuhuna ma uu qaadan doono xumaanta wiilka. Ka xaqa ah xaqnimadiisaa dul saarnaan doonta, oo ka sharka lehna sharnimadiisaa dul saarnaan doonta.21Laakiinse ka sharka lihi hadduu dembiyadiisii uu sameeyey oo dhan ka soo noqdo, oo uu qaynuunnadayda oo dhan wada xajiyo, oo uu waxa xaqa ah oo qumman sameeyo, hubaal kaasu wuu noolaan doonaa, mana dhiman doono” [Ezekiel 18:20-21]

 

Hadii ay kutubtoodii ay ku qorantahay in danbiyada bani aadamka aanay cid kale xanbaarayn ee naf kastaba laga xisaabinayo wixii ay galabsatay, wanaag ama xumaan, maxaa looga dhaadhiciyaa in Ciise u dhintay? Dabcan waxa halkaas ka cad in Masiixiyiintu aanay akhrinin kutubtooda, arrintaasna waxa ka markhaati kacay kitaabka Quraanka ah:

 

وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٌ وِزْرَ أُخْرَىٰ ۚ وَإِن تَدْعُ مُثْقَلَةٌ إِلَىٰ حِمْلِهَا لَا يُحْمَلْ مِنْهُ شَيْءٌ وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰ ۗ إِنَّمَا تُنذِرُ الَّذِينَ يَخْشَوْنَ رَبَّهُم بِالْغَيْبِ وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ ۚ وَمَن تَزَكَّىٰ فَإِنَّمَا يَتَزَكَّىٰ لِنَفْسِهِ ۚ وَإِلَى اللَّـهِ الْمَصِيرُ ﴿١٨

“Nafna naf kale dambigeed ma qaado, haddii looguyeedho Naf culusoo dambaabday inay xambaarto (danbi naf kale) lagama xambaaro waxba haba noqoto qaraabanee, waxaad uun digi kuwa ka yaabi Eebe iyagoo maqan, oo ooga salaadda, ruuxii isdaahiriyana wuxuu uun isudaahiriyay naftiisa, xaga Eebe unbaana loo ahaan (geeri dabadeed). (18)” [Alfaadir:18]

 

Maxaa Caqliga gali kara:

 

Alxamdulilaah, waxaan cadaynay in nabi Ciise (scw) aan la dilin sidoo kalena aanu danbiyaha dadkana u dhiman, ee nafkasta laga xisaabayo wixii ay galabsatay. Iminkana waxaan wax ka tilmaamaynaa laba arrimood oo caqliga aad la kaashanayso.

  • Cidii tidhaahdaa Ciise ayaa danbigayga u dhintay iyo danbiga dadka kale, waxayna ku galayaan Jannada, waxaan waydiinaynaa ciddaas: “Hadii la kufsado haweenaydaada, ama la dhaco, ama la dilo ubadkaaga, oo cida falkaas gaysatana uu yahay Masiixi rumaysan inuu Ciise u dhintay danbiyadiisa sidaas maku galayaa Jannada?!! Hadaad haa tidhaahdo, kolkaa Hitler oo ka danbeeyey dhimashada 50 milyan oo qof oo ahaana Kiristaan wuxuu galayaa Jannada!!! Hadaadse Maya tidhaahdo, waxaad ku baxay in wax ka qaldanyahay fikradan.
  • Arrinta kale ee aan caqliga gali karayn waxa weeye in Masiixiyiintu sheegteen in Ilaahay uu dilay wiilkiisii si uu danbiyada ugu dhaafo dadka!! Waxaan idin leenahay: “Adigu kasoo qaad waxaad tahay aabo leh hal wiil kaliya, wiilkaasna aadbaad u jeceshahay kadibna gurigaagii tuug ayaa usoo dhacday, ma inta aad dadka tuugta ah iska dhaafto ayaad bireyn lahayd wiilkaagii aad aadka ujeclayd ee aan walibana wax danbi ah galin, sababtoo ah danbiilayaasha ayaad aad ujeceshahay!!!!