Waa maxay diinta Budhismanku?

Tusmo

Diintan waxay ka bilaabantay Ninka loo tiirinayo inuu aasaasy diinta Buudhisamka oo la dhaho (Shakyamoni) ama (Siddhaharta Gautama Budha). Gautama Budha amiir ayuu ka ahaa boqortooyo la dhaho (Koosala) oo ku taala xuduudka waqooy ee Hindiya iyo Niibaal 2500 oo sano ka hor.

Guatama waxa uu arkay dhibaatada iyo murugta haysata dadka kadibna waa iskaga tagay noloshiisa boqornimo. Sanado badan ayey ku qaadatay inuu ka fakaro xal u helida dhibaatooyinka Jidheed  iyo ta Maskaxeed ee dadkiisa hayey. Ugu danbayn waxa uu ku guulaystay inuu xalin karo dhibaatooyinka waxaanu noqday “Budha”. Budha macnaheedu waa Ruux soo jeed leh oo indheer garad ah. Kadibna Budha waxa uu gudo galay inuu dadka baro xalkii
uu helay, sidoo kale waxa uu dadka ku dhiiri galiyey inay noqdaan sidiisa oo kale “Budha” Ruux soo jeeda.

Dhaleecooyinka loo soo jeediyey Budhiska waxa ka mid ah inaan waligeed la heli karayn waxbaristii asalka ahayd ee Budha. Waxay u muuqataa in tacliintii Budha ahayd mid la xafiday oo aan la qorin. Dhimashadii Budha kadib shir ayaa lagu qabtay magaalo la dhaho Rajagaha, si loo xafido waxbaristii Budha. Fikrado kala duwan ayaa jiray waxaana shirka ka dhex dhacay isqabqabsi, ugu danbayna firkradihii Kayshapa iyo Ananda oo ahaa ardaydii Budha kuwii ugu cadcadaa ayaa aragtidoodii la qaatay. Boqol sano kadib shir kale ayaa lagu qabtay magaalada Vesali balse afar boqol oo sano kadib geeridii Budha ayaa tacliintii Budha la qoray. Waxooga taxadar ahna waa la sameeye sida laga xiganayo dadka haysata falsafada ama diinta Budhiska.

Kutubta Budhiska waxa loo qaybiyaa laba qaybood Sanskrit iyo Pali.
qoraalada Pali waxa ka mid ah Tripitaki oo ay aaminsanyihiin inay tahay qoraalada ugu qadiimisan oo la qoray hal qarni ka hor dhalashadii Nabi Ciise. Tripitaki waxa loola jeeda qaanuunka sadexa saladood oo ka kooban sadex kitaab.

Qoraalada ku qoran Pali:-

  1. Vinaya Pitaka: ‘Xeerarka Anshaxa’
  2. Sutta Pitaka: ‘Khudabadaha’ waa khudbado uu jeediyey Guatam Budha intuu noolaa waana qaanuunka ama xeerka ugu muhiimsan.
  3. Abhidhamma: ‘Xallinta Caqiidada’

Qoraalada Sanskritka:  qoraaladani maaha kuwo sida qoraalda Pali oo kala ah ee waa kuwo la la’yahay asalkoodii.

  1. Maha vastu: ‘Sheekooyin heer sare ah’ qoraaladan waxay ka sheekeeyaan sheekooyin.
  2. Lalitavistara: waa sheekooyin khuraafaad ah oo loo yeelay Budha.

Tacliintii Budha:

Tacliinta Budha waxa lagu soo koobi karaa wax ay Budhisku ugu yeedhaan “Afarta xaqiiqo ee sharafta leh”
Koowaad: Waxa nolosha ku jira dhibaato iyo murugo.
Labaad: Sababta dhibaatada iyo murugadu waa doonis ama jacayl.
Sadexaad: Dhibta iyo murugada waxa lagu saarayaa ayada oo la saaro doonista ama jacaylka.
Afaraad: Doonista ama jacaylka waxa lagu saaraya adigoo raaca sideedan wado/jid.

Sideeda wado ee sharafta leh:-

  1. Aragti sax ah.
  2. Fikir sax ah.
  3. Hadal sax ah.
  4. Ficil sax ah.
  5. Hab nololeed sax ah.
  6. Dedaal sax ah.
  7. Soojeed sax ah.
  8. ka fiirsasho sax ah.

Hadafka Budhisku waa in ay gaadhaan Nirvana, Nirvana waa in dhibta iyo murugada lagu saaro sideedan wado. Budhisku waxa kale oo ay aaminsanyihiin in qofku markuu dhintu isku badalo ruux kale, nafta kale waxay noqon kartaa qof kale ama xayawaan sida Lo’da, Ayda iwm.

Tacaaliinta Budha waa kuwo iska hor imanaya oo is burinya, marka koowaad qofka raacaya diintan ama falsafadan waa inuu dhib ama murugo hayso, marka labaadna waa inaad dhibta ku saartaa adigoo saaraya doonistaada waa sida qodobka sadexaad ina leeyahay, hadii aad doonistaada saarto maxaa keenay inaad raacdo sideedan wado?? Sidoo kale doonistaada waxaad saaraysaa oo kaliya markay dhib ku haysato, si aad u saartana waa inaad raacdaa sideedaa wado ee kor ku xusan.

Budhisku Miyey aaminsanyihiin Ilaahay?

Budha waa ka aamusay waydiinta ah; Ilaahay ma jiraa? Budha muu diidin in Ilaahay jiro hadana muusan qirin in hal Ilaah jiro waa sida laga xiganayo qoraalada Budha. Budha mar ayaa xertiisu waydiisay Ilaahay miyuu jiraa? Waanu diiday inuu su’aashan ka jawaabo waxaanu yidhi; “Hadii calooshu ku xanuunto ma waxaad awooda saari lahayd sidii xanuunku kaaga tagi lahaa mise waxaad baadhaysaa wixii dhakhtarku kuu qoray, Sahqadeena maaha inaan ogaano in Ilaahay jiro iyo inkale, shaqadeenu waa inaan dhibta ka saarnaa Aduunka”.

Diinta Budhisku waxay u kala baxeen laba Madhab:

  1. (Hinayana) kooxdan waxay aaminsanyihiin in Budha yahay bare sare. Madhabkan cida haysata waxay deganyihiin Koonfurta Hindiya iyo Saylaan.
  2. (Mahayana) waxay kuwani rumaysanyihiin in Budha yahay Ilaah, waxayna kuwani intooda badan daganyihiin Japan, China iyo Mangoliya.

Gunaanadka:

Buudhisku maaha diin ee waa falsafad bulsheed, hadafkeedu yahay inay dhinto ama yarayso dhibaatada iyo murugada dadka. Buudhisku waa sida Baraahimiyada (Hinduuska) oo waxay rumaysanyihiin in ruuxdu isku badasho noole kale, hadii qofku ahaa ruux wanaagsan wuxuu noqonayaa qof sare balse haduu xumaa wuxuu noqon xayawaan. Buudhisku maysan danayn jirin iimaanka ruuxa iyo caqiidadiisa balse dadka iminka raacsan waxay gaarsiiyeen Budha heer Ilaahnimo, waxayna ugu dhowaadaan qurbaano, inkastoo Budha u diiday inay caabudaan sanamyada hadana isaga ayaa iminka la caabudaa.

Diyaariye: Abdulaziz Oogle