Malcolm X (Al Xaaj Maalik)

Malkolm X waa halgamaangii muslimka ahaa ee ka soo jeeda dadka Madaw ee wadanka Maraykanka. Malkolm X waxa uu caan ku yahay inuu u doodo Xuquuqda Dadka Madaw.

Malkolm waxa uu naftiisa u horay kuna shahiiday si ay dadka Madow iyo guud ahaanba muslimka wadanka Maraykanku u helilahaayeen Xorriyada iyo in uu Ninka Cadi joojiyo Guumeysiga uu ku hayo dadka Madaw.

Hadaba Malkolm waa Xidig iyo geesi naftiis hure ah oo inbadan oo bulshadeena soomaliyeed aanay garanayn ama aanay cilmi u lahayn.

Waxaana iga yaabisay in aynu ka hor marinay Martin Luther King oo isaguna ahaa halgamaa madaw ah laakiin haystay diinta Masiixiga. Sida aynu ognahay dadka Maraykanku waxay ku faanaan Martin Luther king sabatoo waxa uu ahaa Masiixi, laakiin annaga hadii aanu muslim nahay maxaa inoo diiday inaan ugu yaraan xusno dadka muslimiinta ah ee soo halgamay, ku darsoo meesha uu ka halgamay waa Maraykanka, waqtiguna iminka muu ahyne waa xilligii Adoonsiga aan gabashada lahayn lagu hayey Dadka Madow. Malkolm waa Xidig ku dayasho mudan oo waliba Taarikhdiisa ugu yaraan aan wax ka ogaano.

Malkolm X waxa la odhan jirey magac kale waa Malkolm Little (yariis). Waxa uu ku dhashay magaalada Omaha oo katirsan gobolka Nebraska ee wadana Maraykanka sanadkii 1925kii.

Malkolm aabihii waxa uu ahaa Baadari haysta diinta Masiixiga gaar ahaan Madhabka Baptist. Aabihi waxa uu ahaa sidoo kale xubin firfircoon oo u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda dadka Madow waxaanu madax ka ahaa ururkii ugu waynaa waqtigaas ee midabtakoorka. Waxa is xasuusin mudan in wadanka Maraykanka waqtigaa ay ka jirtay Qabyaalad iyo Cunsuriyad tii ugu waynayd oo inta badan lagu hayey dadka asal ahaan ka soo jeeda Qaarada Afrika.

Sidaad la socotaan Dadka Madow looma ogolayn inay waxbarsho galaan, shaqana hadalkeedaba iska daa. Qofka ugu fiican waxa uu ka shaqaynayey Wadooyinka iyo tirtirka Baabuurta.

Nolosha Malkolm waxay ahayd mid aa u adag, waxaanu la kulmay dhibaatooyin aad u daran oo ay fulinayeen cunsuriyiinta Dadka Cad.

Malkolm Lix kamida eedooyinkii oo la dhashay aabihii ayaa la dilay, sidoo kalena aabihii waxa uu la kulmay hanjabaad iyo cagajuglayn aad udaran.

Mushkilada la soo darista aawadeed ayaa Malkolm aabihii iyo ubadkiisii ka guureen gobolka ay daganayeen una guureen gobolka Michigan sanadkii 1928 kii.

Mudo bilo ah ka dib waxa la gubay gurigoodii waxaana ka danbeeyey urur mintid ah oo cunsuriya, lana dhaho KKK (Ku Klux Klan). Ururkan waa cunsuriyiiin nacayb iyo Cadho aan la soo koobi karayn u hayey dadka Madow gaar ahaan dadka dhaqdhaqaaqa siyaasiga faraha kula jira. Ururkan waxa astaan u ahayd inay huwadaan maryo CadCad iyo koofiyad Madow taas oo ka turjumaysa in Ninka Cadi ka fadilanyahay ninka Madow. Hadii ay arkaan Guri nin Madow leeyahay way gubayeen, caruurta iyo maatada waa la laynayeen, ugu yaraan waa hadii aanay gubin isaga oo nool.

Malkolm markay da’diisu ahayd Lix sano ayaa la dilay Aabihii, waliba si waxshinimo ah ayaa loo khaarijiyey. Waxa dilay waa ururka KKK ayagoo u dhigay wadada tareenka, kadibna tareenka ayaa jidhkiisa oo dhan burburiyey.

markii baadhis lagu sameeyey maydkiisa waxa la iclaamiyey in Malkolm aabihii uu isdilay. Waxaad ka fahmaysaa halkaa Cadaalad darrada Dadka Madow haysta heerka ay maraysay.

Arrintani waxay saamaysay dhammaan reerkii Malkolm. Malkolm hooyadii waxay haysataa Todoba caruura, Saygeediina waa ka dhintay cidna uma maqna ceelna uma qodna.

Hooyadii waxay isku dayday inay shaqo raadsato, haseahaatee maysan helin sababtoo ah reerka ay kasoo jeedo awgeed. Waxa laga goostay biilkii iyo macuunadii shaqada. Mudo yar kadib Malkolm hooyadii waxa ku dhacay Faalig kadibna waxa la dhigay cusbitaalka dadka madaxa ka jirran.

Molkolm waxa uu dhadhamiyey xanuunka aabo iyo hooyo la’aanta, caruurtii la dhalatay ayagana da’doodu way yartahay waxayna u gacan galeen caawimada caydha ee Dawladu siiso dadka yaryar ee Agoonta ah haseahaatee Dawladu hal meel may wada dajin, balse waxay kala geysey gobolo kala duwan. Malkolm waxa uu hadana waayey walaaladii.

Intii uu joogay xeryaha agooomaha waxa uu galay dugsi hase ahaatee muu ahayn dugsi wanaagsan. Malkolm waxa uu bilaabay inuu googoyo dugsiga, sidoo kale iibiyo daroogada iyo walxa mamnuuca ka ah wadanka Maraykanka.

Arrintaas waxa ku kaliftay waa Ehel la’aanta ku darsoo da’diisu waa Todoba sano ama wixii ka yar.

Malkolm markuu  gaadhay Lix iyo Toban ayaa jeelka la dhigay, sabatoo aha waxa lagu qabtay iibinta daroogada iyo isagoo kasoo jeeda dadka la yaso waa dadka Madowga ah.

Dugsiga sare waxa uu ku dhamaystay jeelka dhexdiisa. Malkolm waxa uu dareemay markii ugu horeysay macnaha ay leedahay xorriyadu iyo nolosha wanaagsan. Intii uu kujiray jeelka waxa uu bartay sida loo doodo isaga oo ku tababar qaadanayey dadka ayaguna jeelka kula jira.

Maalin maalmaha ka mida waxa soo gaadhay farriimo ka timid walaaladii, waxayna u sheegeen inay galeen diin cusub taas oo ugaara dadka Madow oo waliba ka badbaadinaysa shaydaanka dadka CadCad iyo dhibaatada uu ku hayo.

Diintaas waxay ahayd mid sheeganaysa diinta Islaamka, waxaana ka madaxa ahaaNin sheegaty Nabinimo magaciisana la dhaho Mohamed Faraad waxaana isaga ka wakiil aha nin ladhaho Alaja Faraad.

Mohamed Faraad isaga lama yaqaan meel uu daganayahay kaliya waxaad ugu hagaagaysaa Alaja Faraad oo muddo kadib aasaasay urur ama koox la dhahao Umatal Islaam.

Ururkani waxay aaminsanaayeen Nabi iska mala awaala, sidoo kale waxay rumaysnaayeen kitaaba Baybalka ayadoo aynu ognahay in baybalka la badalay oo aanu ahayn kitaabkii Nabi ciise la siiyey. Sidoo kale waxay rumaysnaayeen Laba Ilaah, Ilaaha khayrka iyo wanaaga waa Ilaaha dadka Madow iyo Ilaaha sharka oo waa ka dadka Cadaanka ah! waxay tukan jireen laba jeer maalintiii, mar waa galinka hore iyo mid galinka danbe ah.

Sakada waxa la siinaye Ninka Nabinimada sheegtay. Xajkana waxaad tagaysaa qasri u leeyahay ninka Nabiga sheegtay oo ku yaalaya Chicago hadaad awoodidna waxaad tagaysaa Macka. Soonkana waxa la soomaya ciida masiixiga 24 december sabatoo ah waxay isu fatwoodeen inay waqtigaa ay badantahay xumaanta ay Cadaanku sameeyaan.

Inkasta oo ay rumaysnaayeen Nabi Mohamed (N.N.NK.H) iyo quraanka, hadana maysan ahayn diin sax ah, waa mid ay gacmahooda ku sameysteen.

Diintana si yar oo fudud bay ugu fiday wadanka maraykanka gaar ahaan dadka madaw, Malkolm waa ku qancay diintan oo waa galay.

Malkolm waxa uu noqday qof diin leh haba ahaato diin lunsane, laakiin xeer iyo kala danbayn aanu hore u dareemin ayuu dareemay.

Doodihii uu galay iyo diinta uu qaatay waxay ku kaliftay inuu akhriska badsado, waxa la sheegaa inuu Malkolm akhriyey kumaankun oo kitaab, maalinta kaliya waxa uu akhrin jiray saacado badan shan iyo toban saacadood ugu yaraan, habeenka marka la damiyo nalka jeelka, Molkom waxa uu akhrinjirey kutubta isaga oo adeegsanay nalka wadooyinka.

Akhriskaasina wuxuu u horseeday inuu noqdo Aqoonyahan, sidoo kalena waxa caawiyey doodihii uu ku galay inta uu jeelka joogay. Isbadal aad u wayn ayuu sameeyey Malkolm.

Malkolm waxa uu gudo galay in uu dadka ugu yeedho diinta uu haysto, islamarkaan amray inay falaan camal wanaagsan kana dheeraadaan tuuganimada , beenta, xaaranta iwm.

Dad badan ayaa gacantiisa ku soo galay diintiisa iyo fikirka uu xanbaarsanayahay, arrintaasi waxay keentay in Malkolm laga sii daayo jeelka isaga oo aan dhamaysan mudadii lagu xukumay.

Aqoonta iyo kartida uu leeyahay waxa uu ku kasbaday magac iyo caanimo, Alaaja Faraaad waxa uu umagacaabay afhayeenka rasmiga ah ee dadka Madow.

Malkolm waxa uu iska badalay magaciisa oo ahaa Malkolm Little (yariis) kana dhigay Malkolm X.

Macnaha X waa qof aan lagaranayn meesha uu ku abtirsado, isaga oo ku fasiray in Malkolm yariis uu yahay magacyadii adoonsiga oo waxa u bixiyey Ninka Cad isaga oo liidaya, kana fogayna ehelkiisii iyo asal ahaan magacii la odhanjirey ee Afrikaanka ahaa.

Malkolm iminka waa nin caana, dhammaan saxaafada Maraykanka warkiisa way hayaan, waana xubin firfircoon oo ka mida dadka u dooda xuquuqda dadka Madow. Aftahanimadiisa ayaa sababtay inuu helo cudud laxaad leh, dad badan ayaa aaminay sidoo kalena muu ahayn qof Cabsanaya ama ka leexanaya hadafkiisa.

Isbadal aad u wayn buu sameeyey Malkolm, waxaad u fiirsataan ninkii jeelka galay isaga oo lagu eedaynayo inuu yahay ruux daroogada iibiya maanta waa hogaamiye ka caana wadanka maraykaanka. Waxa sidoo kale uu karaahiyo u hayaa dadka Cadaanka ah ee dhibta u gaystay isaga iyo ehelkiisa.

Malkolm waxa uu  khilaafay Martin Luther King oo ahaa hogaamiye madaw ah oo haysta diinta Masiixiga, aaminsanaa in ninka Cad lala noolaado laakiin Malkolm marnaba ma jeclayn in nika Cad lala noolaado waxa uu rabay in laga xoroobo.

Malkolm khudbada badan ayuu jeediya, waxaana soo if baxday kartida iyo aftahanimada uu leeyahay.

Malkolm waxa uu galay safar uu ku tagay Xajka si uu tabarucaad ugu soo ururiyo dadka muslimiinta ee haysatay diinta badalan hase ahaatee waxa ku dhacday isbadal wayn.

Malkolm waxa uu la kulmay dad musliiin haysta diinta islaamka ee dhabta ahayd, waxa uu fahmay in hal Ilaah oo kaliya jiro, waxaanu tibaaxay inaanu hore u dareemin raaxada iyo macaanka ay leedahay diinta Islaamka ee dhabta ah.

Malkolm waxa uu qaatay diinta saxda ahayd ee islaamka, islamarkaana waa badalay fikirkii uu ka haystay dadka Cad oo uu uyaqaanay inay yihiin dad xumaan oo kaliya ka shaqeeya. Inkasta oo uu joogay mudo 12 casho oo kaliya waxay badashay noloshiiisa oo dhan.

Xajka kadib waxa uu usafray dalka Masar oo waxa uu la kulmay shiikhul Alazhar Xasanayn Makhluuf (I.H.U), waxaanu bartay diinta islaamka, kadibna markale ayuu badalay magiciisa oo ka dhigay Al XAAJ Maalik AlSHABAAZ. Malkolm waxa uu ku noqday wadanka Maraykanaka waxaanu kulan la qaatay Alaja Faraad, Malkolm waxa uu usoo bandhigay diinta Islaamka ah ee saxda balse way ka biyo diideen, kadib waxa uu iclaamiyey inuu qaatay diinta dhabta ah ee islaamka,  haseahaatee Alaja waxa uu aasaasy urur kale oo lamagac baxda Jamacatu Al Ahlu Sunna. sbabtuna ay tahay inuu ka dhexbaxo diinta dhabta ah ee islaamka.

Malkolm waxa uu qaatay go’aan ah inuu ka qaybgalayo doorashada kuraasta baarlamaanka ee wadanka Maraykanka, ujeedaduna waa in ninka Cad ee ballanqaadkiisu aanu fulayn lagu qasbo inuu ka dago jagooyinka ay iskaga fadhiyaan, arrintana waxa uu kusoo bandhigay khudbadiisa caanka ahayd ee uu ku qabtay Magaalada Detroit sanadkii 1964, waxaanu ugu baaqay dadka Cadaanka ah inay Madawgu xaq u leeyihiin jagooyinka iyo kuraasta wadanka marayka, hadii aad diidaan arinkaasna waa dagaal.

Waxaanu halhays ka dhigtay kalmada caan baxday (the ballot or the bullet) codka ama rasaasta. isaga oo uga jeeday in dadka Madow codkooda haysandoonaan hadii aan wax la taaban karo laga qaban xaalada dadka Madow. Haday socon waydo taasina waa dagaal baan ka xignaa.

Waxa uu noqday xidig ka dhexbaxay mujtamaca uu la noolaa, dadka way iskusoo wada shubeen ururkiisa oo ay uarkayeen kooxda kaliya ee xuquuqdooda keeni karta.

Wadanka Maraykana waxa uu arkayey hanjabaad wadnaka gudihiisa ah, taasina waxay u siyaadisay magac iyo sharaf.

Alaaj Faraad iyo kooxdiisii way ka xumaadeen horumarka uu gaadha Maalik, waxaanay isku dayeen inay khaarijaan.

Maalik ama Malkolm waxa soo food saarty dhawr Cadow, Alaja Faraad oo diin khaldan watay, sidoo kale waxa dagaal ba’an ku haya dawlada Maraykan iyo saxaafadooda.

Sanadkii 1965 Malkolm X ama Maalik Shabaaz waxa toogtay sadex dhagarqabayaal ah oo kasocda kooxdii Alaaja Faraad ayagoo fuliyey falka toogashada xilli uu jeedinay Khudbad, halkaas baanu ku shahaado qaatay mujaahidkii waynaa ee Malkolm X waa calaamad iyo astaanta isbadalka.

Ilaahay ha unaxariisto.

Waxqabadkii ugu muhiimsanaa ee uu qabtay shahiid Maalik waxa ka mida in uu ku sanduleeyay kuna qasbay wadanka Maraykan oo aha wadanka ugu awooda wayn xilligaa kana soo baxay dagaaladii koowaad iyo kii labaad aduunka inay siiyaan xuquuqda ay dadka Madow u leeyihiin inay Waxbartaan Codkoodana si xor ah u dhiibtaan.

Sanadkii 1975 kii waxa dhintay Alaja Faraad oo waxa xilka la wareegay willkiisii oo aaminsanaa fikradaha Malkolm X waxa uu iclaamiyey in ay kooxdiisii qaadatay diinta Islaamka ee saxda ah, taasina waxay ka mid tahay waxqabadkii xitaa aanu Malkolm sugaynin inay dhacdo oo waxa diinta Islaamka soo galaya Boqolaal Kun oo qof oo dadka Madow ah. Waxa lagu qiyaasaa inkabadan 200000 Laba Boqol oo kun oo qof ayaa muslimay.