Asc, anigoo magacygu yahay  Abdulaziz Mohamed Oogle, waxaan maqaalkan kaga hadlayaa su’aal aad muhiim ugu ah bulshada Islaamka, gaar ahaana umada Soomaaliyeed. Su’aashaasina waa Yaa ka danbeeyey dilkii foosha xumaa ee loo gaystay saxaabigii Rasuulka (scw) iyo waliba wiilkii nabigu awoowga u ahaa ee Xuseen ibnu Cali Ilaahay raali haka ahaadee?

Dabcan inaan inaan cilmi baadhistan sameeyo waxa igu kallifay dhawr sababood oo ay ugu wayntahay eedaha loo soo jeediyo dadka ehlu sunnaha ah, oo shiicadu ay ku tuhmayso illaa maanta inay yihiin cidii dishay Xuseen. Waxyaalaha la yaabka leh waxa kamida in Shiicadu ay halhays ka dhigyteen ereyeada “Yaa li thaaraati Alxuseen” oo macnaheedu tahay kaalaya aynu usoo aargudno Xuseen ibnu Cali! Waaba yaabe yaa loogasoo aargudayaa maanta?

Sababta labaad ee ugu waynina waa in dilkii Xuseen loo gaystay uu noqday marmarsiiyo iyo gabaad lagu duro diinta Ilaahay ee Islaamka, sidoo kalena lagu caayo ama lacnado saxaabadii Rasuulka iyo haldorkii Umada Islaamka ayadoo aan loo biyo dayin.

Maqaalkan wuxuu u qaybsanaan doonaa dhawr qodob oo muhiima, ugu horen waxaan iftiimin doonaa booska ehelka baytka nabigu ay ku leeyihiin Muslimiinta Ehlu Sunnaha ah, dadkii daganaa magaalada Kuufa oo ballanta kaga baxay ehelka baytka nabiga, Muslim ibnu Caqiil oo loo diray magaalada Kuufa, soo bixidii Xuseen ibnu Cali, yaa dilay Xuseen ibnu Cali, cidhib danbeedkii dadkii dilay Xuseen ibnu Cali, gabogabo iyo qaabka aynu u wajahayno musiibada markay timaado.

 

Tusmo

Booska ay ehelka baytku ku leeyihiin Muslimiinta ehelu Sunnaha agtooda:

Ehelu sunnahu maaha Nawaasibada “Kuwa colka la ah Ehelka baytka” manaha aha Shiicada ku xadgudubta ehelka baytke ee waa dhexdhexaad.

Fadliga Cali ibnu Abudaalib:

Cali ibnu Abudaalib Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu leeyahay fadli iyo dheeraad aad u balaadhan, balse waxaan kusoo koobayaa oo kaliya hal xadiis oo nabiga (scw) ka sugan oo kuu qeexaya waynida iyo fadliga saxaabigaas qaaliga ahaa, Ilaahay raali haka ahaadee:

سهل بن سعد رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال يوم خيبر لأعطين هذه الراية غدا رجلا يفتح الله على يديه يحب الله ورسوله ويحبه الله ورسوله قال فبات الناس يدوكون ليلتهم أيهم يعطاها فلما أصبح الناس غدوا على رسول الله صلى الله عليه وسلم كلهم يرجو أن يعطاها فقال أين علي بن أبي طالب فقيل هو يا رسول الله يشتكي عينيه قال فأرسلوا إليه فأتي به فبصق رسول الله صلى الله عليه وسلم في عينيه ودعا له فبرأ حتى كأن لم يكن به وجع فأعطاه الراية فقال علي يا رسول الله أقاتلهم حتى يكونوا مثلنا فقال انفذ على رسلك حتى تنزل بساحتهم ثم ادعهم إلى الإسلام وأخبرهم بما يجب عليهم من حق الله فيه فوالله لأن يهدي الله بك رجلا واحدا خير لك من أن يكون لك حمر النعم

Sahal ibnu Sacad waxa laga wariyey (I.R.H) in Rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi maalintii Khaybar: “Waxaan calankan u dhiibayaa barritoole nin Ilaahay gacmihiisa ku furayo, oo jecelna Ilaahay iyo Rasuulkiisa oo Ilaahay iyo Rasuulkiisuna ay isaga jecelyihiin” Wuxuu yidhi: Dadkii habeenkii ayey seexdeen ayagoo ka doodaya habeenkii keebaa loo dhiibayaa, markii dadku ay waabariisteen ayey kusoo kallaheen xagii Rasuulkii Ilaahay (scw) ayadoo kulligoo rajaynayo in loo dhiibo, wuxuuna dhahay: “Mee Cali ibnu Abudaalib?” waxa lagu dhahay: Isagu, Rasuulkii Ilaahayow wuxuu ka cabanayaa ishiisa, wuxuu yidhi: “Isoo dira isaga” wuxuu ku tufay Rasuulkii Ilaahay (scw) labadiisii indhood oo u duceeyeyna waanu bugsaday, ayadoo la moodo inaanu xanuusaninba, wuxuuna u dhiibay calankii, wuxuuna yidhi Cali: Rasuulkii Ilaahayow, ma waxaan kula dagaalamaa illamaa ay noqonayaa anagoo kale, wuxuu yidhi: “Ufuli si qunyar ah,  illamaa aad ka dagtid goobta (dagaalka), markaana ugu yeedh Islaamnimad, una sheeg wixii ku waajibaya korkooda oo kamida xaqa Ilaahay, ee Ilaahbaan ku dhaartee inuu Ilaahay kugu soo hanuuniyo sababtaada nin kaliya ayaa kaaga khayr badan inaad lahaato geela kiisa cascas.” [Bukhaari: 3973 iyo Muslim 2406]

Fadliga Faadima bintu Muxamed:

Faadima (RC) waxay leedahay fadli badan balse ayadana hal xadiis oo ka sugan nabiga ayaan kasoo qaadanayaa, waana xadiis saxiixa oo Bukhaari soo saaray:

عن عائشة رضي الله عنها قالت أقبلت فاطمة تمشي كأن مشيتها مشي النبي صلى الله عليه وسلم فقال  النبي صلى الله عليه وسلم مرحبا بابنتي ثم أجلسها عن يمينه أو عن شماله ثم أسر إليها حديثا فبكت فقلت لها لم تبكين ثم أسر إليها حديثا فضحكت فقلت ما رأيت كاليوم فرحا أقرب من حزن فسألتها عما قال فقالت ما كنت لأفشي سر رسول الله صلى الله عليه وسلم حتى قبض النبي صلى الله عليه وسلم فسألتها فقالت أسر إلي إن جبريل كان يعارضني القرآن كل سنة مرة وإنه عارضني العام مرتين ولا أراه إلا حضر أجلي وإنك أول أهل بيتي لحاقا بي فبكيت فقال أما ترضين أن تكوني سيدة نساء أهل الجنة أو نساء المؤمنين فضحكت لذلك

Caasha Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inay tidhi: Faadima ayaa timid ayadoo soconayso, oo socodkeeda la moodo socodkii nabiga (scw), wuxuuna dhahay nabigu (scw): Soo dhowoow inantaydiiyeey, wuxuuna fadhiisiyey midigtiisa ama bidixdiisa, markaana wuxuu si sir ugu sheegay war wayn oyday, markaasaan idhi maxaad la ooyeysaa? markaasuu hadana sir wax ugu sheegay wayna qososhay, waxaan idhi: maan arkin maanta farxad ka dhow murugo, waanan waydiiyey wuxuu dhahay, waxayna tidhi: ma faafinayo sirta Rasuulka Ilaahay (scw), illamaa laga oofsaday nabiga (scw) waanan waydiiyey, waxayna tidhi: wuxuu igula siray in Jibriil ahaa mid usoo bandhiga Quraanka sanadkastaba hal mar, iyo inuu iisoo bandhigay sanadkan laba jeer, mana u arko in ajashaydii timid waxaan ahayn iyo inaad adiguna tahay cida ugu horeysa ee ehelkay isoo raacaysa waanan ooyey, wuxuuna dhahay: “miyaanad raali ku ahayn inaad noqoto madaxda marwooyinka Jannada ama dumarka Mu’miniinta ah” waanan qoslay. [Bukhaari: 3426]

Fadliga Xasan iyo Xuseen:

عن ابن عمر قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلمالحسن والحسين سيدا شباب أهل الجنة وأبوهما خير منهما

Ibnu Cumar waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: Xasan iyo Xuseen waa madaxda dhalinta ehelka Jannada, aabahoodna wuu ka khayr badanyahay. [Sunan ibnu Maajah: 118]

Sidoo kale Culumada Muslimiintu waxay amaaneen guud ahaan durriyadii Cali ibnu Abudaalib (RC), sida wiilkiisii Muxamed ibnu Alxanafiyah, Cali ibnu Xuseen (Zaynu Alcaabidiin), Muxamed Albaaqir iyo Jacfar assaadiq.

Mowqifka Ehlu sunuhu ay ka qabaan dilkii Xuseen ibnu Cali:

Ibnu Taymiyah oo inoo soo koobaya mowqifka Muslimiinta Ehlu Sunnah wuxuu dhahay: “Ilaahay wuxuu ku karaameeyey Shahaadada, wuxuuna ku dulleeyey cidii dishay, ama ku kaalmeeyey dilkiisa, ama raaliba ka noqday dilkiisa, wuxuuna ku dayasho wanaagsan  u yahay cidii ka horeysay ee Shuhadada, maxaa yeelay isaga iyo walaalkii waa madaxda dhalinyarada Jannada, waxayna soo barbaareen xilliguu Islaamku awooda lahaa, manaysan helin ajarkii Hijrada, Jihaadka, Samirkii iyo dhibtii loogu gaystay dar Ilaahay ehelkoodii, markaasuu Ilaahay ku karaameeyey Shahaadada, si loo dhamaystiro sharaftooda, iyo si sare loogu qaado darajooyinkooda, dilkiisuna waa musiibo wayn.” [Ibnu Taymiyyah, majmuuc alfataawaa (4/511)]

 

Taariikhdii Cali Ibnu Abudaalib oo kooban:

Cali Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu noqday khaliif iyo madaxweynihii Muslimiinta, waxayna ku beegnayd xilli la dilay khaliifkii hore ee Muslimiinta waa Cusmaan ibnu Cafaan (RC), waxaana bilaabantay fitnadii dhex martay saxaabada, qolo waxay rabeen in loo aargudo dilkii Cusmaan ibnu Caffaan, iyo qolo kale oo ayaguna aan diidanayn in loo aargudo dilkii Cusmaan ee u arkayey in waqtigaasi aanu suurtogal ahayn ina la fuliyo qisaastii kuwii ka danbeeyey dilkii Cusmaan. Kadibna waxa dhacay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay muslimiinta, dabadeedna kooxdii ay hogaaminaysay Caasha bintu Abubakar, Zubeyr ibnu Cawwaam iyo Dalxa ibnu Cubaydillaah Ilaahay raali haka ahaadee ayaa magaalada Basra ku laayey qaar kamida dadkii ka qaybgalay dilkii Cusmaan, balse dawladii Cali ibnu Abudaalib waxay u aragtay arrin dagdag ah, waxayna dooneen labadii qoloba inay heshiis galaan, hase ahaatee gacan ku dhiiglayaashii ka danbeeyey dilkii Cusmaan ayaa go’aan ku gaadhay inay labada qolo dhexgalaan inay isku diraan labadii ciidan, waanay u suurtowday, sidaana waxa ku dhacay dagaalkii Jamalka ama Awrka.

Musiibadaas kadib hadana waxa dhacay dagaalkii Sifiin oo dhex maray dawladii Cali ibnu Abudaalib iyo kooxdii joogtay Shaam oo uu hogaaminayey Mucaawiya ibnu Abusufyaan, waxaana khilaafku daarnaa in si dagdag ah loo fuliyo qisaastii cidii dishay Cusmaan ibnu Caffaan iyo dawladii Cali ibnu Abudaalib oo ayagu taagnayd mwqifka ah in iminka dib loo dhigo qisaastaas, si fitnadu u danto kadibna loo fuliyo qisaasta nimankii falkii xumaa ka danbeeyey, hase ahaatee waa la is afgaran waayey waxaana halkaa ka dhcday dagaal fitno ahaa oo dhexmaray dad muslimiina oo labada qoloba ay dadaaleen fikir ahaan. Ugu danbeyna waxa labadii qolo ku heshiisay in laba nin la iska soo saaro oo kala xukumada labadaas ciidan, wxuuuna Cali kusoo laabtay Ciraaq.

Cali oo jooga magaalada Kuufa oo kusoo socda Salaada Subax masaajidka, maalin jimco ahayd oo ku beegnayd 27kii Ramadaan ayaa waxa Cali dilay habaarqabihii Cabdiraxmaan ibnu Muljim oo seef la sumeeyey madaxa kaga dhuftay. Dabcan habaarqabahaa waa la qabtay waana loo dilay Cali ibnu Abudaaalib Ilaahay haka raali ahaadee.

Ibnu Muljamkan habaarqabaha ah wuxuu markii hore ku jiray ciidanka Cali Ibnu Abudaalib (RC) waanu hagaajiyey Cali oo biilkiisii ayuu siiyey hase ahaatee Ibnu Muljim khawaariji ayuu noqday, wuxuuna shirqoolkaas ku dilay saxaabigii Rasuulkii Ilaahay ee nabiguna Jannada ugu bishaareeyey isagoo nool oo dhulka jooga.

Reer Kuufa ayaa shirqoolay ehelka baytka:

Magaalada Kuufa waxay ahayd xaruntii Shiicada, waana isla magaaladii dadkeedu shirqooleen Cali ibnu Abudaalib, Xasan iyo Xuseen ibnu Cali, wuxuu dhahay Cali ibnu Abudaalib sida ku qoran kutubta Shiicada gaar ahaana kitaabka Nahjul Albalaaqa ee ay u tiiriyaan in lagasoo xigtay Cali ibnu Abudaalib, isagoo kacabanaya shiicadiisii reer Kuufa sidan:

“Waxaad tihidiin dhagoolayaal dhago leh, hadal la’aan hadlaya, indhoolayaal indho leh, ma tihidin xor marka la kulmo, mana tihidin dad kalsooni leh marka musiibo timaado, gacmihiinu boodhoobe, Kuwiinan u eeg geelow, ee uu maqanyahay cidii raacaysay, mark dhinac layskaga keeno waxay ka tafaraaruqayaan dhinca kale, .. ” [Nahjul Balaaqa: (1/188-189)]

Dhanka kale Shiicadu waxay leeyihiin:  Shiicadii way dullaysay Xasan ibnu Cali, waxayna ka taageen sabarad bowdadiisa markuu joogay magaalada Madlab Saabaad, waxay dhaheen: Nin ayaa qabtay hogaanka faraskii Xasan ibnu Cali, wuxxuuna yidhi: Allahu akbar, Xasanow aabahaa ayaa gaaloobay, adiguna ma gaalowday! Kadibna sabaradii ayuu kaga dhuftay bowdada, waanu dhaawacay kadibna waxa Xasan lagu qaaday sariir oo la geeyey magaalada Madaa’in. [Calaa Khudaa Al-xusayn (على خطى الحسين) (40)]

Shiicadu ayagaa u maleegay shirqoolka Ehelka baytka nabiga, waxaana inoo soo socda wixii dhexmaray shiicadii joogta Kuufa iyo Xuseen ibnu Cali Ilaahay raali haka ahaadee.

Hordhaca dilkii Xuseen ibnu Cali:

Markuu geeriyooday Mucaawiya ibnu Abusufyaan Ilaahay raali haka ahaadee, wuxuu xukunka kaga tagay wiilkiisii Yaziid ibnu Mucaawiya, kadib  markii uu la tashaday dadkii uu go’aanku ka go’ayey, wuxuuna fiiriyey maslaxad iyo wadajirka umada Islaamka ah, kadibna Yaziid waxa baycada la galay saxaabo badan oo xilligaas noolaa, iyo dadkii madaxda u ahaa guud ahaan bulshadii muslimka ahayd ee xilligaas noolayd, marka laga reebo dhawr saxaabi oo ayagu u arkayey in xukunkii isu badalay dhaxaltooyo, waxa diiday baycadii Yaziid, Cabdilaahi ibnu Zubeyr, Xuseen ibnu Cali iyo Ibnu Cumar, hase ahaatee Cabdilaahi ibnu Cumar markii danbe wuu galay baycadii Yaziid.

Xuseen iyo Ibnu Zubeyr Ilaahay raali haka ahaadee way diideen baycadii Yaziid, waxayan aadeen magaalada Makkah. Dabadeedna reer Kuufa ayaa ogaaday geeridii Mucaawiya, khilaafadii Yaziid iyo Xuseen ibnu Cali oo tagay magaalada Makkah, kadibna waxa Xuseen u yimid laba nin oo reer Kuufo ahaa, waana Cabdilaahi ibnu Sabac Alhamadaani iyo Cabdilaahi ibnu Waal, waxayn ugu yimaadeen inay tahniyadeeyaan soona salaamaan, kadibna reer Kuufa waxay soo direen 150 kitaab ama warqadood, oo ayna ku qoreen si dhakhso ah noogu soo dagdag, hadana waraaqo kale ayey soo direen ay ku leeyihiin: “meeshii way cagaaroobay, midhihiina waa soo baxeen, ee hadaad rabto u kaalay ciidan ciidan aad leedahay oo ku diraara, nabadgalyo.” [Muntahaa Al-aamaal (1/430)]

Shiicadiina waxay ku kulmeen guriga Cabdilaahi ibnu Sarud, waxaana istaagay Suleymaan ibnu Sarud oo dhahay: hadaad ogtihidiin inaad u gargaaraysaan oo aadna la jihaadaysaan cadawgiisa u qora markaa, hadaadse ka cabsanaysaan dullinimada iyo fashilkana markaa ninka naftiisa haku kadinina.  Waxay dhaheen: Maya, ee waan la dagaalamaynaa cadawgiisa, waxaanan u huraynaa nafahayaga.

Dirsitii Muslim ibnu Caqiil

 

Markii Xuseen ibnu Cali ay ku badatay kutubadii iyo qoraaladii uu ka helayey reer Kuufa oo maalintii kaliya ay imanaysay 60 kitaab ayuu diray nin ay ilmo adeer yihiin oo ahaa Muslim ibnu Caqiil. Muslim waa baxay wuxuuna sii maray magaalada Madiina wuxuuna ka kaxaystay laba nin oo wadad tusa hase ahaatee labadii ninba harraad ayey u dhinteen, kadibna warqad ayuu Muslim u diray Xuseen wuxuuna Xuseen dhahay: Hore usoco illamaa aad ka gaadhayso magaalada Kuufa.

Markuu Muslim gaadhay Kuufa wuxuu ku dagay ninka la dhaho Muslim ibnu Cawjasah, waxa kale oo la yidhi wuxuu ku dagay Mukhtaar ibnu Abi cubayd althaqafi. Dadkii reer Kuufa waxay maqleen imaanshaha Muslim ibnu Caqiil waxayna bayco la galeen Xuseen ibnu Cali Ilaahay raali haka noqdee. Waxa baycada la galay waa dad gaadhaya 18 kun oo nin oo reer Kuufa, xitaa shiicada qaar waxay gaadhsiiyaa 40 kun oo qof inay heshiiska baycada la galeen Xuseen ibnu Cali, waxaana heshiiskaas u saxeexayey Muslim ibnu Caqiil.

Warkii wuxuu gaadhay gudoomiyihii magaalada Kuufa ee u fadhiyey dawladii Yaziid ibnu Mucaawiya oo ahaa saxaabiga Nucmaan ibnu Bashiir, kadibna wuu khudbadeeyey isagoo dadka ku boorinaya inaanay burinin baycadii ay la galeen Yaziid ibnu Mucaawiya oo aanay jamaacada Muslimiinta kala kaxaynin, dabadeedna nin ayaa canaantay Nucmaan oo ku dhahay: “Amiirkow waxaad tahay ku tamar yar” markaasuu Nucmaan dhahay: “Inaan ahaado ruux tamaryar oo ku sugan xaqa ayaan ka jecelahay inaan noqdo ruux ku adag macsida Ilaahay”.

Yaziid ibnu Mucaawiya wuxuu ogaaday warkii reer Kuufa kadibna wuxuu casilay saxaabigii Nucmaan ibnu Bashiir Ilaahay raali haka ahaadee, waxayna ahayd nicmo Ilaahay ku manaystay saxaabigaas inaanu kamid noqonin madaxdii fitnada.

Yaziid wuxuu Kuufa u magacaabay Cubaydillaahi ibnu Ziyaad oo markii horeba ka talinayey magaalada Basra, markaa wuxuu iminka badhasaab ka noqday Kuufa iyo Basraba labada magaalaba.

Cubaydillaahi wuu soo baxay wuxuuna soo galay magaalada Kuufa isagoo soo duubtay wajiga si aan dadku u garanin, wuxuuna galay qasrigii magaalada Kuufa. Dabadeedna wuxuu la wareegay taladii magaalada wuxuuna u khudbadeeyey dadkii reer Kuufa isagoo u gootiyey una caga jugleeyey, kadibna wuxuu diray mowle uu lahaa oo la dhaho (Macqal) wuxuuna u dhiibay sadex kun oo dirham, wuxuuna faray inuu soo  basaaso meesha heshiiska lagula galayo Muslim ibnu Caqiil.

Ninkii wuxuu baxay wuxuuna helay daartii heshiiska lagula galayey Muslim ibnu Caqiil oo ahayd daartii Haani ibnu Curwah, wuxuuna u sheegay inuu yahay nin jecelay ehelka baytka nabiga (scw) uuna hayo lacag uu ku biiriniyo cududa dhaqaale ee loo ururinayo shiicada ehelka baytka, wuxuuna u dhiibay sadexdii kun ee dirham, wuxuuna basaaskaasi dul fadhiyi jiray maalintii guriga Haani ibnu Curwa ee uu joogo Muslim ibnu caqiil, halka habeenkiina uu warka u gudbin jiray Cubaydilaahi ibnu Ziyaad.

Haani ibnu Curwa oo kamid ahaa madax dhaqameedkii magaalada Kuufa muu soo salaamin badhasaabkii magaalada Kuufa, sidaas awgeed ayuu dhahay Cubaydillaahi ibnu Ziyaad muxuu Haani ibnu Curwa iisoo salaami waayey? Salaadiintii ayaa ku tidhi wuu xanuusanayaa, markaasuu dhahay: sawka fadhiista albaabka ama kaabada gurigiisa! iminka halaygu yeedho.

Ninkii Haani ayaa soo galay qasrigii markaasuu Cubaydillaahi ibnu Ziyaad arkay wuxuuna yidhi: “Noloshiisaan doonayaa, isna geeridayduu rabaa” kolkaasuu Haani dhahay: Amiiryahaow maxaad ereyadan u leedahay? Wuxuu dhahay: waar mee Muslim ibnu Cuqay? Wuxuu dhahay: ma garanayo. Kadibna jaajuuskii Macqal ayuu ku dhahay waar soo bax, waanu soo baxay kadibna Haani ibnu Curwa wuxuu gartay in ninkuba basaas ahaa oo uu fashilmay, markaasuu dhahay: Amiiryahow anigu Muslim ibnu Caqiil umaan yeedhanin balse isagaa igusoo dagay, waana martidayda oo ma soo dhiibi karo, xitaa haduu cagahayga hoostiisa joogo masoo dhiibayo martidayda!

Cubaydillaahi intuu xanaaqay ayuu ku dhuftay ushiisii waxaana ka dhaawacay wajiga iyo sanka, wuxuun askartiisii ku dhahay hala xabiso. Sidoo kale Cubaydillaahi wuxuu xabisay madax dhaqameedkii magaalada ee reer Kuufa.

Warkii wuxuu gaadhay Muslim ibnu Caqiil, wuxuuna isoo ururiyey raggii heshiiska la galay, waxa goobtii yimid afar kun oo kaliya, kadibna waxay go’doon ka qabteen qasrigii Cubaydilaahi ibnu Ziyaad, hase ahaatee odayaashii lagu xabisay qasriga ayuu Cubaydillaahi faray inay la hadlaan dadkooda oo ay faraan inay ka baxaan ciidama Muslim ibnu Caqiil hadii kalena ay ciidamo ka iman doonaan dhulka Shaam oo ay xasuuqi doonaa dhamaan cidii raacday Muslim ibnu Caqiil

Dabcan sidii ayaa dhacday waxay odoyaashii la hadleen qabiiladoodii, waxa goobtii lagaga tagay Muslim ibnu Caqiil iyo shan boqol oo kaliya, kadibna salaadii Maqrib waxa la tukaday sadex boqol oo kalya, salaadii Cishana kaligii ayuu noqday.

Dhamaan dadkii baycada la galay way ka tageen wayna hoojiyeen Muslim ibnu Caqiil, isagiina kaligii ayuu noqday manuusan garanaynin jidka ama wadada laga baxo Kuufa, kadibna wuxuu iska fadhiistay guri kaabadi. Gurigii ayaa waxa furtay haweenay markaasuu Muslim biyo ka dalbay wayna waraabisay kadibna halkii ayuu iska sii fadhiistay. Mar labaad ayey haweenaydii furtay albaabkii waxayna aragtay inuu wali fadhiyo, markaasuu dhahay Muslim waxaan ahay Muslim ibnu Caqiil waxa i khiyaameeyey reer Kuufa ee ii ogolow inaan u hoydo gurigiina, gabadhii way u ogolaatay waxayna gaysay qol ka baxsan gurigeeda, waxaana arkay gabadhii oo marba qolkii galaysay wiil ay dhashay markaasuu waydiiyey yaa qolka ku jiray, wayna u sheegtay.

Subaxii ayaa wiilkii warkii sii sheegay wuxuuna warkii gaadhay Cubaydilaahi ibnu Ziyaad, markaasuu soo diray askartii oo hareeraysay qolkii uu ku jiray Muslim ibnu Caqiil, ugu danbeyna waa la qabtay markaasuu ooyeey Muslim ibnu Caqiil, dadkii ayaa dhahay: Maxaad la ooyaysaa? wuxuu yidhi: waxa soo baxay Xuseen ibnu Cali oo aan u qoray waraaqihii ay heshiiska reer Kuufa igula galeen, manahaysto cid u sheegta warkii reer Kuufa inay i hoojiyeen oo ay ka baxeen garabkayga!

Muslim ibnu Caqiil waxa la keenay qasrigii, markaasuu Cubaydlilaahi ibnu Ziyaad dhahay: waan ku dilayaa! Muslim wuxuu dhahay: ii ogolow inaan dardaarmo, wuxuuna u yeedhay Cumar ibnu Sacad ibnu Abiwaqaas wuxuuna dhagta u saaray dardaarankiisii; wuxuu dhahay: Cumarow marka la idilo maydkayga astur oo xabaal, waxaana magaalada laygaga leeyahay todoba boqol oo dirham ee iga bixi, sidoo kalena Xuseen wuu soo baxayey warqad u qor inuu dib isaga laabto.

Kadibna Cubaydilaahi ayaa u yeedhay Cumar oo ku yidhi muxuu kuu sheegay? Isagiina sadexdiiba wuu usii sheegay, wuxuuna faray in la dilo, oo madaxiisa laga soo tuuro qasrigii, waana la dilay oo madaxiisii ayey soo tuureen kadibna jidhkiisii sidoo kalena odaygii Haani ibnu Curwa isagana waa la dilay iyo dad kale oo Cubaydilaahi ka shakisaana.

Soo bixidii Xuseen ibnu Cali (Rc)

Markii Xuseen ay utimid waraaqo badan oo tibaaxaya in bayco ay lagaleen reer Kuufa ayuu go’aansaday inuu soo baxo isaga iyo qaar kamida qoyskiisii. Xuseen ilaahay raali haka ahaadee bixitaankiisa waa lagala taliyey oo saxaabdii xilligaas noolayd waxay kula taliyeen inaanu aadin magaalada Kuufa oo ahayd meeshii khiyaamaysay aabihii iyo walaalkiiba.

Saxaabadaas la talisay waxa kamid ahaa adeerkii Cabdilaahi Ibnu Cabbaas, walaalkii Muxamed ibnu Alxanafiyah, Abusaciid Alkhudriyy, Cabdilaahi ibnu Cumar iyo qaar kale oo dhamaantoodba ka waaniyey inaanu aadib Kuufa ee haduu rabo inuu baxo inuu aado meel kale sida Yemen.

Hase ahaatee Xuseen ilaahay raali haka ahaadee waxa utimid kumanaan waraaqo lasoo saxeexay oo leh waanu ku difaacaynaa illamaa aan ka dhimanayno, arrintaas ayaa ku kalliftay inuu usoo baxo dhanka Kuufa, sidoo kalena inaadeerkii Muslim ibnu Cuqayl ayaa soo diray waraaqo uu ku sheegay in reer Kuufa ay badankoodii la galeen heshiis Xuseen ibnu Cali.

Xuseen iyo qoyskiisii way baxeen waxaana kahor yimid Farazdaq oo u sheegay in reer Kuufa qalbiyadoodu taageersanyhiin isaga balse ay seeftoodu la socota reer bani Ummaya.

Markuu Xuseen usoo dhowaaday Kuufa ayuu ogaaday in reer Kuufa hoojiyeen Muslim ibnu Caqiil oo ayna difaaci waayeen kadibna la dilay, markaas ayaa ubadkii Muslim ibnu Caqiil dhalay dhaheen: Ilaahbaan ku dhaaranayey tagi mayno illamaa aan usoo aargudno aabahayo!

Xuseen wuxuu yimid meesha la dhaho Karbalaa wuxuuna waydiiyey dadkii halkan maxaa la dhahaa? waxay dhaheen: Karbalaa, wuxuu yidhi: Ilaahow waxaan kaa magan galay kurbasho iyo balaayo.!!

Cubaydillaahi ibnu Ziyaad wuxuu soo diray ciidan uu hogaaminayo Cumar ibnu Sacad, waxayna yimaadeen Karbala, markaasuu Xuseen dhahay: Sadex midkood ii dooro, ta koowaad inaad ii ogolaataan inaan ku noqdo meeshii aan ka imid, laba inaan anigu u tago Yaziid ibnu Mucaawiya oo jooga Dimishiq, iyo inaad ciidankayagaba aanu aadno faranta hore ee ciidamada Muslimiinta.

Sadexdii doorasho ayaa loo sheegay Cubaydilaahi ibnu Ziyaad wanau ogolaaday balse habaarqabe la dhaho Shamir ibnu dii Yazin oo macangag ahaa (ruux qalbi adag) ayaa faray Cubaydillaahi inaanu ogolaan doorashooyinkaas, oo Xuseen kusoo dhaco xukunkiisa oo uu siduu doono u xukumo, isagiina wuu qaataya taladii shaydaanimada ahayd, waanu diiday doorashooyinkii Xuseen ibnu Cali.

Maalintii Caashuuraa

Malaintii caashuuraa ee tobankii Muxarram sanadkii 61 aad ee hijrada ayey bilaabmatay dagaalkii u dhexeeyey ciidamadii tirada yaraa ee taabasanaa Xuseen ibnu Cali una badnaa qoyskiisa iyo ciidamadii Cumar ibnu Sacad. Xuseen habeen ayuu ciidankiisa diyaariyey, wuxuuna baryey Ilaahay waanu qubaystay kadibna waabarigii ayuu u khudbadeeyey ciidankii Cumar ibnu Sacad isagoo xasuusinaya sharaftiisa iyo qiimaha uu muslimiinta ku dhex leeyahay, balse shaydaankii ayaa nimankii reer Kuufa daboolay quluubtooda oo way qaadan waayeen khudbadii Xuseen.

Sodon nin oo kamid ahaa ciidamadii reer Kuufa ayaa ayagu markii lood diiday Xuseen sadexdii doorashooyin, ayey kasoo digo rogteen reer Kuufa kuna soo biireen ciidankii Xuseen ibnu Cali.

Waxaana bilowday dagaalkii ayadoo ciidanka Xuseen ayahay 72 qof halka reer Kuufana ay ka ahaayeen sadex kun oo nin, oo ay hogaaminayaan raggii Xuseen baycada la galay ee reer Kuufa. Dabcan ciidankii Xuseen waa laga tiro badnaa, waana la dilay dhamaantood xitaa caruurtii yaryarayd ee Xuseen dhalay Ilaahay raal haka ahaadee.

Dilkii Xuseen

Markii ay dileen dhamaan ciidankii waxa soo hadhay Xuseen ibnu Cali oo ahaa wiilkii ay dhashay inantii Rasuulka ee Faadima bintu Muxamed (scw), wayna ku dhiiran waayeen inay isaga dilaan hase ahaatee habaarqabihii Shamir ibnu Dii Yazin ayaa dhahay: Ninka dila! Markaasuu Zurca ibnu Shariik seef kaga dhuftay Xuseen garbka, kadibna habaarqabe Sanaan ibnu Anas ayaa waran  ka taagay Xuseen waanu dhacay Xuseen kolkaasu madaxa ka gooyey, waxa kale oo la yidhi odaygii habaarka qabay ee Shamir ibnu dii Yazin ayaa madaxa ka gooye saxaabigii Rasuulkii Ilaahay ee madaxda u ahaa dhalinta Jannada.

Xuseen maalintaas waxa lala dilay 72 of oo ay ku jiraan 17 ehelka baytka nabiga ahaa, waxayna kala ahaayeen:

  • Caruurtii Cali ibnu Abudaalib: Xuseen ibnu Cali, Jacfar ibnu Cali, Cabbaas ibnu Cali, Muxamed ibnu Cali, Muxamed ibnu Cali, Cusmaan ibnu Cali, Abubakar ibnu Cali
  • Caruurtii Xuseen ibnu Cali: Cali al-akbar iyo Cabdilaahi ibnu Xuseen.
  • Caruurtii Xasan ibnu Cali: Cabdilaahi, Qaasim, iyo Abubakar.
  • Caruurtii Cabdilaahi ibnu Jacfar ibnu Abudaalib: Cawn iyo Muxamed
  • Caruurtii Caqiil ibnu Abudaalib: Jacfar, Cabdilahi, Cabdiraxmaan iyo Muslim.
  • Caruurtii Muslim ibnu Caqiil: Cabdilaahi, iyo Muxamed ibnu Saciid ibnu Caqiil.

Halka nimankii reer Kuufana waxa ka dhintay 88 nin, waxaana lagu aasay maydkii Karbala, lamana garanayo sida xaqiiqda ah xabaashii Xuseen ibnu Cali.

Madaxii Xuseen waxa qaatay nin la dhaho Khawla, wuxuuna doonayey inuu hadyad kaga qaato badhasaabka Cubaydilaahi ibnu Ziyaad, wuxuna la tagay gurigiisa, hase ahaatee xaaskiisii oo jeclayd ehelka baytka nabiga ayaa ka dayrisay ficilkiisa, waxayna tidhi: waxa guriga iftiimiyey nuurka afka madaxii Xuseen ibnu Cali Ilaahay raali haka ahaadee.

Subaxii ayaa madaxii loo geeyey Cubaydilaahi ibnu Ziyaad wuxuuna afka ka taagay qori isagoo ku mudaya, markaa goobta waxa joogay Anas ibnu Maalik ilaahay raali haka ahaadee oo aan awood u lahayn inuu difaaco Xuseen wuxuuna ku yidhi ninkii Cubaydilaahi: “Meesha aad qoriga ka taagayso waxaan arkay Rasuulkii Ilaahay oo dhunkanaya oo qoslaya”

Yaa ka danbeeyey dilkii Xuseen ibnu Cali (RC)?

Muslimiinta ehlu alsunnah waxay rumaysanyihiin dadkii ka danbeeyey dilkii Xuseen waa kuwii dagaalka ka qaybgalay, kuwii soo qorsheeyey, kuwii faray in la dilo iyo kuwii intay u yeedheen oo u ballan qaadeen inay difaacayaan khiyaameeyey ee garabkiisa ka baxay oo ah reer Kuufa. Ragga madaxda ah ee ka danbaysana waa Cubaydillaahi ibnu Ziyaad, Shamir ibnu dii Yazin, Sanaan ibnu Anas, Cumar ibnu Sacad, Zurcah ibnu Shariik iyo qaar kale oo kamid ahaa reer Kuufa.

Sidoo kale Shiicadu waxay qabaan in dadkii dilay Xuseen ay ahaayeen shiicadii reer Kuufa ee hoojiyey ehelkii baytka, haddaba iminka maxaa keenay in shiicadii ayagu asal ahaan ka danbeeyey dilkii Xuseen hadii cid loo tiirinaayo inay calamo samaystaan oo ay ku qoraan Xuseen ayaan usoo aargudaynaa, oo loogasoo aargudayaa Sunniyiinta!! Bal aynu fiirino waxa ugu qoran Shiicada kutubtoda.

  • Xuseen wuxuu dhahay: “Ilaahow nakala xukun annaga iyo qoom intay noo yeedheen si ay noogu gargaaraan hadana na dilay” [Waxay kusoo aroortay kitaabka Muntahaa Al-amaal/1535]
  • Taariikhyahnka Shiicada ee la dhaho Xuseen Axmed Albarraaqi wuxuu yidhi: Qazwiini wuxuu dhahay: “Waxyaalaha aan ugu cadhaysanahay reer Kuufa waa inay waran ka taageen Xasan ibnu Cali, ayna dileen Xuseen calayhi salaam, kadib markii ay u yeedheen” [Waxay kusoo aroortay kitaabka Taariikhda Kuufa bogga 113]
  • Culumada Shiicadu waxa kasoo wariyeen Cali ibnu Xuseen (Zaynil caabidiin), inuu dhahay isagoo canaanaya shiicadii aabihii khiyaameeye, kadibna dilay: “Dadyahow Ilaahbaan idinku dhaaryee ma ogtihidin inaad aabahay usoo qorteen kadibna aad khiyaamayseen, aadna siiseen ballamo iyo axdiyo iyo baycadaba dabadeedna aad disheen oo aad hoojiseen, ee hoogbaa u sugnaaday wixii aad u hormarsateen naftiina iyo xumaanta aragtidiina, bal il noocee ah ayaad ku eegaysaan Rasuulka Ilaahay (scw) markuu idinku dhaho: “Waxaad disheen qoyskaygii, waxaydaan ku xadgudubteen xurmadaydii, kamana mid tihidin umadayda” [Waxa lagu sheegay arrintaasna kitaabka Dabrasi ee Al-ixtijaaj, (2/32) iyo kitaabka Ibnu Daawuus ee Malhuufka bogga 92 aad]
  • Waxa kale oo uu dhahay Cali ibnu Xuseen markuu arkay ayagii oo barooranaya: “Waad barooranaysaan, oo u ooyeysaan annaga daraadayo, oo yaa na dilay annaga?” [Kitaabka Malhufka bogga 86]
  • Ciidankii uu hogaaminayey Mukhtaar ibnu Cubaydillaahi Althaqafi oo ahaa beenaale Mukhtaar oo sheegtay nabinimo sida Ibnu Kathiir ku sheegay kitaabkiisa Albidaayah walnihaayah, waxay la baxeen ciidankii toobadkeenka (Jayshu al tawaabiin), bal is waydii maxay ka toobad keenayeen? Waxay ahaayeen Shiicadii reer Kuufa ee ka danbeeyey dilkii Xuseen oo ka toobad keenayey dilkii Xuseen siday hadlka ayagu udhigeen.

Cidhibdanbeedkii kuwii dilay Xuseen ibnu Cali RC

  1. Khawle wuxuu ahaa ninkii qaaday madaxii Xuseen ibnu Cali ee la tagay gurigiisa, waxa isaga u yimid ciidankii Mukhtaar beenaale oo isu xil saaray inuu ka aargoosto dadkii ka danbeeyey dilkii Xuseen Ilaahay raali haka ahaadee. Dabadeena gurigiisa ayaa loogu yimid, markaasay xaaskiisii oo u cadhaysnayd ay tustay ciidankii waana la qabtay oo la dilay oo maydkiisiina way gubeen wal ciyaadu billaah, wuxuuna dhintay isagooo aan cid ibnu aadam ah ka naxaynin.
  2. Sanaan ibnu Anas oo qoorta ka gooyey Xuseen isagana waxa qabtay ciidankii Abacmar wayna qabteen oo gawraceen siduu u gawracay Xuseen ibnu Cali.
  3. Cumar ibnu Sacad isagana waxa qabtay ciidankii Mukhtaar waana la dilay.
  4. Shamir ibnu dii Yazizn odaygii macangaga ahaa isagana waa la qabtay oo waxa loo dilay sida ugu xun.
  5. Cubaydillaahi ibnu Ziyaad oo ahaa madaxii ka danbeeyey dilkii Xuseen isagana waxa la qabtay maalintii Caashuuraa ee sanadkii 67 aad ee hijriyada, waxa qabtay ibnu Al-ashtar waanu gawracay wuxuuna madixiisii u diray Mukhtaarkii beenalaha ahaa, isaguna madixiisii iyo madaxyadii dadkii uu leeyay ayuu saaray meel, kadibna madaxii Cubadydillahi ibnu Ziyaad waxa kasoo baxay mas marna galaya afkiisa, kana soo baxaya sankiisa, maadaama uu madaxii Xuseen afka uu ka taagay qor, waxa loogu badalay in mas isagana kasoo baxo sankiisa iyo afkiisaba.

Gabogabo:

Sidaas ayaa Ilaahay uga aargoostay dadkii ka danbeeyey dilkii saxaabigii Rasuulka ee ahaan wiilkii uu nabigu awowga u ahaa. Waxa jirta riwaayado sheegaysa in dumarkii Xuseen iyo walaashii si xun loola dhaqmay, hase ahaatee riwaayadahaasi waa daciif, manaysan ansixin.

Dhanka kale Yaziid ibnu Mucaawiya oo ahaa khaliifkii xilligaas waxa lasoo arooriyey inuu dhahay: Ilaahay ha lacnado ibnu Murjaana oo ahaa Cubaydillaahi ibnu Ziyaad, ilaahbaan ku dhaartee anigu hadaan ahaan lahaa waan cafiyi lahaa, ilaahayna ha u naxariisto Xuseen. Wxuuna Yaziid sii dhoweeyey Cali ibnu Xuseen iyo ehelkiisii waanu karaameeyey, waxayna aadeen magaalada Madiina.

Sidee u qaabilnaa musiibo markay timaado?

Maalinta Caashuuraa waxa Shiicadu u xafladaystaan dilkii Xuseen, waxaana goobtaas ka baroorta dumarka ayagoo jeexjeexaya maryahooda, garaacayana dhabandooda iyo laabahooda, sidoo kalena waxay isla dhacaan seefo ay ku dhaawacayaan jidhkooda oo dhiig badan ay ka keenaan jidhkooda.

Markaa waxa is waydiin leh maxaa musiibadaas Muslimiinta dhamaantood asiibtay looga dhigayaa xaflada? Ayadoo Xuseen dad ka fadli badan ay geeriyoodeen ama la dilayba sida walaalkii Xasan ibnu Cali, Aabihii Cali ibnu Abudaalib, awoowgii Xamze ibnu Cabdialmudallib, sidoo kalena waxa la dilay nabiyo sida nabi Yaxye, iyo nabi Zakariye ilaahay nabadgalyo korkooda hayeelee.

Baroorta iyo in jidhka la garaaco waa ku xaaraan diinta Islaamka,

wuxuu nabigu dhahay (scw): “Nagama mid aha ka garaaca dhabanadiisa, jeexjeexana maryaha, kuna yeedha yaboohii jaahilyada” [Bukhaar 1232 ]

Hadiii musiibo timaado waxaynu la imanaynaa wixii Ilaahay ina faray oo ah inaynu ndhaahno inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun.

 وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ ﴿١٥٥ الَّذِينَ إِذَا أَصَابَتْهُم مُّصِيبَةٌ قَالُوا إِنَّا لِلَّـهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ ﴿١٥٦أُولَـٰئِكَ عَلَيْهِمْ صَلَوَاتٌ مِّن رَّبِّهِمْ وَرَحْمَةٌ ۖ وَأُولَـٰئِكَ هُمُ الْمُهْتَدُونَ﴿١٥٧

“Ee u Bishaaree kuwa Samra. (155)kuwaas markuu dhib ku dhaco yidhaahda Ilaahbaa na leh isagaana u noqonaynaa. (156) kuwaas waxaa korkooda ahaan Deeq Ilaah iyo Naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan. (157)” [Suuratu Albaqarah: 155-157]


Waxa soo diyaariyey, qoreyna soona jeedinaya waa: Sh Abdulaziz Mohamed Oogle