Xuquuqda Ninka iyo Gabadha isqaba isku leeyihiin:

Erey bixin:

Si aad u fahanto maqaalkan waa inaad fahamtaa ereyada qaar macnahoda ama ujeedada. waxaana ereyadaas kamid ah:

Ereyga  Macnihiisa ama ujeedadiisa
Heshiis Guur Waxa looga jeedaa in guur dhacay, oo gabadhii waligeedii siiyey ninkii soo doonay.
Gogosha/Furaashka Waxa looga jeedaa xidhiidhka galmo ee ka dhexeeya nin iyo xaaskiisa is qaba.
Maherka Waa xoolaha ama hantida ku waajibta ninka markuu la aqal galo xaaskiisa, taasoo bixinteeda la qadimi karo ama dib loo dhigi karo.
Xuquuqda aan lacagta ahayn Waa xuquuqda gabadhu ku yeelato ninkeeda ee aan ahayn xoolo ama lacag sida la dhaqanka wanaagsan iyo cadaalada
Bukhaari iyo Muslim Waxa looga jeedaa xadiiskan waxa soo saaray labada sheekh ee Bukhaari iyo Muslim oo labadooduba xadiisyada ay soo saaraan la isku waafaqay saxiixnimadooda

 

Diinta Islaamku waxay ku waajibisay ninka xuquuq ay ku leedahay gabadhu iyo xuquuq ninku ku leeyahay haweenayda, sidoo kale waxa jira xuquuq labadooduba ay wadaagaan.

Xuquuqda Gabadhu ku leedahay Ninka:

Gabadhu xuquuqda ay ku leedahay ninku waxay u qaybsamtaa laba nooc, xuquuq maaliyadeed iyo xuquuqda aan lacagta ahayn:

Xuquuqda Maaliyadeed:

Maherka:

Maherku waa xoolaha gabadhu ku yeelanayso ninka marka uu la aqal galo ama uu gogol la wadaago, waana xuquuq waajiba oo gabadhu ninka ku yeelanayso, wuxuu Ilaahay dhahay:

{ وآتوا النساء صدقاتهن نحلة }

(Hala siiyo Dumarka maherkooda oo faral ah) [Suuratu Nisaa:4]

Sababta loo sharciyeeyey Maherkuna waa in la dareensiiyo ninka in hashiiska guur ee uu galayo inuu yahay heshiis wayn oo qiimo ku fadhiya, sidoo kalena in la tusiyo karaamada iyo sharafta ay leedahay haweenayda uu guursanayo.

Maherkuna maaha shardi kamid ahshuruudaha heshiiska guurka sida ay u badanyihiin Culumada Fuqahada, balse waa arrin ka dhalanaysa heshiis guur  kadib. Hadii heshiis guur dhaco ayadoon la sheegin maherka gabadha, wuu ansaxayaa guurkaasi sida culumadu isku waafaqeen, waxayna u daliishadaan aayadan:

لَّا جُنَاحَ عَلَيْكُمْ إِن طَلَّقْتُمُ النِّسَاءَ مَا لَمْ تَمَسُّوهُنَّ أَوْ تَفْرِضُوا لَهُنَّ فَرِيضَةً ۚ 

(Dhib korkiina ma saarna hadaad furtaan Dumarka idinkoon taabanin (gogol) ama aydaan u qadarin maherkiidii) [Suuratu Albaqarah: 236]

Ilaahay (swt) wuxuu aayadan kaga warramayaa gabadha la guursado balse aan lala aqal galin hadana la furo ayadoon loo magacaabin maherkeedii. Sidaas awgeed hadiiba ay suurtagal tahay in gabadha la furo ayadoon la magacaabin maherkeedii oo aan lala aqal galin, waxa laga qaadanayaa in maherku aanu ahayn shardi kamid ah heshiiska guurka ee uu yahay arrin waajibaysa marka lala aqal galo gabadha.

Hadii la sheego qiimaha maherka kahor intaanu heshiis guur dhicin waxa ninka ku waajibaya wixii la magacaabay, hadii aan la magacaabina waxa ku waajibaya maher lamid ah gabdhaha dhigeeda ah qiimaha lagu guursado, hadii ay bikro tahay waxa la eegayaa qiimaha lagu guursado hablaha bikrooyinka ah ee dhigeeda ah, hadii ay tahay garoob ama carmalna waxa la fiirinaya qiimaha lagu guursado dumarka carmalka ah ee dhigeeda ah.

Biilka:

Xuquuqda waajibka ah ee gabadhu leedahay waxa kamid ah biilka, waxayna culumada Islaamku isku waafaqeen in biilku waajib ku yahay ninka, hadii gabadhu ninka ay u ogolaato nafteeda (gogosha), marka laga reebo cudurdaarada rasmiga ah isda xaydka, nifaaska, dhalmada ama xanuunka.

Hadii gabadhu diido ninka inay u dhiibto nafteeda ayadoon haysanin cudurdaar markaas kuma yeelanayso wax biil ah sidoo kale hadii ay madax adkaato kuma yeelanayso wax biil ah. [Madax adkaanta waxa looga jeeda waa Nushuuzka, waana marka ay gabadhu ku xadgudubto xuquuqda ninkeedu ku leeyahay ayada]

Xikmada loo waajibiyey biilkuna waxay tahay: Gabadhu waxay guriga u joogtaa ninka, waana laga mamnuucay inay dibada iskaga baxdo ayadoon ogolaansho ka haysanin ninkeeda, sidaas awgeed waa in la siiyaa biilkeeda oo ku filan, taas badalkeedana waa in gabadhu u ogolaataa ninka nafteeda.

biilka waxa soo gudo galaya in gabadha la siiyo cuntadii ay u baahnayd, iyo gurigii ay dagaysay, waana ku waajib ninka inuu bixiyo biilka xitaa hadii gabadhu tahay taajirad ama maalqabeen. Waxaana u daliila:

لِيُنفِقْ ذُو سَعَةٍ مِّن سَعَتِهِ ۖ وَمَن قُدِرَ عَلَيْهِ رِزْقُهُ فَلْيُنفِقْ مِمَّا آتَاهُ اللَّـهُ ۚ

(Ha bixiyo (biilka) ka loo waasiciyey wixii loo waasiciyey (awoodiisa), kan lagu cidhiidhiyey irzaaqadan haka bixiyo wixii Alle siiyey ee uu awoodo) [Suuratu Dalaaq: 7]

Sidoo kale waxa u daliil xadiiska nabiga (scw):

عن عائشة قالت : دخلت هند بنت عتبة امرأة أبي سفيان على رسول الله صلى الله عليه وسلم فقالت : يا رسول الله إن أبا سفيان رجل شحيح لا يعطيني من النفقة ما يكفيني ويكفي بنيَّ إلا ما أخذت من ماله بغير علمه فهل علي في ذلك من جناح ؟ فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : خذي من ماله بالمعروف ما يكفيك ويكفي بنيك . رواه البخاري ( 5049 ) ومسلم ( 1714 ) .

Caasha waxay tidhi: Hinda bintu Cutba oo ahayd xaaskii Abusufyaan ayaa usoo gashay Rasuulkii Ilaahay (scw) waxayna tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow: Abusufyaan waa nin gacan adag, imana siiyo biil igu filan aniga iyo ubadkaygaba marka laga reebo wax aan ka qaato xoolihiisa isagoo aan ogayn, ee arrintaas ma dhib ayaa ku jira? wuxuu dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw): “Ka qaado xoolihiisa wax fiican oo kugu filan adiga iyo ubadkaaga” [Bukhaari (5049) iyo Muslim (1714)]

Guriga:

Gabadhu in la dajiyo guri ay u madax banaantahay waa mid kamid ah xuquuqda gabadhu ku leedahay ninka, waana in ninku u diyaariyaa guri ku filan oo ah wixii ninku awoodo ama uu kari karo, wuxuuna Ilaahay dhahay:

 ( أسكنوهنَّ من حيث سكنتم مِن وُجدكم ) الطلاق/6.

(Dajiya haweenka meesha aad dagantihidiin ee aad heli kartaan.) [Suuratu Dalaaq:6]

Xuquuqda aan lacagta ahayn:

In loo cadaalad sameeyo xaasaska:

Xuquuqda gabadhu leedahay waxa kamid ah in ninku kula dhaqmo cadaalad ayada iyo dumarka kale ee uu qabo. Meelaha looga cadaalad samaynaya waa xaga biilka, hoyga iyo arrad beelka.

Fiiro Gaar:

Mararka qaarkood waxa dhici karta in ninku qabo laba xaas oo mid kamid ah leedahay caruur badan halka gabadha kalena aanay lahayn caruur, markaa isku mid ma noqonayaan biilka labada reer, sababtoo ah ninka waxa kale oo ku waajiba inuu bixiyo biilka caruurtiisa.

Sidoo kale mararka qaar Ninka xaasakiisa mid kamid ayaa xanuusan karta markaana waa in gabadha kale ay fahamtaa xaalada iyo duruufta odaygeeda, waxayna arrintu kusoo biyo shubanaysaa in si wanaagsan oo macruufa loo wada noolaado ayadoo la isu naxariisanayo.

Wanaag in lagula dhaqmo Haweenayda:

Ninka waxa ku waajiba inuu xaaskiisa si wanaagsan ula dhaqmo, isagoo hagaajinaya akhlaaqdiisa, iyo inuu siiyo wixii uu awoodi karo oo uu ku farxad galinayo, siduu Ilaahayba u dardaarmay Ragga:

( وعاشروهن بالمعروف ) النساء/19 ،

(Kula noolaada gabadha sifiican) [Suuratu Nisaa:19]

عن أبي هريرة قال : قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم – : استوصوا بالنساء خيرا

Abuhurayra wuxuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay wuxuu yidhi: “Dumarka wanaag inaad kula dhaqantaan ayaan idiin dardaarmayaa” [Bukhaari: 3153  iyo Muslim: 1468 )

Nabiguna (scw) wuxuu dumarkiisii kula dhaqmi jiray wanaag iyo akhlaaq fiican, wuxuu ahaa mid caawiya dumarka markuu gurigiisa tago, wuxuu toli jiray maradiisa iyo kabihiisa.

عن عائشة قالت كنت أغتسل أنا والنبي صلى الله عليه وسلم من إناء واحد

Caasha waxay tidhi: waxaan ahaa aniga iyo nabigu (scw) kuwa ku qubaysta hal weel oo kaliya.

Sidoo kale nabigu (scw) wuxuu ahaa mid u dulqaata haweenkiisa:

عن عروة بن الزبير قال : قالت عائشة : والله لقد رأيت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقوم على باب حجرتي والحبشة يلعبون بحرابهم في مسجد رسول الله صلى الله عليه وسلم يسترني بردائه لكي أنظر إلى لعبهم ثم يقوم من أجلي حتى أكون أنا التي أنصرف ، . رواه البخاري ( 443 ) ومسلم ( 892 ) .

(Curwa ibnu Zubayr wuxuu yidhi: Caasha waxay tidhi: “Ilaahbaan ku dhaartee waxaan arkay Rasuulkii Ilaahay (scw) isagoo taagan albaabka gurigayga, ayadoo Xabashidu ay ku cayaarayaan warmahooda Masaajidka Rasuulka dhexdiisa, wuxuuna igu asturayey go’iisii, si aan u fiiriyo cayaartooda, wuxuuna isu taagayey aniga dartay illamaa aan anigu dhamaysto.) [Bukhaari iyo Muslim]

Sidoo kale nabigu wuu u sheekayn jiray xaasaskiisa:

عن عائشة أم المؤمنين رضي الله عنها أن رسول الله صلى الله عليه وسلم كان يصلي جالسا فيقرأ وهو جالس فإذا بقي من قراءته نحو من ثلاثين أو أربعين آية قام فقرأها وهو قائم ثم يركع ثم سجد يفعل في الركعة الثانية مثل ذلك فإذا قضى صلاته نظر فإن كنت يقظى تحدث معي وإن كنت نائمة اضطجع . رواه البخاري ( 1068 ) .

Caasha oo ah hooyadii Mu’miniinta Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) ku tukanayey fadhiga, wuuna akhrinayey Qiraa’ada Quraanka isagoo fadhiya, marka akhrintiisa ay uga hadhsantahay sodon ama afartan aayadood ayuu istaagi jiray, waanu akhrin jiray isagoo taagan, markaasuu rukuuci jiray hadan wuu sujuudi jiray, wuxuuna samayn jiray Rakcada labaad sidaas oo kale, markuu dhamaysto salaadiisa ayuu isoo eegi jiray, hadii aan soo jeedo wuu ila sheekaysan jiray, hadii aan hurdana wuu jiifsan jiray. [Bukhaari: 1068]

In aan dhib loo gaysanin haweenayda:

Asalka sharciga Islaamku waa inaanay jirin dhib loo gaysto naftaada iyo dadka kaleba, sidaas awgeed in gabadhii la dhibo waa shay aan banaanayn. Dhibka waxa kamid noqon kara: Biilka oo loo diido isagoo ninku uu hayo lacagtii, xadgudub afka ah ama gacanta ah oo lagula kaco, gabadhii oo loola dhaqmo sida xayawaanada iwm.

عن عبادة بن الصامت أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قضى ” أن لا ضرر ولا ضرار ” رواه ابن ماجه ( 2340 ) . والحديث : صححه الإمام أحمد والحاكم وابن الصلاح وغيرهم .

Cubaada ibnu Saamit wuxuu ka wariyey Rasuulka (scw) inuu go’aamiyey: “Dhib majiro, is dhibna majiro”

Sidoo kale marka ninku edbinayo xaaskiisa maaha inuu u gaysto dhib af iyo adin ah, sidaas awgeed ayaa nabiga lagasoo wariyaa:

عن جابر بن عبد الله قال : قال صلى الله عليه وسلم في حجة الوداع : ” فاتقوا الله في النساء فإنكم أخذتموهن بأمان الله واستحللتم فروجهن بكلمة الله ولكم عليهن أن لا يوطئن فرشكم أحدا تكرهونه فإن فعلن ذلك فاضربوهن ضربا غير مبرح ولهن عليكم رزقهن وكسوتهن بالمعروف ” . . رواه مسلم ( 1218 ) .

Jaabir ibnu Cabdilaahi wuxuu dhahay: Xajkii sagootinta Rasuulku wuxuu dhahay : ” Ilaahay uga cabsada Dumarka, maxaa yeelay waxaad ku qaadateen amaanada Ilaahay, waxaadna ku xalaashateen furuujtooda ereyga Ilaahay, idinkuna ayaga waxaad ku leedihiin inaanay gurigiina keenin cid aad necebtihidiin, hadii ay sidaa yeelaan edbiya, idinkoo aan dhib u gaysanayn, idinkana waxay korkiina ku leeyihiin inaad quudisaan, arad tirtaan (aradbeelku waa dharka in la siiyo) si wanaagsan”  [Muslim:1218]

Xuquuqda Ninku ku leeyahay Gabadha:

Xuquuqda ninku ku leeyahay xaaskiisu waa xuquuq aad u sareysa, waliba ninka ayaaba faro dheer (ka xuquuq badan), siduu Ilaahay dhahay:

( ولهن مثل الذي عليهن بالمعروف وللرجال عليهن درجة ) البقرة/228.

(Haweenkuna waxay leeyihiin wax lamid ah waxa korkooda (oo xuquuqa), Raggaana darajo dheer) [Suuratu Al-baqarah:228]

Aayadan waxay tilmaantay in lamaanaha is qabaa isku leeyihiin xuquuq labadooduba, balse ninku uu leeyahay xuquuq u gaar ah oo aanay gabadhu la wadaagin, sidoo kale haweenayduna ay leedahay xuquuq aanu ninku la wadaagin. Wuxuuna dhahay ibnu Carabi: Daliilkani wuxuu tilmaamayaa in ninka xuquuqdiisu ka wayntahay xuquuqdeeda. Xuquuqda ninka waxa kamid ah:

Waajibnimada in la adeeco:

Ilaahay wuxuu ka dhigay ninka mid hogaaminaya haweenayda oo daryeelayana, sida madaxdu u daryeesho cida ay masuulka ka yihiin, sababtuna waa waxyaalaha Ilaahay ninka ku gaaryeelay ee awood jidheed iyo mid maskaxeedba, iyo dhaqaalaha lagu waajibiyey ninka darteed, wuxuu Ilaahay dhahay:

( الرجال قوامون على النساء بما فضل الله بعضهم على بعض وبما أنفقوا من أموالهم ) النساء/34 .

(Raggu ayagaa u taagan maamulka Dumarka, wixii Ilaahay ku kala fadilay badhkoodba badhka kale darteed iyo wixii ay bixiyeen oo xoolahooda ah) [Suuratu Nisaa:34]

In gabadhu u ogolaato nafteeda (Xidhiidhka Gogosha):

Xaqa ninku ku leeyahay gabadha waxa kamid ah in haweenaydu u ogolaato nafteeda oo looga jeedo xidhiidhka gogosha hadii aanay jirin wax cudur daar ah. Hadii ninku guursado gabadh ay suurtagal tahay in lala wadaago furaash waxa ku waajibaysa gabadha inay isu dhiibto ninka maadaama heshiis guur oo xalaal ah dhacay.

Hadii gabadhu diido inay ninka isu dhiibto waxay ku dhacday danbi wayn, kaliya waxa laga soo reebaya dumarka cudurdaarka rasmga ah haysta, sida gabadha ku jirta xilligii xaydka ama nifaaska, ama gabadha oo sooman bisha Ramadaan ama haweenaydii oo xanuusanayso iwm.

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ” إذا دعا الرجل امرأته إلى فراشه فأبت فبات غضبان عليها لعنتها الملائكة حتى تصبح ” رواه البخاري ( 3065 ) ومسلم ( 1436 ) .

Abuhurayra waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Haduu ninku xaaskiisa ugu yeedho furaashka oo ay diido, kadibna ninku seexdo isagoo cadhaysan, waxa lacnadaysa Malaa’kta inta ay ka waabariisanayso” [Bukhaari: 3065 iyo Muslim: 1436]

in gabadhu aanay u ogolaan in cid ninku necebyahay ay soo galaan gurigiisa:

Xuquuqda ninka waxa kale oo kamid ah in haweenaydu aanay soo galinin guriga cid ninkeedu necebyahay ama uu karaahiyeysanayo.

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ” لا يحل للمرأة أن تصوم وزوجها شاهد إلا بإذنه ، ولا تأذن في بيته إلا بإذنه ، ….” . رواه البخاري ( 4899 ) ومسلم ( 1026 ) .

Abuhurayra waxa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay (scw) dhahay: “Uma banaana gabadha inay soomto ayadoo ninkeedu joogo ayadoo ka idan dalbata mooyee (waa soomka sunnaha ah), iyo inaanay cidna soo galinin guriga illamaa ninku ogolyahay mooyee” [Bukhaari: 4899 iyo Muslim: 1026]

In gabadhu aanay guriga ka bixin ayadoo ninka ka idan dalbata mooyee:

Gabadhu marka ay baxayso waa inay ninkeeda ka dalbataa ogolaanshaha inay bixi karto, xitaa hadii ay soo booqanayso waalidkeeda, waxa Imaamu Shaafici iyo Xanaabiladuba ay qabaan: In gabadhu aanay booqan karin aabaheeda xanuusanay illamaa ya ka idan dalbato nikeeda, waxaanu awoodaa inuu diidi karo.., sababtoo ah in ninka la adeeco waa waajib, mana banaana in shay waajib ah looga tago arrin kale oo aan waajib ahayn.

Edbinta Xaaskiisa:

Ninku wuxuu xaq u leeyahay inuu edbiyo xaaskiisa marka ay macsi la timaado isagoo faraya wanaaga, maxaa yeelay Ilaahaybaa faray in haweenaydii la edbiyo marka ay adeeci waydo ninkeeda:

قوله تعالى : ( واللاتي تخافون نشوزهن فعظوهن واهجروهن في المضاجع واضربوهن فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا ) النساء/34 .

(Kuwaadse ka Cabsataan Caasinimadooda waaniya, kagana Fogaada Jiifka Edbiyana, hadii ay idin adeecaan iska ilaaliya inaad dulmidaan..) [Suuratu Nisaa:34]

Edbintu waxay noqon kartaa garaacid fudud, waxayna culumadu dhaheen haduu garaaid ku edbinayo xaaska waa inuu ku dhuftaa cadaygiisa iwm, wuxuuna nabigu sheegay inaan dhib loo gaysanaynin haweenayda ee kaliya waxa la rabaa in la tusiyo inay ku kacday fal foolxun oo macsi ah, hadiiba ay ku adeecaan ninka wanaagsa markaa waxa la iska ilaalinayaa in dulmi loo gaysto haweenaydii.

وقوله تعالى : ( يا أيها الذين آمنوا قوا أنفسكم وأهليكم ناراً وقودها الناس والحجارة ) التحريم/6 .

(Kuwa Ilaahay rumeeyow ka badbaadiya naftiina, ehelkiinaba naar lagu shidayo dadka iyo dhagxaanta] [Suuratu Taxriim:6]

Shaqada Ninkeeda:

Gabadhu waa inay u adeegtaa ninkeeda sida cunto karinta, dharka dhiqidiisa iyo waxyaalaha lamidka ah.

Wuxuu dhahay Ibnu Taymiyah: Haweenayda waxa ku waajiba inay u adeegto ninkeeda si lamid ah siduu ayadaba ugu adeegayo, wayna kala duwanaan kartaa adeegidu, oo adeega laga rabo gabadha reer baadiyaha ah lama mid ah adeega laga rabo gabadha reer magaalka ah, adeega laga rabo ta xooga wayn lama mid ah adeega laga rabo ta tamarta yar.

In gabadhu kula dhaqanto ninkeeda akhlaaq wanaagsan:

Sida ninkaba looga rabo inuu xaaska wanaag uu ugula dhaqmo ayaa haweenaydana laga doonayaa inay ninka macruuf iyo wanaag kula dhaqanto, wuxuuna Ilaahay dhahay:

( ولهن مثل الذي عليهن بالمعروف ) البقرة/228.

(Haweenkuna waxay leeyihiin wax lamid ah waxa korkooda ah (oo xuquuqa) oo wanaagsan [Suuratu Al-baqarah:228]


Waxa Diyaariyey: Sh Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho:

Islamqa: https://islamqa.info/ar/10680