Magaca Ilaahaybaan ku bilaabaynaa, waxaana Mahaddu u sugnaatay Allah (S.W.T), waxaan kale oon ku sallinaynaa Nabigeenii Muxamed (N.N.K.H) oo ahaa Raxmadii Caalamiinta. Walaalayaal waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka Asalaama calaykum wa raxmatullaahi wa barakaatuhu.

Walaalayaal dhamaanteen waan ka dhaeagsanahay samo falka waalidka iyo islaamka halkuu kaga yaalo, Ilaahay (S.W.T) wuxuu u dardaarmay dadka oo dhan inay u samo falaan labadooda waalid, wuxuuna arrintaa la barbardhigay cibaadadiisa si uu inoo tuso waynida iyo booska ay Islaamka ku leeyihiin. Wuxuuna ina faray Ilaahay inaan u baari noqono labadeena waalid iyo inaan u mahad celino, u samo falkaasina uu kamid yahay u mahad celinta Allah. Ilaahayna wuxuu yidhi:

(وَاعْبُدُوا اللَّهَ وَلا تُشْرِكُوا بِهِ شَيْئاً وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَاناً) [النساء:36]

Ilaahay caabuda hana u yeelin wax shariika ah iyo labada waalidna u samo fala] Ibnu Cabaas wuxuu yidhi: U samo falka waxa looga jeedaa in baari loo noqdo oo la wanaajiyo oo aan loogu jawaab celin hadal adag iyo inaan aad loogu fiirsan sidoo kalena aan codkaaga sare loogu qaadin, ee waa in loo noqda sida adoonku markuu hor joogo sayidkiisa isagoo u dullaysan.

Waxa kale oo uu Allah dhahay (S.W.T) isagoo ka warramaya qaabka loogu ixsaan falayo sidan:

وَقَضَىٰ رَبُّكَ أَلَّا تَعْبُدُوا إِلَّا إِيَّاهُ وَبِالْوَالِدَيْنِ إِحْسَانًا ۚ إِمَّا يَبْلُغَنَّ عِندَكَ الْكِبَرَ أَحَدُهُمَا أَوْ كِلَاهُمَا فَلَا تَقُل لَّهُمَا أُفٍّ وَلَا تَنْهَرْهُمَا وَقُل لَّهُمَا قَوْلًا كَرِيمًا ﴿٢٣ وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا ﴿٢٤

Wuxuu Faray Rabigaa inaydaan Caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo fashaan Labadii Waalid Samo falid, hadduu ku gaadho Agtaada wayni midkood ama Labaduba ha ku Dhihin uf, hana Canaanan kuna dheh hadal Fiican. (23) Una Raarici (Jilci) Garab Naxariiseed (u Naxariiso) dhehna Rabiyoow ugu Naxariiso siday ii Koriyeen anoo Yar. (24)

Walaalayaal bal fiiri sida Allah uu ula barbar dhiga cibaadadiisa iyo samafalka labada waalid isagoo inoo iclaaminaya qiimaha Ilaahay agtiisa ay ku leedahay in baari loo noqdo labada waalid. Rabigeen wuxuu dhahay: Markay labad waalid gaboobaan ee ay tamar yaraadaan u jilci garbkaaga macnaha u naxariisa oo u ducee sidii adigoo yar oo sabi dharabta jiifa ay kuusoo koruyeen. Bal walaal dib u xasuuso imisa jeer ayey labadaada waalid ay naftooda kaa hor mariyeen ayagoo dooni inay ku farxad galiyaan, waxayna kuu hureen naftooda, xoolahooda iyo waqtigoodaba.

Walaalayaal Cumar ibnu Khadaab ilaahay raali haka ahaadee ayaa ninbaa u yimid oo ku dhahay: Amiirkii Mu’miniintoow hooyaday waxaan u xanbaara musqusha si ay xaajadeeda u gudato ee xaqeedii ma guday, wuxuu dhahay Cumar: maya, sababtoo ah ayadu waxay ku geyn jirtay suuliga ayadoo ka rajo qabta inaad sii noolaato, halka adigu aad gaynayso suuliga adigoo rajaynaya inay kaa tagto.

Wiilkii Cumar ee Cabdilaahina isaguna wuxuu arkay nin dhabarka ku xanbaarsan hooyadii lana dawaafaya Kacbada kolkaasuu ku yidhi: Cabdilaahoow ma guday xaqii hooyaday? wuxuu yidhi: maya ee xitaa maad gudin naxdin yar oo ay kaa naxday mar aad qaylisay ama ayadoo qaydkeedii ka dabcay oo ay naxday xitaa maad gudin.

Nabiguna wuxuu dhahay: Qofna xaqa waalidkii ma gudo, ilaa uu soo iibsado adoon oo uu xoreeyo. Sidoo kale xaqaas sidaas ah hadan Allaah waa sii wayneeyey wuxuuna dhahay:

وَوَصَّيْنَا الْإِنسَانَ بِوَالِدَيْهِ حَمَلَتْهُ أُمُّهُ وَهْنًا عَلَىٰ وَهْنٍ وَفِصَالُهُ فِي عَامَيْنِ أَنِ اشْكُرْ لِي وَلِوَالِدَيْكَ إِلَيَّ الْمَصِيرُ ﴿١٤

waxaan u dardaaranay dadka labadiisii Waalid, way xanbaartay Hooyadiis iyadoo tabaryar tabar yari kalana ku sugan, Gudhidiisuna waa Labo sano ee ku mahadi ani iyo Labadaadii Waalid, xagaygaana loo ahaan. [Luqmaan(14)] 

Sidoo kalena waynu ka dhargsanahay xadiiskii Nabigeena Muxamed (N.N.K.H), waxa laga wariyey Abuhurayra: Ninbaa u yimid Nabiga wuxuuna yidhi: Dadkaa yaa iigu xaq mudan? wuxuu dhahay: Hooyadaa, wuxuu yidhi ninkii: yaa ku xiga? wuxuu dhahay: hooyadaa. wuxuu dhahay: markaasna yaa kusii xiga? wuxuu dhahay: hooyadaa, wuxuu dhahay: hooyadaa, wuxuu yidhi: markaasna yaa xiga? wuxuu dhahay: aabahaa. [Waxaa soo saaray Bukhaari iyo Muslim]

Qofkii ilaahay ku karaameeyo labadiisa waalid ama mid kamid ah oo nool waxa u furan albaab Jannada kamid ah sida Rasuulkeenu sheegay (N.N.K.H) wuxuu yidhi: Waalidku waa badhtanka albaabada Jannada.

Sidoo kalen ninbaa u yimid Rasuulkii Ilaahay wuxuuna ku dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow, waxaan rabaa inaan jihaado waxaanan kuugu imid inaan kula tashado, wuxuu dhahay: hooyo ma leedahay? wuxuu yidhi: haa, wuxuu dhahay Rasuulku: ayada la joog maxaa yeelay Jannadu waxay tahay lugaheedee.

Dadkeena qaar badan ayaa ka cawda in caruurtoodii ay caaq ku noqotay macanaha ubadkii ayaan u samo falayn labada waalid, waxaad ogaataan cid kasta oo waalidkii ku adag waxa isna ku adkaanaya labadiisa waalid sida Rasuulkeenu dhahay: U samo fala waalidkiin waxa idiin samo falaya ubadkiinee.

Tusaale ahaana waxaynu soo qaadanaynaa Nabi Ibaraahiim (N.N.K.H) wuxuu ahaa mid baari u ah aabihii walow uu gaal ahaa oo wuxuu u ballan qaaday inuu danbi dhaaf Ilaahay u warsanayo, kadib markuu u baari noqday aabihii waxa isna u baari ahaaday wiilkiisii nabi Ismaaciil oo markuu dhahay: wiilkaygoow waan ku biraynayaa, wuxuu yidhi Ismaaciil: Samee aabe waxa lagu faray, waxaad i helaysaa inaan ahaado kuwa samree.

Waxaana muhiima inaad ogaataan in cid kaaga naxariis badan Basharka aanay jirin labadaada waalid waxaan ahayn mooyee, ee hadii ay saas tahay oo ay ku jecelyihiin miyey kaa mutaan inaan ku adkaato ood maqliwaydo ama aad caaq ku noqoto.

Inaad u samo fasho waalidkaa kuma koobna kaliya markay nool yihiin ee waxaad u qaban kartaa hawlo badan oo wax u taraya markay dhintaan kadib, waxaana kamid ah:

  1. Danbi dhaaf inaad Ilaahay u waydiiso iyo inaad u ducayso: Sida Rasuulkeenu (N.N.K.H) uu inoo sheegay: wuuxna dhahay: إذا مات ابن آدم انقطع عمله إلا من ثلاث: صدقة جارية، وعلم ينتفع به، وولد صالح يدعو له”. [مسلم]. [Marka ibnu Aadamku geeriyoodo waxa dhamaada camalkiisii marka laga reebo sadex mooyee: waa sadaqada waarta, cilmi lagu nafciyo iyo wiil/gabadh wanaagsan oo u duceeya. Xadiis kalena wuxuu tilmaamaya: Ruuxa dhintay darajo ayaa sare loo qaada kolkaasbaa la dhahaa;xagay katimid rabiyoow darajadaasi? waxa la dhahaa: ubadkaagii ayaa kuu soo duceeyey.
  2. Inaad sadaqo ka bixiso, waxaana u daliila xadiiska nabiga ee ninkii u yimid nabiga ee dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow, hooyaday way dhimatay ee hadaan u sadqaysto waxa ma u taraysaa? wuxuu yidhi: Haa.

Waxaana laga wariyaa Cabdilaahi ibnu Cumar (I.R.H) inuu arkay nin reer baadiye ah kadibna wuxuu siiyey dameerkii uu watay iyo cimaamadii uu huwanaa markaasaa lagu dhahay; Ilaahay khayr haku siiyee waxaad siisay ninkan dameerkii aad saarnayd iyo cimaamadii aad kulayka iskaga dhigaysay wuxuuna dhahay: waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay oo leh samo falka waalidka waxa kamid ah inuu wiilku u samo falo ddka aabihii uu jeclaa, ninkana aabihii ayaa Cumar aad u jeclaa.