Ilaahay subxaanahu wa tacaala, wuxuu qoray in wax kasta oo dhulka dusheeda saaran ay dhamaanayaan oo ay dhimanayaan,  wuxuuna Allah leeyahay:

كُلُّ مَنْ عَلَيْهَا فَانٍ ﴿٢٦ وَيَبْقَىٰ وَجْهُ رَبِّكَ ذُو الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ ﴿٢٧

“Dhamaan waxa dhulka korkiisa ah way baabi’i (26) Waxaase baaqiya wajiga Rabbigaaga sharafta iyo waynaantaba (27)” Suuratu Arraxmaan.

Mar hadii Allah uu ku xukumay dhimasho wax kasta, waxa dhab ah in maalin kamida maalmaha la burburin doono Kacbada Sharafta leh oo ah qiblada Muslimiinta ayadoo waliba Allah kayeelay goobtaas meel aamin ah. Hadaba yaa burburinaya Kacbada? Qaabkeebaana loo burburinayaa?

Xilliga aakhiru zamaanka ee Dajaalku soo baxo sidoo kalena uu soo dago nabi Ciise (csw) ee ay muuqdaan calaamadihii Qayaamaha badankoodii wuxuu Allah oofsanayaa dhamaan arwaaxda dadka Mu’miniinta ah ee dhulka dushooda ku nool waxaana isugu soo hadhay Dhulka dadka ugu sharka badan Caalamiinta, waana ayaga kuwa ay ku dhacayso Saacada Qayaame.

Waxa dhulka Xabashida kasoo baxaya nin madow oo sifooyinkiisa nabigu (scw) sii sheegay, wuxuuna ninkaasi Kacbada u qaadqaadaya dhagdhagax iyo jaajuurjaajuur, waxaana magiciisa la dhahaa Dul Suweyqid oo macnahiisu yahay Luga yare. Waxay soo saareen labada sheekh Bukhaari iyo Muslim xadiiska Abuhurayrah:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ يُخَرِّبُ الْكَعْبَةَ ذُو السُّوَيْقَتَيْنِ مِنْ الْحَبَشَةِ

“Abuhurayrah waxa laga wariyey (I.R.H) inuu kasoo wariyey nabigu scw inuu dhahay: “Kacbada waxa burburinaya Lugayare kasoo jeeda Xabashida” [1]

Sidoo kale Imaam Axmed ibnu Xanbal wuxuu musnadkiisa kusoo saaray, xadiiska Cabdilaahi ibnu Camru:

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو قَالَسَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ يُخَرِّبُ الْكَعْبَةَ ذُو السُّوَيْقَتَيْنِ مِنْ الْحَبَشَةِ وَيَسْلُبُهَا حِلْيَتَهَا وَيُجَرِّدُهَا مِنْ كِسْوَتِهَا وَلَكَأَنِّي أَنْظُرُ إِلَيْهِ أُصَيْلِعَ أُفَيْدِعَ يَضْرِبُ عَلَيْهَا بِمِسْحَاتِهِ وَمِعْوَلِهِ

“Cabdullahi ibnu Camru waxa laga wariyey inuu dhahay: Waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Kacbada waxa burburinaya Dulsuweyqid (Lugo Yare) kasoo jeeda Xabashida, wuxuuna dhacayaa jawaahirteeda wuxuuna kasiibayaa hugeeda, waxaanad moodaa inaan arkayo isaga, wuxuu leeyahay bidaar, gacantiisa iyo lugihiisuna ay qalloocaan, wuxuuna ku garaacayaa Kacbada Manjarafadiisa iyo Mandariqiisa” [2]

Dhanka kale wuxuu Imaam Albukhaari soo saaray xadiiskii Ibnu Cabbas:

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ كَأَنِّي بِهِ أَسْوَدَ أَفْحَجَ يَقْلَعُهَا حَجَرًا حَجَرًا

“Ibnu Cabbaas (I.R.H) waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Waxaad moodaa inaan arko, waa Madowyahay, Qallaafo ama Dalbana waa leeyahay (waxa kala fog labadiisa bowdyood), wuxuuna u qaadqaadayaa Kacbada dhagaxdhagax” [3]

Hadii aynu soo koobno sifooyinka uu leeyhay ninkaas xabishiga ah waxay kala yihiin:

  • Wuxuu kasoo jeedaa Xabashida.
  • Adimo yaryar oo dhuuban ayuu leeyahay.
  • Bidaar ayuu leeyahay.
  • Lugihiisa iyo gacmihiisu way qalloocaan.
  • Midabkiisu waa Madow.
  • Wuxuu leeyahay dalbo oo labadiisa bowdyo ayaa kala fog.

Maxaa ka jira warka sheegaya in Madaxweynihii horee Maraykanku yahay ninkaas Lugoyare?

Waxa ku badan barah bulshadu ku xiriirto in Lugoyare yahay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, ayagoo ku tilmaamay inuu yahay nin lugo dheer dalbane leh, sidoo kalena uu kasoo jeedo qaarada Afrika.

Jawaabtuna waxay tahay in sifooyinka Lugoyare leeyahay aanu wada lahayn Obama, ta labaadna Lugoyare wuxuu soo baxayaa aakhiru zamaanka, waana xilli la oofsaday dhamaan Mu’miniinta kunool Dhulka, wuxuuna Nabigu sheegay (scw) inaan dib loo camiri doonin Masaajidka Xaramka marka la burburiyo kadib. [4]


[1] Bukhaari (1514 )

[2] Musnad Axmed (7013 )

[3] Bukhaari (1518)

[4] Musnad Axmed (8052 )