Tusmo

Waa kuma Mahdigu?

Waa maxay Macnaha Mahdigu?

Macnaha Mahdigu waa ruux Alle ku hanuuniyey jidka toosan, waxaana rumaysan imaanshihiisa Sunniga iyo Shiicadaba, hase ahaatee mahdiga Shiicadu ay sugayaan waa mid gabi ahaanba ka duwan ka kusoo arooray axaadiista saxiixa ah.

Sida caadiga ahna marka Rasuulka Alle (scw) ka warramao arrin qayb oo mustaqbalka dhacaysa waxa dadku u kala qaybsamaan dhawr qeybood, kuwo diida gabi ahaanba ayagoo beeninaya sunnada nabigii Ilaahay (scw), kuwo rumeeya wixii ka sugnaaday Rasuulkii Ilaahay (scw) iyo kuwo ku xadgudba oo wax aan jirin ku darsada.

Arrinta ku saabsan Mahdigana, waxa loo kala qaybsamay sadex qeybood: qolo aan aqoon iyo cilmi u lahayn diinta Alle wayba diiday gabi ahaantiisa ayagoo si cad oo qayaxan ubaal maray axaadiistii Rasuulka (scw) oo saxiixa, kuwo kalena way sugeen imaanshihiisa balse waxay ku dareen waxyaalo aan sal iyo raad ku lahayn diinta Ilaahay ayagoo u ekaysiiyey sida Masiixu dajjaalka Yahuudu sugayso, qoloda sadexaad oo ah Muslimiinta Ehlu sunnaha ahna ayaguna waxay raaceen axaadiistii ka sugnayd nabiga (scw) ayagoon waxna ku darayn waxna ka dhimaynin.

Qeexid:

Ugu horeyn aan ku bilowno qeexid kooban oo ku saabsan Mahdiga iyo ciduu yahay. Caqiidada Ehlu Sunnah waxa weeye in Mahdigu yaha calaamad kamid ah calaamadaha saacada Qayaame, kaas oo nabigii Ilaahay (scw) uu ka warramay.

Mahdiguna waa nin kamid ah ehelka baytka nabiga (scw) soona baxaya aakhiru zamaanka, wuxuuna Alle ku toosinayaa umada muslimiinta ah, dhulkana wuxuu ka talinayaa todoba ama sideed sanadood, isagoo dhulka ka buuxinaya cadaalad halka markii hore ay dhulka ka buuxda dulmi iyo gardarro, xilligaasna dadku waxay gaadhayaan barwaaqo aan hada kahor gaadin, dhulku wuxuu soo saarayaa beerihiisa, cirkuna wuxuu soo daynayaa roobkiisa.

Magaca Mahdinguna wuxuu lamid yahay magaca Rasuulkii Ilaahay (scw) waa Muxamed ama Axmed, aabihii magiciisuna wuxuu lamid yahay magaca nabi Muxamed aabihii ee Cabdullaahi, wuxuuna ku abtirsadaa Xasan ibnu Cali ibnu Abudaalib. Dhanka kale waxa soo aroortay sifooyin uu leeyahay oo ah inuu ninkaasi salxanyo leeyahay ama timaha hore ee madaxiisa ayaa dib u gurmay, sidoo kalena wuxuu leeyahay san dheer iyo sanqaroorka oo sare u taagan.  Waxaanan idiin soo gubinaynaa axaadiista saxiixa ah ee kusoo aroortay Mahdiga, sifooyinkiisa iyo xilliga uu soo baxayo.

Xadiiska 1 aad:

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: كيف أنتم إذا نزل ابن مريم وإمامكم منكم. 

Abuhurayra (I.R.H) waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) uu dhahay: “Kawarrama markuu soo dago Ciise ibnu Maryam iyo Imaamkiina oo jooga” Waxa soo saaray Bukhaari (3265 ) iyo Muslim (155)

Xadiiska 2 aad:

عن جابر رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: لا تزال طائفة من أمتي يقاتلون على الحق ظاهرين إلى يوم القيامة، قال: فينزل عيسى ابن مريم صلى الله عليه وسلم فيقول أميرهم: تعال صل لنا، فيقول: لا إن بعضكم على بعض أمراء، تكرمة لهذه الأمة. 

Jaabir (I.R.H) waxa laga wariyey inuu dhahay: Waxaan maqlay Rasuulkii Alle oo leh: “Kama suulayso koox kamid ah Umadaydu inay u diriraan xaqa ayagoo gacan sareynaya ilamaa maalinta Qayaame, wuxuu yidhi: waxa soo daga Ciise ibnu Maryama (scw) wuxuuna dhahayaa amiirkoodu (Muslimiinta amiirkooda) kaalay oo na tuji (salaada), wuxuu dhahayaa (Ciise): Maya, idinku badhkiinba badh ayaad amiir isu tihidiin, sharfid lagu sharfayo Umadan” Waxa soo saaray Muslim (156 )

Xadiiska 3 aad:

عن عبد الله قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا تذهب الدنيا حتى يملك العرب رجل من أهل بيتي يواطئ اسمه اسمي

Cabdilaahi Ibnu Mascuu (I.R.H) waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Aduunyadu tagi mayso (dhmaanmayso) illamaa uu Carabta ka xukumo nin kamida ehelka baytkayga (qoyskayga ah), kaasoo magiciisu uu lamid yahay magacayga” Waxa soo saaray Tirmadi (2230 ), Abudaawuud (4282 ) 

Xadiiska 4 aad:

عن أبي سعيد الخدري قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلمالمهدي مني أجلى الجبهة أقنى الأنف يملأ الأرض قسطا وعدلا كما ملئت جورا وظلما يملك سبع سنين

Abasaciid Alkhudriyy waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Mahdigu anigu igasoo jeeda (ehelka baytka), salxanyo ayuu leeyahay (timaha madaxiisa hore ayaa tagay walina bidaar ma gaadhin), wuuna san dheer yahay, wuxuu dhulka ka buuxinayaa cadaalad iyo hufnaan, halka (markii hore ) ay ka buuxday dulmi iyo xaqdarro, wuxuuna talinayaa todoba sanadood” Waxa soo saaray Abudawuud (4285 )

Xadiiska 5 aad:

عَنْ أُمِّ سَلَمَةَ قَالَتْ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ الْمَهْدِيُّ مِنْ عِتْرَتِي مِنْ وَلَدِ فَاطِمَةَ

Waxa Umu Salama laga wariyey inay tidhi: Waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Mahdigu waa Ubadkayga kana soo jeeda wiilka Faadima”  Waxa soo saaray Abudaawuud (4284 )

Kuwaasi waxay ahaayeen axaadiis saxiixa oo ka sugan Rasuulkii Ilaahay (scw), waxaana jira xadiisyo kale oo caafimaad qaba, ayaguna ka warrmaya Mahdiga si toosan ah ama si dadbanba.

Maxayse ku kala duwanyihiin Mahdiga Sunniga iyo Mahdiga Shiicadu? Maxayse iskaga mid kayihiin Mahdiga Shiicada iyo Masiixa Yahuudu?

 

Waxa jira farqi aad u wayn oo u dhexeeya Mahdiga Sunniga iyo Mahdiga Shiicada ay sugayso, farqigana waxa keenay Shiicada oo aan rumaysnayn sunnada nabiga (scw) taasoo sugan saxiixna ah, sababtuna waxa weeye asxaabta nabigii Ilaahay shiicada agtooda waa ka beenaalayaal, wayna gaalaysiiyeen wax yar mooyee, markaa sideebay u qaadanayaa war ay soo wariyeen saxaabadii Rasuulkii Ilaahay (scw), waxayna sunnadii nabiga (scw) ka tuureen dhabarkooda.

Shiicadu waxay kale oo caqiidadooda kamida ah waxa loo yaqaano imaamnimada, waxayna leeyihii kow iyo toban imaam, markii ninkii kow iyo tobnaad oo ahaa Xasan al Caskari dhintay ayey xayirmeen, sababtoo ah ninkaas Xasan Alcaskari kamuu tagin wax ubad ah, dabadeedna waxay sheegteen in Xasan Alcaskari dhalay wiil yar oo ku qarsoomay magaalada Saamuraa, isagoo wiilkaasi dhashay sanadkii 255 hijriyada, wuxuuna qarsoomay sanadkii 265 kii waxayna ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay Kun iyo laba boqol oo sanadood sugayaan wiilkaas, ayagoo sanadkasta u diyaariya fardihii soo qaadi lahaa, waxayna sheegteen inuu soo baxayo aakhiru zamaanka, isagoo uga aargudaya cadawgooda waa sida ay sheegteene, cadawgooduna waa saxaabadii nabiga (scw) sida Abubakar, Cumar, Cusmaan, Caasha, Xafsa iyo dhamaan saxaabadii Rasuulka marka laga reebo lix nin mooyee.

Mahdiga shiicadu sida ay sheegteen markuu soo baxo wuxuu ugu horeyn tagayaa qabriga Rasuulka (scw) isagoo soo fagaya qabriga Abubakar iyo Cumar kadibna intuu kasoo saaro ayuu isku tallaabta ku dilayaa, wuxuuna laynayaa cadawga Shiicada iyo Raafidada, wuxuu burburinayaa masaajidada, wuxuu wax ku xukumayaa shariicadii nabi Daawuud isagoo baal marayaa shariicadii nabi Muxamed (scw), waxay sheegteen Shiicadu in wiilkaasi markuu soo baxo uu isu keenayo Raafidada kadibna jidhka raafidadu weynaanayo ayagoo lamid noqonaya afartan nin awoodooda kadibna ay ku tumanayaan dadka.

Waxa cajiiba oo yaab leh in Mahdiga Shiicadu sugayso iyo Masiixul Dajjaalka ay Yahuudu sugayso ay leeyihiin sifooyin layaableh oo ay wadaagaan. Wuxuu dhahay Dr Cabdalle Jamiili ” Cida u fiirsata Masiixa ay Yahuudu sugayso iyo sifooyinka mahdiga ay Shiicad Raafidadu  sugayso, wuxuu helayaa isu ekaan ka dhaxaysa masiixa Yahuuda iyo sifooyinka mahdiga Raafidada, waxaynaan kusoo koobaynaa isu ekaantoodu kuwan soo socda”:

 

Ta Koowaad ee ay iska shabaana waxa weeye:

– Markuu yimaado Masiixa Yahuudu wuxuu isu keenayaa Yahuuda ku filiqsan Aduunyada, waxayna isugu imanayaan magaalada Qudus.

– Markuu soo baxao mahdiga Raafidaduna wuxuu isku keenaya Rafidiinta jooga Aduunka ayagoo isugu imanaya magaalada muqadaska u ah raafidada oo ah magaalada Kuufa.

 

Wuxuu dhahay Samu’al ibnu Yaxye Almaqrib oo dhintay sanadkii 570 hijriyada, isagoo ahaa Yahuudi qaatay Islaamka: “Waxay rumaysanyihiin sidoo kale (Yahuudu) cidan ay suagayaan markay timaado inuu isugu keenayo dhamaantood Qudus, ayna aasasayaan dawlad, caalamkuna uu madhnaandoono ayaga mooyee, geeridana uu ka celin doono mudo dheer” [1]

Dhanka kale waxa kusoo arooray Bixaar Al-anwaar (kutubta Shiicada): Waxa laga wariyey mowlihii aba -alxasan, wuxuu dhahay: waxaan waydiiyey Aba-alxasan aayadan ( أينما تكونوا يأت بكم الله جميعا) (Meel aad joogtaanba Alle wuu idin keeni dhamaantiin) wuxuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee, markuu istaago kaayagii istaagayey, wuxuu Alle isu keenaya Shiicadayada, baladkastab”[2]

 

Ta labaad ee ay iska shabaana waxa weeye:

 

– Markuu soo baxo Masiixa Yahuudu wuxuu noolaynayaa Yahuudii dhimatay, waxayna kasoo baxayaan qabriyadooda ayagoo caawinaya ciidanka masiixa Yahuuda.

– Markuu soo laabto mahdiga Raafidadu wuxuu noolaynayaa Raafidadiid dhimatay, ayagoo kasoo baxaya xabaalahooda kuna biiraya ciidanka mahdiga raafidada.

Wax kusoo arooray Kitaabka Yexesqeel (Baybalka Yahuuda) cutubka 37 aad faqrda 12 aad: “Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygow, bal eega, qabuurihiinnaan wada furi doonaa, oo qabuurihiinnaan idinka soo bixin doonaa, waxaanan idin keeni doonaa dalkii reer binu Israa’iil.”

Waxa kuso arooray Bixaar Al-anwaar (Kutubta Shiicada): “Markay gaadho xilligii uu kacayey, waxa da’aya roob bisha Jamaadu Al-aakhra iyo toban kamid Rajab, Roob aan hada kahor la arkin, markaasuu Alle kusoo noolaynayaa hilibka mu’miniinta iyo jidhkoodii ku jiray Qubuuraha, waxaad moodaa inaan arko, waa dhanka Juhayna, ayagoo timahooda ka masaxaya ciida”[3]

 

Ta sadexaas ee ay iska shabaana waxa weeye

– Marka Masiixa Yahuudu yimaado waxa lasoo saarayaa maydadkii danbiilayaasha si ay Yahuudu u daawato.

– Marka Mahdiga raafidadu yimaadana, waxa qubuuraha  lagasoo saaraya saxaabadii Rasuulkii Ilaahay (scw) waana la cadaabayaa.

Waxa lagu sheegay kitaabka Yoo’eel (Baybalka Yahuuda) cutubka 3 aad, faqrada 1,2 aad sidan: “1 Bal eeg, waayahaas iyo wakhtigaas, markaan soo celin doono maxaabiistii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalem,
ayaan quruumaha oo dhan soo wada ururin doonaa, oo wada keeni doonaa dooxada Yehooshaafaad, oo halkaasaan iyaga ugu xukumi doonaa dadkayga iyo dhaxalkayga oo dadka Israa’iil ah aawadood, waayo, quruumaha way ku kala dhex firdhiyeen, oo dhulkaygiina way qaybsadeen. “

Dhanka kale waxa kusoo aroortay kitaabka Bixaar Al-anwaar (Kutubta Shiicada) sidan: “Markaasuu mahdigu tagayaa magaalada awoowgay Rasuulkii Ilaahay (scw), wuxuu ku aroorayaa qabriga awoowgii (s.c.w.w) wuxuuna dhahayaa: Yaa kula jira Qabriga? Labadiisii saaxiib iyo labadii lagula aasay qabriga Abubakar iyo Cumar, markaasuu dhahayaa: Waa kuma Abubakar iyo Cumar! Oo side loogu aasay qabriga awoowgay Rasuulkii Ilaahay (s.c.w.w), maxay labadan la aasani u noqon waayeen kuwo kale! Wuxuu ku dhahayaa khalqiga sadex kadib: “kasoo saar qabrigooda, waa lasoo saarayaa aygoo aamusan oo faresh ah ayagoon isbadalin khalqigoodu, midabkooduna is badalin” [4]

 

Ta Afaraad ee ay iska shabahaan waxa weeye:

– Masiixa Yahuudu wuuxu xukumayaa cid kasta oo dulmiday Yahuuda, halka Mahdiga Raafidaduna uu xukumayo cid kasta oo dulmiada Raafidada.

Waxa kusoo arooray Bixaar Al-anwaar (Kutubta Shiicada): Aba Cabdilaah calyhi salaam waxa laga warieyey: “Markuu soo baxo kan taagani  uma dhexaynayso Carbta iyo Qureesh seef mooyee”[5]

 

Ta Shanaad ee ay iska shabahaana waxa weeye:

– Masiixiga Yahuudigu wuxuu dilayaa sadex meelood laba dalool caalamka, halka Mahdiga Raafidadu uu ka dilayo sadex meelood laba dalool isaguna.

Waxa kusoo arooray kitaabka Sekeriyaah (Baybalka Yahuuda) cutubka 13 aad faqrada 8 aad sida: “Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxay noqon doontaa in dalka oo dhan laba dalool baabba’do oo dhimato, laakiinse daloolka saddexaad wuu hadhi doonaa.”

Dhanka kale waxa ku yimid Bixaar Al-anwaar (Kutubta Shiicada) sidan: “Waxaan maqalnay Abacabdillaahi calayhi salaam oo leh: “Arrinku ma ahaanayo illamaa ay dhintaan sadex meelood laba meelood, markaasanu nidhi hadii laba meelood dhimato yaa hadhaya? Wuxuu dhahay: Raali miyeydaan ku ahayn daloolka baaqiga ah (intasoo hadhay)”[6]

 

Ta Lixaad ee ay iska shabahaana waxa weeye:

– Marka uu soo baxo Masiixiga Yahuudu ayaa jidhka Yahuuda  weynaanayaan ayadoo ninka dhererkiisu noqonayo 200 oo dhudhdun, sidoo kalena waxa dheeraanaya cimrigooda.

– Halka Shiicadana mahdigoodu markuu soo baxo waxa isbadalay jidhka Raafidada waxanu ninku helayaa awooda afartan nin, wuxuuna ku tumanayaa dadka, sidoo kalena Alle ayaa u dheeraynaya maqalkooda iyo aragtidoodaba.

Waxa kusoo arooray Talmuudka (Kutubta Yahuuda): “Xilligaas noloshu way dheeraanaysaa qarniyo, ilmuhuna wuxuu ku dhimanaya da’da boqolaad, dhererka ninkuna waxay noqonaysaa boqol dhudhdun”[7]

Dhanka kale waxa lagu sheegay Bixaar Al-anwaar (Kutubta Shiicada): Waxa laga wariyey Cali ibnu Alxasan calayhuma assalaam inuu yidhi: “Markuu istaago kaayaga istaagaya wuxuu Alle shiicadayada ka kaxaynayaa aafadii, wuxuuna qullubtooda kayeelaya sida xadiida, wuxuuna awooda ninka ka yeelaya awooda afartan nin, waxayna noqonayaan kuwa xukuma dhulka iyo hogaamiyayaal”[8]

 

Ta todobaad ee ay iska shabahaana waxa weeye:

– Xilliga Masiixa Yahuuda waxa badanaya khayraadka Yahuuda, waxayna buuruhu soo burqanayaan caano iyo malab, waxa dhulka lagu soo tuurayaa sabaayado (kimis) iyo maryo suuf ah.

– Halka xilliga Mahdiga Shiicadana waxa badanaya khayraadka Shiicada, waxaana Kuufa kasoo burqanaya laba wabiyood mid biyo ah iyo mid caano ah, oo ay cabayaan raafidadu.

Waxa kusoo arooray Yoo’eel (Kutubta Yahuuda) cutubka 3 aad, faqrada 18 aad sidan: “Oo wakhtigaas buuraha waxaa ka soo tifqi doona khamri macaan, oo Kurahana  (taagtaagyadana) caanaa ka soo shubmi doona, oo webiyaasha dalka Yahuudah oo dhammuna way durduri doonaan, oo guriga Rabbigana waxaa ka bixi doonta il biyo ah, wayna waraabin doontaa dooxada Shitiim.”[9]

Dhanka kale waxa kusoo arooray kitaabka Alkaafi (kutubta Shiidada ) in Abujacfar calayhisalaam dhahay: “Kan taagani markuu ka istaago Makkah ee uu doono inuu aado Kuufa wuxuu u yeedhayaa ka u dhawaaqa: hooy, midkiin yaanu cunto iyo cabitaan qaadanin, wuxuu xanbaaranayaa dhagixii Muuse ibnu Cimraan, isagoo culus, meel la dago kuma dagayo haduu ku dagaba waxa kasoo baxaya il uu leeyahay, kii gaajoonayeyna wuu dhargi, kii harraadanaana wuu cabayaa, waa kaas saadkoodii, illamaa ay ka dagaan Najaf oo ah dhabarka Kuufa”[10]

 

Ta Sideedaad ee ay iska shabahaana waxa weeye:

– Masiixiga Yahuudu wax jiro maaha, sidoo kale Mahdiga Raafidaduna waa lamid. Waxa kale oo ay iskamid ka yihiin marka Mahdiga Shiicadu soo baxdo ayuu Alle ugu yeedhayaa magiciisa oo luuqada Cibraaniga ah, waxaanu magaaloyinka ku furanayaa (Taabuutka) Sanduuqa Yahuuda, wuxuuna wax ku xukumayaa xukunkii nabi Daa’wuud.

Wuxuu dhahay Abucabdullahi calayhi salaam: ”Marka la ogolaado imaamka, wuxuu Alle ugu yeedhayaa magiciisa oo Cibraaniya”[11]

Sidoo kale Kulayni wuxuu kusoo saaray kitaabkii Alkaafi in imaamyada calayhimu salaam, markay soo ifbaxaan inay ku xukumayaa xukunkii Daa’uud iyo reer Daa’uud”[12]

Faalo:

Hadaba faalada aynu ka bixinaynaa waxay tahay, maxaa isu ekaysiiyey mahdigii Shiicadu sugaysay iyo Masiixu dajjaalka ay Yahuudu sugayso, waa cajiib, waa maxay calaaqada iyo xidhiidhka wayn ee qotoda dheer ee ka dhexeeya Yahuuda iyo Shiicada? Waa su’aalo muhiima oo ay mudanyihiin dadka Yahuuda ah iyo Shiicadu inay ka jawaabaan.

Dhanka kale mahdiga saxda ah ee nabigu ku sheegay axaadiista saxiixa ah waa nin caadiya oo lamid ah bani aadamka kale, kamana fadli badna saxaabadii Rasuulkii Ilaahay iyo salafkii umadan. Sidoo kale Muslimiintu ma sugayaan mahdi iyo sheekh kale toona, maxaa yeelay diinta Islaamka Ilaahay ayaa dhamaystiray, oo taam yeelay raalina uga noqday diin ahaan, cid danbe oo diintan wax kusoo daraysa ama wax ka reebaysaana majirto.

Sida ay tahay caqiidada Ehlu Sunnahna waxa weeye in Mahdigu yahay mid kamida calaamadaha saacada Qayaame uuna ku beeganyahay markuu soo baxo Dajjaal Cawarku, sidoo kalena sifooyinkiisa waxa qeexay nabigii Ilaahay,  si aan ku been sheegayaa u sheeganin inuu mahdi yahay, waxaana aad ugu badan caalamka Islaamka in ku kasta oo waswaas shaydaan hayaba uu iska sheegto mahdibaan ahay!! Waxaana ku filan beenaalayaashaas sifooyinii nabigu sheegay ma leeyahay, xilligii nabigu sheegay ee aakhiru zamaanka ahaa ma la gaadhay, masoo baxay Dajjaal Cawrkii u ahaa Yahuuda Masiixa ay rumaynayaan.

Ugu danbeyn:

Gababadii waxaynu leenahay kuwo beeniyey Mahdiga ee gabi ahaanba dafiray xadiisyada sugan ee nabiga (scw) inay arrimahooda u hogaamiyaan Ilaahay, caqliga ay adeegsanayaan aanu maalinta aakhiro ka saaraynin xisaabta Ilaahay maadaama ay dafireen oo inkireen sunnadii Rasuulkii Ilaahay scw.

Kuwa Shiicada Raafidiyada ah ee rumaysan khuraafaadka dhahay wiil aan jirinbaa dhashay oo iminka aanu sugaynay 1200 oo sanadood, waxaan leenahay khuraafaadka Yahuuda kasoo xiganaysaan diin idiinma noqonayso ee qaata xadiisyada saxiixa ah ee ka sugan Rasuulkii Ilaahay, isuguna dhiibay Ilaahay si dhamaystiran.

Kuwa Sunniyiinta ah ee ayagu rumaysan xadiisyada ka sugan Rasuulkeena (scw) waxaan leenahay ha liicina, hana u dabcin gaal iyo faasiq toona, hana isku halaynina mahdi ayaa imanaya ee nin kasta iskii ha ugu cibaadaysto Ilaahay, wixii awoodiisa ah ee uu qaban karayana ha qabto. Wallahu aclam, waa walaalkii Abdulaziz Mohamed Oogle, hana hilmaamina ducooyinka, jazakum Allah.

Xigasho:

Islamqa:


[1]  “بذل المجهود في إفحام اليهود” (ص/127) .

[2] بحار الأنوار” (52/291)

[3] بحار الأنوار ” (52/337)

[4] بحار الأنوار ” (53/12)

[5] بحار الأنوار ” (52/355)

[6] بحار الأنوار ” (52/113)

[7] انتهى نقلا عن ظفر الإسلام خان ، التلمود تاريخه وتعاليمه ، ص60 .

[8] بحار الأنوار ” (52/317)

[9] Yoo’eel, cutubka 3aad faqrada 18 aad.

[10]  ” الكافي ” للكليني (1/341)

[11] الغيبة ” للنعماني

[12]  الكافي ” للكليني (1/588)