Tusmo

Tafsiirka suuratu Zulzilat:

Suuratu Zulzilat waa suurada 99 aad ee Quraanka, waxayna kusoo dagtay magaalada Makkah, waxyna ka koobantahay 8 aayadood, 39 kalmadood iyo 156 xuruufood. Suuradan waxa la soo arooriyaaa in akhrinteedu u dhiganto quraanka kala badha, ama afar dalool marka Quraanka loo qaybiyo doolkeed oo ah rubuc.

Suurada Zulzilat waxay ka waramaysaa dhacdooyinka waaweyn ee Qayaamaha iyo calaamadaha saacada Qayaame, sidoo kalena waxay si kooban usheegtay in ficilkasta iyo qawlkasta oo bani aadamku la yimaado in laga xisaabinayo, ama khayr ha ahaado ama sharba ha ahaadee.

Fasirka Macnaha aayadaha Suurada:

ุฅูุฐูŽุง ุฒูู„ู’ุฒูู„ูŽุชู ุงู„ู’ุฃูŽุฑู’ุถู ุฒูู„ู’ุฒูŽุงู„ูŽู‡ูŽุงย ๏ดฟูก๏ดพ

“Idaa Zulzilatil ardu zilzaalahaa”

Idaa Zulzilatil ardu zilzaalahaa: Marka ay gariirto dhulku dhulgariirkeeda.

ูˆูŽุฃูŽุฎู’ุฑูŽุฌูŽุชู ุงู„ู’ุฃูŽุฑู’ุถู ุฃูŽุซู’ู‚ูŽุงู„ูŽู‡ูŽุงย ๏ดฟูข๏ดพ

“Wa akhrajatil ardu athqaalahaa”

Wa akhrajatil ardu athqaalahaa: Oo dhulkuna soo saaro culaysyadeeda (Dhulku soo bixiyo maydadkii lagu aasayey quruumo badan).

ูˆูŽู‚ูŽุงู„ูŽ ุงู„ู’ุฅูู†ุณูŽุงู†ู ู…ูŽุง ู„ูŽู‡ูŽุงย ๏ดฟูฃ๏ดพ

“Wa qaala al’insaanu maalahaa”

Wa qaala al’insaanu maalahaa: Oo uu dhaho Insaankuna maxaa ka siya! (Inaasnku isagoo argagaxsan ayuu dhihi maxaa asiibay Dhulkii?)

ูŠูŽูˆู’ู…ูŽุฆูุฐู ุชูุญูŽุฏูู‘ุซู ุฃูŽุฎู’ุจูŽุงุฑูŽู‡ูŽุงย ๏ดฟูค๏ดพ

“Yama’idin tuxaddithu akhbaarahaa”

Yama’idin tuxaddithu akhbaarahaa: Maalintaa ayey ka waramaysaa warkeedii (Dhulku wuxuu markhaati ka yahay camalada qofku la yimaado mid xun iyo mid wanaagsanba, waxayna ka warramaysaa camaladii bani aadamku korkeeda ku samayn jiray)

ุจูุฃูŽู†ู‘ูŽ ุฑูŽุจู‘ูŽูƒูŽ ุฃูŽูˆู’ุญูŽู‰ูฐ ู„ูŽู‡ูŽุงย ๏ดฟูฅ๏ดพ

“Bi anna rabbaka awxaa lahaa”

Bi anna rabbaka awxaa lahaa: Maxaa yeelay Rabbigaa ayaa amraya (Oo u ogolaanaya inay markhaati noqoto).

ูŠูŽูˆู’ู…ูŽุฆูุฐู ูŠูŽุตู’ุฏูุฑู ุงู„ู†ู‘ูŽุงุณู ุฃูŽุดู’ุชูŽุงุชู‹ุง ู„ูู‘ูŠูุฑูŽูˆู’ุง ุฃูŽุนู’ู…ูŽุงู„ูŽู‡ูู…ู’ย ๏ดฟูฆ๏ดพ

“Yawma’idin yasduru annaasu ashtaata liyuraw acmaalahum”

Yawma’idin yasduru annaasu ashtaata liyuraw acmaalahum: Maalintaa waxay dadku laaban (ka noqonayaan meesha la isku xisaabayo) ayagoo kooxo ah, si loo tusiyo camalkoodii. (Maalintaas dadku waxay noqonayaan laba kooxood oo kala duwan, koox ehelka Jannada ah iyo koox ehelka naarta ah).

ููŽู…ูŽู† ูŠูŽุนู’ู…ูŽู„ู’ ู…ูุซู’ู‚ูŽุงู„ูŽ ุฐูŽุฑู‘ูŽุฉู ุฎูŽูŠู’ุฑู‹ุง ูŠูŽุฑูŽู‡ูย ๏ดฟูง๏ดพ

“Faman yacmal mithqaala darratin khayran yarah”

Faman yacmal mithqaala darratin khayran yarah: Qofkii shaqaysta wax la eeg darro (Atom ama walaxda ugu yar) oo khayr ah wuu arki.

ูˆูŽู…ูŽู† ูŠูŽุนู’ู…ูŽู„ู’ ู…ูุซู’ู‚ูŽุงู„ูŽ ุฐูŽุฑู‘ูŽุฉู ุดูŽุฑู‘ู‹ุง ูŠูŽุฑูŽู‡ูย ๏ดฟูจ๏ดพ

“Wa man yacmal mithqaala darrtin sharran yarah”

Wa man yacmal mithqaala darrtin sharran yarah: Qofkii shaqaysta wax la eeg darro (Walaxda ugu yar) oo shar ahna wuu arki.