Tusmo

Tafsiirka Suurada Alnaas

Suuratu Alnaas, waa suurada 114 aad ee Qaraanka Kariimka, waxay kusoo dagtay magaalada Madiina, waxayna ka koobantahay 6 aayadood, 20 kalimadood iyo 80 xruuf. Suuradan waxay mataan la tahay suurada Alfalaq, waxaana lagaga magan galaa Ilaahay sharka waswaaska shayaadiinta Jinka iyo Insaankaba

قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ النَّاسِ ﴿١﴾

”Qul Acuudu  birabbi An-naasi”

Qul Acuudu: Waxaad dhahdaa Nbigii Ilaahayow, waxaan magan galayaa oo difaac waydiisanayaa

Bi rabbi Annaas: Rabbiga barbaariyey ee abuuray Dadka sidoo kalena xukuma makhluuqaadkiisa ee iska leh kaligii awooda inuu difaaco oo uu nabadgaliyo Dadka.

Macnaha guud ee aayada:

Waxaad dhahdaa Nabiyow waxaan magangalayaa Rabbiga Dadka.

مَلِكِ النَّاسِ ﴿٢﴾

“Maliki Annaas”

Maliki Annaas: Boqorka Dadka ee arrimahooda maamula, sidoo kalena ka deeqtoon ayaga. Dabcan Ilaahay isagaa boqor u ah Dadka, Jinka iyo dhamaan makhluuqaadka kaleba balse halkan sababta uu Alle usoo qaatay inuu Boqor u yahay dadku waxa weeye inuu ogaysiiyo in dadka wayneeya boqoradooda ama madaxdooda uaweyneeya sida Mu’minintu ay u wayneyso Rabbigood inuu Alle iska leeyahay mulkigooda, iyo inay ku guda jiraan awoodiisa sidoo kalena Alle uu kaligii mudanyahay inay wayneeyaan oo caabudaan.

Macnaha guud ee aayada:

Boqorka iyo hantaha Dadka.

 

إِلَـٰهِ النَّاسِ ﴿٣﴾

”Ilaahi annaas”

Ilaahi annaas: Ilaaha Dadka, waa Ilaahaa kaligii lagu caabudo xaqa, ee cid ku wahelisa cibaadadiisa iyo sifooyinkiisa aanay jirin.

Sadexda aayadoodba waxay ka warrameen sifooyinka Ilaahay, inuu yahay Rabbiga wax abuura ee maamula makhluuqiisa, sidoo kalena ah Rabbiga kaligii xaqa lagu caabudo. Sidaa darteed ayuu Alle farayaa Mu’miniintu inay magan galaan Allaha ku sifaysan sifooyinkaas, kana magan galaan wixii shar leh sharkiisa.

Macnaha guud ee aayada:

Ilaaha Dadka.

مِن شَرِّ الْوَسْوَاسِ الْخَنَّاسِ ﴿٤﴾

”Min Sharri Alwaswaasi Al khannaas”

Min Sharri Alwaswaas: Sharka waawaasiyaha, waana shaydaanka qareenka ku ah bani aadaamka.

Al-khannaas: Qarsoon, damaya. Khannas waa sifo uu leeyahay shaydaankaasi, waa mid marna dadka wawaasinaya, marna qarsoomaya oo damaya.

Macnaha guud ee aayada:

Waxaan ka magan galayaa sharka waswaasiyaha qarsooma.

الَّذِي يُوَسْوِسُ فِي صُدُورِ النَّاسِ ﴿٥﴾

”Alladii yuwaswisu fii suduuri Annaas”

Alladii yuwaswisu fii suduuri annaas: Kaasoo waswaasinaya laabaha dadka dhexdooda. Laabaha dhexdoodu waa qalbiga dadka, halkaas ayuu waswaasinaya marka bani aadamku aanu xusin Ilaahay, haduu xuso oo llaaha dikrigiisa badiyo, waxa qarsoomaya oo damaya shaydaankii waswaasinayey qalbiga.

Macnaha guud ee aayada:

Kaasoo waswaasinaya laabaha dhexdooda ama qalbiyada

مِنَ الْجِنَّةِ وَالنَّاسِ ﴿٦﴾

”Min Aljinnati wa annaas”

Mina Aljinnati wa annaas: kuwaas oo ah shayaadiinta Jinka iyo insiga waswaasiya quluubta Dadka.

Macnaha guud ee aayada:

Kuwa wax waaswaasinaya oo kala ah shayaadiinta Jinka iyo Insigaba.

Suuradan Fadligeeda iyo waxyaalaha loo akhristo waxaynu ku sheegi doonaa fasirka suurada ay mataanaha yihiin ee Al-falaq, waana laba suuradood oo Ilaahay lagaga magangalo sharka iyo balaayooyinka dhamaantod.

Suuradan waxa Ilaahay lagaga magan galaa shayaadiinta Jinka iyo Insigaba ah ee waswaasiya quluubta bani aadamka. Shaydaankuna wuxuu dhex socon karaa xidida dhiiga bani aadamka.

Waxay laba sheekh soo arooriyeen qisadii ay Saffiya bntu Xuyyay ibnu Al-akhdab ay kusoo booqatay Rasuulka isagoo ku ictikaafaya Masaajidka, kadibna Rasuulku wuu sii raacay isagoo doonaya inuu sii gaadhsiiyo gurigeedii, waxaana ka hor yimid laba nin oo reer Ansaar ah markay arkeen nabiga iyo haweenaydiina waxay dhaheen ina dadaji, markaasuu dhahay Rasuulku (scw): ”Ukaadiya,Ayadu waa Safyo bintu Xuyayy” Maraaksay dhaheen Subxaana Allah, Rasuulkii Ilaahayoow. Kolkaasbuu dhahay Rasuulku (scw): ”Shaydaanku wuxuu dhex socdaa xidida dhiiga ee bani aadamka, waxaana ka cabsaday inuu wax idinku soo tuuro, ama shar ah”[1]

Siaas darteed Shaydaanka qareenkaaga ah wuxuu dhex socdaa xidida dhiigaaga iyo halbawlayaasha dhiiga geeya quluubta, lagumana arki karo isha qaawan ee bani aadamka sababtoo ah Shaydaanka asalkiisa wuxuu ka abuuranyahay holaca ama carrabada dabka, taasoo u suurto galinaysa inuu gali karo meel kasta oo aan Ilaahay lagu xusaynin.

Shaydaankaasi hadaba wuxuu isku dayayaa inuu qalbigaaga kusoo tuuro waswaas ama hadal xanshaashaqa oo isugu jira xumaan, diin xumo, iyo faaxishooyin. Waxyaalaha shaydaanku ku farayo hadaanad ku dhaqmin sidoo kalena aad Ilaahay xusto wuu damayaa ama qarsoomayaa shaydaanku, waanad ka adkaanaysaa inshallah.


[1] Saxiix Albukhaari (6291)