Tusmo

Tafsiirka Suuratu Alqadri:

Suuradan waa suurad wayn oo kawaramaysa fadliga uu leeyahay habeenka laylatul qadriga ee Ilaahay qadaro maqaadiirtiisa sanadkiiba hal mar, waxay kaloo tilmaamaysaa in Ilaahay soo dajiyey Quraanka wayn isagoo dhamaystiran habeenkan khayrka badan. Suuradan waxay kusoo dagtay magaalada Makkah, waa suurad ka kooban 5 aayadood oo kaliya, 32 kalimadood iyo 112 xuruufood.

Fasirka Macnaha aayadaha Suurada

ุฅูู†ู‘ูŽุง ุฃูŽู†ุฒูŽู„ู’ู†ูŽุงู‡ู ูููŠ ู„ูŽูŠู’ู„ูŽุฉู ุงู„ู’ู‚ูŽุฏู’ุฑูย ๏ดฟูก๏ดพ

“Inna anzalnaahu fii laylatilqadri”

Inna anzalnaahu fii laylatilqadri: Annagaa soo dajinay (Quraanka ) habeenka laylatulqadriga dhexdiisa. (Ilaahay ayaa Quraanka oo damaystiran kasoo dajiyey looxulmaxfuudka, kadibna keenay samada 1 aad ee Aduunka, guriga loo yaqaano Bayt Alcizz, halkaasbaana Malaku Jibriil uu kasoo qaadi jiray Quraanka marba qeyb kamid ah isagoo u waxyoonayey nabi Muxamed mudo gaadhaysa 23 sanadood).

ูˆูŽู…ูŽุง ุฃูŽุฏู’ุฑูŽุงูƒูŽ ู…ูŽุง ู„ูŽูŠู’ู„ูŽุฉู ุงู„ู’ู‚ูŽุฏู’ุฑูย ๏ดฟูข๏ดพ

“Wamaa adraaka maa laylatul qadri”

Wamaa adraaka maa laylatul qadri: Maxaa ku ogaysiiyey Rasuulkii Ilaahayow habeenka Laylatu qadriga.

ู„ูŽูŠู’ู„ูŽุฉู ุงู„ู’ู‚ูŽุฏู’ุฑู ุฎูŽูŠู’ุฑูŒ ู…ูู‘ู†ู’ ุฃูŽู„ู’ูู ุดูŽู‡ู’ุฑูย ๏ดฟูฃ๏ดพ

“Laylatulqadri kharun min alfishahri:

Laylatulqadri kharun min alfishahri: Habeenka Laylatulqadrigu wuxuu ka khayr badanyahay kun bilood. (mudo u dhiganta 83 sanadood iyo sadex bilood oo aanu lalatulqadri kale ku dhex jirin).

ุชูŽู†ูŽุฒู‘ูŽู„ู ุงู„ู’ู…ูŽู„ูŽุงุฆููƒูŽุฉู ูˆูŽุงู„ุฑู‘ููˆุญู ูููŠู‡ูŽุง ุจูุฅูุฐู’ู†ู ุฑูŽุจูู‘ู‡ูู… ู…ูู‘ู† ูƒูู„ูู‘ ุฃูŽู…ู’ุฑูย ๏ดฟูค๏ดพ

“Tanazzalu almalaa’ikatu warruxu fiihaa bi’idni rabbihim min kulli amri”

Waxa soo daga (habeenkaas) dhexdiisa Malaa’ikta iyo Jibriil idanka (ogolaanshaha) Rabbigood awgeed, amarkiisa (Waxyaalihii Ilaahay go’aamiyey sanadkaas).

ุณูŽู„ูŽุงู…ูŒ ู‡ููŠูŽ ุญูŽุชู‘ูŽู‰ูฐ ู…ูŽุทู’ู„ูŽุนู ุงู„ู’ููŽุฌู’ุฑูย ๏ดฟูฅ๏ดพ

“Salaamun hiya xattaa madlacil fajri”

Salaamun hiya xattaa madlacil fajri: Waa nabadgalo ayadu (habeenkaasi) illamaa waagu kasoo baxo.