Tusmo

Tafsiirka Suuratu Alcasri

Suuratu Alasri waa suurad kusoo dagtay magaalada Makkah, waanas suurad ka kooban 3 aayadood, 18 kalimadood iyo 70 xuruuf. Suuradan waxay kamid tahay suuradaha ugu yaryar ee Quraanka, waana suurad koobsanaysaa tiirarka Diinta Islaamka oo dhan, sidaa awgeed ayuu Imaamu Shaafici wuxuu dhahay: “Hadii dadku ay dhuuxi lahaayeen Suuradan yar way ku filnaanlahayd”.

Fasirka macnaha Suurada

ูˆูŽุงู„ู’ุนูŽุตู’ุฑูย ๏ดฟูก๏ดพ

“Wal Casri”

Wal Casri: waxaan ku dhaartay waqtiga iyo Zamanka

Macanaha guud ee aayada: Ilaahay wuxuu ku dhaartay Zamanka oo kamid ah makhluuqaadkiisa, Ilaahayn wuxuu ku dhaaran karaa cidii uu doono oo makhluuqaadkiisa kamida ama wuxuu ku dhaartaa naftiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisaba.

ุฅูู†ู‘ูŽ ุงู„ู’ุฅูู†ุณูŽุงู†ูŽ ู„ูŽูููŠ ุฎูุณู’ุฑูย ๏ดฟูข๏ดพ

“Innal insaana lafii khusrin”

Innal insaana lafii khusrin: Dhab ahaantii Insaanku wuxuu ku suganyahay khasaare.

Macnaha guud ee aayada: Ilaahay wuxuu ku dhaartay Zamnka ama waqtiga isagoo adkaynaya in Insaanku gabi ahaantii ku suganyahay halaag iyo baaba’, marka laga reebo koox kaliya mooyee.

ุฅูู„ู‘ูŽุง ุงู„ู‘ูŽุฐููŠู†ูŽ ุขู…ูŽู†ููˆุง ูˆูŽุนูŽู…ูู„ููˆุง ุงู„ุตู‘ูŽุงู„ูุญูŽุงุชู ูˆูŽุชูŽูˆูŽุงุตูŽูˆู’ุง ุจูุงู„ู’ุญูŽู‚ูู‘ ูˆูŽุชูŽูˆูŽุงุตูŽูˆู’ุง ุจูุงู„ุตู‘ูŽุจู’ุฑูย ๏ดฟูฃ๏ดพ

“Illaa alladiina aamanuu wa camilu ass-saalixaati wa tawaasaw bilxaqqi wa tawaasaw bissabri”

Illaa alladiina aamanuu wa camilu ass-saalixaati wa tawaasaw bilxaqqi wa tawaasaw bissabri: Marka laga reebo kuwa iimaanka laga helay ee camal saalixana layimid isuna dardaarmay xaqa isuna dardaarmay samirka.

Macnaha guud ee aayada: Ilaahay wuxuu dadkii khasaaray kasoo reebay kuwa iimaanka laga helay ee rumeeyey Ilaahay kalinimadiisa, Malaa’iktiisa, Kutubtiisa, Rusushiisa, Maalinta Qayaame iyo Qadarka kiisa khayrka leh iyo kiisa sharka lehba. Sidoo kalena layimaada camalka wanaagsan ee Ilaahay uu faray, isuna dardaarma Xaqa oo wanaaga is fara xumaantana iska reeba, sidoo kalena isu dardaarma samirka iyo adkaysiga, inay ku samraan daacada iyo camalka wanaagsan, inay ka sabraan macsida iyo inay ku samraan dhibka iyo musiibooyinka lasoo darsa.