Tafsiirka Suuratu Alcalaq Qeybta 1 aad.

Sababtii ay kusoo dagtay:

Suuratu Alcalaq waa suuradii ugu horeysay ee kusoo dagta nabi Muxamed (scw) isagoo jooga godkii Qaarul Xiraa ee magaalada Makkah, waxa u yimid Malaku Jibriil oo ciijiyey kadibna ku dhahay Akhri, isaguna wuxuu dhahay: “Anigu waxba ma akhriyo” markuu sadex jeer ku celceliyey malaku Jibriil ayuu ku dul akhriyey shanta aayadood ee ugu horeeya Suuradan. Kadibna nabigu waa baxay isagoo argagaxsan wuxuuna u tagay xaaskiisii Khadiija oo uu ku dhahay: “Idada, idada” waana la daday, markii cabsidii ka tagtay nabiga (scw) ayuu warkii u sheegay Khadiija, markaasay ayadiina tidhi: “Ilaahbaan ku dhaartee Ilaahay waligaa kuma hoojinayaa, sababtoo ah martidaad wanaajisaa, dadkana waad u gargaartaa.. waxay tirisay sifooyinkii nabiga kadibna waxay u gaysay inaadeerkeed oo ahaa oday waayeela oo la dhahao Warqa ibnu Noofal, odaygaasina wuxuu u sheegay Rasuulka in cidii utimid ay ahayd Malaku Jibriil oo ahaa malakii kusoo dagay nabi Muuse (csw).

Suuradan waxay kusoo dagtay magaalada Makkah, waxayna ka koobantahay 19 aayadood, 76 kalimadood iyo 281 xuruufood.

Fasirka aayadaha suuradan:

اقْرَأْ بِاسْمِ رَبِّكَ الَّذِي خَلَقَ ﴿١

“Iqra’ bismi rabbika alladii khalq”

Waxaad ku akhridaa magaca rabbigaaga wax abuuray. (Wax abuuray waxa looga jeedaa dhammaan makhluuqaadkiisa oo dhan)

خَلَقَ الْإِنسَانَ مِنْ عَلَقٍ ﴿٢

“Khalaqa al’insaana min calaq”

Kana abuuray Insaanka Calaqo (Calaqo sadex macne ayey leedahay, ta koowaad waa xinjir dhiig ah. ta labaadna waa shay soo laalada, ta sadexaadna waa xayawaan dhiiga nuugo, sadexda macneba waxa maanta cadeeyey inay ku saxasantahay culumada sayniska, ugu horeyn xaalada Calaqada markuu ilmuhu marayo waa mid la moodo xinjir dhiig ah,, sidoo kalena wuxuu ilmuhu kasoo laalaada ilmogaleenka hooyada, sidoo kalena wuxuu u shaqeeyaa ilmuhu xilligaas sida xayawaanka dhiiga nuuga ee uu eeh hangararaaca)

اقْرَأْ وَرَبُّكَ الْأَكْرَمُ ﴿٣

“Iqra’ wa Rabbuka al akram”

Akhri Rabbigaana waa kan deeqsinimadiisu wayntahaye (Iqra’ada labaad waxay tilmaamaysaa, maadama markii hore uu ku akhriyey magaca Rabbigii, inuu nabi Muxamed (scw) isagoon aqoonin qoraalka iyo akhrinta toona hadan inuu wax akhrinayo, sababtoo ah Ilaahay ayaa deeqsinimadiisu wayntahay, waana mucjisooyinka nabiga (scw) inuu akhrinayo Quraanka isagoon waxna qorin waxna akhriyin.)

الَّذِي عَلَّمَ بِالْقَلَمِ ﴿٤

“Alladii callama bilqalam”

Kaasoo baray (Dadka) Qalinka. (Qalinku waa astaanta cilmiga iyo aqoonta, sidaas awgeed Ilaahay aayadii ugu horeysay ee Quraanba soo dagta wuxuu dadka faray inay wax akhriyaan iyo inay qalinka wax ku qoraan, sidaas awgeed Islaamku waa diinta cilmiga iyo aqoonta)

عَلَّمَ الْإِنسَانَ مَا لَمْ يَعْلَمْ ﴿٥

“Callama al’insaana maa lam yaclam”

Allahaas oo baray dadka wax aanay aqoonin. (Masdarka cilmigu wuxuu u laabanayaa Ilaahay, oo baray nabi Aadam (scw) cilmiga iyo magacyo dhamaantood, dabadeedna uu Ilaahay soo dajiyey nabi Aadam oo cilmi leh, maaha sida gaaladu ay tidhaahdo in dadku ay ahaayeen jaahiliin oo marba ay wax barteen, ee Ilaahay cilmiga wuxuu baray nabi Aadam oo isaguna ubadkiisa ayuu usii gudbiyey, kaidbna qof walba dheef ayuu ku yeeshay)

La Soco Qeybta labaad: