Tusmo

Tafsiirka Suuratu Alcalaq, qeybtii 2 aad:

Sababta ay kusoo dagtay:

Qeybta labaad sababta ay kusoo dagtay waxa weeye ninka la dhaho Abujahal ayaa ku dhaartay inuu nabi Muxamed (scw) uu kaga istaagi doono madaxiisa markuu sujuudo, markuu soo dhaqaaqay isagoo raba inuu ku istaago ayuu gacmaha sare u qaaday oo dib u cararay isagoo cabsanaya, markaasuu dhahay: waxaan arkay god wayn iyo baalal, kolkii rasuulka la waydiiyeyna wuxuu dhahay: kaasi wuxuu ahaa Jibriil oo haduu soo qaadi lahaa Abujahal hal talaabo, malaa’ikta ayaa xubin xubin u qaadi lahayd.

Fasirka macnaha aayadaha Suuradan:

كَلَّا إِنَّ الْإِنسَانَ لَيَطْغَىٰ ﴿٦

“Kalla inna alinsaana la yadqaa”

Saas maahee xaqiiqdu waxay tahay insaanku wuu kibrayaa.

أَن رَّآهُ اسْتَغْنَىٰ ﴿٧

“Arra ‘aahu istaqnaa”

Markuu isu arko inuu kaaftoomay (Markuu insaanku isu arko inuu xoolo iyo ubad haysto wuu kibraa isagoo sanka taagaya,)

إِنَّ إِلَىٰ رَبِّكَ الرُّجْعَىٰ ﴿٨

“Inna ilaa rabbika arrujcaa”

Xaga Rabbigaa ayaa loo noqon (Kii kibray ee diiday diinta Ilaahay wuxuu ulaabanayaa Rabbigii oo kala xisaabtamaya kibirikiisii).

أَرَأَيْتَ الَّذِي يَنْهَىٰ ﴿٩

“Ara ‘ayta alladii yanhaa”

Ma aragtay (ma ogtahay) kii diiday. (ka wax diiday waa Abujahal)

عَبْدًا إِذَا صَلَّىٰ﴿١٠

“Cabdan idaa sallaa”

Adoon markuu tukaday (Abujahal ayaa nabiga u diiday inuu ku tukadi masaajidka Xaramka, isagoo ku doodayey inuu kaga dad badanyahay Rasuulka)

أَرَأَيْتَ إِن كَانَ عَلَى الْهُدَىٰ ﴿١١

“Ara’ayta inkaana calaa alhudaa”

Kawaran (Abujahalow) haduu kusuganyahay Rasuulku hanuunka korkiisa.

أَوْ أَمَرَ بِالتَّقْوَىٰ ﴿١٢

“Aw amara bittaqwaa”

Ama uu fari Alle ka cabsi (Kawaran Abujahalow ninkan aad salaada u diidayso miyaanu ku sugnayn hanuun korkiis, oo dadkana farayn Alle ka cabsiga, ileyn hadii cid wax loo diidayo xumaanta ayaa loo diidaayey ee ma wanaaga iyo salaada ayaa loo diida muslimiinta)

أَرَأَيْتَ إِن كَذَّبَ وَتَوَلَّىٰ ﴿١٣

“Ara’ ayta in kaddaba watwallaa”

Balse kawaran (Rasuulkii Ilaahayow hadii kii wax reebayey isagii) uu beeniyey oo ka jeestay (xaq).

أَلَمْ يَعْلَم بِأَنَّ اللَّـهَ يَرَىٰ ﴿١٤

“Alam yaclam bi annaAllaha yaraa”

Miyaanu ogayn inuu Ilaahay arkayo (Miyaanu ogayn in Ilaahay u jeedo ficilada Abujahal oo uu Ilaahayna kala xisaabtami doono)

كَلَّا لَئِن لَّمْ يَنتَهِ لَنَسْفَعًا بِالنَّاصِيَةِ ﴿١٥

“Kallaa la inlam yantahi lanasfacam binnaasiyah”

Saasmaahe (xaqiiqdu waxay tahay) haduuna joojin waxaan qabanaynaa dhafoorka (Dhafoorku waa fooda hore ee madaxa oo lo qabanayo si xoogan)

نَاصِيَةٍ كَاذِبَةٍ خَاطِئَةٍ ﴿١٦

“Naasiyatin kaadibatin khaadi’a”

Waana dhafoor beenaale ah oo gafsan. (Dhafoorka oo ah fooda hore ee madaxa ayuu beenta ka sheegaa, waxaanu maanta saynisyahanadu cadeeyeen in qaybta hore ee Madaxa ay dadku ka alifaan beenta)

فَلْيَدْعُ نَادِيَهُ ﴿١٧

“Falyadcu naadiyah”

Ha u yeedho naadigiisa (Ha u yeedho bal gaalkii Abujahal kooxdiisii)

سَنَدْعُ الزَّبَانِيَةَ ﴿١٨

“Sanadcu azzabaaniyah”

Waxaan u yeedhaynaa Zabaaniyada (Zabaaniya waa malaa’ikta cadaabka)

كَلَّا لَا تُطِعْهُ وَاسْجُدْ وَاقْتَرِب ۩ ﴿١٩

“Kallaa laa tudichu wasjud waqtarib”

Saasmaahee (xaqiiqdu waxay tahay) ha adeecin ee sujuud oo dhowow (Rasuulkii Ilaahayow ha adeecin gaalada ee tuko oo Ilaahay ugu dhowow sujuuda)